Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Farmaajo oo gaaray ASMARA & Laba hogaamiye oo soo dhaweysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa caawa dalka Eriterea gaaray wafdi uu hoggaaminayey Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Asmara kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Eriterea Afwerki iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed oo halkaasi kaga sii horeeyay.

Madaxweynaha Somalia iyo wafdigiisa ayaa ka baxay dalka Shiinaha waxa ayna seddexda Hogaamiye Asmara ku yeelan doonaan shir Seddex geesood ah oo ay uga wadahadli doonaan xiriirka Seddexda dal iyo xal u helida cabashooyinka kasoo yeeraya dowlada Jabuuti.

Dowlada Somalia ayaa iyadu dhex dhexaadineysa Eriterea iyo Jabuuti oo uu ka dhexeeyo Khilaaf ka dhashay dhul iyo maxaabiis.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale caawa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa Madaxda Eritaria iyo Madaxda kale ee ku sugan dalkaas.

Farmaajo-iyo-Eriterea-1.jpg Farmaajo-iyo-Eriterea-2.jpg Farmaajo-iyo-Eriterea-3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this