Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil Ajaaniib ah & Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab oo duqeyn lagu dilay (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in qeybo kamid ah Gobolka ay duqeyn ka geysteen Diyaarado aan la aqoon halka laga leeyahay.

Diyaaradaha ayaa Duqeynta ka geystay saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin degmada Bau’aalle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Saldhiga la duqeeyay ayaa la xaqiijiyay in maleeshiyada Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen weerarada iyo Qaraxyada, sida laga soo xigtay Saraakiisha ciidamada gobolka Jubbada Dhexe.

Diyaaradaha ayaa ilaa afar gantaal ku dhuftay Saldhiga, waxaana lasoo sheegayaa in duqeyn kadib ay Saldhiga isku gadaameen Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Saldhiga la duqeeyay ay xiligaasi ku sugnaayen Saraakiil ajaaniib aheyd oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ku dhawaad 8 maleeshiyo ayey dadka deegaanka soo sheegayaan inay waxyeelo kasoo gaartay duqeynta kuwaa badankood uu soo gaaray dhaawac.

Duqeymaha ugu badan ayaa waxaa gobolka Jubbada Dhexe ka geysta Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka iyo kuwa Kenya, waxaana xusid mudan in Gobolkaasi uu yahay halka labaad ee ugu Saldhigyada badan.

Dowlada Somalia ayaan weli ka hadal duqeynta la sheegay in lagu laayay Saraakiil ajaaniib ah oo ka tirsan Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad kale.

dron

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this