Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxiinta JUBBLAND oo lagu xiray HAL shuruud oo cajiib ah (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa dhawaan lagu wadaa in doorasho heer Madaxweyne ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Doorashadan ayey Xildhibaanada maamulka ku dooran doonaan Madaxweynaha cusub ee maamulka, waxaana xilkaasi u sharaxan tirro mas’uuliyiin ah oo qaarkood xilal horay uga soo qabtay dalka.

Maamulka Jubbaland oo ka duulaya doorashada ayaa soo saaray shuruud adag oo la hordhigay musharaxiinta dooneysa inay u tartamaan doorashada ama ay qabtaan xilka ugu sareeya maamulka.

Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shuruuda hortaal musharaxiinta tartameysa ay tahay in marka hore ay xoreeyan deegaanada ku jira gacanta Al-Shabaab ee maamulka ka maqan.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay musharaxiinta laga doonaayo in marka hore ay usoo halgamaan maamulka, waxa uuna soo jeediyay in xisaabta lagu darsado in musharaxnimada ay ka horeyso in marka hore Al-Shabaab laga saaro Jubbooyinka.

Madaxweyne ku-xigeenka waxa uu tilmaamay in fulinta shuruuda kadib ay musharaxiinta u banaan tahay in ay isu soo sharaxaan qabashada hoggaanka Jubbaland.

Warka ka soo baxay Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli Siyaasiyiinta deegaanadaas qaarkood ay Madaxweyne Axmed Madoobe ku eedeynayeen inuu doonayo mudo kororsi.

Si kastaba ha ahaatee, waxaana la ogeyn sida ay ku dhaqan gali doonto shuruuda la hordhigay musharaxiinta maamulka, waxa ayna tani shaki galin doontaa dhicitaanka doorashada la filaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this