Dr_Osman

Nomads
  • Content Count

    3,889
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Dr_Osman

  1. Talaabo I would be devastaed by that scholarly census and the data and evidence provided ranging from satellite imagery, density maps, land software, international agencies estimates all accounted and modern recognized formulas applyed, settlement comparisons of known censused towns in kenya. Ouch Ouch Ouch. On top of that peer reviewed and scholary research, only thing that debunk is it if a better research with more evidences to refute it is provided. Infact I provided more evidence to suggest that scholary research is true because 80% of somalis are located in the country side(so your land size and watering holes) is crucial to estimate the population of the rural areas. Rural areas are crucial as proven in 1991 and the demographic change that occured in mogadishu, which proves rurar outnumber and outman urbanites in 1 day they changed it. Based on Puntland grazing grounds, it is unimaginable a small clan can control such a vast land unless their is numerical power, where-as the 4 x 4 of the SNM is so small which can only mean their isnt any numerical power to push further for grazing grounds or their nomads are non existant today and have settled hargeisa altogether which can explain the lack of nomads seen in your part of the world. I am furious debater and am Pro Majertenia and crush my enemies using facts, data and logic. It is without doubt in my mind that the macavity majertens are the single largest clan in somalia Anyways mar kale ha inoo ahaado doodas, lakin I will not let you spoil this moment of the crowning of the king of east africa and the middle east. I just wont allow it and will not respond to any comment that isnt referring to this historic event
  2. Now lets talk population so I show u how much of a true langaab u r. In 1991 somalis all laernt the true population of somalis are in badiyaha cause the reer mudug folks of aideed settled half of hamar the southern side. Bosaso to Galkayo is 750 kilometers, If a boy living between dhusomareeb and baraxlay can change hamar demographic like that, imagine me living 700 kilometers. You my friend live in a 4 x 4 hargeisa to burco which proves you have no nomads thats why u never see 1 snm with a camel and even if u do u can tell by his daaqsin he hasnt got the numeric strength to to gain more grazing land. Ethiopia even did a census of DDSI and found they have 5 million, even though indepedent census say its closer to 10 million, not 1 major city is located in DDSI, yet that population is confirmed. This proves my theory that somalis 20% settle cities and 80% baadiyaha and that can also explain why the sahal were over run in mogadishu since most of the ppl in baadiyaha are HAG. Puntland population has been confirmed through university scholarship work which has been per reviewed and evidence provided. You my friend are the size of a jilib in relation to me.
  3. Talaabo, Pirates at least steal from those who steal from us. When is your siilanyo going to get out of somali ppl homes? When is your terrorist going to killing innocent somalis? When are your hargeisa folks going to stop raping its own babys. Pedofilia-Terrorism-Jaad and Hargeisa club red light district and your talking about Pirates? adeer iska fariso, meesha dad aad qarixisid ma yaalo. Puntland elders are respected worldwide in east africa and middle east as is evident by the turn-out, even emiratis are coming too. War waxan wax la yaqan, you wont ever have our dna.
