-
Content Count
17,653 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
324
Posts posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar
-
-
Meeshaan waligeed laguma heshiinaayo miyaa? How long is this going on? I think last week there was another useless dagaal beeleed, too.
-
4 hours ago, qofkale said:Although the Waqooyi dialect has it's fair share of English and Arabic loanwords. It's a misconception that the Koonfur dialect is less mixed. The Koonfur dialect has it's fair share of Italian loanwords. Here are just to name a few;
fiilo - filo (cord)
jaalo - giallo (yellow)
ayuto - aiuto (help)
boorso - borsa (bag)
goono - gonna (skirt)
jalaato - gelato (ice cream)
katiinad - cateena (chain)
rajastiin/rajabeeto - reggiseno/reggipeto (bra)
foorno - forno (oven)
toosh - torcia (torch)
okayaalo - occhiali (glasses)
kooba diin - comodino (night table)
katabaan - attaccapanni (coat hanger)
armaajo - armadio (wardrobe)
suugo - sugo (sauce)
doolshe - dolce (cake)
fargeeto - forchetta (fork)
taako - tacco (heels)Of course those and many more are Soomaalinized foreign words. Now bring the Waqooyi version of them and let's see how many of them are original Soomaali words.
What we were talking about was the the words that have original in Soomaali language in one dialect while the other does not. If both dialects use borrowed foreign words - like 'biriij' and 'buundo' or tuweel and shukumaan - which were equally borrowed from Ingiriis and Talyaani, then both should not be counted. I was listing Waqooyi-borrowed words like beyd, daqiiq, digaag, xamxam whereas original words in Soomaali exist and used by Koonfurta, like ukun, bur, dooro, musqul respectively.
-
DF oo shaacisay kiisas aad u badan oo Coronavirus ah iyo dad kale oo u dhintay
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay tirada kiisas cusub ee Coronavirus, ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyey Soomaaliya, kuwaas oo aad u badan.
Warbixinta maalin laha ah ee wasaaradda ayaa maanta lagu shaaciyey in cudurkaas laga helay 79-qof oo ku kala nool Banaadir, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland.
Gobolka Banaadir ayaa ugu kiisas badan, waxaana laga diiwaan geliyey sida ku xusan warbixinta 38-kiis, Jubbaland ayaa laga diiwaan geliyey 22-kiis, Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale laga diiwaan geliyey 11-kii, halka Puntland laga diiwaan geliyey 8-kiis oo xanuunka COVID-19 ah.
Sidoo kale wasaaradda caafimaadka ayaa shaacisay in cudurkan ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay u geeriyoodeen 3-qof, inta la ogyahay, halka ay kasoo bogsadeen 14 qofood.
62 ka mid ah 79-ka qof ee maanta cudurkaas laga helay waa rag, halka 17-ka kale ay dumar yihiin.
Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 835-kiis, dadka kasoo bogsaday ayey tiradoodu gaartay 75 qofood, halka 38-qof ay ugu dhinteen xanuunkan gudaha Soomaaliya.
-
Adiga oo aan ogeyn qof ha dilin – Farriin ka timid Dr. Fuje
Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) oo ah La-taliyaha Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed maadama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa COVID-19.
Fuje ayaa ugu baaqay dhallinyarada in ay ku dadaalaan dhammaan siyaabaha looga hortago caabuqa, ayna ku nagaadaan guryahooda.
Dr. Fuje ayaa halku dhig uga dhigay fariintiisa “ha noqon dilaaga dahsoon/qarsoon’’, wuxuuna baaq dheer u diray bahda caafimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan wacyigelinta caabuqa maadaama uu ku faafay dhamaan gobollada dalka si loo xakameeyo baahiddiisa.
Waxaa uu sheegay in Cudurka Coronavirus uu Soomaaliya si weyn ugu baahaayo , islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu soo ridaayo dad cusub.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.
Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid-19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.
-
-
-
7 hours ago, maakhiri1 said:Is Turkey going to bring Doctors, Nurses? are they going to build hospitals that can deal with these contagious disease? I doubt
How many ICU beds does Mogadishu have? how many health workers, in the country?
Let us not kid ourselves, SOMALIA does not have capacity to deal, People have been dying on hallways in Spain, Italy, developed countries, with functioning healthy system.
Ducada ha la badiyo, These thing are symbolic, and not going make any difference .
Rabi ayaa ummadeena u maqan. Indha adeygnimadooda maba aaminsana cudurkaan. 'Cudurkaan la sheegaayo' ayee meesha la taaganyihiin while dying dozens unaccounted daily.
