Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargeys Yurub Ksoo Baxa Oo Daabacay Madaxweyne Caan Ah Oo Dhaqaale Aad U Badan Ku Bixiyay Qurxinta Jidhkiisa!

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Iyada oo maalinba maalinta ka dambaysa dunida aad looga sii baranayo aadna looga sii horumarayo dhinaca caafimaadka iyo is qurxinta gaar ahaan qalliinada la isuku qurxiyo ayay hore haweenku inta badan u gali jireen qalliino ay isku qurxinayaan qaab kasta iyo daawo kasta haloo mare balse waxa muddooyinkan dambe isa soo taraya xogo tibaaxaya in raggu noqdeen kuwo sidoo kale aad ugu soo badanaya dhinaca qalliinada is qurxinta ah ee meelo badan oo jidhkooda ka mid ah ay isku qurxiyaan.

Akhristow haddii aad hore dhawr jeer u maqashay in Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi uu dhawr jeer qalliino wajiga iyo sanka ah isku sameeyey hadda waxa soo shaac baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha dhallinyarada ah ee dhawaan dalkaasi Faransiiska taladiisa ku guulaystay ee Emmanuel Macron uu miciinsaday qalliin uu ku sameyey jidhkiiisa.

Madaxweynaha Dalka Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa dhaqaale aad u badan ku bixiyay sida la sheegay qurxinta jidhkiisa, waxaana arrintan si weyn u hadal haya Warbaahinta dalka Faransiiska oo siyaabo kala duwan uga hadlay. Waxaana markii ugu horreeyey si weyn arrinkan u soo dhaac saaray wargeys caan ah oo dalkaasi ka soo baxa kaasi oo daahfaahin ka bixiyay qalliinka is qurxineed ee uu ku kacay Madaxweyne Macron.

Emmanuel Macron oo ah nin dhallinyaro ah ayaa bishii May ee sanadkan 2017 waxa uu qurxinta jidhkiisa ku kharash gareeyay lacag dhan 26,000 oo yuuro, waxaana dhaqaalahan ina badan qaadanayay dad u qaabilsan Madaxwenaha dhinaca qurxinta kuwaasi oo ah dhakhaatiirta ku takhasustay waxa loo yaqaanno qalliinka is qurxinta (Plastic Surgery) .

Wargayska Le Point oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer saxaafadda Faransiiska ee ka soo baxa dalka Faransiiska ayaa qoray in lacag aad u badan ku baxdo Qurxina Madaxwenaha Faransiiska gaar ahaan qurxina jidhkiisa iyo waliba wajiga, waxaana qurxinta u xil saaran dad ku xeel dheer dhinaca qurxinta kuwaasi oo uu si gaar ah ula xidhiidho.

War kasoo baxay Aqalka Madaxtooyada dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in ay jiraan kharashaad ku baxa qurxinta Madaxweynaha balse aanay dhameyn tirada lacagta la sheegay, wakaalada France Info ayaa ku warantay in lacagta hadda ku baxda qurxinta Macron ay wax badan ka yartahay tii ku bixi jirtay Madaxdii ka horraysay. Arrinkaasina yahay mid muddoba ku soo noqnoqonayay warbaahinta Faransiiska iyada oo la sheegay in madaxdii ka horraysay ninkanina ay isku samayn jireen qalliimo is qurxin ah.

Nin gacan yare u ah Madaxwenaha Faransiiska ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo yareyn lahaa kharashka badan ee ku baxa qurxinta Madaxweynaha dalka Faransiiska ah oo nin dhalinyaro ah kana mid ah Madaxda ugu da’da yar caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this