Flamboyantressurected

Nomads
  • Content Count

    18
  • Joined

  • Last visited

  1. AfricaOwn, Udub's corruption is there for the whole country to see and is one of the reasons why many people are leaving to join the opposition parties and the evidence is right in front of you. It's a complete wast of time to list bullet points for you inadeer, because you don't strike me as someone who's open minded to hear anything that Kulmiye has to say, and that's fair enough. So, if you can't bring yourself to support Kulmiye then support Ucid, because 5 more years of udub wa karahiyo!...
  2. Masha Alaah Reer LasCanood wa true patriots, bal ila dawada! ...
  3. This was Kulmiye Rally in Borama, yesterday. Here's more vidoes in regards to the event
  4. Isusoo Bixii Ugu Balaadhnaa ee Abid Taageerayaasha kulmiye ee Togwajaale ku Soo dhaweeyaan Hogaanka Xisbiga Kulmiye: isku soo baxan baaxada leh ayaa si wayn loo soo agaasimay, iyada oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo ka soo jeeda deegaanka degmada tog wajaale... Sawirro Tog wajaale(GNs ) dadwaynaha reer tog wajaale ayaa isku soo bixii ugu balaadhnaa ee abid lagu qabtay magaladaasi, taasi oo ay soo dhawayn ugu muujiyeen Musharaxiinta jagooyinka madaxwaynaha iyo madaxwayne kuxigeenka ee xisbiga kulmiye Ahmed maxamed Maxamud silaanyo iyo C/raxmaan C/laahi ismaciil saylici oo hawlaha ololaha doorashada ku yimid magaladaasi . Isku soo baxan baaxada leh ayaa si wayn loo soo agaasimay, iyada oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga oo ka soo jeeda deegaanka degmada tog wajaale iyo masuuliyiinta xafiiska degmada ee tog wajaale ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, taasi oo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga, madax kale iyo marti sharaf aad u tiro badan Muuqaalkii guud ee soo dhawaynta dadwaynaha reer tog wajaale ee sida wayn iskugu soo baxay soo dhawaynta musharixiinta xisbiga kulmiye ayaa ilaa habeen hore qabanqaabadooda laga dareemayey magaalada iyaga oo koox koox iskugu abaabulaya sida iskaashatooyinka kala duwan ee ka jira magaalada ururada bulshada iyo ganacsataduba. sharaacyada magaaladuna aad u fahmad badnayd, tukaanada lagu iibiyo dharkana amba lagu tolaa ay cidhiidhi ahaayeen oo raguna kaga adeeganayeen isku joogyo ka kooban midabada calanka xisbiga kulmiye dumarkuna xijaabyo iyo dalado ka kooban midabada calanka kulmiye iyada oo aad moodaysay inay tahay habeen la isku qaban qaabinayo ciid. Subaxnimadii hore ee shalay ayaa dadwaynaha reer tog wajaale oo hal dabala ahayd iskugu soo baxeen garoonka kubada cagta ee magaalada iyaga oo ku labisnaa calamaanta xisbiga kulmiye iyo dharka hidaha iyo dhaqanka iyaga oo ciyaar dhaqadmeedyada kala duwana ku madadaaloonayey ilaa inta uu ka soo gaadhayey musharaxa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, kuna buraan burayeen buraanburo ay ku taageersan yihiin xisbiga kulmiye kuna dhawaqayeen ereyo iyo hal kudhigyo ay ku muujinayeen tageerada xisbiga ilaa intii ay ka soo madal gaadhayeen musharaxiinta iyo waftigoodu oo ku beegnayd abaaro 11:00 duhurnimo xiligaas oo la isla oogsaday sawaxan si wayn loogu taagerayey musharaxa wakhtigaas oo ay si toos ah u bilaabmeen barnaamijyada iyo qorshayaasha ay ugu tala galeen in ay ku maamulaan dalka Masuulyiinta uu Hogaaminayo Axmed Siilaanyo, C/casiis Samaale, Mujaahid Muuse Biixi, Saylici ayaa Halkaasi kula hadlay Dadwaynaha Reer Wajaale waxaanay Aad uga mahadnaqeen Ganacsatada iyo dadwaynaha reer togwajaale Cududa taageero ee ay xisbiga u muujiyeen iyo soo dhawaynta aan kala hadhka lahayn ee ay ku taageereen masuuliyiinta Xisbiga kulmiye.
