Jacaylbaro

Nomads
  • Content Count

    44,142
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    1

Everything posted by Jacaylbaro

  1. Abu Busaarad miidhan baynu nahaye iska daa ,,,
  2. Waar wax soomaali sheegtaa ma ku jiraa ??
  3. Afriiqi yaa xaag ,,, Ixnaa caayishiin fii Afriiqiya .....
  4. Ragga sheekadooda hadaanad fahmayn ha soo dhex gelin ,,,,,,
  5. Jacaylbaro

    Moussy

    something to do with the weather i guess .....
  6. Jacaylbaro

    Moussy

    Sodas are not mine beryahan ,,,,, anything else would just work fine.
  7. RAAD TV is a new one ,,, Cawke and Hereri are empoyed to the TV ,,,
  8. Bosaaso:- Waxa habeenkii xalay ahaa ay Koox hubaysani Tacshiirad ku fureen Gaadhi Xamuul ah oo ku sii jeeday Magaalada Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ka tirsan, Tacshiiradaasi ayaa waxa Furay koox aan la aqoon habytooda kuwaasi oo Gaadhigaasi joojiyay xili uu ku dhawaa Magaalada Ceel- Dadkan ayaa waxa Tacshiirad ku Furay Kooxo aan la aqoon yaybtooda kuwaasi oo doonayay inay dadkaasi Rikaabka ah ka dhigaan wax shuf beelay,balse Ilaahay ayaa ka badbaadiyay. Tacshiirada ayaa ka dhacday Magaalada Ceel-Doofaar X-Ceel-daahir halkaasi oo ay ku fureen Rikaabkaasi rasaas xili uu gaadhiga Rikaabku ku sii jeeday Magaalada Hadaaftimo. Gurmad fara badan ayaa xalay Abaaraa 12:30 habeenimo ka boqoolay dhanka Magaalada Bosaaso halkaasi oo loo soo daad gureeyay Ilaa 5- Ruux oo dhaawac ah halka Marxuumada Dumar ah oo dhimatay lagu duugay Magaalada Ceel-daahir oo ah Goobta Falkaasi ka dhacay. Dadka dhaawac may ayaa waxa ka mid ah: 1- Yusuuf Cali Xasan oo ahaa Dareewalkii Gaadhigaasi waday 2- Guray Xaaji Fije 3- Xasan Dheere Halka ay dhimatay Alla Ha u [Naxariistee Aamina Aadan Nuux] oo u geeriyooday Tacshiiradaasi ay fureen Kooxdaasi hubaysni. Gaadhi La rasaaseeyay ayaa waxa lahaa Hantiilaha lagu magcaabo Maxamed Cali Xasan oo ah nin Ganacsade ah oo Degan Magaalada Hadaaftimo, Ilaa haatan Duqayda Gobolka Sanaag kama aysan hadlin falkaasi waxashnimada ah ee dadkaasi Rikaabka ah loo gaystay. Waxa jira warar hordhac ah oo ka soo baxay Cidii falkaasi ka danbaysay iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in raga Falkaasi ka danbeeyay ay yihiin Ciidamada Maamulka Puntland. Source- LaasqorayNet
  9. RAAD TV should be on air in two weeks time IA ,,, let's see wuxuu kaasina keeno bal. Never watched the Universal TV ,,,, waxba kama sheegi karo.
  10. Marka hore waxaan salaan kal iyo laab ah qoraalkan ugu gudbinayaa hurinta wargeyska Geeska Afrika, oo maanta xusaya sannadguuraddii labaad ee ka soo wareegtay maalintii uu soo ifbaxay. Sidoo kale waxaan baaq guubaabin iyo dhiirigelin ah u jeedinayaa ciidanka warbaahinta ee dalka, anigoo xusuusinaya inay sii xoojiyaan dedaalkooda joogtada ah ee ay u banbaxeen. Dhanbaalkani wuxuu dhallinyarada Geeska Afrika kala qayb geliyaa xafladda munaasibadda-sheegan, kadib markii ay suurogal ii noqon wayday inaan ka muuqdo goobta iyo golaha lagu xusayo wargeyska, sababa kedis ah oo soo dhexgalay