Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya: Dagaalkii guuldarada reebay

Recommended Posts

Deeq A.   
Somali.jpg?resize=600%2C360&ssl=1Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya 1977

Sanadkii 1977 waxa uu ahaa markii ugu horaysay ee si mug leh ay Soomaaliya iyo Itoobiya dagaal isaga hor yimaadaan muddo shan boqol oo sanaa, waana dagaalkii ku caan baxay 77.

Kolkii gumaystuhu soo galay gayiga Soomaalida waxa uu dhulkii Soomaalida u kala qaybshay shan waaxood, oo waax ka mida la guddoon siiyey boqorkii xabashiada ee Menelik. Wixii ka dambeeyey qabsashadii Harar iyo wareejintii dhulka Soomaaliyeedba, Soomaalidu waxay ku jirtey halgan af iyo adina oo ay doonaysey inay dhulkooda ku soo dhcsadaan. Markii ay Soomaliya xoriyadeeda qaadatay, labo ka mida shantii waaxoodna ay ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa guntiga loo xirtay sidii dhulka maqan loo baadi goobi lahaa. Baadi goobkaas ayuuna ka dhashay dagaalkii 77. Laakiin nasiib daro dagaalkii ma noqon mid guul u horseeda gobaladii la baadi goobayey iyo kuwii wax baadi goobayey toona. Maxaa yeelay Soomaaliya ayaa si wacan u akhriyi wayday siyaasadihii dagaalkii qaboobaa ee xiligaas jirey.

Kolkii Soomaaliya ay heshiiska saaxiib tinimo la saxiixatay Midowgii Soofiyeeti sanadkii 1974 iyada oo noqonaysay wadankii ugu horeeyey oo Afrikada madow ah oo heshiis noocaasa la saxiixda Soofiyeedka, waxa uu heshiiskaasi tumaati ku noqday dawladihii reer galbeedka iyo saaxiibadoodii Carbeed. Laga bilaabo xilligaas waxaa jiray dadaalo la doonayey in Soofiyeedka Soomaaliya looga saaro taas oo markii dambe laga miradhaliyey. Soofiyeedku waxa uu Soomaaliya ugu xilanayay marinkeeda strategica ah, Soomaaliyana waxay doonaysay kaalmo military iyo dhisid-ciidan oo ay horay reer galbeedka ugaga waydey. Sidaas daraadeed ayaa labada dhinacba heshiisku muhiim ugu ahaa. Inkasta oo la sheego in bilowgiiba Soofiyeedku Soomaalida kula talinayey in ay dhulka ka maqan doontaan, haddana waxa uu figrataas ka tanaasulay kolkii xukunka Itoobiya ciidanku la wareegeen, ayna ku soo biireen xeradii reer bariga ee Warsow. Marakan Soofiyeedku waxa uu bilaabay dadaal aad u xoog badan oo uu doonay in lagu baajiyo dagaalka. Waxaa ka mid ahaa dadaalkaas booqashadii Nikolia Podgrony madaxwaynihii Soofiyeedku uu ku yimid Soomaaliya horaantii bishii April, 1977 iyo booqashadii midaas la midka ahayd ee uu Castaro madaxwaynihii Cuba isaguna ku yimid Soomaaliya. Dhamaan dadaaladaas ayaa noqday hal bacaad lagu lisay kadib markii Soomaalida lagu qancin waayey inay dagaalka ka tanaasulaan.

