Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo berri safar u ah dal Carbeed xilli Xamar uu kusoo laabtay maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu berri safar ugu baxo magaalada Doha ee dalka Qatar, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Safarkan ayaa la sheegay inuu daba socodo laba safar oo hore oo madaxweynaha uu ku tegay dalka Qatar oo saaxib dhow la ah dowladda.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa madaxda dalkaas kala hadli doona xiriirka labada dal, iyo fulinta mashaariic iyo barnaamijyo ay horey ugu heshiiyeen labada dal, kuwaas oo lagu caawinaya Soomaaliya.

Safarkan ayaa imanaya, ayada oo uu madaxweynaha isla maanta uu dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Shirka Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub ee sannadkan waxa lagu lafo-guray arrimaha ay wadaagaan labada dhinac iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka tahriibka, xasilooni darrada iyo isbeddelka cimilada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this