-
Back to the topic, suddenly today, May 6th, there are 17 new positive cases out of the gates. The last two days it was five positive cases each with one death. Still they are keeping the numbers very, very low.
-
Ethiopia: Free Speech at Risk Amid Covid-19
The Ethiopian government has been using Covid-19 restrictions and a recently declared state of emergency as a pretext to restrict free speech.
In the last month, the authorities have detained a lawyer, Elizabeth Kebede, and charged a journalist, Yayesew Shimelis, for comments on social media about the government’s response to the coronavirus. A new state of emergency declared on April 8, 2020 gives the government sweeping powers to respond to the pandemic, heightening concerns of further arbitrary arrests and prosecutions of journalists and government critics.
“While misinformation about the pandemic can be a concern, it’s no excuse to limit free speech,” said Laetitia Bader, Horn of Africa director at Human Rights Watch. “The authorities should drop charges against Yayesew Shimelis, release Elizabeth Kebede, and stop detaining people for peacefully expressing their views.”
After confirming the first positive Covid-19 case on March 13, Prime Minister Abiy Ahmed announced an initial series ofdirectives to stem the spread of the virus, which also urged “media institutions to deliver accurate information to the public.”
On March 26, Yayesew, a journalist and producer of a political program on Tigray TV, a regional government-owned station, alleged on his personal Facebook page and on a YouTube channel he administers that the government ordered the preparation of 200,000 graves in anticipation of deaths from the virus. Government officials immediately condemned his remarks as “false.”
The following day, Oromia police, along with two members of Ethiopia’s intelligence and security agency, arrested Yayesew at his family’s home in Legetafo, on the outskirts of Addis Ababa, and took him to the Addis Ababa Police Commission, where he was questioned about his political views and reporting. The authorities also seized his laptop, cellphone, and notebooks. It’s unclear whether they obtained a judicial warrant, as required for searches.
Addis Ababa police alleged that Yayesew spread “false news” but held him for nearly three weeks without bringing formal charges. On April 15, a federal judge granted him bail, finding that investigators lacked sufficient evidence to proceed with the investigation. Federal police investigators then intervened in the case, appealing the court’s decision and accusing Yayesew of violating the revised anti-terrorism law. On April 20, a federal judge granted Yayesew bail a second time, again finding that investigators lacked enough evidence to charge him with terrorism offenses.
Federal police finally released Yayesew on April 23. But, according to court documents Human Rights Watch reviewed, prosecutors have now formally charged him under the country’s new hate speech and disinformation law, citing as evidence postings and private messages obtained from Yayesew’s personal Facebook account by Ethiopia’s Information Network and Security Agency (INSA).
The new law, which took effect on March 23, contains an overbroad definition of disinformation that provides authorities with excessive discretion to declare unpopular or controversial opinions “false.” The law also arbitrarily imposes harsher penalties for social media users who have more than 5,000 followers, as Yayesew does.
On April 4, Addis Ababa police detained Kebede, a volunteer lawyer with the Ethiopian Women’s Lawyers Association (EWLA), one of the country’s leading women’s rights groups, and transferred her to the custody of Harari regional authorities. EWLA lawyers told Human Rights Watch that officials have not charged her with any offense but accuse her of disseminating false news in Facebook posts that officials claim could “instigate violence.”
-
4 hours ago, qorane said:Is this a ladies night for all of our TPLF ex-wives her in SOL?
LoL. Don't mind our Tigrey agent.
I don't know why would any sane pro-Soomaaliya and for midnimo Soomaali would criticize Abiy Axmed. For all his faults and policies in Xabashiland, he is helping for Soomaaliya judging from his policies towards to Soomaaliya. I for one do not give a hoot what he does in Xabashiland.
He could easily have chosen to pursue the failed divide-and-rule policies of Tigrey generals in Soomaaliya. He did not. He removed the infamous Gabre from Soomaaliya's political spheres as well. He cut any contact to maamul goboleed and their monthly, if not weekly, pilgrimages to Adisababa. If it wasn't Abiy Axmed, Shariif Xasan in Koonfur Galbeed would still be relevant and continued his shenanigans. Axmed Madoobe would have been emboldened to do whatever he wanted. In Waqooyi Galbeed, they would not be this toothless and desperate for anything.
And in Soomaali Galbeed, he removed the Tigrey top lapdog, Cabdi Ileey. He does not suppress for Soomaaliweyn symbols, the flag and the national song, Soomaaliyeey toosoo, which are now Soomaali Galbeed's astaan.