  4. Wufuud kala duwan oo ka qeybgaleysa Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood oo Maanta soo gaaray Magaalada Qardho[sawiro] May 24, 2014Leave a Comment Wufuud heer Caalami ah ayaa Maanta soo gaaray Magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkar,xilli berri la filayo in lagu Caleema saaro Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Guddiga loo xil saaray qaban qaabada Munaasabadda Caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa si diiran wufuuda ugu soo dhoweeyay Magaaladda Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar. Garoonka Diyaaraddaha Magaalada Qardho ayaa waxaa ka soo degay wefdi balaaran oo hogaaminaayo Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Maamulka Jubba Isimo,Nabadoono iyo mas’uuliyiinka kale. Madaxweyne ku xigeynka labaad ee maamulka Jubba ayaa sheegay in ay Qardho u yimaadeen ka qeybgalka Caleema saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxa uuna ka mahadceliyey sida diiraan ee loogu soo dhaweyey magaalada Qardho. Wefdi oo hogaaminaayo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud iyo wefdi balaaran oo hogaaminaayo ayaa ka yimid Gobolka Sanaag,waxaa soo dhaweeyey wefdiga Sare ee Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Wefdi uu hogaaminayo ,,,,,,,,oo ka yimid Gobolka Mudug ayaa si weyn loogu soo dhaweyey magaalada Qardho,waxaana soo dhaweynta wefdigaani ka qeybgalay Maamulka Degmada,Gudiga Caleema saarka waxaana looga hortay meel 20km u jirta magaalada Qardho. Maalinta Berito ayaa waxaa magaalada Qardho ka dhacaya Caleema saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan,waxana Qardho soo gaaray dhammaan wefdigii ka qeybgali lahaa Caleema saarka Boqorka. Sawir qaade C/raxman Maxamed Cali (Black) I love this guy garyare, true sahalist reminds me gagaabs of yemen, definitely reer bari folks here
  5. <cite> @Tallaabo said:</cite> The Dhagaxbuur big foot community are the laandheerayaal of Sahal and should have the right to crown their Sultan as the king of Sahal. The pirates are as usual stealing other people's rights whether it is material property or traditional title. Talaab I am not sure what your smoking, but puntland robbing traditional rights? The title of boqor goes to the eldest son of beesha Sahal, this is a tradition. As for your comment about robbing people material? ummm I didn't know Puntland had looted somali properties, please let mknow where so I can get my isimo to sort it out pronto.Nice try terrorist, but godane isnt invited here, TNT bombs are not allowed. This a REAL crowning of a king in east africa and the middle east, jealousy wont make you relevant. Today is not the day for it Talabo, Today is a day of awe, the day os the crowning of the biggest tribe in east africa, today is a day of simply reporting and commenting with absolute splendor at the ceremonial inaugration of the 34th King of Somalia.
  6. Suldan Cabdalla Bin Ciise oo ah Suldaanka Beesha Mehri Ismaaciil oo Qardho lagu soo dhaweeyey[sawiro] May 24, 2014Leave a Comment Waxaa Galabta magaalada Qardho lagu soo dhaweeyey Wefdi balaaran oo hogaaminaayo Suldan Cabdalla Xuseen Bin Ciise oo ah Suldaanka Beesha Mehri Ismaaciil oo ka yimid Dalka Yemen ayaa Galabta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho,waxa ayna ka qeybgalayaan Caleema Saarka Boqorka 34-aad ee Beesha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse,waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay qeybaha kala duwan ee Bulshada,Maamulka Degmada,Gudiga Caleema saarka Boqorka. Suldan Cabdalla Xuseen Bin Ciise oo ah Suldaanka Beesha Mehri ayaa waxaa la dajiyey Guri gaar ah oo loogu talagalay in uu dago,waxa uu booqday Boqor Burhaan Boqor Muuse. Qardho ayaa waxaa soo garaya Wufuud heer caalami ah waxaana Maalinta Berito ka dhacaya Magaalada Qardho Caleema Saarka Boqorka Guud ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan.
  7. (Photo News) Daawo Sawirada Suldaanka Meheri Ismaaciil oo si la yaab leh loogu soo dhoweeyay degmada Qardho Suldaanka Meheri Ismaaciil Suldaan Cabdala Xusseen Binu Ciise iyo Wafdi uu hogaaminayo,oo kaso kicitamay dalka Yaman ayaa maanta si wayn loogu soo dhoweeyay degmada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar. Suldaan Cabdala Xusseen Binu Ciise ayaa waxaa soo dhowayntiisa ka qayb qaatay Hogaamiye dhaqameed,maamulka Gobolka Bari,maamulka degmada Qardho iyo Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Dadweynaha ka qayb qaatay soo dhoweynta ayaa watay Fardo,waxaana Suldaanka Meheri Ismaaciil uu Burhaan Boqor Muuse Guddoonsiiyay Faras,uu Hadiyad uga dhigay. Talaabada Suldaanka Meheri Ismaaciil Suldaan Cabdala Xusseen Binu Ciise uu kaga qayb galayo Caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa muujinaysa in aan look ala harin Caleemo saarka Boqorka. Hoos Ka Daawo Sawirada;- post@puntlandi.com. www.puntlandi.com.
