Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Puntland Oo Deegaanadiisa Ka Mamnuucday Inay Soo Galaan Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Wasaaradda Amniga maamulka Puntland ayaa soo saartay amaro ku aadan sugida amniga inta lagu guda jiro doorashada, iyadoo ka mamnuucday deegaanadeeda inay soo galaan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay in laga mamnuucday inta doorashada dhaceyso inay Puntland soo galaan Shaqaalaha dowladda Federaalka sida Wasiirada, Agaasimayaasha, Saraakiisha ciidanka iyo howlwadaneeda Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in garoomada diyaaradaha iyo baraha Koontaroolada aanay soo geli karin lacago kaash ah oo sharci darro ah, haddii ay soo gashana lala wareegi doono.

Waxaa kaloo la faraha Shirkadaha Diyaaradaha imaanaya Puntland inay soo gudbiyana liiska dadka ay sidaan, inta aysan ka soo duulin garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Amarkan ayaa u muuqda mid Puntland kaga hortageyso in dowladda Federaalka goobjoog ka noqoto doorashada ka dhaceysa 8-da bishan magaalada Garowe, waxaana doorashada Puntland ku loolamaya labaatameeyo Musharax.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this