Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo Gaaray Kismaayo iyo Shirkii Golaha oo Dib u dhacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shariif_Koonfur-galbeed_Kismaayo.jpg?resKismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo lagu waday inuu ka furmo maanta shirka Golaha Iskaashiga Maamul-goboleedyada, kaasoo la sheegay inuu ku yimid dib u dhac.

Shariif Xasan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa madaxwenaha maamulkaas, Axmed Madoobe iyo xubno kale oo golayaasha Jubbaland ka tirsan.

Wafdiga Shariif Xasan oo uu ka mid yahay wasiirka dastuurka maamlukaas, C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ku biiray wafdiyo ka soday maamullada kale ee dalka, kuwaasoo Kismaayo u tagay ka qayb-galka shirkii saddexaad Golaha Iskaashiga Maamul-goboleedyada oo saddexdii biloodba mar la qabto.

Dhanka kale, Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu dib u dhac ku yimid shirkii madaxda maamul-goboleedyada oo lagu waday in uu maanta furmo, iyadoo madaxda maamul-goboleedyada oo dhan ay ku sugan yihiin Kismaayo.

Wararka ayaa sheeaya in dib-u-dhaca shirka ayaa yimid  kaddib markii uu maanta gaaray Kismaayo ergeyga QM ee Somalia danjire Michael Keating uuna kulan la yeeshay  madaxda maamul-goboleedyada oo dhammaantood ku sugan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, ilo wareedyo ku dhaw shirka ayaa sheegaya in Danjire Keating uu ka codsaday madaxda maamullada dalka inay dib u dhigaan shirka isla markaana laga wadahadlo sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex-jira maamul  goboleedyada  dalka iyo Dowladda Federalka Somalia.

Lama oga xilliga uu bilaabanayo shirka, laakiinse warar ayaa sheegaya in madaxda maamul-goboleedyada dalka ay aqbaleen in illaa beri shirka dib loo dhigo.

Ugu dambeyn, Shirkan Golaha iskaashiga maamul-gobleedyada dalka ay ku yeelanayaan Kismaayo ayaa ku soo beegmay xilli uu dalka safar uga maqan yahay Madaxweynaha DF Maxamed C/llaahi Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Koonfur-galbeed oo Gaaray Kismaayo iyo Shirkii Golaha oo Dib u dhacay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this