  8. (Faahfaahin+Sawiro) Madaxweynaha Dowlada Puntland oo soo gaaray Qardho Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ iyo Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Qardho,kuwaas oo ka qayb gali doona Caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka qayb ka ah;-,xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda,Xildhibaano ,Saraakiil ka tirsan Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale. Maamulka Gobolka Karkaar,maamulka degmada Qardho iyo Waxgaard ayaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Dowlada Puntland. Hoos Ka Daawo Sawirada;- post@puntlandi.com. www.puntlandi.com
  9. Madaxweynaha Puntland oo Qardho gaaray Posted on May 24, 2014Raad Raaca, RBC, Wararka Qardho [RBC Radio]Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo ay ka dhaceyso munaasabdda caleemo sarka boqorka daarood,waxaa goordhaweyd gaaray wafti ballaaran oo u hoggaaminyo madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Madaxweynaha iyo waftigiisa waxaa ku soo dhaweeyey Qardho oo u diyaarad ku tagay,guddiga ku howlan qaban-qaabada munaasabadda caleemo sarta iyo boqollaal shacabka. Waxaa ku waheliya socdalka,madaxweynaha Puntland xubno ka tirsan golayaasha dowladda oo wasiirro u badan,waxaana ay ka qeyb-galayan munaasanada caleemo sarka boqorka daarood oo berri ka dhici doonta magaalada Qardho. Sidoo kale,madaxweyne Cadiweli waxaa imaatinkiisa Qardho ku waheliya,Sheekh Maxamed Ibraahim(Shakuul) oo ka mid ah ganacsatada Jubbaland horayna isgu sharaxey xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland oo xilligaan la yirahdo maamulka KMG ah ee Jubba. Dhinaca kale,waxaa maanta Qardho gaaray wafti uu hoggaaminayo,madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba,Jen.Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ay waheliyaan Isimadda maamulka Jubba iyo cuqaal. Ilaa galinka hore ee berri waxaa lugu wada inay gaaran Qardho wafuud kala gidisan,halka sidoo kale ay xilligaan ku suganyihiin madax ay ka mid yihiin mas’uuliyin iyo Odayaal ka socdey dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Boqorka xilligaan la caleemo saarayo,Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa uu xilka ku qabanaya hab-dhaxal ah,waxuuna beddeli doona walaalkiisa Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse (Kingkong) oo sannadkii hore ku geeriyoodey dalka Finland oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa. ___ RBC Radio
  10. Wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka mamulka Jubba oo si diiran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho(Sawirro) May 24, 2014 12:23 pm GMT - Written by Ducaale - Edited by Ducaale Qardho(pp) Wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka labaad ee mamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar. Wafdigan ayaa ka qayb ah kuwo ka qayb galaya caleemo saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse waxayna u badnaayeen Isimo iyo Odayaal dhaqan iyo haween. Guddiga soo dhawaynta martida ka qayb galaysa xaflada caleemo saarka,mamulka degmada iyo mamulka Gobalka Nugaal ayaa kusoo dhaweeyay wafdigan magalada Qardho waxana loo galbiyay Aqal loogu talo galay martida. Madaxwayne ku xigeenka labaad ee mamulka Jubba ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay imaanshihiisa magalada Qardho wuxuna sheegay inay ka qayb galayaan caleemo saarka Boqorka Daarood. Ammaanka magalada Qardho ayaa si wayn loo adkeeyay waxana la sugayaa wafdiyo ka kala imaanaya Gobalada Mudug iyo Bari oo ka qayb galaya caleema saarka Boqorka. Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa lagu wadaa inuu galabta soo gaaro magalada Qardho.
  11. Wafdi ka socda DDIS oo galabta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho (Sawirro) May 23, 2014 6:21 pm GMT - Written by Ducaale - Edited by Ducaale Qardho(pp) Wafdi Dhaqan ah oo ka socda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyay magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar,halkaasoagu wado 25-ka bishan inay ka dhacdo xaflada caleemo saarka Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Mamulka degmada Qardho,guddiga qaban qaabada caleemo saarka boqorka iyo dadwayne kale ayaa wafdigaan kusoo dhaweeyay duleedka koonfureed ee magalada Qardho. Waxaa hoggaaminaya Garaad Kulmiye Garaad Maxamed oo sheegay inay ku faraxsan yihiin qaabka loogu soo dhaweeyay magalada Qardho. Suldaan Khadar Maxamed ayaa sheegay inay hordhac u yihiin wafdi balaaran oo ka socda dowlad deegaanka kana qayb galaya xaflada caleemo saarka boqolka beelaha Daarood. Ammaanka ayaa caawa si wayn loo adkeeyay magalada Qardho,taasoo laga dareemaya qaban qaabada munaasinadda lagu caleemo saarayo boqorka. Docda wafdi ka socda Gobalka Galgaduud ayaa magalada Qardho soo gaaray waxayna ka qayb galayaan caleemo saarka Boqorka Daarood. Maalinta Barito ah oo Sabti ah ayaa lagu wadaa magalada Garowe inay soo gaaraan wafdiyo kale oo ay ka mid yihiin madaxda Puntland.