-
Adiga Afsoomaaligaaga aqriskiisa iyo qoraalkiisa see waaye? Let's see how you can comprehend the previous sentence and write back your answer.
-
23 hours ago, cadnaan1 said:Sxb this one looks much bigger than carwo idko maasha-allah kharash badan ayaa galay waxaan u rajaynayaa successful inuu joqdo.
Dagaalka markuu dhaceyey 10 jir ayaan ahaa waxaana daganeen jowhar
xamar waqti danbe ayaa imid 1993 after two 2 years waxaan soo aaday qurbo.
Carwada Iidko maba aadan arkin marka suuqaan iyo carwadaas mida weyn yaa kuu sheegay? Laba dabaq ayee ahayd iyo qeyb hoose. Koley Soomaaliya waagaas carwadaas u weyneyd.
Sheeko caan ayaa jirtay ninkii diiday in maqaayadiisa/biibatadiisa ka gado kuwii dhisan lahaa carwadaas Iidko. Dhulka inta kale ayee gadeen. Si walba lacag ugu sheegeen waaka diiday inuu ka gado. Carwada in si qaloocan loo dhiso ayee noqotay dukaankiina dhexda geeska ah ku yaalo. Waxaa la dhihi jiray waxee ku aadiyeen tubooyinkii biyaha roobka ka soo qaadaaye dabayada oo dukaankaas ayee ku dhici jireen markuu roob yimaado.
-
Transport Minister promises independent investigation of Berdale crash
Six people including the pilot perished Monday after their aircraft carrying COVID-19 health and aid supplies came down in what multiple sources said was a result of ground to air shooting in Somalia’s southwest region.
The Captain of the plane, Hassan Musa Bulhan, along with his co-pilot Mabruk Islam were operating the ill-fated African Express aircraft as it was reportedly shot down at around 3:30 pm local time shortly before landing at Berdale, according to witnesses.
Capt. Hassan Musa Bulhan is the son of the African Express founder and CEO Muse Bulhan.
The flight was heading to Berdale from Baidoa in South West State.
Ground engineer Charles C Nganga and trainee pilot Omar Abdulle Jamal were among the dead along with two other passengers who were employed by African Express.
Five bodies have been recovered so far according to the Minister of Transport and Civil Aviation, Mohamed A Salad Oomaar.
Hiiraan Online spoke with the Transport Minister as he was on his way to Bardale airport with investigators to recover the Black Box which can reveal critical information on the last moments before the crash. He also plans to repatriate the bodies of the crash victims
-
Kenya demands answers from Somalia over downed plane
Kenya has asked Somalia to investigate "unclear circumstances" under which a light aircraft was shot down in Bardale area.
The cargo plane carrying aid supplies for use in the fight against Covid-19 was shot down in Somalia yesterday, killing all six on board.
According to the Somali Ministry of Transport and Civil Aviation. the incident occured around 3.30 pm local time.
Of the six who were in the Embraer 5Y-AXO plane belonging to African Express, two are Kenyan pilots and four Somali nationals.
The Kenyans have been identified as Captain Mabruk Islam Sherman and Omar Chiraghdin from Mombasa.
“The incident occurred under unclear circumstances. The aircraft had been and was supporting humanitarian operations during this Covid-19 pandemic period,” the Ministry said in a statement issued Tuesday.
-
DF Somalia oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaradii ku dhacday garoonka Bardaale
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo war rasmi ah kasoo saartay diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale, ayaa sheegtay inay si rasmi ah u bilowday baaritaan ku aadan shilkaas, oo ay ku dhinteen illaa lix qof oo saarnaa diyaaraddaasi.
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa guddi khuburo ah saaka u dirtay goobta ay ku burburtay diyaadda oo ay laheyd shirkadda African Express.
Guddigan ayaa soo baari doono, sababta rasmiga ah ee ka dambeysay burburka diyaaddaasi oo la sheegay inay si ula kac ah u soo rideen ciidamada Itoobiya.
Wasaaradda gaadiidka ayaa sidoo kale shaacisay inay si deg-deg ah u shaacin doonto natiijada baaritaankaasi, islamarkaana ay la wadaagi doonto Ummadda Soomaaliyeed.
Diyaaradda oo uu nooceedu ahaa E120 ayaa siday shixnad gargaar daawo ah, waxaana ku nafwaayay dhammaan dadkii saarnaa oo lix qof ahaa.
