Sign in to follow this  
Deeq A.

GIDG.oo oo taageero u muujiyay Nicholas Haysom

Recommended Posts

Deeq A.   
large.jpeg?resize=952%2C525&ssl=1Seddexda haray Axmed Madoobe Gaas iyo Xaaf

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin qoraalkii Ergeyga Qaramada Midoobay,Nicholas Haysom ee ahaa xaqiiqo raadinta falkii ka dhacay Baydhabo.

Golaha ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay si mas’uuliyad-darro au uga jawaabtay qoraalka Ergeyga ee ku saabsanaa xaqiiqo raadinta arrimihii ka dhacay Baydhabo,waxaana ay jawaabta xukuumadda ku tilmaameen mid ka fog danta umadda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale Golaha ayaa ka horjeestay go’aankii xukuumadda Federaalku ay dalka uga ceyrisay Ergeygii gaarka ahaa ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,Mr Haysom,iyagoo go’aankaasi ku sheegay mid lagu fududaaday.

Goluhu markii uu arkay marxalada Amni iyo Siyaasadeed ee uu marayo dalku ayuu si buuxda uga soo horjeestay war saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliya 01 Jan, 2019 ee Dalka looga eryey Ergayga Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom, waxuuna Golaha Iskaashigu ku tilmaamayaa go’aan lagu fududaaday” ayaa lagu yiri qoraalka GIDG.

Ugu dambeyntii, Golaha Iskaashiga ee ay ku midaysan yihiin saddexda Dowlad Goboleed ee Puntland,Jubaland iyo Galmudug ayaa beesha Caalamka ka codsaday in aysan joojin taageerada ay u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post GIDG.oo oo taageero u muujiyay Nicholas Haysom appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this