  5. Hargeysa:-(Berberanews)- Xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ayaa maalintii labaad isu-soo-baxyo la yaab leh oo waa weyn, oo la xidhiidha ololaha doorashada ka sameeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa. Kumanaan ka tirsan Taageerayaasha xisbiga UCID oo ay horkacayaan masuuliyiinta sar-sare ee xisbiga, ayaa subaxnimadii hore isugu yimi fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay taageerayaasha khudbad uga jeediyeen. Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi [Ciro] oo ka mid ahaa asaasayaashii xisbiga UCID, oo halkaas kala hadlay teerayaasha xisbiga ayaa si weyn uga mahad-celiyey sida xushmada leh ee ay isu soo abaabuleen, isla markaana ay heeganka ugu yihiin muujinta taageerada ay u hayaan xisbiga UCID. Gudoomiye Cirro oo halkaas ka jeediyey khubad dhibancyo badan taabanaysa, isaga oo shacabka Somaliland kula dardaarmay talooyinkan “Shacabka reer Somaliland waxa uu maanta haystaa fursad qaali ah oo soo marta shantii sanaba hal mar, taas oo ah doorashada hogaamiyahooda ama Madaxweynahooda. Fursadaas hadii ay il-duufaan waxa laga yaabaa shanta sano ee soo socda inay ka dhamaystaan calaacal. Waxaa looga baahan yahay shacabka reer Somaliland inay u hubsadaan codkooda cidda ay siyaa.” Mar uu sharaxaad ka bixinayey astaamaha madaxweynaha loo baahan yahay in la doorto, waxa uu yidhi “Maxaweynaha shacabka reer Somaliland dooranayaan waa inuu yeeshaan sifooyinkan; Waa inuu noqdo mid ku dhaqma shuruucda, dastuurka iyo xeerarka ay Ummadu ku heshiisay, waa inaanu noqon mid ku tunta sida hadda dhacda. Sida uu dastuurku farayo Madaxweynaha aynu dooranayo waa in baraamijkiisu cad yahay una sheegaa shacbigiisa iyo Golayaasha xeer-dejinta si looga aqbalo oo aanu ku maamulin had-ba sida uu jecel yahay. Waa inuu noqdo mid heshiisyada uu soo galo Golayaasha sharci-dejinta horkeenaa, oo aanu noqon mid heshiisyada ku soo saxeexda meelo mugdiya sid hadda dhacda. Waa inuu noqdaa mid madax-bannaaneeya gamacsiga sida uu dastuurku farayo oo aanu kooto ugu xidhin shakhsiyaad uu dano-gaar ah ka leeyahay.” Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Madaxweynaha aynu doonaynayaa waa inuu ku dhaqmaa shuruucda maaliyada ee waddanka, dhamaan dakhliga soo gala waa inuu ku xaroodaa qasnada dawla, waxa aynu ognahay in lacagayaw badani oo soo xaroodaa inay toos ugu xaroodaan qasriga madaxtooyada. Waa inuu noqdo mid la dagaalama musuqmaasuqa oo aanu isagu dhiiri-gelin. Waa inuu noqdo mid madaxbannaaneeya waaxda Garsoorka oo aanu isagu odhan ‘hebel-na shan sano ku xukun....hebel kalena toban sano ku xukun. Madaxweynaha aynu dooranaynaa waa inuu noqdo mid madax-bannaaneeya waaxda sharci-dejinta, madaxweynaha imika joogaa [Daahir Rayaale] marka uu doonana isaga ayaa ah Gudoomiyaha guurtida marka oo doonana isaga ayaa ah ka Wakiilada. ” Gudoomiyuhu waxa uu iftiimiyey in musharaxa intaas oo amuurood buuxiyey inuu yahay Gudoomiyayaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, isaga oo shacabka reer Somaliland ka codsaday inay codkooda siiyaan xisbiga UCID oo uu ku tilmaamay inuu yahay ka badbaada u ah Somaliland. Waxa kale oo uu ugu baaqay taageerashaa xisbiga talada haya ee UDUB ina isu soo dhiibaan xisbiga UCID, “Walaalayaal waxaan diin sheegi doonaa qiso dhacday taariikhdii dhawayd ee aynu noolayn. Waxaad ka war-qabtaan berigii keligii taliyihii Maxamed Siyaad Bare uu dalka ka cararay iyo qasrigii uu degenaa, iyada oo ay boqol Taangi dhex-yaalaan, ayaa siyaasi reer Somaliland ah oo noqday Raysal Wasaare oo ah ruug-caddaa siyaasi ah ‘muddane Cumar Carte Qaalib,’ waxa uu ka hadlay Radio Muqdisho, waxa uu yidhi ‘Ciidamada dawlada Soomaliya mid waliba ha isu dhiibo ciidamada SNM ee ugu dhaw.’Hadaba, aniguna waxa aan maanta u soo jeedinayaa Taareerayaasha xisbiga UBUD inay isu dhiibaan xafiiska UCID ee ugu dhaw.” Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Xoghayaha Arrrimaha Gudaha ee xisbiga UCIDMaxamed Ibraahim oo ay hadaladiisii ka mid ahaayeen “Waxaan idiin sheegayaa in masiirkii iyo mustaqbalkii Somaliland inuu maanta gacmaha shacabka Somaliland dul saaran yahay, ilaa 1960-kii Ummada reer Somaliland kolka god ayaa laga qaniinayey, maanta waxa aad jaanis u hesheen inuu ilaahay gacantiina soo geliyo, oo aad idinku doorataan ka idiin wanaagsan kana tagtaan ka idiin daran.” Waxaaana uu teerayaasha xisbiga UCID ku boogaadiyey oo uu yidhi “Waxaan diin sheegayaa haddii aanu nahay UCID, annagu waanu is xujaynay, idinkana waanu idin xujaynay. Annagu waanu is xujaynayoo oo waxa aanu nidhi Kitaabka ilaahay ayaanu dalka ku xukumaynaa, haddii aanu ka soo bixi wayno xujo ayay nagu noqonaysaa. Dadweynaha Somailand waanu xujaynay, oo haddii aad ka baydhaan kitaabkaas ilaahay xujumadaasi idinka ayay dusha dinka fuulaysaa. Waxaa inoo ballan ah 26-ka June inaad xisbiga UCID u codaysaan.” Gudoomiyaha Ololaha doorashada ee Gobolka Maroodi-jeex Mr Jiir oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi “Waxaanu idiin haynaa Madaxweyne Islaam ah, oo mabdaadi’iisa ugu wayni tahay ‘haddii aanu dalka iyo dadka toona khayr u lahayn inaanu Ilaahay siin.’ Alle ka cabsi halka uu ka gaadhay khasab iyo xoog toona kuma doonayo doorasho, si kasta oo uu doono kuma doonayo, ee doorashada waxa uu kudoonayaa haddii uu khayar idiin leeyahay in ilaahay kursiga ku guuleeyo haddii aanu idiin lahayn-na inaanu ku fadhiisan, waana Eng. Faysal Cali Waraabe.” Xoghayaha maamulka iyo qorshaynta ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Dirir, isla markaana ah gudoomiyaha ololaha ee dhalinyarta, oo isaguna halkaad ka hadlay ayaa yidhi “Ma doonaysaan inaad ka qayb-gashaan talada dalkiina, ma doonaysaan inaad ka talisaan aayaha dalkiina, ma doonaysaan inaynu Odoyaasha hoosta iska marino, haddii jawaabtiinu ahaa tahay u codeeya xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID.” Waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “Xisbiga KULMIYE idiin muu siin dhalinyaro ku jirta Golaha fulinta, UDUB-na hadalkeeda daa, laakiin xisbiga UCID shan dhalinaro ah ayaa Golihiisa fulinta ku jira. Berina haddii aanu talada ku guulaysano waxaanu idiin ballan-qaadaynayaa inaanu shan wasiir idiin siino.” Waxa iyaguna halkaas ka hadlay masuuliyiin iyo xubno ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Yuusuf Maxamuud oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Hargeysa, Xogayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID C/naasir Yuusuf Cismaan iyo Hoodo Cabdiraxmaan Yuusuf oo ka mid ah hablaha firfircoon ee xisbiga UCID, oo dhaamtood hoosta ka xariiqay in xisbiga UCID ku sifoobay badbaadiyada Somaliland, iyaga oo tibaaxay in xisbiga UCID geel-dheer iyo mid gaaban-ba u fuulayso sidii ay Somaliland u horumarin lahayd. Link: http://www.berberanews.com/news.php?readmore=583
  6. I'm posting the link for the Kulmiye Burco rally. If anyone can post the actual pictures that would be great, unfortunately I wasn't able to figure out how to upload and post... http://waryatv.com/read/article/5957 You will see from the pictures the majority of the supporters are women & youth. What happened to the Faraxs?
