Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dil ay ka geysteen gudaha M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Gabar ka tirsaneyd shaqaalaha dowladda hoose ee Boosaaso, gaar ahaan waaxda Canshuuraha ee degmadaasi.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Toogasho ay ku dileen Marxuumadda, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi.

Ammaanka Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhaceen falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan.

The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this