  12. Diyaar garowga caleemo sarka boqorka Daarood oo gabo-gabo mareysa iyo amniga Qardho oo la adkeeyey[sawirro] Posted on May 24, 2014Raad Raaca, RBC, Sawiro, Wararka Qardho [RBC Radio]Waxaa heer gabo-gabo ah ku dhow u diyaar garowga munaasabada lugu doonayo in lugu caleemo saaro boqorka 34-aad ee Daarood,Boqor Burhaan Boqor Muuse,halka sidoo kale amniga siweyn loo adkeeyey. Dhowr guddi oo ku howlan qaban-qaabada munaasabadda caleemo sarka oo berri dhici doonta waxaa ay sheegen inay heer gabo-gabo ah marsiinayan isku diyaarinta caleemo sarka. ..’”‘Wax walba waa la dhameeyey xarumo iyo goobo kala duwan oo ad u diyaarisan ayaa la sameeyey,martida iyo madaxda waxaan u diyaarinay goobo u gaar ah,wafuuda ayaana ku soo qul quleysa Qardho inta dhimana subixi hore ee berri ayaa lafilaya inay soo gaaran,..””ayuu yiri guddoomiyaha degmada Qardho,Maxamuud Saciid(Hoggaamo-laroor). Guddi u xilsaaran diyaarinta munaasabad caleemo sarka,waxaa ay xaqiijiyen ku dhowaad 6,000 (lix kun) oo qof oo ka kala yimid gobollada Puntland, Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, Jubaland, Somaliland, Kenya, Jabuuti, Khaliijka Carabta iyo; dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa ka qayb gelaya xafladda caleema saarka. Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli iyo madaxda sare ee dowladda ayaa iyaguna ka soo qeyb-galaya,halka la dhowrayo inay munaasabadda ka qeyb-galan madax ka socota dowladda faderaalka Soomaaliya. Ammaanka oo la adkeeyey Waxaa siweyn loo xoojiyey amniga degmada Qardho oo lugu caleemo saarayo berri boqorka daarood. Waxaa la arkayey ciidamada ammaanka oo ku sugan qaar kamid ah jidadka waaweyn ee magaalada, gaar ahaan goobta uu caleema saarku ku dhacayo oo iyada si aad ah ammaankeeda loo adkeeyey. Boqorka xilligaan la caleemo saarayo,Boqor Burhaan Boqor Muuse waxaa uu xilka ku qabanaya hab-dhaxal ah,waxuuna beddeli doona walaalkiisa Boqor C/laahi Boqor Muuse oo sannadkii hore ku geeriyoodey dalka Finland oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa.
