Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Turkiga Oo Soomaaliya Ka Dalbatay Inay Bilowdo Wadahadaladii Somaliland U Dhaxeeyay.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Ankara) Dowladda Turkiga ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya arin la xidhiidha wadahadaladii u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

EA93F00E-DE8F-4DD4-AEAA-C1F8984E516A.jpe

Safiirka dowladda Soomaaliya ee dalka Turkey Maxamed Cabdullaahi Jaamac, ayaa shaaciyay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa dalkaasi kula kulmay danjirihii hore ee Turkey u qaabilsanaa Soomaaliya Olgen Bekar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo wadahadalada ay u jiraan.

Danjiraha ayaa ka dalbaday Dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilowdo wadahadalkii Somaliland, isaga oo sheegay in wadahadalka wax badan lagu dhameyn karo.

Safiirka Soomaaliya ee Turkey ayaa ka jawaabay dalabka safiirkii Turkey ee Muqdisho, waxaana uu sheegay inay dhawaan dib u bilaaban doonaan wadahadalka labada dhinac.

Wuxuu dhankiisa Olgan Bekar uu balan qaaday inuu door weyn ka ciyaari doono wadahadalka Somaliland iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale dalbaday in sidii Muqdisho loogu soo dhaweeyay looso dhaweeyo safiirkii isaga badalay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this