Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo baahisay magaca iyo Qabiilka nin isku qarxiyay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Al-shabaab ayaa baahisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay Xarunta Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir maalintii axada aheyd.

Sida laga baahiyay warbaahinta shabaab, waxaa eerarka fuliyay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq ama Layaali,kaasi oo ku dhashay deegaanka Daaru-Salaam ee hoostaga degmada Saakoow ee Gobolka Jubadda Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ninkaan uu ka dhashay Beesha Liisaan ee raxanweyn oo dagta gobolada baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Ninkaan ayaa dhawaan ku biiray Guutooyinka Al-shabaab ay u diyaariyeen qaraxyadda laga fuliyo Magaaladda muqdisho,wuxuuna horey ugu tirsanaaa shabaab-ka ku sugan Gobolka Mudug ee koonfurta dalka Soomaaliya.

“waxaan qoyskayga iyo dhamaan asxaabtayda aaan ku wargaliyay in aan isku qarxin doono xarunta Degmadda, oo ay ku suganaayeen  mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaiya’, ayuu yiri C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta Degmadda Howlwadaag ayaa waxaa ku dhintay 5ruux oo seddex kamid ah ay ahaayeen Ciidamo, iyo dhaawaca 12-ruux oo ay mas’uuliyiin ku jirto iyo caruur dhiganaysay dugsi qur’aan.

PUNTLAND POST

The post Al-Shabaab oo baahisay magaca iyo Qabiilka nin isku qarxiyay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this