Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Haweenka Oo Bilaabay Aragtiyo Cusub Oo Dhanka Ganacsiga Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweenka kunool magaalada Muqdisho ayaa bilaabay aragtiyo cusub oo dhanka ganacsiga ah kuwaa oo ay ku maareeyaan Nolasha qoyskooda.

Xariira Cabdulle Siyaad oo sandii 2012 kii caasimada ka hirgalisay bakhaar Mooska lagu iibiyo,ayaa sheegay in shaqa abuur ay u sameeysay haween kale oo dan yar ah ,kana shaqeeya goobteeda ganacsi.

Haween badan ayaa dabaro nolosha qoyskooda kuwaasi oo dhexda u xirtay  daruuftana ay ku qasabtay kadib markii ragga ay soo wajahday shaqo la’aan.

Haweenka ayaa waxaa ay qabtaan shaqooyin badan oo kala culeys badan balse waxaa ay sheegeen in aysan u arkin wax dhib ah maadaama ay ku maareynayaan nolosha qoysaskooda.

Muqdisho markii la eego waxaa ku soo batay haweenka badan kuwaasi oo la yimid hal abuuro kala duwan waxaana ka mid ah Xariira Cabdulle oo iyada sameysay bakhaar lagu ilaaliyo Mooska ka soo baxa dalka.

Xariira waxaa ay sheegtay in ay shaqaaleysiisay toban haween ah kuwaasi oo ka shaqeeya nadiifinta iyo dhaqista Mooska.

 

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/09/Muuska-afgooye-fm-ka.mp3

 

 

 

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this