Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Bulshada iyo Maanta

Recommended Posts

Salaan...

 

Wararka cajaa'ibka dalkeena ka socdo la yaab waa dhaaftay, mucjisana ma gaarin. Read on.

____________________

 

Wargeyska Hillaaca Bulshada oo kasoo baxo Muqdisho maanta {17 Agoosto, 2004} cadadkiisa wuxuu kusoo qaatay:

 

Haddii aan guursado waxaan weynayaa kaalmada iyo Saddaqada:

 

Haweenay Garoob ah oo lagu magacaabo Faadumo Cali ayaa sheegtay in haddii ay guur gasho ay weynayso Kaalmooyinka ay siiyaan deriska iyada iyo Carruurteeda, kadib markii uu soo doontay Nin Xaafada la degan ayaa waxay diiday in Ninkaasi guursado, ninkaas oo lagu magacaabo C/rashiid ayaa ka xumaaday diidmadeeda, waxayna Faadumo ku macneysay in aysan jirin wax faa’ido ah oo ka soo galaya guurkan, waayo waxaa jirta Culeys balaaran inuu jiro waa sida ay sheegtay Haweenayda oo la hadlay Wargeyskan Todobaadkii aan soo dhaafnay.

_______________

 

Isla maanta wargeyska oo la yiraahdo Caawiyaha Nolosha oona kasoo baxo Muqdisho wuxuu qoray qiso uu ugu magac daray:

 

Fadeexad ka dhalatay Ballan qaad Taleefoon oo ka dhacday Xaafadda...

 

Fadeexad aad u xun ayaa waxa ay ka dhacday Xaafadda Aw Aweyska Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho markii wiil ay gabar halkaasi deggan ay taleefon isku barteen ay ku balamisay Xaafadaas dabadeedna ay u timid wiilkii ay balamisay, oo la taagan nin iyada qabay balse aan wiilka ka war haynin.

 

Cabdi Jamaal oo ah wiilka ay gabadhu balamisay ayaa u sheegay wariyaheena Haaruun Yare in isaga oo uu dhawaan ka yimid Qurbaha isla markaana uusan si fiican u kala garanaynin Muqdisho, wuxuuna halkaasi kula kulmay Wiil dhalinyaro ah oo u socday xaafada Aw Aweyska oo ah halka lagu balamiyay, kadibna uu ka codsaday inuu la joogo maadaama uusan Xaafadda Aqoon guud u lahayn, iyadoo daqiiqado kadibna ay timid Gabadhii la balansaneyd Cabdi Jamaal, taas oo noqotay Wiilka uu Cabdi Jamaal la jooga Xaaskiisa.

 

Cabdi Jamaal ayaa sheegay in arintaasi in ay welwel ku abuurtay isaga, balse wiilka la joogay oo u sheegay inaan wax qalad ah lahayn oo ay soo sirtay Xaaskiisa, isla markaana uu la xisaabtimi doonaa.

_________________

 

Isniintii shalay ahayd ayaa wargeyska aayaha nolosha ku dheereeyo ee la yiraahdo Social Press ayaa qoray dhacdadaan:

 

Wiil iyo Gabar oo ka soo jeeda Qoysas Sabool ah ayaa ku heshiiyay in ay is guursadaan Muddo hal Sano ah, iyagoo taasi sabab uga dhigay in aysan awood u lahayn dhaqaale u Saamaha inta noolashooda ka dhimantahay.

 

Waxaana aad uga dhaxeeyay xiriir ay huri waayeen in mar uun noqdaan kuwo noolasha mantaanayo, waxaana iyagoo raadinaya xalka waddaas sahali kara in ay maraan ayaa waxay ku heshiiyan Maslaxadooda sida ay ku jirto in ay is guursadaan guur hal sano ah, waa arrin layaab ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this