qorshahayga darteed. Warbaahinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaani meel ay joogtaba waa iftiin iyo ileys horseed ka ah nolosha ummadi leedahay, majaraha ay ku socoto iyo abaarta ay ku jahaysan tahay. Saxaafadda wax ku oolka ahi waxay sawirtaa eel qarsoon iyo lama aragta kowda ah. Waa jeedal qac kulul oo ka qaylisiiya layliga biyaha kashiisa ku jira ka didaya. Arrin kasta oo saxaafaddu soo bandhigayso waxay u soo bandhigtaa hab iyo hanaan, hubsiino, miyir iyo miisaan ku dheehan yahay. Waxay soo bandhigtaa wakhtiga ku habboon. Waxay raacisaa talooyin iyo tusmooyin. Waxay ka digtaa waxyeellada ka iman karta iyo saamayntiisa. Meel kasta iyo maamul jiraba, waxay u qaybsan tahay inay isha ku hayso. Waajibaadkaa halista ah saxaafaddu waxay ku heshaa sumcad, magac iyo maamuus. Waxa kordha miisaanka ay leedahay iyo taxgelinta la siinayo. Waxay hoysataa kalgacalka ummadda, taasina waxay dhalisaa inay hesho cudud miiggan oo dhan walba ah - ay ku tiirsato oo isku kalsoonideeda xoojiya. Waa qalab feejig oo lafaha hoose iyo xaajo dabool adagi saaran yahay qaawisa. Waa qalab cid walba ku tola inay dhabaha toosan raacdo oo layska ilaaliyo. Haddana, saxaafaddu mar walba ma aha sidaas. Inay sidaas noqotaa waxay ku xidhan tahay shuruudo badan iyo arrimo asaasi ah oo ay tahay inay jiraan. Saxaafaddu marka si loo eego, waxay ka kooban tahay - weriyaha iyo warbaahinta. Warbaahintu, waa sawirka iyo sawraca weriyaha oo car iyo bey la’. Xaqiiqooyinka ka muuqda, waxa uu aaminsan yahay, marinkiisa, dareenkiisa iyo waxa uu difaaco iyo guud ahaan dadnimadiisa iyo duruufaha ku xeeran. Saxaafaddu, haddana ama sida kale, waa xaqiiqooyinka ka jira dowladda, dalka iyo dadka. Waa runta waayaha, waa…, waa…, waa … Suxufigu waa kuma? wuxuu leeyahay aragti, abaar sugan, mabda, aqoon guud, aqoon gaara oo uu ku jahaysan yahay. cid walba wuxuu kaga adag yahay, ku dhac iyo badheedhe Waxa uu hay’adda shaqada tooska ah ku leh la ilaaliyaa mabaadiida iyo shuruucda guud ee dalka u taal, wuxuu ilaaliyaa dhaqanka suubban, anshaxa iyo asluubta ummadi leedahay. Waa inuu leeyahay miyir iyo miisaan ilaaliya hawlihiisa Waa inuu ka fayow yahay oo ka madax banaan yahay, balwooyinka iyo aafooyinka camalka dhaawaca ama dib u dhiga. Waa in aannu mabda ka dhigan xasaradda, xeerjajabka iyo dhinac u janjeedhka guracan ee dhabbada sugan ka leexinaya. Waa inuu leeyahay hibooyinka qurxisa hawshiisa, sida aftahamada iyo farshaxanimada. Waa inuu si xeeldheer oo kala qalan u yaqaan luuqadda uu wax ku qorayo, ama ku tebinayo Waa inuu asturan yahay dhinaca hiyiga iyo haynta Waa inuu ka nabad qabaa qarqarsiga iyo qafaalashada xasiloonida qaadda. Waa inuu ka tirsan yahay meelo xaqiisa ilaaliya oo ku gudban ama gaadh-haye ka ah. Maxaynu ka nidhi saxaafadda Marka horeba waa in saxaafaddu ka soo jeeddaa - ummadda iyo waayaheeda Waa inay saxaafaddu tahay sawirkii ummadda oo dib loo tusayo si ay isu daawato. Waa inay ilaaliso midnimadda iyo maslaxadda ummadi leedahay Waa in xilka saxaafaddu yahay toosin iyo talo bixin, Waa inay xambaarsan tahay nuxur iyo mug marba marka ka dambaysa isa soo tara. Waa inay tahay macalin “laqan” ah oo dadka wax bara, waxna ka barta Waa inay tahay mid kaydisa dhacdooyinka maalmaha. Waa inay isku xidho dalka iyo beesha caalamka Waa inay iska wada gufayso gododka bahalo galeenka ah iyo cid kasta oo taqaanna garab ku daaqa. Waxay yeelataa cadow fara badan, oo colaaddiisu ka soo jeeddo dano gaar ahaaneed iyo gurac wax ku doon Laakiin, waa inay ku tiirsan tahay shacbiyad, cudud iyo ciidan ka fara badan cadowgeeda. Waa inay difaacdo xoriyadda iyo xuquuqda muwaadinka Waa in dadku hiil iyo hoo la barbar taagan yahay. Waa in dowladdu ixtiraam iyo xoojin la garab taagan tahay. Waa inay ka madax banaan tahay masalooyinka reebban. Waa inay leedahay sharciyad, urur iyo ururro ilaaliya Intaasoo dhan iyo in ka badan waa suxufiga iyo saxaafadda is waafaqsan oo jira meelo badan oo adduunka ah. Bal haddaba, aynu u soo noqonno, suxufiga iyo saxaafadeenna. Suuragal noqon mayso inaynu teenna, barbar dhigno suxufi iyo saxaafad soojireen ah, dhismay oo dhan walba dhidibbada aastay, ka gudbay heerarka caqabadaha ku ah oo dhan, oo aynu si walba iyo dhan loo dayoba ku kala duwan nahay. Teennu marka hore, waa saxaafad da’yar oo socod barad ah, oo weli aan gacanta ku dhigin qodobbo badan oo aasaasi ah. Waxa dhacay burbur guud oo laastay naf iyo maal, dhur iyo dhaqan, anshax iyo asluub. Burburkaasi weli wuu socdaa. Maalin walba maalinta ka dambaysa, dalka iyo dadka waaxbaa sii degeysa. Taasna astaamaha caddaynaya waxa ka mid ah barakaca iyo sibiq-dhaqaaqa dalka ka socda, geediga iyo suudalka taxanaha ah, isdeldelka nafwaaga ah - xaaladdaas ayay saxaafadeennu dhex taagan tahay. Waxay salka ku haysaa waayaha ka jira dalka iyo dadka. Ummaddu kuma biirin karto arrin aqoon iyo adduun midna. Ragga saxaafadduna badi waa rag dhallinyaro ah oo weli ay u dhiman tahay aqoon iyo waayo-aragnimo. Waxay sameeyaan ragganimo iyo dedaal aan dedaal kale ku tiirsanayn. Waxa haysata qorshe la’aan iyo qalab la’aan. Waxa haysata fadqalallo iyo fara-madhnaan. Waxa haysata cadaadis iyo cagajuglayn kaga imanaysa dhinaca dowladda. Weli ma saldhigin oo uma saahidin xilka iyo mas’uuliyadda hortaal ee ay keli ku yihiin. Cid hundo og oo ka war haysaa ma jirto, ciday nabadgelyo ahaan ku tiirsan yihiin ma jirto. Marar badan bay dhacday in badan oo iyaga ka mid ah in xabsiga loo taxaabo oo aan laba cali is weydiin, oo weliba habka iyo hanaanka loo qabtay ay dadnimada ka baxsan tahay. Denbi lagu oogey oo maxkamadi ku caddaysayna aannu jirin. Hadday dhaliilo leeyihiin waa dhaliilo ka muuqda dalka iyo dadka. Cid waxa ku dhaantaa ma jirto, siday wax ku dhaliyaanna waa rag ka rooni iyo dedaal ay keli ku yihiin. U dambayn, waxaan hanbalyeynayaa xuska maanta ah ee wargeyska Geeska Afrika iyo guud ahaan ururka warbaahinta. SUXUFIGA IYO SAXAAFADDU WAA INTAAS IYO IN KA MUG WEYN Allaa Mahad Leh Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) 17 April 2008 … >
  11. Jacaylbaro