Warar lagu kalsoon yahay oo Caasimada Online ay heshay ayaa sidoo kale sheegaya in duulimaadka diyaaraddaasi ay haysatay ogolaansho wasaaradda duulista dowladda federaalka ah ee Soomaaliya , iyadoo horay loo wargeliyay maamulka garoonka Bardaale, lagana war qabay xilliga duulimaadkaasi uu ku soo wajahnaa garoonka.
Dadka ku dhintay shilkan ayaa kala ahaa, Kabtan Xasan Musse Bulxan, Kabtan Mubruuk, Kabtan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid C/laahi Maxamed, sida uu sheegay Xildhibaan Ibbi.
-
Xabashi soldiers have downed a plane that was about to land in Bardaale town in Baay region. Dowladda dhexe waa inay arrintaan daba gishaa.
Xog ku saabsan shilka diyaaradeed ee ka dhacay Bardaale
Garoonka diyaaradaha Magaalada Bardaale ee gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxaa maanta ka dhacay shil diyaaradeed sababay dhimashada lix qof oo saarnaa diyaaradda African Airways oo sida la sheegay halkaasi gaarsiisay agab caafimaad oo loogu talogalay shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Hadaba waxa ay warar is khilaafsan kasoo baxeen sababta shilka ku yimid diyaaradda.
Hiiraan Online ayaa la xiriirtay madax ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed si aan u helno xog sugan oo ku saabsan shilkaasi.
Mid kamid ah saraakiisha sar-sare ee Koonfur Galbeed oo codsaday in aynan magaciisa xigan sababo la xiriira in uusan u idmanayn in uu warbaahinta xog la wadaago ayaa sheegay in shilku ahaa gantaal lala beegsaday diyaaradda.
"'Inkastoo ay baaritaannadu socdaan oo ayadoo faahfaahsan warbaahinta kala wadaagi doono haddana xogta aan heleeyno 90% waa in ciidamada Itoobiya ee ku sugan garoonka in ay gantaal ku dhufteen diyaaradda," ayuu sargaalkan u sheegay HOL.
Mar aan weeydiinnay sababta ay arrintaasi ku dhacday, ayuu sheegay in ilaa hadda aysan garanayn, balse baaritaanka kadib la ogaan doono.
Howlgalka AMISOM oo ay qeyb ka yihiin ciidanka Itoobiya iyo Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya weli kama hadlin arrintan. -
Meeshaan magaalo lagu sheegaayo maa qabiil qabiil loo kala deganyahay xaafadaha? Magaala weyn ayeeba saas ku tahay.
-
Kenya xayiraad kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa xeryaha Qaxootiga
Kenya ayaa mamnuucday dhaqdhaqaaqa gudaha iyo ka bixida laba xero qaxooti oo waa weyn taas oo qeyb ka ah talaabooyin xakameyn ah oo looga golleeyahay ka hortagga faafitaanka coronavirus ee bulshada nugul.
Wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in xayiraadda la saaray xerada Dhadhaab ee bariga Kenya, oo ay ku nool yihiin 217,000 oo qof, iyo xerada Kakuma ee waqooyi-galbeed Kenya, oo ay ku nool yihiin 190, 000 oo qof.
Kenya, oo diiwaangelisay 490 kiisaska coronavirus, ayaa illaa iyo hadda, weli soo sheegin wax cudur ah oo laga helay labada xero, oo ay ku jiraan qaxooti ka kala socda Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya - oo qaarkood halkaas ku noolaa ku dhawaad 20 sano.
Khubaro caafimaad iyo kooxo bini-aadamnimo ayaa muddo dheer ka digaya in uu ku faafo Covid-19 xerooyinka qaxootiga ee dadku ku badan yahay. -
Haddee gabadhaan qabto cudurkaan xun maxaa intaas dad meesha wada istaajiyey? War ummadaan indha adkaa.
________________
Bukaankii uu horeeyay oo ka faa’idaystay mashiin neef siiye ah oo uu sameeyay wiil dhalinyaro Soomaaliyeed
Dowladda Soomaaliya ayaa bukaankii ugu horeeyay uga faa’idaysay mashiin neef siiye ah (ventilator) oo uu gacantiisa ku sameeyay Maxamad Cadaawe oo ah wiil dhalinyaro Soomaaliyeed, oo Muqdisho ku nool.