  13. Qardho Oo Lagu Qul-Qulayo 6000 Oo Qof Oo Goob Joog Ka Noqonaya Caleemasaarka Boqorka Daarood & Meheri May 23, 2014Leave a Comment Waxaa soo gaaray deegaanka Puntland wafdi balaaran oo ka socda Issimada Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo ka qeyb galaya caleemo saarka Boqor Beelaha Daarood oo 25ka dhici doonta magaalada Qardho ee xarunta Dhaqanka Puntland. Issimada ka timid Itoobiya ayaa maanta Qado sharaf loogu sameeyey magaalada Garowe ee caasimada Puntland, iyagoo soo maray dhanka dhulka isla markaana shalay soo gaaray gobalka Mudug. Wafdigan ayaa lagu wadaa in galabta ay u gudbaan magaalada Qardho oo ay hada kusii qul qulayaan wafuud ka qeyb galeysa caleemo saarka Boqorka 34aad ee Beelaha Daarood. Munaasabada Caleemo saarka Boqor Burhaan Boqor Muse ayaa lagu wadaa inay noqoto tii ugu weynayd oo ka dhacda Soomaaliya in muddo ah. Dhinaca kale waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka magaalada Qardho oo ay hada ku sugan yihiin kumanaan ka qeyb galaysa caleemo saarka, sida ay qaban qaabiyayaasha sheegeen wafuud lagu casumay caleemo saarka ayaa gaaraya 6000 oo ergo ah, oo ka kala imaaneysa gobalada dalka Soomaaliya iyo dibada. Dhanka kale beesha MEHERI oo bayaan nasoo gaarsiiyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin haday yihiin beelaha Meheri caleema saarka boqor burhaan oo boqorka beelaha darood iyo Meheri. Waxaan beelaha Mehri isku raaceen in boqor burhan Muuse uu qaato cinwaanka boqorka beelaha darood iyo Meheri.
  14. Xunjuf I think this photo says it all, isu samra bahashan boqortoyada somalia waxaa qadanayo beesheena, waa boqortoyada ugu fac wayn oo manta dalka si caadi ah ugu shaqayo. Isu Samra Isu Samra
  15. <cite> @Xaaji Xunjuf said:</cite> Since when does somalia have a king U mean the king of bari disrict He represents all of Somalia including the Jubbas,Gedo, Galgaduud, Bari, Nugal, Mudug, Sool, Sanaag. Where are these places located? their all in Somalia. His a King of Somalia as far as I am concerned and Hassan sheikh recently said at king kong burial 'he was a true historical king' that is coming from the SFG own mouth and that says alot. So stop your whining and accept he is your king too because all somalis are 'required' to attend not just the sahal clan but their will be envoys sent from the HAG,RRA,SNM, even parts of dubai and yemen for god sakes. This aint some local crowning, this is a kingdom that has been around for centuries.
  16. Magaalada Qardho oo si weyn looga dareemayo Diyaargarowga Caleema Saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood.[sawiro] May 19, 20148 Comments Waxaa Guud ahaan magaalada Qardho ee Gobolka Karkaar Puntland Somalia si weyn looga dareemayaa Caleema saarka Boqorka 34-aad ee beelaha Daarood. SONY DSC Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan ,waxaana magaalada Qardho soo gaaraya wufuud kaladuwan oo ka qeybgalaya Calema Saarka Boqorka. Gudiga Qabanqaabada Caleema saarka Boqorka ayaa waxa ay diyaariyeen dhammaan goobaha loogu talagalay in lagu casuumo iyo halka ay dagayaan wufuuda ka qeybgaleysa caleemasaarka Boqorka. Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood ayaa loogu talagalay in lagu casuumo wufuud kabadan 3000 oo qof oo ka imaaneysa dhammaan daafaha aduunka,waxaana si weyn loogu diyaargaroobay soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee imaanaya caleema saarka Boqorka. Caleemasaarkaan ayaa ah kii ugu weynaa inta la xusuusto in ka badan Qarni ay ka soo qeybgalayaan wufuud sidaan u badan,oo isugu jirta Isimo,Cuqaal,Ugaasyo,Garaadyo,Wabaro,Malaaqyo,Suldaano,imaamyo,iyo Siyaasiyiinta ugu caansan dalka Somalia,Culama’udiin iyo Madax sare oo ka tirsan Beesha Caalamka. 25-ka Bishan May ayeey dhaceysaa Caleema saarka Boqrka 34-aad ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan. Yaasiin Cali Yuusuf xiririyaha arimaha Bulshada Caleema saarka Boqorka ayaa sheegay in Magaalada Qardho ay diyaargarowday Caleema Saarka Boqorka Guud ee Beelaha Daarood,waxa uu tilmaamay in la diyaariyey wax walbo oo lagu soo dhaweenayo Martida ka soo qeybgaleyso Caleema saarka Boqrka 34-aad ee beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf Boqor Cismaan. W/D:-Cismaan Cumar Boqor Cismaan. Gudoomiyaha Saxaafadda Caleema Saarka Boqorka King Of Somalia Home
