Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Cabdiraxman Guuleed oo Garoowe kaga dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen

Recommended Posts

Deeq A.   
20-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=1mudane Cabidraxman Guuleed oo ku dhawaaqaya murashaxnimo 29.12.2018

Siyaasi Cabdiraxmaan Guuleed Cali ayaa Sabtida maanta ah Garoowe kaga dhawaaqay in uu u sharraxanyahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland.

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin,aqoonyahanno,ganacsato,isimo iyo qeyba kale ee bulshada,ayaa siyaasigan ka shaaciyay in uu u tartamayo xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada ay haatan maalmaha kooban ka harsan yihiin.

Murashaxa oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in in haddii loo doorto xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu  si mugleh wax ka uga  qaban doono hawlaha horumarinta Puntland,islamarkaana uu noqon doono adeege bulsho oo u shaqeeya shacabkiisa.

Sidoo kale wuxuu sheegay in uu taariikh nololeedkiisa iyo qorshihiisa siyaasadeed  oo qodobaysan uu si faahfaahsan ugu soo bandhigi doono Baarlamanka hortiisa,qoraal ahaanna bulshada ula wadaagi doono.

Dhinaca kale Dr Cabbaas oo aqoon durugsan u leh murashaxa ayaa ku tilmaamay tiir adag oo wax badan ka qabtay arrimaha waxbarashada Puntland oo uu sheegay in uu kaalin laxaad leh ka qaatay hannaanka waxbarasho ee Puntland ka hirgelay,isagoo in mudda ah ka shaqeynayay kobcinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland.

Garaad saleebaan Buraale oo kamid ah isimada waaweyn ee Puntland kana soo qeyb galay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyay murashaxa cusub,wuxuuna sheegay in uu yahay aqoonyahan bulshadiisa garab istaagay xilliyadii adkaa,islamarkaana mudan in lagu abaal-mariyo xilkaan.

Si lamid ah, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa sheegay in murashaxa uu yahay aqoonyahan macallin ahaan u shaqeeyay oo dad badani ka aflaxeen sidoo kalena in mudda ah hay’adaha caalamiga ah kala shaqeynayay tayaynta iyo kobcinta waxbarashada Puntland,waxaana Garaadku sheegay in murashaxu ku soo beegmay wakhti loo baahanyahay,maadaama hore loogu yaqaannay kaalinta uu bulshada Puntland ugu jiro.

SuldaanSiciid Maxamed Maxamuud(Irbad) oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in dadka miisaanka iyo magac leh ee ka soo qeyb galay munaasabaddiisa ay caddeyn u tahay maqaamka uu bulshada Puntland ka dhex joogo mudane Cabdiraxmaan Guuleed Cali;murashaxa cusub,wuxuuna u rajeeyay guul.

Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin ayaa dhankiisa murashaxa cusub bogaadiyay si lamid ah isimadii hadalka uga horreeyay,isagoo si gaar ah u ammaanay doorka as’aaasiga ah ee murashax Cabdiraxmaan ka soo qaatay arrimaha waxbarashada Puntland.

Dhammaan aqoonyahannadii,isimadii iyo siyaasiyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa si midaysan u soo dhoweeyay murashaxan cusub ee u tartamayaa xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, mudane Cabdiraxmaan Guuleed Cali.

1-5.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 2-6.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 3-4.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 4-4.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 5-4.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 6-2.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 7-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 8-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 9-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 10-4.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 11-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 12-4.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 13-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 14-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 15-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 16-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 17-2.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 18-3.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 19-2.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 20-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 21-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 22-1.jpg?resize=640%2C427&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Siyaasi Cabdiraxman Guuleed oo Garoowe kaga dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this