Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda Maamul-goboleedyada Qaarkood oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo_madaxdaDGD_Somalia-1.jpg?resizeKismaayo (PP) ─ Waxaa magaalada Kismaayo maanta gaaray saddex ka mid ah madaxda maamul-goboleedyada dalka, iyadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin kala duwan oo uu hor-kacayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Madaxweynayaasha Maaalada Kismaayo gaaray maanta ayaa waxay kala yihiin, Madaxweynaha Dowladda Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf] iyo madaxweynaha HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare.

Shir jaraa’id oo ay qabtene madaxdan ayaa waxay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Kismaayo, isla markaana ay rajeynayaan in shirkooda ay kasoo bixi doonaan qodobbo dan u ah bulshada Soomaaliyeed oo dhan.

Dhanka kale, Mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa sheegay inuu berri imaan doono Kismaayo madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo la filayay inuu maanta yimaado, balse ay sheegeen in arrimo kale uu u baaqday.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo isagana warbaahinta hadal kooban siiyay ayaa sheegay in madaxda maamullada dalka ka jira ay kaga qayb-geli doonaan magaalada Kismaayo shirka golaha iskaashiga maamul-goboleedyada, kaasoo saddexdii biloodba mar la qabto.

Sidoo kale, Shirkaan ayaan la sheegin qodobbada looga hadli doono, balse shirarkii midkan ka horreeyay ayay madaxda golahan kaga hadleen xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Golaha Iskaashiga maamul-goboleedyada dalka ayaa waxay inta badan ku dhaliilaan kulammadooda Dowladda Dhexe ee dalka, iyadoo la filayo in shirkan ay kasoo baxaan qodobbo xasaasi ah.

Kismaayo_madaxdaDGD_Somalia-2.jpg?resize Kismaayo_madaxdaDGD_Somalia-3.jpg?resize

PUNTLAND POST

The post Madaxda Maamul-goboleedyada Qaarkood oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this