Deeq A.

Aqalka Sarre oo fariin culus u diray Madaxwayne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network ) – Kadib kulan ay maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ku yeesheen Guddiga joogtadda ah ee Aqalka Sarre, waxaa laga soo saarey war-saxaafadeed, kaasi oo uu warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Gollaha, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ugu horeyntii, Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa shaaca ka qaaday in tirro labo jeer ay ka dalbadeen madaxda maamul goboleedyadda inay hakiyaan kulamo ay yeelan lahaayeen, taasi oo uu xusay in laga aqbalay.

Isaga oo hadalkiisa sii wata wuxuu ugu baaqay madaxwayne Farmaajo inuu muddo saddex cisho ah, oo ka bilaabaneysa 20 illaa iyo 22-ka bishaan October, uu ku cadeeyo mowqifkiisa ku wajahan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulada oo sababay inay xiriirka u jaraan.

Afhayeenka Aqalka Sarre ayaa sidoo kale madaxwaynaha qaranka ku tartarsiiyay inuu bidhaamiyo aragtiisa ku aadan doorka uu Golluhu ka qaadanayo dhex-dhaxaadinta dowlada iyo dowladnaha xubnaha ka ah iyo hadii uu diyaar u yahay dhex-dhaxaadinta Aqalka.

Hadalka Gudomiyaha Aqalka Sarre ayaa imaanaya xili lagu wado inuu magaalada Garowe uga furmo madaxda dowlad goboleedyadda kulankoodii Afaraad tan iyo markii la sameeyay Madasha Iskaashiga maamulada sanadkii hore 2017.

Kulanka oo ay kasoo muuqan doonan Madaxwaynayaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, oo mar sii horey iska xaadiriyay xarunta Puntland, ayaa waxaa nan ka qaybeli doonin hogaamiyaha HirShabelle, kaasi oo heshiis la gaarey dowladda dhexe.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/10/Aqalka-Sarre-oo-fariin-culus-udiray-Madaxwayne-Farmaajo.mp3

The post Aqalka Sarre oo fariin culus u diray Madaxwayne Farmaajo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qof garan kara ma jiro sababta golaha sare loo abuuray iyo shaqada saxdaa oo ay shrci ahaan u leeyihiin sababtoo ah sharcigii caddayn lahaa shaqadooda waa dastuurka asagiina wali waa qabyo.

Haday matalaan gobolada federaalku ka kooban yahay oo ay senitooro u yihiin wada shaqayn kama dhaxayso kumana kalsoona

Go'aanka iyo tabashadu waxay ka timaadaa madaxda federaalka ayagoo adeegsanaya Tv'yada iyo idaacadaha.

Waxaana tusaale ugu filan madaxda federaalku waxay dalbadeen in dawlad shisheeye soo dhex gasho arrintan ayagoo xaqirsan senetoorada dawladda dhexe ku matala.

Hadaba su'aashu waxa tahay senitooradu maxay u dhex fariisanayaan dawladda dhexe iyo federaalka mar haddii ay dal badeen gacan shisheeye?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.