Sign in to follow this  
Caano_Geel

Burco Oo Laga dhisayo Warshad $6 Million ah.

Recommended Posts

c5ld2g0c5l8jyv5fbtpi.jpg

 

BURCO oo noqotay magaaladii Warshadaha wax soo saarka+SAWiro

 

wasiirka wasaaradaha warshadaha jamhuuriyada Somali land ayaaa manta sirasmiya udhax dhigay dhisma ay yeelan doonto warshda hilibka oo ku soo biirtay warshadaha magaalada burco

 

munaasibad loogu talagalay dhagax dhiga warshdan oo noqon doonto warshadii labaad ee qaliinka xoolaha ee laga hirgaliyo magaalada burco ayaa waxa laga taagay bogcad 7km dinaca waqooyi kaga began magaalda burco taas oo ay dhagax dhigeeda kaqayb galeen wasiiro madaxda maamulka gobalka wakiilka Somaliland uu fadhiya wadanka malysiya ganacsato iyo waliba ganacsato malaysiiyaan ah oo iyagu saami kuleh warshadan

 

wasiirka warshadaha oo kahadlaayeey dhagax dhigan ayaa waxa uu ****olka ka qaaday in ay warshadani tahay fursad u soo hoyatay suuqyada ganacsiga ee xoolaha wasiirkani waxa kale uu cadeeyey in ay wasaarad ahaan gacan siinayaan dadka kuhawlan maalgalinta dalka isla markaana ay ufududay nayaan adeega kaga xidhan

 

wasiirka wasaaradaha ganacsiga Abiib xasan fiilfil ayaa isaguna waxa uu munaasibadan kasheegay inay maalgalinta dabadu ay soo jidanayso nabada ay sameeyeen shacbigu iyo xukumadu Somaliland waxaanu dhirigalin ku sameeyeey In ay ganacsatada qurbaha iyo kuwa dabada ba ay ku daydaan maalgalinta noocan oo kale ah

 

warshadan cusub ee manta laga dhaxdhigay magaalda burco oo ay siwada jir ah ay ugu midoobeen ganacsato kazoo jeeda wadanka malaysiya iyo Somaliland ayaa waxa mulkiilayaashan warshadani ay goob taas kaga dhawaaqeen in ay kubaxayso lacag dhan 6millian oo doolar taas oo ku fadhiisandoonto Beddhan 200m

 

c.risaaq .x. xasan oo ah maamulaha warshadan oo loogu magic daray shirkada kumidoowday energin Eeast African corporation oo faahfaahin kabixiyeey warshdan ayaa waxa uu xusay in ay dhismaheedu socon doono mudo shan Bilood ah taas oo ay qandaraaskeedu kutaami doonaan

 

14 shirkadood oo wadani ah maamulahan ayaa waxa kale u warkiisa kusheegay in Bishii warshadan lagu qali doono 550.000 oo neef oo adhi ah 9000 lo,ah 3000 oo Geel ah xoolahaasi oo hilbkooda oo farsamaysan lgayndoono wadan ka malaysiya

 

Maamulkan oo u hadlaayeey warshda hilibka oo ayaa waxa kale oo uu cadeeyeey in loogu talagay in ay ka shaqeeyan ilaa 1000 Qof oo shaqaala ah taas oo wadanka sayladiisuna xoolaha ku soo kordhindoonto tacmiir cusub oo ay wakiilo ka hawgali doonaan gobalada Somaliland oo dhan sida oo kalena wasiirka madax tooyada Somaliland xasan axmed ducaale ayaa waxa ganacsatadii ka qaybgashay munaasibadan dhagax dhiga ugu baaqay in ay maalgalinta xoolaha yada oo ladoonayao in lacasrigareeyohabkii hore ee xoolaha loo dhaqan jiray

 

Yada oo wasiiru dawlaha wasaarada arima gudaha Farxaan jama maxamed oo isgu soo bandhigay in lamideeyo nidaamka ganacsiga xorta ah si ay ganacsatadu u samayso horimar buuxda gabagabdiina munaasibadan lugu bilaabayeey warshada hibka ayaa yaguna ka mid ahaa masuuliyiintii kahadashay wakiilka Somaliland u fadhiya malaysiya c.risaaq maxamed maxamuud Gudoomiyaha Gobalka Togdheer mulkiilaha ugu saamiga badan warshdan ASIIS Mustafe Salaadiinta iyo waliba xubna ka mid ah ganacsatada G. Togdheer

 

Hore ayaa waxa magaalada burco loo ga hirgaliyeey warshada qaliinka hilibka oo ay ganacsatada s.land aasaastay in kasto xayiraadii xooluhu saamayn kuyeelatay suuqyadii lagayn jiray waxsoosaar keeda

 

 

http://sallaxleynews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=1951&Itemid=1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this