Waxay kusoo beegmatay waqti aad loogu baahi qabo qalabkaan, iyadoo adduunka oo idil u qabo baahi isku mid ah, maadaama Covid19 uu sababayo inuu weeraro hab-dhiska neef mareenka, taasoo keenaysa in bukaanadu u baahdaan hawo la farsameysay oo ka imaanaysa qalabkaan.
Si looga faa’iaysto xirfada wiilkaan dhalinyarada waxay Dowladda Soomaaliya bilowday inay badiso mashiiinadaan, si loogu maareeyo baahida bukaanada uu maalin walba soo ridinayo cudurka Covid19.
Maxamed Cadaawe ayaa kasoo muuqday warbaahinta isagoo hagaya koox farsamayaqaano oo loo igmaday inay si degdeg ah kusoo saaraan tiro badan oo qalabkaan ah, maadaama aysan dowladdu haysan qalab ku filan. -
Turkey delivers second batch of medical supplies to Somalia to fight COVID-19
Turkey sent a second shipment of medical supplies to Somalia on Monday to help the country combat the novel coronavirus outbreak.
An A-400M military plane carrying supplies including stretchers, beds and quilt covers departed from Etimesgut Military Airport in the capital Ankara.
On Saturday, Turkey sent a shipment of medical supplies to Somalia, including new Turkish-made ventilators.
After Turkey’s all-out efforts to develop its own ventilators, which bore fruit last month, Somalia – which lacked the devices, which are critical for fighting the coronavirus – became the first country it sent the ventilators to.
The medical aid packages bore the Turkish presidential seal along with the Turkish and Somali flags and a famous saying by 13th-century Sufi mystic Mevlana Jalaluddin Rumi: “There is hope after despair and many suns after darkness.”
-
Dowladda Turkiga oo had iyo jeer la garab taagan taageerida dadweynaha Soomaaliyeed.
-
-
15 hours ago, cadnaan1 said:Carwada Iidko ku taalay Jidka Sodonka, aaga Labadhagax ayaa soo xasuustay. Dharka ciidda ayaa aniga iyo walaalahey loogu soo gadi jiray dhamaadkii sideedameyadii. Cadnaan kuma soo gaarin carwadaas filaa.
-
The first person who officially sung Soomaaliyeey toosoo, by the way.
Qaasim HIlowle:
-
1
-
Downed plane in Bardaale
in Politics
Posted
Wafdi ka socda DF, Kenya iyo Itoobiya oo gaaray goobtii ay ku dhacday diyaaradda
Wafdi ka socda dawladda federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo safaaradaha Kenya iyo Itoobiya ayaa maanta gaaray goobtii ay shalay galab ku dhacday diyaaraddii African Express ee duleedka degmada Bardaale ee gobolka Bay.
Wafdigaas waxaa qeyb ka ahaa wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed iyo safiirrada waddamada Itoobiya iyo Kenya u jooga Soomaaliya.
Mas’uuliyiintan ayaa halkaas u gaaray sidii baaritaan loogu sameyn lahaa sababtii ka dambeysay in diyaaradaasi ay soo dhacdo, waxaana laga war sugayaa wixii ka soo baxay baaritaankaas oo sida muuqata ay iska kaashanayaan quburo ka kala socota dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa u balan qaaday in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono sababtii ka dambeysay inay soo dhacdo diyaaraddu.
War qoraal ah oo warbaahinta Kenya ay soo xigteen waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu amray Hay’adda Socdaalka Soomaaliya in ay si degdeg ah u baarto waxa sababay in diyaaradda ay soo dhacdo.
“Madaxweynaha wuxuu soo dhoweeyay tallaabada uu Farmaajo qaaday ee ah inuu Laanta Socdaalka Hawada ee Kenya ku casuumay in baaritaanka ay qeyb ka noqdaan”, ayaa lagu yiri qoraalka.
Lix qof oo laba Soomaali aheyd ayaa ku naf waayey shilkaas, kuwaas oo kala ahaa, Captan Xasan Musse Bulxan, Captan Mubruuk, Captan Cumar, Eng. Kenyaan ah, mas’uulkii xamuulka saarnaa diyaaradda Cali Madax-Gaduud iyo wakiilkii Shirkadda Saciid Cabdullaahi Maxamed.
Xildhibaan Cabdiraxman Aadan Ibbi oo ka mid ah milkiilayaasha Shirkadda African Express ayaa sheegay in muuqaal Saterlite laga qaaday uu muujinayo in diyaaradda wax lagu dhiftay, xilli ay 5-KM u jirtay runway-ga garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale.