Deeq A.

South African looters descend on a Somali owned shop like animals

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Onliane)-Wararka naga soo gaaraya dalka South Africa ayaa sheegaya in halkaa lagu dhacay hantida Ganacsato Soomaaliyeed oo goobo ganacsi ku lahaa degaanka Soweto ee dalkaas.

Inta uu boobka socday ayaa waxaa lagu soo waramayaa in halkaa uu ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo ay geesteen muwaadiniin u dhashay dalkaas.

Goobaha Ganacsi ee ku yaala xaafada Soweto ayaa waxa leh dad shisheeye ah oo ka tagay dalalka Afrika, waxaana ugu badan Soomaali.

Dadka ugu badan ee lahaa goobaha la boobay ayaa waxa ay kasoo kala jeedan dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Zimbabwe iyo Pakistan.

Sidoo kale, dhaca iyo boobka halkaa ka dhacay ayaa xoogeystay kadib markii Dukaan keliya oo ay dadka halkaa degani sheegeen in ninka leh oo Soomaali ah uu toogtay wiil dhawr iyo toban jir ah iyo saaxiibkii oo sida la sheegay damcay in ay Dukaankiisa u dhacaan.

Burcad ku hubeysan Baangado oo u badan dadka degaanka ayaa boob ku bilbaabay Dukaamo ka badan 40, halkaasi waxaa iska hor imaad uu ku dhexmaray Burcada Koonfur Afrikaanka iyo dadka iska leh goobaha ganacsi.

Baraha bulshada ayaa waxaa la soo dhigay muuqaalo muujinaya dukaamo la boobayo iyo dadka qaar oo jirdil wadareed loo geysanayo, iyada oo ay goob joog yihiin Booliska.

Koonfur-Afirka-2.jpg Koonfur-Afrika-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.