Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Kheyre oo amar culus kusoo rogay Bankiga Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay inuu amar ku siiyey Bankiga Dhexe ee Soomaaliya inuusan bixin karin lacag caddaan ah (Kaash).

Arrintan ayaa ka danbeysay shirkii Golaha Wasiirada ay yeesheen 2-dii Bishan September oo lagu ansixiyey Xeerka Xayiraadda Lacagaha oo Wasaaradda maaliyadda ay Golaha hor keentay, taasoo saamaxaya inay xukuumaddu joojiso lacagaha laga shakiyo ee laga bixiyo Bankiga Dhexe.

Shirka ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu sheegay muhiimadda ah in dowaddu xayirto lacagaha aan saxda ahayn, si loo xaqiijiyo in lacagaha aysan wado khaldan ama hab sharci darro ah ku bixin.

Dhawaan ayey aheyd markii uu Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre amar duldhigay Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale.

Ra’isul wasaare Kheyre oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Amnig Ducaale ayaa faray in si dhaqsi ah uu kusoo wareejiyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka ee looga shakisan yahay musuqa.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu Wasiirka u faramuuqay dhowr Sarkaal oo ka kala tirsan Hay’adaha Booliska iyo Nabadsugida, kuwaa oo horay dacwadooda musuq loogu gudbiyay Kheyre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this