  17. Madaxda Dhaqanka DDS Itoobiya oo aqbalay casuumaadda caleema saarka Boqor Burhaan (Sawiro) May 19, 20142 Comments Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Caalamiga ee Puntland Mudane Dr. Maxamed Cabaas Cumar ayaa magalada caasimada Jig-Jiga kula kulmay Garaadka Guud ee Beel-weynta Absame Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dhool Garaad Xirsi Garaad Cumar Garaad Wiil-Waal iyo xubno kale oo ka tirsan hogaanka dhaqanka ee Beesha Absame iyo adeerkood. Kulanka oo ka dhacay Hoolka shirarka ee “Qaryaan Dhoodaan Guest House” ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb-galay Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ahna hogaanka nabad-galyada maamulka iyo caddaalada Mudane C/llaahi Yuusuf Weerar. Ujeedada ugu weyn kulanka ayaa ahaa mid wasiirku u gudbiyey dowlada iyo hogaanka dhaqanka ee deegaanka warqad casuumad ah oo ku saabsan in hogaanka dhaqanka ee Beel-weynta Absame iyo adeerkood ay ka soo qeyb-galaan caleema saarka Boqorka Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo lagu qabanayo 25-ka May 2014 Magaalada Qardho ee caasimada gobolka Karkaar ee Puntland. Si wadajir ah ayey u aqbaleen dowlada iyo hogaanka dhaqanka Beel-weynta Absame in ay ka soo qeyb-galaan xafladaas lagu marti qaaday.
  18. Shir Jaraa’id oo maanta magaalada Qardho ay ku qabteen Gudigga Caleema saarka Boqorka [sawiro] May 22, 20142 Comments Shirkaan jaraa’iid oo ay ka soo qeybgaleen Dhammaan Gudiga Caleem Saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaaan Boqor Muuse ayaa waxa ay kaga haleen sida ay u socdaan Howsha Caleema saarka Boqorka iyo waqtiga loogu talagalay in uu dhaco Caleema saarka oo ah 25-5-2014. Gudigaani oo ka kooban Dhammaan Beelaha Daarood ayaa Cadeeyey in qabanqaabada Caleema saarka in sidoo loogu talagalay ay usocoto Xafladda Caleema Saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood. Gudoomiyaha Gudiga Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Caaqil Maxamed Aadan Cali Xangaag ayaa sheegay …..”Diyaar waxaa u nahay oo dadka uwada sheegeynaa in 25-5-2014 in ay tahay Maalinta Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood,Magaalada Qardhona waxaa soo gaaray Dhamman Gudiga Caleema Saarka Boqorka”…..sidaa waxaa yiri Caaqil Maxamed Aadan Yaasiin Muuse Boqor oo ka mid ah Gudiga qaban qaabada Boqorka Beelaha Daarood ayaa sheegay ….”waxaan halkaan ka cadeeneynaa uguna mahadcelineynaa aniga oo ku hadlayo magaca Qoyska Reer Boqor in Diyaargarow caqligeyga suureynwaayey in halkaan ka socdo,waxaana caleema saarka ka dhiman saddax maalmood aad baan ugu mahadcelinayaa aniga oo ku hadlayo magaca Qoyska Reer Boqor sida xilkasnimada leh ee la isku xilsaaray,Gacan laga geystay in caleema saarka si sharaf leh u dhaco”…. Maxamed Xuseen Jaamac oo ka mid ah isna Gudiga Caleema Saarka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin In howsha Caleema Saarka sidoo loogu talagalay ay u socdaan,iyadoo magaalada Qardho ay soo garayaan Wefdi kala duwan oo ka imaanayo dhammaan Gobolada Dalka iyo Dibadiisa. Siciid Cali Xuseen Hogato ayaa cadeeyey in Howshaa Caleema saarka ay usocoto si heersare waxa uu rajeeyey in si sharaf leh ku soo dhamaandoonto Caleema saarka Boqorka 34-aad ee Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse. Cismaan Cumar Boqor Cismaanoo ah Gudoomiyaha Saxaafadda Caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood ayaa sheegay in La diyaariyey dhammaan goobaha iyo sida loo soo dhaweynlahaa Wufuuda kala duwan ee ka qeybgaleysa Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood. Caleema saarkaan ayaa u scoda si weyn waxaana Guud ahaan Magaalada Qardho laga dareemayaa diyaargarowga Caleema saarka oo dhici doono 25-ka Bishaan May 2014.
