Sign in to follow this  
Deeq A.

Mursal” Mooshinkii Madaxweynaha dalka ayuu sameeyn ku yeeshy”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee maanta ka qabsoomay xarunta Golaha shacabka ayaa ka hadlay mooshinkii laga keenay madaxweynaha iyo saameeynta uu keenay.

Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in saameeynta mooshinkaasi laga dareemay gudaha dalka iyo dibadiisa xalkiisana ay qadatay waqti badan.

Waxaa uu u mahad ciliyay xildhibaanadii aqbalay in ay mooshinka ka laabtaan islamarkaasina ay tanaasulaan.

“Markii ay timaado arrin taabaneyso masiirka iyo maslaxada Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto,xildhibaanadii tanaasulay iyo kuwii nagu hurdo beelay waan u mahad celineynaa,waxayna ka mid aheyd waxyaabihii la idiin doortay.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan mooshin ka soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo inkastoo markii dambe ay sheegeen in ay ka tanaasuleen markii dambe.

Maanta waxaa muddo bil ah kadib furmay kulankii Baarlamaanka oo qilaafaadkaasi dartiis hakad ugu jiray.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Mursal” Mooshinkii Madaxweynaha dalka ayuu sameeyn ku yeeshy” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this