Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxii Degmada Howlwadaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa aad u cambaareysay  qaraxii shalay subax ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarunta degmada Howlwadaag.

Wasaaradda bayaan ay soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in aad ay uga xuntahay qaraxa kaasi oo ay dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad badan oo ay ku jiraan caruur.

Bayaan wasaaradda waxaa lagu yiri “Waxaan aad u cambaareyneynaa weerarkan argigixo kaasi oo lala beegsanayo xasiloonida Soomaaliya”.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa tilmaantay in dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay uga tacsiyadeyneyso iyada oo caafimad u rajeysay dadka ay waxyeellada soo gaartay inta uu qaraxa socday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this