Sign in to follow this  
Abwaan

Soomaali iyo Qaad la kala raac!

Recommended Posts

Abwaan   

Posted: 10/23/2008 8:30:00 AM

Shabelle: MUMBAI

Arday Soomaaliyeed oo wax ka baraneeysay dalka India ayaa waxaa loo taxaabay xabsi ku yaala dalkaasi kadib markii lagu eedeeyay in ay jabiyeen sharci wadankaasi u yaalay.

 

Ciidamada Boliiska wadanka India ayaa xabsiga u taxaabay ku dhawaad 26-arday oo intooda badan ahaa arday Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay jabiyeen sharcigii u yaalay gobolka Hyderabad ee wadankaasi.

 

 

Ardayda ayaa qaarkood waxaa la sheegay in ay isticmaalyeen Qaadka oo ah maandooriye mamnuuc ka ah wadanka India waxaana la sheegay in sidoo kale lagu helay waxyaabo kale oo daroogo ah oo wadankaasi laga mamnuucay sanadkii 1985-tii.

 

 

 

Waxaa la sheegayaa in ardaydaani goobtii ay daganaayeen laga soo saaray caleemaha qaadka kadibna la sheegay in shaybaar la geeyay oo haatan baaritaano lagu hayo.

 

 

 

Gudoomiyaha kooxda ardaydaani ka soo qabtay goobta ay ku sugnaayeen oo lagu magacaabo Mehdipatnam ayaa waxaa uu sheegay in arday kale laga soo qabtay gobolada Tolihowki iyo Humayunnagar oo uu sheegay in ay yihiin ardaya ajaanibi ah,waxaana lagu soo waramayaa in ardayda Soomaalida ah ay dhismo ka dagnaayeen gobolka Hyderabad halkaasi oo ay ku noolaayeen balse lagu helay waxyaabihii ay u tageen wadanka India oo wax barsdho aheeyd waxyaabo ka duwan oo ay waxbarashdii dhafeen iyagoo bilaabay in ay isticmaalaan waxyaabaha maanka dooriya.

 

 

 

Sidoo kale waxaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay arday u kala dhalatay wadamada Ethiopia,Rwanda iyo Nigeria kuwaasi oo dhamaandood la sheegay in loo duuliyay magaalada Mumbai,waxaana la sheegay in ardaydaan qaar kood laga jeex jeexay warqadihii ay ku joogeen wadanka India.

 

 

 

Ardayda la xiray ayaa dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwa da’yar oo waqtiyo badan aan joogin wadanka India,waxaana la sheegayaa in haatan ardaydaani lagu wareejinayo Boliiska gobolka Humayunnagar si baaritaano culus loogu sameeyo

 

 

 

Arday fara badan oo ku nool wadamada Ajaanibta ah oo u dhalatay wadanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay ku dhaqaaqaan waxyaabo waxabarashada ka baxsan oo ay ugu horeeyaan iyagoo isticmaala waxyaabah Maanka dooriya oo wadamo badan oo aduunka ka tirsan ay mamnuuc ka yihiin waxana lagu eedeeyaa ardayda qaarkood in ay si sharci daro ah u galiyaan wadamada ay waxbarshada u aadeen waxyaabahaas xili waalidiintooda ay u soo dirsadeen in ay wadonkooda wadan aan aheeyn ay wax ku bartaan.

 

 

 

Shabelle Media Network - Source of Somalia News

 

 

Tolow haddii qaar Guantanamo la geeyana ma qaad bay geyn lahaayeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

:D:D
...... Imikaba qaar baa laga yaabaa inay Guantanamo ku cunayaan.

loooooooooooool.........JB...what makes me soooo mad is marka odayaasha Soomaalida iyo dadka aad is leedahay dhibaatooyinkiisa way fahmayaan ay u doodaan oo ay dhahaan. "Jaadku waa qayb dhaqankeenna ka mid ah oo qarniyaal baa Soomaalidy quudaneysey" Bal intay been ka gaareen hadduu Soomaali Quud u yahay mar hore ayey beeran lahaayeen oo qaarkood business xoog leh ka samaysan lahaayeen balse inuu Yaman iyo Itoobiya cunowgiisu nooga yimid waqti aan sidaas u dheerayn ka hor bay qarinayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I was in a meeting where an German NGO was presenting the findings of a research on Khad and its relation with the Mental health. It was really touchy and very important that all the NGOS, Gov and the prominent figures were invited.

 

One of the Guurti members, Imam of a Masjid who studied in Canada stood up for a comment after the presentation. Guess what ?? ..... He criticized the research and started defending the Khad ,,, i remember when he was saying "In my own village, people used eat the Khad for the last 100 years and you cannot find one single mentally ill person" .....

 

The presenter, a German woman started crying until the session was over ... nobody could stop her crying until one of her colleagues took her to her room in the hotel.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

very sad indeed...waxaa mooddaa inuu tuulada dhan intuu buug iyo qalin qaatay dadka soo maray oo dhan waxay ku dambeeyeen uu yaqaan...Malla hubaa inuu isaguba nabad qabo siduu seef la boodnimo gabadha martidaa u aflagaadeeyey...runtii arrinta ugu daran ee dadkeenna haysataa waa wacyi gelin la'aan...Anigu waxaan qabaa inuu qaadku yahay dhibka labaad ee Soomaali haysta marka qabyaaladda laga soo tago. Ilaahoow labadaba naga badbaadi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   
:D @ she cried. Gaaladu naxariis badnaa. Markanoo kale waa markii abtigay dhihi jiray, waar kuwanu hadday ashaadan lahaayeen, jannada wallaan cidi kaga hor marteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this