Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo afduubtay 70 oday dhaqameed maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Khudbad ka jeedinaayay Shirka Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ee ka socda Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha waxaa uu sheegay in ku dhawaad 70 Oday Shabaab ay ka Afduubteen Saakay degaano ka tirsan gobolka Galgaduud, islamarkaana ay la aadeen  degmada Ceelbuur oo ay ku sugan yihiin Shabaab.

Xaaf waxaa uu tilmaamay in ay tahay nasiib daro weyn ee dowladda Soomaaliya ay ku mashquusho burburinta maamul goboleedyadda,iyadoo Shabaab ay dadka dhibaato ku hayaan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Soomaaliya aysan Amniga dalka aysan Masuuliyad iska saarin.

Hadalka kasoo baxay Madaxweyne Xaaf waxaa uu kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay Al-Shabaab ay dad Odayaal ah ay ka Afduubteen gobolka Galgaduud, islamarkaana ay la aadeen degaanada ay maamulaan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this