  19. Puntland oo ka hadashey caleema saarka Boqorka May 22, 2014 Leave a Comment boqor_burhaanGolaha Xukuumadda ee Puntland ayaa shirkoodi caadiga ahaa ee khamiista uga hadley arrimo ay ka mid yihiin - Amniga - Caddaaladda - Dhaqaalaha - iyo caleema Saarka Boqorka Beelaha Daarood Afhayeenka xukuumadda Puntland Cabdullaahi Jaamac Quraanjecel ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay si rasmi ah uga qayb-qaadan doonto Caleema saarka Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka dhacaaya Caasimadda Dhaqanka Puntland ee magaalada Qardho 25 May. Quraanjecel ayaa sheegey in Puntland u diyaar garowdey in ay soo dhaweyso wufuud xoog leh oo ka qaybgeleysa Caleema saarka Boqorka kuwaas oo ka imaanaya, Dowladda Federaalka, Dalalka Jaarka ah iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo dhan. Afhayeenka Puntland ayaa sheegey in shirkii xukuumadda looga hadley in dib loo nooleeyo dhamaan dhaqankii iyo taariikhdii Puntland ay ku faani jirtey, sida raadadkii Masaaridu ka tageen, ee uu ka soo jeedo magaca Punt Land ama Dhulkii uduga, Qalcadihii Sayidka oo Puntland magac ku leh, iyo dhamaan taariikhdii soo jireenka ahayd ee ay Puntland iska lahayd taas oo ah waxa ay ku faanto Puntland. Afhayeenka ayaa carrabka kua dkeeyey in caleema saarku dhacaayo 25 May isla markaana uu ka dhacaayo Caasimadda dhaqanka ee Puntland, wufuudda ka soo qaybgelsyaana si weyn loogu diyaar garoobey. Diyaar garowga loo galay caleema saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ahayd mid si weyn loga dareemey guud ahaan Puntland, isla markaana lagu tilmaamey mid aan horey loo arag sida dadku isugu duuban yahay isla markaana uga wada shaqeynayaan caleema saarka Boqorka. Dhanka Dowladda Federaalka waxaa hadda ka jooga magaalada Qardho wasiiro ay ka mid yihiin kan qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Siciid Cabdulaahi Deni iyo wasiirka Waxabarashada Ducaale, waxaa lagu wadey in maanta uu gaaro Garoowe Raysalwasaaraha Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, Raysalwasaaraha ayaa maanta baaqdey waxaase wararku sheegayaan in maalinta caleema saarka uu tegaayo Qardho isaga iyo wefdi uu hoggaaminaayo, warkaasi maaha mid si rasmi ah Dowladdu uga hadashey waase mid ka soo baxaya ilo ku dhaw. Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yusuf Boqor Cismaan ayaa loo caleema saarayaa 25 May boqorkii 34aad, waxaana uu sanadkii 1965 ku dhashey magaalada Qardho, Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ah nin Ehlu diin ah oo dadku aad u jecel yahay, tan iyo sanadkii 2005 oo ahayd xilligii uu xanuunsadey rabbi ha u naxariistee Boqor Maxamuud Boqor Muuse ayaa Boqor Burhaan Boqor Muuse siyaabo kala duwan u sii hayey xilka Boqortooyada. Cabdirisaaq Maxamed Shiino Horseed Media
  20. Another huge boost to Puntland International Profile, our health minister attending the 67th World Health Assembly in Geneva. Well done Saadiq.
