Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallin dhanka Caaraha ah oo dalka UK uga soo laabtay si uu u tababaro dhallinyaradda kuciyaara wadooyinka halista ee magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Axmed Xasan (Mandeela)-waxa uu 30 sano ku noolaa dalka Egland,isagoo bare ka ahaa iskuulka lagu barto kubbadda cagta iyo sidoo kale  jir dhiska  Muqdisho ayuu iminka kusoo laabtay si uu caawiyo dhalinyarada  jecel mihnada kubbadda cagta ee ku dheela wadooyinka halista ee Muqdisho.

0T8A0616-300x200.jpg

Maxamed Cabdulle Maxamed 1970 ayuu ka mid ahaa kooxdii kubbadda cagta Batroolka waxa uu usoo daawasho tagay dhalinyarada ku ciyaaraysay garoonkan oo ku yaala degmada hodan oo uu madeella ku ciyaarsiinayay waxa uu Goobjoog u sheegay dadka wax ku bartay qurbaha ee xirfaadda leh looga baahan yahay in ay kaalin ka qaataan caawinta iyo garab istaagida dhalinyarada jecel ciyaaraha ee ay duuruuftu hala keesay.

0T8A0686-300x200.jpg

Mandeela waxa uu aaminsanyahay hadii ii soo wado arimahan in mustaqbalka uu saaridoono xirfadlayaad aad u wanaagsan kuwaas kaalin wacan ka qaadan guulaha xulka qaranka dalka.

0T8A0519-300x200.jpg

Ciyaartooyda nasiibka u helay in uu gacanta ku dhigo Macalin Mandeela ayaa inoo sheegay in ay wax badan ka barteyn loona baahanyahay dadka soo bartay cilmika isboortiga ay u faa’ideeyeen dhalinyarada gudaha oo aad ugu baahan in la siiyo tababaro si xirfadoodu u wanaagsanaato.

0T8A0694-300x200.jpg

Cadullahi Gacal Axmed waxa uu ka mid yahay dadka ku nool dalka Britain dhawaan ayuu isna kusoo laabtay caasimada waxa uu ka hadlayaa qiimaha uu ku fadhiyo qof Mandeela oo kale ah oo wadanka u yimid horumarka cayaaraha isaga oo aqoon wanaagsana u leh Macalin Maxamed Axmed Mandeela.

0T8A0638-300x200.jpg

Tababare Mandeela waxa qabaa aragti ah hadii dadka wax ku bartay qurbaha ay ku soo laabtaan dalka ay muuqanaysa rajo wanaagsan iyo in dhinac kasto horomar laga ka gaario karo mustabaqalka dhaw.

0T8A0521-300x200.jpg

Sanadii u danbeeyay waxaa wadanka kusoo badanayay macalimiin Soomaaliyeed oo soo bartay xirfada ciyaaraha,iyagoo casharo iyo dhirii gelin siinyay ciyaartooyda kubbadda cagta,Kolayga iyo qeybaha kala gedisan ciyaaraha waxaana arintan soo dhaweeyay wasaarada ciyaaraha dowlada iyo xiriirada dalka ka jira.

48396262_272366356763223_781784033851657

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Macalin Mandeela Dhiiri Gelinta Uu U Sameeyay Da’yarta

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this