    Moussy

    Caano Nido with Vimto is called Isku Dar ,,, or Caano-fiimtoo .... yeah it still exists. You're right ,,, i thought it is a beer at the first sight.
  12. Hal abuurka gabaygiyo Hawraarta maansadu Hibo eebe keeniyo Hida dhaxala weeyee Cabdiyow hasheenii Waagii halowdee Muddo badan lahaybshee Cadow lagu hujuumee Lagu hoogay diriree Lagu waayay hanaddee Lagu dilay halyayee Hoga lagu daboolee Nafta loogu hurayee Hanti loogu bixiyee Hingaf loogu qaadee Dhiig lagu hagoogtee Gudin iyo hangool iyo Hootadiyo warankiyo Hubka lagu dhacsiiyee Gaajiyo haraad iyo Hanfi iyo kaliil iyo Holac iyo kulayl iyo Loo maray habaasee Horor iyo shabeel iyo Aar hamaansanaayiyo Halaq iyo abeesiyo Inta bahal hadaafiyo Loo jiidhay hawdkee Lagu helay dhibaatada Wixii hawl igaadhiyo Waxa haara kugu yaal Anoon haakah odhan iyo Adoon diifi kaa hadhin Markii aan hargeysiyo Xaruntii ku hooyee Xeradii ku hubiyee Kahadhgalay cadceedee Ku hakaday ardaagee Uhogeeyay gaawaha Ninba meel ka how yidhi Ninba meel ka hanqaltaag Murti iyo halhays iyo Maah maah nin hore yidhi Hadduu geelu baratamo Duqda iyo horwayntuna Ka hor orodo qaalmaha Aarankuna ma hadhayaa Hadalkaasi waa maya Anoon hebel ujeedada Hebel kale u jiidayn Hadafkiyo ujeedada Hees aan ku sheegee Ninka jecel hogaankow Ninka raba hashaydow Ka kalee ku haystow HANTI WEEYE MAANTEEQ Haween iyo caruur iyo Danyarbaa u heegana Waxa maanta hagi kara Waxa maanta hayn kara Waxa magac kuheli kara Waxa sharaf ku hanan kara Haaneedka qaban kara Hadhuub xoorle shubi kara Taariikh la hadhi kara Ninka daacad lagu hubo Ismaaciil Maxamed-cali Ibraahin
  13. Waar North iyo Hunguri waxba ma haystaane inanta ha lug goyinin ,,,,,,,,,
  14. Jacaylbaro