  7. Hope the rest of Somalies are taking note of what's happening in Somaliland and ey nagu daydan. This is how it's suppose to be done, democracy in action!
  8. As a Kulmiye supporter, it's to our advantage Ucid does very well in areas like west Burco and Ceergaabo, because they are taking Udub supporters. I say it's a win win situation for Kulmiye. I am very proud of our people and what's happening in our country, we have shown a level of maturity the rivals any western country Walaahi. As long as we're debating in a civilized mature manner it's all good. I like to think we've moved beyond qabil and voting along our principles. IT'S A GOOD TIME TO BE A SOMALILANDER, WE SHOULD ALL BE PROUD!
  9. Libaahe, what you say about the dates on these pictures?...lol
  10. UCID is showing great turn out across the country and they have a bright future I sincerely wish them all the best...Faysal is a wadani!
  11. And here's the link for Ucid's huge turn out in Borome, very impressive indeed! Looks as if the people have spoken loud and clear ..NO MORE UDUB!...hope you're taking the hint AfricaOwn.. http://lughaya.com/2010/06/05/daawo-muuqaaladii-ololaha-xisbiga-ucid-ee-maanta-magaalada-borama/
  12. I don't see any reason why Kulmiye should turn anyone down that wants to join the party. Every vote counts and every man comes with supporters. Ex Udub ministers are fleeing Udub like flies and coming to Kulmiye, but they hold no positions of power and are not in positions to make any decisions. They are purely part of the masses of people that are joining Kulmiye in droves... Here's a link to Universaltv via youtubes. They are posting up to date information. Well done to them!! http://www.youtube.com/user/miig2006#p/u/2/qkXacSx4Hto
  13. Kulmiye supporters come out in large numbers both in Burco and Borome to show their support for the party 1. Boreme: http://lughaya.com/2010/06/04/halkan-ka-daawo-soo-dhawayntii-engsaylici-ee-maanta-fagaaraha-khayriya dda-ee-magaalada-borama/ 2. Borome: http://lughaya.com/2010/06/04/daawo-khudbadii-musharaxa-mkuxigeenka-xkulmiye-engsaylici-ee-maanta-fa gaaraha-khayriyadda-magaalada-borama/ Burco:
  14. Point taken Mr Odwayne, we'll just have to wait and see what happens but I do have good faith in Kulmiye party particularly on the xisbiyada la furayo point! Libaaahe I have pictures I have taken yesterday that are showing 2006 date, alot of the cameras do not automaticly update It's clear the pictures are from thesame event as in the video. But even if it was from 2007 I am not aware of any elections taking place in 2007 marka i wonder what promted this huge gathering in borame for Kulmiye, a party that was very unpopular in Boroma at the said time...hmmmmm something to think about maha?
  15. The pictures are indeed current and were taken of the event, so let's not get excited reer udub/ucid. Kulmiye has a strong following in Borome as can be seen from this video link. http://lughaya.com/2010/06/04/halkan-ka-daawo-soo-dhawayntii-engsaylici-ee-maanta-fagaaraha-khayriya dda-ee-magaalada-borama/ Hope that's convincing enough for you Libaahe, or do you need more evidence?