  21. Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka qeyb-galey fadhigii 67-aad ee hey´adda caafimaadka adduunka WHO ay ku yeelatey Geneva [sawiro] May 22, 20141 Comment Wasiirka caafimaadka dowlada Puntland Dr. Saadiq Enow wuxuu ka qeyb-galey fadhigii 67-aad ee hey´adda caafimaadka adduunka (World Health Organisation) ay ku yeelatey magaalada Geneva (Swiss). Fadhigaas oo lix casho soconaya ayaa wuxuu furmey 19/ 5- 2014. Fadhigaas oo lix cisho soconaya ayaa waxaa ka soo qeybgaley wufuud ay tiradoodu dhaaftey 3000 oo qof. 194 dal oo hey´adda xubno ka ah ayaa waxay ka doodayaan oo go´aamona ay ka gaarayaan arimo la xiriira caafimaadka dunida. Arimaha miiska saaran ee sanadkan laga wadahadlayo waxaa kamid ah: Ka hor tagga cudurrada aanan leyska qaadin (sonkorta, cudurada wadnaha iyo sambabka), istraateejiyad cusub ee lagu kontroolo cudurka TB-da, nafaqa-darrida hooyada iyo dhallaanka, yoolasha lagu hagaajinayo caafimaadka melleniumkan cusub, aragtiyo lagu hagaajinayo caafimaadka dadka beerka ka xanuunsan, hagaajinta hannaanka guud ee caafimaadka iyo qodobo kale. Waxaa jira cudurro cusub oo shirka lagu xusey. Waxaa kamid ah cudur uu Virus sababo oo ka soo ifbaxay dalka Sacuudiga. Cudurkaas oo dadka ay ay dhintaan, waxaa laga heley hilibka geela. Arintaasi oo lagu dhaleeceeyey Sacuudiga ayaa waxay ku bixisey in dowladdu ay ku fekerto in ay joojiso cimrada iyo xajka. Laakiin waxaa hor taagan laba arimood. Mid wuxuu yahay qodobka shareecada ah oo ayan jebin karin cibaadada waajibka ah iyo midda sunnada ah. Midda labaad waxay tahay dowlado uu ka dhexeeyo xarig ku joogsi sida Iiraan ayaa olole siyaasadeed ku qaadeysa haddii Sacuudiga uu mamnuuco cimrada iyo xajka. Arimaha xiisaha leh ee madasha lagaga doodey waxaa kamid ahayd, qaar kamid ah shirkadaha waaweyn ee ku howlan arimaha caafimaadka oo codsadey in ay talada hey´adda wax ku yeeshaan. Waxaa kamid ah shirkado dawooyin sameeya oo iyagu qeybo daawooyinka kamid ah bilaash u bixiya. Waxaa kale oo kamid ah shirkado hanti badan leh oo dhaqaale ku bixiya hagaajinta caafimaadka dadyowga saboolka ah. Dowladuhu qaar waa ay taageereen aragtidaas. Qeybo kale oo dowladaha martida ah ayaa iyagu diidey arinkaas oo tilmaamey in ayan suuragal ahayn in meel leysugu keeno maslaxaddii gaarka ahayd iyo middii caamka ahayd. In aadamigu sinnaado oo isku xuquuq noqdo, waxat taabaneysaa xataa adeeggii caafimaadka in aadamigu uu wada-gaaro. Mashaariic caafimaad ah oo la doonayo in dunida lagu huwiyo ayaa laga hadley. Waxaa kamid ah in la xoojiyo farsamada caafimaadka ee la xiriira qalliinka. Waxaa la xusey in sanad walba ay dunida korkiisa ka dhacaan howlo qalliin ah oo gaaraya saddex melyan iyo afar boqol oo kun. Tiro ah 3 % ayaa dadyowga adduunka saddexaad ay ku leeyihiin. Sidaa darteed in la baahiyo aqoonta caafimaadka oo qalliinku ay kamidka tahay, kuwaas oo dadku ay u dhibaateysan yihiin. Puntland News-24 Geneva, Swiss
  22. Peace did u notice how hassan sheikh can't even come to grips to call Puntland a government and at the same time says 'dalkasi' knowing full well when he went there and saw it is functioning state. I bet you Xaaji and Hassan get along real well
  23. Peace, Watch this from the 2:39 mark, Hassan xataa uma quro puntland inu dawlad yirahdo, he calls it 'mamul iyo hogaan'. Ninka cuqdudsana. Notice how at the same time when he was speaking about Puntland, he said 'dalkasi' remembering his visit there and he even knows deep down, it's a functioning state hence he released that comment 'dalkasi' and notice the shivers and anger in his voice when speaking of Puntland and taking time to think about his words and his quivers and shivers?.. SURELY THIS SICK MAN HAS NO RIGHT TO LEAD SOMALIA.
  24. Salax siilanyo isnt running anything there, it's hersi.