Sign in to follow this  
Deeq A.

Kismaayo : Shirkii Madaxda maamul Goboleedyada oo maalintii Labaad Galay

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa waxaa maalintii labaad ka socdo shirka madaxda maamul goboleedyada.

Shirkaan oo shalay furmay ayaa waxaa ka qeeybgalaya dhamaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo ergeyga qaramada midoobay arimaha Soomaaliya.

Madaxda maamul goboleedyada oo qudbado shalay ka jeediyay shirka Ayaa dhamaantood isku raacay in dowladu ay faragalin ku heeyso.

Shirka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa xiriirka dowlada iyo kuwa maamul Goboleedyada arimaha qeeybsiga dhaqaalaha iyo ciidamada.

Shirkaasi ayaa waxaa qorshuhu uu yahay in la soo gaba gabeeyay maalinta Jimcaha ah ee soo socoto.

Shirkaasi ayaan waxaan ka qeeybgaleeynin dowlada Soomaaliya oo iyadu sheeda sare kala socoto Shirka iyo waxyaabaha laga yaabo in ay ka soo baxaan.

Waxaa ku dhow dhamaadka xilalka madaxda maamul Goboleedyada dalka kuwaasi oo hadda ugu jiro dadaal badan sidii markale dib loo dooran lahaa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Kismaayo : Shirkii Madaxda maamul Goboleedyada oo maalintii Labaad Galay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this