Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Booliska Nugaal “Waxaan Fashilinnay…”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo is-abaabulay oo maanta isku dayay inay qabsadaan xarumo Boolis oo ku yaalla magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Taliska booliska iyo guddoomiyaha gobolka Nugaal ayaa ka warbixiyay dhacdo maanta ciidamo is-baabulay ay ku doonayeen in ay kula wareegaan xarunta taliska booliska ee gobolka Nugaal.

Raggaan oo ka koobnaa ilaa 5 nin ayaa waxaa la sheegay inay horay uga mid ahaayeen ciidanka ammaanka Puntland ka hor inta aan shaqada looga cayrin gudanwaa shaqo awgeed sida laamaha ammaanku sheegeen.

Ciidanka ammaanka ayey iska caabin kala kulmeen raggaasi waxaana muddo kooban kadib ay ka baxsadeen goobtaasi sida uu warbaahinta u sheegay taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal Faarax Galangooli.

Taliye Galangooli ayaa tilmaamay in xaaladdu ay degan tahay isla markaana dhaawac fudud uu soo gaarey hal askari oo katirsanaa ciidamada ammaanka ee ku sugnaa xarunta xilliga weerarku dhacay.

HOOS KA DHAGEYSO:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/BOOLISKA-IYO-MAAMULKA-NUGAAL.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this