Sign in to follow this  
Jacaylbaro

SOMALILAND WRITERS ASSOCIATION

Recommended Posts

Taliban   

Originally posted by Jacaylbaro:

haven't u heard somaliliin ??

No need to change it to liin. Do you know what Soomaali laan means? You better inform the webmaster of your link to change the title.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Jacaylbaro:

... kan waa la i daba dhigay dee ,,, ilaa jokes section ka buu i daba socdaa ,,,

Waaryee, what's with you and porno? You in that business? I see the webmaster of your link has changed the title; good job.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Jacaylbaro:

how do u know about porno ??? ,,,,,,,
:D:D

 

Bal cajiibkan eega hadda ,,,,, sheekh baaban kuu haystee

Porno comes under many definitions. For example, some of the jokes you try to promote fall under the definition of porno. If you're implying the Deen doesn't teach what porno is or how to identify it, then you're mistaken. You're implying only a person who commits zina knows what zina is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xafladdii abaalmarinta buugga sannadka 2006

 

 

Shalay oo ay bishu ahayd 31/03/2007 maalin sabti ah, ayuu ka dhacay kulan aad loo soo agaasimay magaalo-madaxda dalka Swidhen. Xafladdaas oo loogu talo galay in lagu bixiyo abaalmarinta buugga sannadkii 2006. Abaalmarintaas waxa bixinayey Ururka Qoraaga Somaliland. Ururkaas oo ay ku bahoobeen xubno qorayaal ah, ehelna u ah qalinka iyo qoraalka. Xubnahaas oo kala jooga dacallada adduunka, balse fadhiga ururku waa dalka Swidhen. Kulankaas oo lagu soo martiqaaday xubno ka mid ah ururada Somaliland, gaar ahaan kuwa ka hawlgala magaalada Stockholm iyo Ururka dhaqanka iyo qoraaga soomaaliyeed. Waxa kaloo kulankaas ka soo qaybgalay qorayaal iyo aqoonyahanno si gaar ah u xiiseynayey buugga sannadka 2006.

 

Buugga sannadka 2006 waxay ururku u aqoonsadeen buugga la magacbaxay ”Diiwaanka Maansada Timacadde” buuggaas oo uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Ururku wuxuu u saaray qiimaynta buugga guddi ka koobnayd lix xubnood oo kala jooga Ingiriiska, Talyaaniga iyo Swidhen. Guddigu waxay xooga saartay sidii ay u heli lahayd buugaagtii soo baxday sannadkii 2006 ee qornaa afka soomaaliga. Muddo ka dib guddigu waxay go’aansatay buugga sannadka 2006 inuu yahay buugga ”Diiwaanka Maansada Timacadde”. Abaalmarin-sannadeedka wuxuu Ururku go’aansaday inuu sameeyo sannad kasta, soona xulo buugga uu ururku u garto buugga sannadka.

 

Hawshaas abaal marintu waxay daba joogtaa tallaabooyin dhiirri gelin ah oo uu ururku go’aansaday in uu ku dhiirri geliyo bahda qoraalka. Gaar ahaan qorayaasha soo saara buugaagta ku qoran farsoomaaliga. Intaa dabadeed haddii aynu ku soo noqonno xafladdii guddoonsiinta ee buugga sannadka 2006 iyo Stockholm. Maadaama oo uu qoraagu deggen yahay magaalada Hargeysa, wuxuu soo wakiishay laba xubnood oo reer Stockholm ah. Labada xubnood ee uu u soo wakiishay inay u guddoomaan billadda abaalmarinta wuxuu qoraagu yidhi. ”Waxaan soo wakiishay Cabdilaahi Fidaar oo ahaa macallinkaygii iyo Cabdillaahi Faarax oo aanu isku arday ahayn.” Goor ku beegan 19:30 (todobadii iyo badhkii fiidnimo) markii la tukadey salaaddii maqrib ka dib ayuu Maxamed Xirsi Guuleed oo ahaa xidhidhiyaha barnaamijka isla markaana xubin ka ah guddiga UQS uu furay xafladdii. Dhawr erey oo isugu jiray mahadnaq iyo soo dhoweyn iyo warbixin kooban oo ku saabsanayd UQS ka dib wuxuu ku soo dhoweeyey Sayid Maxamed Yuusuf oo ah guddoomiye xigeenka UQS.