Marakan Itoobiya waxay bilowday inay kaalma military si toosa u waydiisato Soofiyeedka taas oo sababtay in dhawr shixnadood oo huba loo raro Itoobiya. Soomaalidu iyada oo ka caraysan xiriirkaas kana hortagaysa in aanay Itoobiyaanku ku xoogsan, maskaxdana ku haysa xasilooni-darada siyaasadeed ee Itoobiya ka jirta ayay bilowday guluf baaxad wayn oo ay ku qaaday Itoobiya bartamihii sanadkii 1977. Dagaalka waxa dhinac socday guubaabin Soomaalida lagu guubaabinayey inay Soofiyeedka dalkooda ka saaraan, reer galbeedkuna u buuxin doono kaalinta ay banayn doonaan. Haddii aynu eegno dhanka Soofiyeedka, waxaa jirey dood xoog badan oo u dhaxaysay madaxda sirdoonka iyo khuburada ciidamada oo dhinaca iyo siyaasiyiinta oo dhinaca kalaa, taas oo ku saabsanayd go’aanka laga qaadanayo dagaalka. Qolyaha hore ayaa qabay in Soomaalidu uga muhiimsantahay Xabshida, sidaas daraadeed ay haboontahay inaan la dhumin saaxiibtinimadooda. Go’aan qaadasha la’aanta Soofiyeedka ayaa sababtay in shir jaraa’id oo uu qabtay Colonel Mingistu kolkii Soomaalidu qabsatay magaalada Goday uu ku cambaareeyo Soofiyeedka. Wuxuu yiri “Itoobiya waa dal ku biiray xerada reer bariga haddana maanaan helin taageeradii aanu xaqa u lahayn, ma dhici karto In Soofiyeedku labada dhinacba uu taageero”

 

HAGARDAAMADII REER GALBEEDKA IYO HOOSAASINTII CARABTA

Reer galbeedku waxay geed walba u fuuleen sidii ay fursaddaan uga faa’iidaysan lahaayeen. Dawladaha Sacuudi Arabiya, Masar iyo Iiran ayaa Soomaaliya ku qanciyey inay Soofiyeedka saarto iyaga oo u sheegay in reer galbeedku u badali doonaan kaalinta uu Soofiyeedku banaynayo. Sida uu qoray wargayska Washington Post cadadkiisii soo baxay march 5, 1977 dawladaha Carbeed ee qaniga ahaa ayaa Soomaliya u balan qaaday inay siinayaan kaalmo dhan $300 ilaa $350 milyan oo dollar haddii ay Sofiyeedka saaraan. Madaxwaynihii Maraykanka Cartar ayaa u sheegay La taliyihiisii Xagga amniga Zbigniew Brezezinski in la sameeyo wax walba oo Soofiyeedka Soomaaliya looga saari karo. Taas ayaana dhacday kolkii Soomaaliya ay ku dhawaaqday november 13, 1977  in Soofiyeedku dalkeeda uga baxo muddo todoba cishaa. Warkaan ayaa idaacadda Radio Muqdisho waxa ka sii daayey wasiirkii warfaafinta ee xiligaas mudane Abdiqasim Salad Hassan.

Waxaa jirtey fariin uu Madaxwaynihii Sudan Jacfar Al-Numayri usoo diray Madaxwaynihii Soomaaliya Maxmed Siyaad Barre oo ahayd in aysan Soofiyeedka saarin haddii aysan balanqaad qoraala ka haysan Maraykanka, laakiin taladaas dheg jalaq looma siin. Soofiyeedku waxa uu si toosa iminka ula saftay Itoobiyaankii isaga oo ku taageerayey hub, saanad, khuburo iyo ciidan ba. Nasiib daro reer galbeedkii Soomaalida hoday waa ay ka dhaga adaygeen inay Soomaaliya ku taageeraan dagaalka. Sidaas ayayna Soomaaliya ugu jabtay dagaalkii uguna dhacday shirqool aanay cidna ku eedaynayn, maxaa yeelay waxay akhrin aqoon wayday siyaasaddii xiligaas caalamku ku dhaqmayey ee ku wajahnayd dagaalkii qaboobaa. Afartan sano ka bacdi shirqool kaan, Caadil Al-jubayr wasiirka arimaha dibadda ee Sacuudga Muxaadaro uu ka jeediyey sanadkaan horaantiisii mac-hadka Brookings Institute ee Washington ayuu ku xusay sidii ay  Maraykanka iyo Sacuudigu iyaga oo wada jira ugaga saareen Soofiyeedka Soomaaliya, iyada oo waxa la xeerinayay ay ahayd amaanka dawladaha gacanka. Dagaalkaan ayuuna ahaa albaabkii sharka ee Soomaalida u furay masaa’ibtii ay soo martay sodonkii sano ee u dambaysay.

Mohamed Ahmed Elmi.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya: Dagaalkii guuldarada reebay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this