Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo Askar ka Tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ku Toogtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Askar_lagu_laayay_Muqdisho.jpg?resize=81Muqdisho (PP) ─ Afar askari oo ka tirsanaa Ciidamada millateriga Soomaaliya, ayaa maanta lagu dilay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana dilkooda uu yimid kaddib markii dabley hubeysan oo watay gaari yar ay ku fureen rasaas.

Askarta la dilay ayaa la sheegay inay la socdeen mootada saddexda lugood leh ee loo yaqaan Bajaaj-ta, iyadoo dableydii dilka geystay ay markiiba ka baxsadeen goobta, waxaana dilkan uu qayb ka noqonayaa beegsaiga lagu hayo askarta dowladda Somalia.

Mas’uuliyiin ka tirsan degmada Kaaraan ayaa warbaahinta u sheegay in dilka askartan uu ka dhacay xaafadda Jamhuuriya oo ka tirsan degmadaas, ayna goobta gaareen ciidammo goobta ka qaaday askartii la laayay.

“Ciidamada la dilay waxay la socdeen Mooto Bajaaj, waxaaa si gaadmo ah rasaas ugu furay koox dabley ah oo watay gaari kuwa raaxada ah, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday,” ayuu yiri mas’uul u hadlay maamulka degmada uu dilku ka dhacay.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo waayadan dambe ka dhaca degmada xaafadda Jamhuuriya ee degmada Karaan, waxaana halka uu dilku ka dhacay gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo baaritaan billaabay, inkastoo aysan jirin cid ay kusoo qabteen.

Sidoo kale, Dilkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalmo ka hor gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho lagu dilay laba askari oo ka tirsan ciidamada minishiibiyada dowladda, kuwaasoo canshuuro ka qaadayay suuqaas, gaar ahaan qaybta qudaarta lagu iibiyo, inkastoo laba qof oo shacab ahna ay isla goobtaas ku dileen, kaddib rasaas ay fureen ciidammo soo gaaray halkaas.

Dhanka kale, Hay’adaha ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin weerarka lagu dilay askartan, iyadoo falalka noocan oo kale ah ay sheegato Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyn, Maalintii Shalay ayay ahayd markii sarkaal ka tirsan Ciidanka Dowladda Hoose ee Xamar uu ku dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa, qaraxaas oo dhacay xilli uu marayay isgoyska ex-koontarool Afgooye, mana jirto cid loo qabtay falkaas.

PUNTLAND POST

The post Kooxo hubeysan oo Askar ka Tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ku Toogtay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this