General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Single mothers and cab drivers have nothing to be a shamed about. Its ammusing and I dont see how someone who's leader [Riyaale's] only notable qualification was a renowned Qad merchant who once was a spy has the right to insult anyone. Anyhow things are progressing, for Somalia and the secessionists are still daydreaming, any progress?
  2. ^^^Adeer the TFG has crushed the most powerful militias in Somalia, controls the capital and has made diplomatic progress. Rome was not built in a day. Somalia will not come back in a year, maybe in two years.. Insha Allah.
  3. Negotiations are now conducive because the armed groups have lost ground. The TFG should not compromise on security. Though if people want positions thats not a problem. Securit must be in the hands of the goveremnt.
  4. ^^^Adeer there was a huge Eid celebration in Xamar like any where else. Go parot those comments soem where else ya secessionist.
  5. Kenya, Ethiopia, Uganda, South Africa, Yemen, The UAE, Saudi Arabia not to mention. China, India, Malaysia, Indonesia. Have all restored diplomatic relations with Somalia. TFG is making progress.
  6. Sanadguuradii 64aad ee ka soo wareegatay aas aaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu qabtay Khamiis, December 20, 2007(HOL): Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay 64 guuradii ka soo wareegatay aas-aaskii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Booliska ee Magaalada Muqdisho. Xafladdan oo goobta lagu qabanayay ammaankeeda si weyn loo adkeeyay waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socday qeybaha kala duwan ee Ciidamada Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyadoo ay sidoo kalena ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo weliba Saraakiil ka socday Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan. Xafladda ayaan wax qudbad laga jeedin, iyadoo taasina uu Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku sababeeyay iyadoo qudbooyinka loogu dhigay xaflad caawa ka dhaceysay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed , taasi oo ay ka qeybgelayaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo amba baxay magaalada Baydhabo. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa uu u sheegay intii joogtay xafladdii maanta ka dhacday Dugsiga sare ee Booliska in ay Caawa ku casuuman yihiin Xafladda ka dhaceysa Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taasi oo sida uu yiri ay furan yihiin Waddooyinka soo gala. Xafladda lagu qabtay Xarunta Dugsiga sare ee Booliska oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Safiirrada dalalka Liibiya, Yemen iyo Itoobiya ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isal markaana ay caasimadda dalka Soomaaliya ku hardamayaan Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda. Ugu dambeyntiina, Gobollo kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya ayaa iyana maanta si weyn looga xusay munaasabadda 64 guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maanta maalintiisa xusaya iyadoo uusan heysan xuquuqdii uu lahaa, isla markaana ay u sii dheer yihiin falal lagu ugaarsanayo cid kasta oo ka tirsan Ciidamadii Soomaaliya. Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online sxiis@hiiraan.com Mogadishu, Somalia
  7. Sannad guurada 64-aad ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo maanta la xusay Munaasabaddo lagu waynaynayo aasaaskii ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo ay ka soo wareegtey 64 sannadood ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan gobollada dalka. Munaasabad ballaaran oo ay ciidanku ku soo bandhigeen gaaddo ka ciyaar ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho iyadoo uu halkaasi ka hadlay, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Gen Cabdi Qaybdiid iyo mas'uuliyiin kale. Magaalooyinka kale ee ku yaal gobollada dalka ee laga xusay aasaaska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa kamid ah Kismaayo iyo Beledweyne. Maxamuud Faarax Bile farahbile@hotmail.com
  8. Ambassador Ebyan Ladane oo waraaqihii aqoonsiga u gudbisey Madaxweynaha Dalka India H.E. Smt Pratibha Devsingh Patil. {Daawo Sawirada.} H.E. Ms Ebyan Ladane Salah Deer, oo ah Safiiradda Soomaaliyeed ee Dawladda Federalka Ku meel gaarka ah ay u magacowdey Wadanka India ayaa taariikhdu markey ahayd December 18, 2007 u gudbisey waraaqaheedii aqoonsiga Madaxweynaha Dalka India H.E. Smt Pratibha Devsingh Patil. Waxaa kaloo iyana ku weheliyey munaasabadaas oo laga aqbalay waraaqahooda aqoonsiga dawladdaha kala ah Kenya, China, Austria, iyo Turkmenistan. Fadhi khaas ah oo ay safiiraddu H.E. Ms Ebyan Ladane la yeelatey Madaxweynaha India, ayey ugu gudbisay fariin ay uga sidey Madaxweynaha Dawladda Federalka Ku Meel Gaarka ah Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed, isagoo u soo hambalyeeyey Madaxweynaha India iyo Ummadda Hindida ah dhammaantood, kuna bogaadiyey horumarka la taaban karo ee uu waddankoodu gaarey. Safiiraddu waxay dulmar ku sameysay xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeyey Somalia iyo India iyo heerarka uu soo marey ganacsiga ka dhaxeeya laba dal, taasoo u baahan in la sii xoojiyo. Sidoo kale waxay safiiraddu ka warbixisay xogta runta ah ee Somalia, iyo sidey Somalia u tahay waddan qani ku ah dhinaca xoolaha nool (livestock), beeraha (Agriculture), badda (logest costline in Africa)khayraadka dhulka ku jira (Untapped Natural Resources)iyo hawada. Kuwaas oo u baahan in si cilmiyeysan looga shaqeeyo, iyadoo la adeegsanayo xirfado kala duwan oo munaasab ku ah baahideena, si waddankeenu horumar la taaban karo u gaaro. Waxayna ka codsatey madaxweynaha India in ay gacan ka gaystaan nabadda iyo horumarka Somalia. H. E. Ms. Ebyan Ladane waxay ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka India ku dhaqan u soo direysaa hambalyo Ciidda Barakeysan, inay ku ciiddan farxad iyo rayn rayn, waddankeenana nabad, deganaansho, xasilooni iyo horumar deg deg uu Eebbe ku maneysto. Aamiin. H.E. Ms. Ebyan Ladane Ambassador Extraordinary and Plenipoteniary Embassy of Republic of Somalia D-47, Anand Niketan, New Delhi 110021 Tel: 24115672, Fax: 91-11-24115582 Mobile: 9999-89-5349
