Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka_Golaha_DGD_Somalia.jpg?resize=816Kismaayo (PP) ─ Waxaa Xarunta Jubbaland ee Kismaayo ka furmay maanta shirkii madaxda maamul-goboleedyada dalka, kaasoo socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana xubnaha ka qayb-galaya ay kaga hadli doonaan xaadalaha siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka kala dhexeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxda shanta maamul-goboleed ee dalka ka jira, iyadoo sidoo kale uu shirkan goobjoog ka yahay ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Michael Keating oo xilliigii shaqo ee Somalia uu gabo-gabo ku dhaw yahay.

Madaxweynah Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo si rasmi ah u furay shirka ayaa sheegay in shirkan uu ka duwan yahay kuwii ay horay u yeelan jireen madaxda maamul-goboleedyada dalka, ayna kasoo bixi doonan qodobbo dan u ah ummadda Soomaaliyeed.

“Hoggaanka Dowladda dhexe waxay ku mashquulsan yihiin sidii xukunka ay ugu soo laaban lahaayeen, mana jiraan hawlo aan kuwaas ahayn oo xilligaan ay dalka ka wadaan,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo si carol eh u hadlayay.

Isagoo sii hadlaya ayuu wuxuu intaas raaciyay in Jubbaland aysan dhaqaale ka helin Dowladda Federaalka muddooyinkii ugu dambeeyay, haddana loogu daray dhibaatooyin curyaamin uu ku tilmaamay oo lagu hayo madaxda dowlad goboleedyada.

“Ammaanka dalka wuxuu marayaa meeshii ugu xumayd abid, waxaana taas sabab u ah Dowladda Federaalka oo fulin waday ballan-qaadyadii amniga ee ay ku heshiiyeen iyada iyo dowlad-goboleedyada,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Maaul-gobleedyada, C/weli Maxamed Cali Gaas oo isagana hadal ka jeediyay furitaankii shirka ayaa sheegay in ay iska wareysanayaan waxyaabaha ka dhaqan galay heshiisyadii u dhaxeeyay Dowladda dhexe, dowlad-goboleedyada iyo beesha caalamka.

C/weli Gaas ayaa soo hadal-qaaday mushaar la’aanta, daryeel la’aanta iyo ka warqab la’aanta ciidamada Dowlad-goboleedyada oo aan loo daryeelin sida loo daryeelo ciidamada ku sugan Muqdisho.

Sidoo kale, Gaas wuxuu rajo-wanaagsan ka muujiyay Doorashooyinka 2020-ka ka dhacaya Somalia, isagoo xusay in loo baahan yahay inay la socdaan doorashada dhaceyso oo qolo gaar ahaaneed aysan soo diyaarin.

Madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay inay xoogga la saaro sidii ammaanka dalka loo xoojin lahaa, isla markaana qof walba uu nabad ugu noolaan lahaa.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Madaxewynaha Koonfur-galbeed Sooamaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa isna ku baaqay in lagu dadaalo sidii dib u eegis loogu sameyn lahaa waxyaabihii lagu heshiiyay ee aan qabsoomin.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geele Xaaf oo isagana goobta ka hadlay ayaa soo hadal qaaday  muhiimadda ay leedahay Dib-u-heshiisiinta, wuxuuna sheegay in dib u heshiisiintii ugu dambeysay ee uu ka qayb-galay ay aheyd tii dhexmartay Galmudug iyo Ahlu sunna.

Ugu dambeyn, Madaxda ayaa waxay u muuqdeen kuwo doonaya in shirka u furmay maanta ay kasoo baxaan qodobbo ay isku waafaqsan yihiin, iyadoo aysan shirkan ku sugnayn wakiillo ka socda Dowladda dhexe ee Somalia.

PUNTLAND POST

The post Shirka Dowlad-goboleedyada Soomaaliya oo ka furmay Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this