Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo qabatay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kaddib Ismiidamaintii Howl-Wadaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ay gacanta ku  dhigeen xubin ka tirsan Al-Shabaab oo maleegayey qaraxyo lagu waxyeeleynayo shacabka, sida uu sheegay taliska NISA.

Warkan ka soo baxay taliska hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu dhacay 2-dii september ee maalitii shalay oo ku beegneyd markii qarax lagu weeraray xarunta degmada Howl-Wadaag.

“Howlgal ciidanka nabad galyadu ka fuliyay muqdisho 2-da sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-Wadaag. Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab, si dadkeenu u gaaro nabad” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta twitter-ka ee hay’adda NISA.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa taliska hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ayaa waxa ay shaacinayeen inay Muqdisho ka fuliyeen howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin AS ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay AS ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga AS si dadkeenu u gaaro nabad.

— NISA (@HSNQ_NISA) September 3, 2018

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this