    Moussy

    alla maxaad waalateen ,,,,,,,,, Nothing can beat Tea/Coffee ...........
  15. Professor Iqbal Jhazbhay, currently on sabbatical leave from the Department of Religious Studies and Arabic, was keynote speaker on the African Union and Somaliland's quest for self-determination at a seminar jointly arranged by the Centro de Direitos Humanos of the Universidade Eduardo Mondlane, Maputo, and the Centre for Human Rights of the University of Pretoria. Academics, graduate students, policy-makers and the general public participated at this well-attended seminar. In London, Professor Jhazbhay addressed the annual general meeting of the world's oldest existing Somali society, the Anglo-Somali Society, on the contemporary politics of Somaliland with reference to its international relations; and also took part in a programme arranged on the occasion of the historic first official visit of Somaliland parliamentarians to the UK parliament. The prime focus of the meeting was to discuss ways to consolidate Somaliland's young democracy and efforts to mobilise the Somaliland diaspora. Professor Jhazbhay is currently based at the School of Oriental and African Studies, London University, as a visiting academic.
  16. The other day , a Tanzanian of Somali origin had approached me beekoning on me to talk, he said to me ‘’Do you know that the founder President of this country Mwalimu Nyerere was pretty close to the first prime minister of Somaliland , Mohamed Egal’’. ’What’’, I enjoined , ‘’Somalia or Somaliland’’, ‘’No, Somaliland’’, he then set out to give a small lecture on the two Somalias in the Horn Of Africa , which most people have taken as synonymous or have simply forgotten. ‘’Somali is a former colony of Italy while Somaliland was a colony of The British’’ began Ibrahim Ige, my Tanzanian Msomali Friend , Tanzania has quite a large number of people of Somali extract as we have a number of them of Arab origin, we consider them all equally as we do to all our 100 plus tribes united in the Kiswahili lingua franca. the next thing he did was to bring to me his own archive of images of Somaliland he keeps that included an undated picture of the British Ministers of Colonies. I was amused to see a tall gaunt figure of a British squire complete with a bush hat inspecting what appreared to me a guard of honor of Somaliland ifles as we had here soldiers of Tanganyika Rifles before independence from Britain. I also looked at the picture of the last British governor of Somaliland installed in the Somaliland capital of Hargeisa , old postal stamps of Somaliland , marked ‘Somaliland protectorate’ showing the British king George and the Somaliland first leader Mohamed Egal signing independence instruments with Britain. Eh! Bwana! so we have Somaliland in place here ,but who talks about this country? what is the latest in the profile of this country? In the intervening period , I have been consulting an array of Material in the internet , what I have discovered about the country is both healthy and astonishing, healthy in the reason that Somaliland is a country and a state of its own and very viable – and astonishing in that it is yet to be recognized event by the African union itself. As seen before, Somaliland was a former British colony and had existed briefly as a sovereign state following its independence from Britain in 1960, its disappearance as sovereign state followed its accession to a union with former Italy ruled Somalia in pursuit of a Greater Somalia entertained by Somalia best known Military leader Gen Siad Barre. Fortunately for Somaliland , the collapse of the state in Somalia in the south did not encompass it on the north as effectively as a new breed of leaders have emerged who have to the surprise of many international observers evolved structures of a viable state complete with democratic norms. according to an international observer group ; ‘’Somaliland has made notable progress in building peace, security and constitutional democracy within its de facto borders , hundreds of thousands of refugees and internally displaced people have returned home , tens of thousands of refugees and internally displaced people have returned home , clan militias have been integrated into a unified police and military forces. A multi party political system and successive competitive elections have established Somaliland as rarity in the horn of Africa’’. Somaliland, faced with the collapse of Somalia has since 1991 reasserted itself as a sovereign state with the leadership of a new generation of leaders such as its current President Dahir Rayale Kahin. Despite fears that recognition of the new state of Somaliland would lead to further fragmentation of the Horn Africa or other AU Member states, an AU fact finding mission in the Horn Of Africa in 2005 has concluded that the situation in Somaliland was ‘’Sufficiently unique and should not be linked to the notion of opening a pandor’s box’’. Somaliland will be looked upon by its brethren in the southern fringes of the collapsed sister state of Somalia on what it means in burying the hatchet and pulling together as a nation , with one language , one culture and one cohesive people. With Somaliland recognized as a state in its own right , prospect for a unified Somalia will be real in the long term to be mooted and evolved by the Somali people themselves. By: Makwaia Wa Kuhenga
  17. coz the test was an ***** ,,,
  18. Originally posted by Buuxo: I had the weirdest dream,it was weird coz normally i dont dream or at least remember my dreams and it had JB in it :mad: . I dont know ,where i was , it had significant event,1st -A/Y baa is casilay, ethiopian was long gone and somalia was very peaceful.And the capital city was Hargeisa.And from no-where JB appears... and he was loooooling as per usual.And i said to him "war maxaad la qosleeysa, you know SL hasnt separated" and then he goes "loooool....you know that Somalia is a region part of SL,but we decided to keep the name somalia." loool ...then i was like i can live with that,as long as we have peace , its just like in Australia with Canberra being the capital city, but everybodies knows it should be Sydney." then i woke up. looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool ,,,,, i will comment that dream later ,,,, i've a workshop now ,, but can sit there ,, i'll be laughing until then ,,,,
  19. waar maxaad la ooyaysaa ,,,,, French Ambassador they have in france good you finally admitted that ,,,,,,,
  20. MOSCOW (Reuters) - A Russian electrician slept off a night's drinking with a long knife stuck in his back and didn't notice until his wife spotted it in the kitchen the next day, Russia's Komsomolskaya Pravda paper reported on Thursday. Yury Lyalin, 53, was rushed to hospital in the northern city of Vologda, but the 15-centimetre (six-inch) knife had not damaged any vital organs. His wife saw the handle of the knife sticking out as her husband bent down to get some breakfast from the fridge, the newspaper reported. Although Lyalin played down the injury, local prosecutors are not treating the incident as a joke and are initiating a case against Lyalin's drinking partner. He could face eight years in jail, the paper reported.
  21. I will never hear church bells ringing again without smiling.. Upon hearing that her elderly grandfather had just passed away, Katie went straight to her grandparent's house to visit her 95-year-old grandmother and comfort her. When she asked how her grandfather had died, her grandmother replied, He had a heart attack while we were making love on Sunday morning.' Horrified, Katie told her grandmother that 2 people nearly 100 years old having sex would surely be asking for trouble. Oh no, my dear,' replied granny. 'Many years ago, realizing our advanced age, we figured out the best time to do it was when the church bells would start to ring. It was just the right rhythm. Nice and slow and even. Nothing too strenuous, simply, in on the Ding and out on the Dong.' She paused to wipe away a tear, and continued, 'He'd still be alive if the ice cream truck hadn't come along.'
  22. Today the problem of Somalia is like cancer, and one need to cut off the affected part before it spread to other parts. Somaliland is the healthy Somali part, and people decided to go alone, as they feel save to be their own. dhegihii waansamaya ayuunbaa wax maqla ,,,,,