Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Degmada Xamar-weyne oo la isugu daray Shaqo ka joojin iyo Xabsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Cumar-Shariif.jpg?resize=823%2C438&ssl=1
Muqdisho (PP) ─
Guddoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Maye (Cumar Jeeg) ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kaddib wareegto ka soo baxday ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda ee Gobolka Banaadir, Xuseen Maxamed Nuur.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Cumar Shariif Jeeg uu si bareer ah uga been sheegay ciidanka Booliska Somalia, kuna tilmaamay in amniga dalka lagu aamini karin, ayna keenaan qaraxyada.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ku tilmaamay Maamulka Gobolka Banaadir meel uu ka jiro Musuq-maasuq, sidoo kale Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre ay tahay Xukuumadda ugu musuq maasuqa badan. Waxaa qoraalka lagu sheegay in si KMG uu xilka Guddoomiyaha degmada Xamar weyne u sii wadayo Guddoomiye kuxigeenka Axmed Maxamed Iidow.

Ugu dambeyn, Ciidan ka tirsan Booliska Somalia ayaa xabsiga u Taxaabay Guddoomiyihii Xamar-weyne, kaddib markii ay soo baxday wareegtada shaqada looga joojiyay, waxaa wararku sheegayaan in lagu xiray Xarunta dambi baarista ee CID.

Haddaba, AKHRISO Wareegtada Shaqada looga joojiyay Cumar Jeeg;
Shaqo_ka_joojin.jpeg?resize=651%2C1001&s
PUNTLAND POST

The post Guddoomiyihii Degmada Xamar-weyne oo la isugu daray Shaqo ka joojin iyo Xabsi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this