Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: Muxuu ku saleysnaa kulanka Xasan Sheekh iyo Keating ee MUQDISHO?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si wada jira magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ugu kulmay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Kulanka labada mas’uul oo ahaa mid saacado qaatay ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii Keating uu booqday hooyga uu magaalada Muqdisho ka degnaa Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Michael Keating ayaa si guud uga wadahadlay xaalada Somalia, Isbedelada dhacay, Siyaasada, Amniga, dhaqaalaha  iyo sida loola shaqeyn lahaa dowlada Somalia ee uu Hoggaaminayo Maxamed Cabdulahi Farmaajo inta uu ka dhameysanaayo wakhtiga.

Kulanka labada mas’uul kadib madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray nuqulo kamid ah kulanka waxaana kamid ahaa “Waxaan maanta kulan layeeshay wakiilka QM ee Soomaaliya Amb. Michael Keating kaas oo aan ka wada hadalnay xaaladaha dalka gaar ahaan dhinacayada siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha, waxaan sidoo kale isla soo hadal qaadnay isbedelada mandiqada Geeska Africa”.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu sheegay in kulankooda uu ahaa mid kusoo dhamaaday guul, waxa uuna arrin muhiima ku sheegay in la fuliyo dhamaan waxyaabaha ay kawada hadleen.

Xasan Sheekh, ayaa horay u sheegay inay jiri doonaan kulamo uu la yeelan doono xubno kala duwan oo bulshada rayidka ay qeyb ka tahay, waxaana iminka socda kulamada uu sheegay Xasan.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu Muqdisho kula kulmi doono dhammaan madaxda Xisbiyada Mucaaradka ee ka dhanka ah DFS.

Xasan Sheekh, ayaa doonaaya inuu sameeyo isbedelo dhanka Xisbiyada ah, waxa uuna wadaa qorshe ku aadan inay isbaheysi hoose sameystaan.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Sheekh ayaa ku taamaya in mar kale uu dib ugu soo laabto maamulka dalka, waxa uuna usii diyaar garoobayaa sida lagu dooran lahaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this