 

Sayid wuxuu ka warramay taariikh nololeedkii Ilaahay haw naxariistee Cabdillaahi Suldaan Timacadde. Waxa kale oo uu soo qaatay dhawr gabay oo uu kasoo xushay buugga maansada Timacadde. Maansooyinkaa waxa ka mid ahaa Dix-dhagaxeed, Buul-duqeed iyo Geesiga madaw. Waxa kale oo uu intaa ku daray taariikhda qoraaga oo kooban. Ugu danbayna Sayid wuxuu ku soo gebagabeeyey maanso kooban oo uu isagu curiyey horraantii 2006 lana magacbaxday ”Suldaankii Qarniga” oo ku saabsan Timacadde. Intaa kadib Maxamed Xirsi wuxuu ku soo dhoweeyey Guddoomiyaha UQS oo halkaa ka soo jeediyey mahadnaq uu u soo jeediyey xubnihii sharafta lahaa ee kasoo qaybgalay kulankaas. Mahadnaqaa ka dib wuxuu guddoomiyuhu kor u qaaday billadii loogu talogalay buugga sannadka 2006. Wuxuuna ka codsaday Cabdilahi Fidaar iyo Cabdilaahi Faarax inay ka guddoomaan billaddaas oo ay u guddoomaan qoraaga caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale oo soo wakiishay iyaga.

 

 

 

Kaddib waxa dhacay sacab mug weyn. Eray isugu jiray mahadcelin iyo dhiirri gelinba ayuu Cabdilaahi Faarax goobtaa ka soo jeediyey. Kulankaas waxa joogay Cabdikariim Dalmar oo ah saxafi caan ah, kana socday Tv-Somaliland oo todobaadkiiba maalinta sabtida ka soo baxa magaalada

 

Stockholm. Dhanka Internet-kana laga wada daawado caalamka oo dhan. Waxa xiise lahayd in kulankii oo socda uu qoraaga buuggu Boobe Yuusuf Ducaale telefoon ka soodiray Hargeysa. Iyadoo ay wada maqlayaan xubnihii soo sharfay kulankaas ayuu u mahadceliyey Ururka Qoraaga Somaliland iyo dhammaan xubnihii ka soo qayb galay kulankaas. Tv-Somaliland ayaa fursad u helay ay ku weydiiyeen su’aalo. Markii qaybtaa hore dhammaatay ayaa la qaatay waxoogaa nasasho ah oo lagu nastay cabbitaan iyo afqabsiba. Markii la isu soo noqday waxa la bilaabay waxoogaa dood-wadaag ah oo uu daadihinayey Maxamed Xirsi. Dooddaas oo uu Maxamed soo dhexdhigay kulanka waxay ahayd. Sideebaa loo dhiirrigelin karaa qorayaasha afka soomaaliga wax ku qora, dhinac dhaqaale iyo dhinac taloba?. Dooddaas oo si fiican u dhacday qoraalkan kuma soo koobi karo, balse aan ka soo qaato dhawr xubnood iyo dooddoodii.

 

Ugu horrayn Axmed Cawaale oo ka mid ah odayaasha muddada dheer deggenaa magaalada

 

Stockholm ayaa aad uga hadlay sida aanay soomaalidu u ahayn bulsho wax akhrida. Isagoo taa sii iftiiminaya ayuu yidhi: “Kabadhada innoo yaala qolka fadhiga waxa ka buuxa koobab iyo bakeeriyo qurux badan, taa aynu ku beddelo in aynu kabadhada ka buuxinno buugaag faa’iido leh”. Cumar Bile oo isaguna ka hadlayey ayaa yidhi: “Saxaafadda iyo qorayaashu waa inay isku xidhnaadaan si loo kobciyo bulshada”. Cabdilaahi Faarax oo isna ka hadlay qodobkaas ayaa ku dheeraaday dhiirri gelin xooggan oo uu siiyey dhammaan inta wax qorta. Wuxuuna tusaale uga dhigay xilligii waxbarashadu bilawga ahayd

 

Somaliland ee Maxamud Axmed Cali iyo raggii kale ay ku baaqayeen waxbarashada looma dhega nuglayn. Sidaasoo kale ayuu Cabdillaahi ku nuuxnuuxsaday ha niyad jebina oo haddii buugga la idinka iibsan waayo u dulqaata xilligeedaa imandoonta’e.

 

Maxamed Case ayaa isaguna qodobkaa ka hadlay. Wuxuuna ku dhiirrigeliyey ciddii wax qoraysaa inay aqoonteedana la timaado. Wax hufanna la qoro, islamarkaa laga fogaado ka hadalka deegaan kooban. Maxamed oo arrinkaa faahfaahinaya ayaa yidhi: ”Buug baad akhriyaysaa afsoomaali ku qoran, markiiba qofka qoray qoladiisa waad malayn karaysaa, dee! Taasi maaha wax habboon”. Ugu danbayn anigoo soo koob-koobay waxaan ku soo afmeerayaa, codkii xiisaha lahaa ee uu Yusuf Xasan kaga dhawaajiyey goobtaas oo ahaa luuqdii Ilaahay haw naxariisto’e Cabdilaahi Suldaan. Yuusuf wuxuu si yaab leh u keenay luuqdii Timacadde waxaana Yuusuf u dhacay sacab aad mug weyn. Isku soo wada duuboo kulankaasi wuxuu ku bilaabmay jawi aad u heersarreeyey, wuxuuna ku dhammaaday jawi aad u quruxbadan. Wuxuuna ururku u mahadcelinayaa dhammaan intii kasoo qayb gashay kulankaas taariikhiga ahaa ee ka dhacay xaafadda Rinkeby ee caasimadda carriga Swidhen.

