Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumada Biixi Oo Sanadkii Maalmo Uga Hadheen Cashuurihii Oo Shacabkii Cunnaha Lagu Qabtey Masuuliyiintii Xukuumada Oo Is Haysta iyo Waxqabad La.aan

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Dad Baddan oo Reer Somaliland ahi Aqoonyahan Siyaasiyiin iyo Inta ugu Badan ee Waxgaradka Bulshadu Ugu Sid Xidheen Bal in ay Ka Dhursugaan In uu Sanadka Dhameysto.Marka Loogu Shin Tiriyo Maalintii La Doortey ilaa iyo Maanta Laakiin Qaar kale oo Baddani Waxa ay Kaga Min Qiyaas Qaateen Biyaha Aan Hordhacooda Aragnaa Huubaheedu Isbadel Keeni Maayo, Sababtoo ah ilaa Dhismihii Xukuumada ilaa iyo Maanta Waxa Badnaa Qaladka Xukuumadiisa iyo Isaga Madaxweynaha Laf ahaantiisa, Cabashada Beelaha Somaliland Gobolada iyo Degmooyinka Dhinac Walba, Siyaasada Dibadda oo Aan Wax dhaqdhaqaaq ahi habayaraatee kajirin,Sixirbararkii iyo Qiima Dhicii Shilinka Somaliland oo aan Wax Iska Badelin ay kaga tagtey Xukuumadii hore,Cashuurihii oo Lagu Kordhiyey Cunahana Lagu Qabtey Shacabka Masaakiinta.

6B326E36-52E8-419E-A6A6-6BC6B0B1D2FF.jpe

ah ee la ildaran Duruufaha Nololeed, Khilaafka iyo Hirdiga Wasiirada oo Aan Maalina Maalin Ku Dareyn.

Haddaan Tusaale usoo Qaato, Khilaafaadka Masuuliyiinta Xukuumada u Dhexeeyaa, Mudooyinkii u Dambeeyay Waxa uu ahaa Mid ay Shacbigu Sitoos ah u arkayeen Iyaddoo Xukuumadan Muuse Biixi Madaxweynaha u yahey Kuwa Taageeraa habeen iyo Maalin Calaamad ka Dhigteen In aan Madaxweyne Siilaanyo Kala Celin Jirin, Waajibaadna kala Siin Jirin Masuuliyiinta Xukuumadiisa ee Iska Hurdi Jirey Balse Muuse ka Duwan Yahey in uu Soo Jeedo oo Isagu Talinayo, oo Cadaalad ka ShaqeynayoTaasi ma aha mid Xaqiiq ah Maxaa Yeelay Waxa ugu horeeyay Khilaaf Dibadda usoo Baxa Kii ay Isku Qabteen Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Guri-Barwaaqo iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi Mar Dambe Loo Magacaabay Cali Caliyaw oo Xaqiiqdii Garsoorkeedii Markii ay Madaxtooyada Gashey Cadaalad Darro aan Indhaha Laga Qarsani Ka Dhacdey, oo Muuse Biixi Ka Badheedhay in Cali Caliyaw uga hiiliyo.inaadeerkii Guri-Barwaaqo taasi Waxey u Quus Goysey Dad Badan oo hamuum Qabey Hirashada Somaliland iyo.Mustaqbalkeeda Siyaasadeed.

Hadda marka aynu Usoo.Noqono Waxa is haya oo Muuqata Masuuliyiin Tira baddan oo Golaha Xukuumada katirsan Sida Wasaaradaha Maaliyada iyo Gaadiidka Laakiin Ma Dhicin in Marnaba Madaxweynuhu Waajibaadkooda ukala Xariiqo Laakiin Dagaalkiidu u Muuqdo Mid lagu hagardaamaynayo Shacbiga oo Ragaa Wareegtooyinka isku Isticmaalaya Mid Walba gaarkiisa Dhabarka Loo Taabtey Si Shacbigu ugu Dhex Dhinto Meel Laba Maroodi Ku Dagaalamay Cawsbaa ku Baa,ba.a.

Sikastaba aha ahaatee Mayara Hagaradaamada iyo Fashilaada Xukuumadu Laakiin Waxeynu Kusoo ururuneynaa Waar Sanadkii Maalmaa hadhaye Maxaa La Qabtey Oo aan aheyn Cashuur iyo Dhib Lagu Soo Kordhiyey Shacbiga Ma Waxa La Xusi Doonaa Beerihii Roobka Illaahay inoo Shubey Kusoo Baxey ee Askartu Beeratey ileyn Awalaba Beer Roobaadku Waa Soo Bixi Jirtee aan Kusoo Koobo Muuse Waxna Ma Qaban Maalmona Wey hadheene Car Yaanu Buugaag Madhan Inoo Soo Daabicin.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Somaliland Gabiley
0634466339

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this