Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaale ka tirsanaa w/arrimaha gudaha Oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa saaka gudaha M/ Muqdisho ku dilay mid ka mid ahaa howlwadeenada wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Cosoble (Cabdi Madoobe), kaas oo lagu dilay xaafadda Al-Baraka ee degmada Hodan.

Dalbey ku hubeysan bastoolado ayaa Marxuumka toogtay, kadibna goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta ka qaaday Meydka, kadina howlgallo ka sameeyay halkaasi.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaasi, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in dilkaasi ay fuliyeen xubno ka tirsan Dagaalyahannadooda.

Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Muqdisho.

The post Shaqaale ka tirsanaa w/arrimaha gudaha Oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this