 

Ururka Qoraaga SomalilandDiyaariye: Sayid-Axmedwww.qoraaga.com

 

 

 

This entry was posted on Sunday, April 1st, 2007 at 6:27 pm and is filed under Warbixino kale. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0 feed. You can leave a response, or trackback from your own site.

 

4 Responses to “Xafladdii abaalmarinta buugga sannadka 2006”

Mohamed-Rambo Says:

 

April 2nd, 2007 at 10:41 pm

Waa Weriye Rambo oo idin leh hambalyo halkaasna kaga wada dedaalka webkana waan geliyay jariirada geeska afrikana caawa ayuu ku soo baxayaa warkii biladda iyo buugga sannadku.

Sayidoow saaxiib waa ku kaas, raali ahaada ragga sayid ayaan ka garanayaa oo aan si gaar ah u salaamayaa iyo Xasan Cabdi Madar oo Hargeysa ila degen.

Nabadeey

 

Rooble Says:

 

April 3rd, 2007 at 6:30 am

Waa tallaabo aad u wanaagsan kuna dhiiri gelineysa dad badan inay u soo jeestaan qoraalka oo ay dabacaan buugaag cusub. Waxa weliba fiicnaan lahayd inay jirto price la bixiyo oo la siiyo qoraaga buugga la doortay si ay dhiiri gelin dheeraad ah ugu noqoto dadka iyagu imika jaranjarrada soo fuulaya.

 

maxamud jaamac Says:

 

April 3rd, 2007 at 11:03 am

s/w aduunyada rag baa ku nool,,,,,, markasta oo an quusto hadana meel uun baa wax ka bidhaamaan,,,, waa arin guul leh oo lagu dhiiran karo in badan oo meel ay wax ku soo bandhigan waayay u noqondoonta barxad uu isu soo qadimo soona bandhigo waxa laabtiisa ka guuxaya ee ku aasan.intaa ka dib waxan idiin soo jeedin laha laba arimood.

1.madaama ad ku dhiirateen arintan ugubka ah waa in aad isku daydaan in aad wadanka gudihiisa ku qabatan xaflado noocan oo kala ah.

2.in aad samaysan abaalmarino iyaguna ku saabsan maqaalada wax tarka leh iyo sheekooyinka yar yar ee kooban noocay doonanba ha noqdaane iyagana la dhiiri galiyo.

 

Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan) Says:

 

April 3rd, 2007 at 11:29 am

Bogaadin: Abaalmarinta Buugga Timacadde – Aftahan.org

 

Ururka dhaqanka, afka iyo suugaanta ee Aftahan waxa uu hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa qoraaga sare ee Boobe Yuusuf Ducaale, oo ku guulaystey Abaalmarinta Buugga Sannadka 2006, abaalmarintaas oo uu bixiyo Ururka Qoraaga Somaliland. Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu qorayey ama ururinayey Diiwaanka Cabdilaahi Suldaan Timacadde in ku siman dhowr iyo soddon sano, taas oo maanta u horseedday inuu helo aqoonsi heersare ah. Boobe mujaahidnimadiisa daleed, wuxuu ku darsaday tiisa aqooneed ee uu inagaga werwer-tirey dayacii ka muuqan lahaa murtida iyo mahadhada suugaanta iyo taariikhda Timacadde, taas oo uu ku weeleeyey diiwaankan xambaarsan in ka badan 126 maanso.

 

Abaalmarintu waa aqoonsi isugu jira dedaalka qoraaga iyo miidda murtida uu xambaarsan yahay buuggu. Buuggu waxa uu ka hadlayaa cod-karnimadii, qayuurinnimadii, haybaddii, waddannimadii, daacadnimadii, infog-aragnimadii, indheergaradnimadii, soomaalinnimadii iyo sifooyinkii wan-wanaagsanaa ee qofnimo iyo hal-abuurnimo ee Abwaan Cabdillaahi Suldaan Maxamed “Timacadde” lahaa oo qoraaga sare Ibraahim-Hawd ku sifeeyey “Soomaaligii dhabta ahaa” annaguna aannu ku tilmaannay “Calankii Waddaniga”. Waa taa arrinta uu kaga mutaystay kaalinta kowaad buugta faraha badan ee sannadka 2006-da soo baxday, una yeeshay qiimaynta gaarka ah.

 

Haddii aannu nahay bahda Aftahan ee dhaqanka, afka iyo suugaanta, waxa aannu hanbalyo iyo bogaadin u direynaa saaxiibkayo Boobe. Diiwaankaasna waxa aannu gardaadin u samaynay sannadkii 2006. Waxa kale oo aannu u mahadcelinaynaa Ururka Qoraaga Somaliland ee Diiwaankan u aqoonsaday kaalinta kowaad, abaalmarintana guddoonsiiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this