  9. The police control were clan militias and cla courts used to. Progress indeed.
  10. Munaasabad masuuliyiintu khudbado ka jeedinayaan oo lagu maamuusayo maalint ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ka socota Comando Di Polizia. Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo looga gol leeyahay in lagu weyneeyo maalinta ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku began 20-ka December ayaa waxaa iminka ay ka soconeysaa talisska sare ee ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Comando Di Polizia. Munaasabada ayaa waxaa ku sugan masuuliyiin ay ka mid yihiin :Wasiirka arimaha gudaha soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheer),taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka General Maxamwe Wasame faarax Darwiish,taliyaha Booliska General Cabdi Qeybdiid,ku xigeenka booliska General bashiir Maxamed Jaamac, guddoomiyaha Gobalka Banaadir Maxamed Dheere,ku xigeenadiisa Dhagaxtuur iyo C/fitaax Shaawey,taliyaha booliska Gobalka Banaadir,General Yuusurf Xuseen Dhuumaal,Taliyaha ciidanka Asluubta General C/llaahi Macallin Cali,taliyaha Waaxda Socdaalka Col C/llaahi Gaafow,afhaeenka Madaxweynaha Xuseen Xuub Sireed iyo masuuliyiin kale oo aad u farabadan. Waxaa sidoo kale munaasabada caawa jooga safiiro dalal shisheeye u jooga Soomaaliya,masuuliyiinta ciidamada kala duwan ee nabad ilaalinta iyo diplomasiyin kale. Kooxda Heegan ee ciidanka bolska Soomaaliyeed ayaa goobta kusoo bandhigeysa Riwaayado kala duwan oo dhamanatoodba ka hadlaya sida booliska uu lagama maaraan ugu yahay bulshada,iyo dalka Soomaaliya sida ay boolis la’aantu sanadihii lasoo dhaafay horumarkiisii iyo kala dambeyntiisii dhulka ula gashay. Si kastaba ha ahaatee munaasabadu haatan waa ay soconeysaa masuuliyiintuna khudbdaha ayay goor dhoweyto bilaabeen,wixii kusoo kordha la soco oo ha ka dheeraan carmooyin.com Carmooyin.com:Astaanta wararka deg dega ah ee xaqiiqda ku saleysan Xafiiska warqabadka shabakda wararka carmooyin.com ee Muqdisho
  11. Muqdisho: Xaflad lagu xusayo munaasabada maalinta Booliska Soomaaliyeed oo caawa ka socota Dugsiga sare ee Booliska 20. December 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa caawa ka socota xarunta Dugsiga Sare ee Booliska, taasoo lagu weyneynayo maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegan 20-ka Dicembar, waxaana xafladaas ka soo qeybgalay mas'uuliyiin sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed, iyo qeybaha ciidamada. Masuuliyiinta ka soo qeybgashay xafladda sanad guuradda 64-aad ee ka soo wareegatay maalinta la aas aasay Booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma dheer), Taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka Gen. Maxamed Warsame Darwiish, Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Qeybdiid, ku xigeenka ciidanka Booliska Gen.Bashiir Maxamed Jaamac "B.Goobe", Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamed Dheere, ku xigeenadiisa , Taliyaha Booliska Gobalka Banaadir,Gen. Yuusurf Xuseen Dhuumaal, Taliyaha ciidanka Asluubta General C/llaahi Macallin Cali, iyo mas'uuliyiin fara badan oo ay ka mid yihiin Safiirada dalalka shisheeye ee ku sugan Muqdisho Munaasabadan ayaa caawa waxaa khudbado ka jeedin doona mas'uuliyiinta sare ee ka socota Dowladda KMG iyadoo halkaasi la filayo in uu ka hadlo Wasiirka arrimaha Gudaha Gacma Dheere iyo Taliyaha Booliska Gen. Qeybdiid, iyadoo iminka ay socoto ruwaayad xiiso leh oo ciidamada Booliska ee Heegan ay martida ku madadaalinayaan. Taliyaha Booliska Gen. Cabdi Qeybdiid ayaa sidoo kale halkaasi ka soo jeedin doono marxaladihii kala duwanaa ee ciidanka Booliska la soo kulmeen mudadii nidaam la'aanta iyo waxqabadka iminka ciidamadu ku tallaabsadeen ee dhinaca amaanka. Maanta ayaa sidoo kale xaflado kala duwan oo lagu weyneynayo xuska 64- guuradii ka soo wareegatay aas-aaska ciidanka Booliska lagu kala qabtay gobolada dalka gaar ahaan Kismaayo, Baladweyne, Marko iyo gobolada kale ee dalka. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho
  12. R/wasaare Nuur oo digniin u jeediyay xukuumadda Eritrea Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 18-Desember-2007 Ra`isul wasaare Nuur Cadde ayaa uga digay dowlada Erateriya fara galnta soo noqnoqtay ee armaha Soomaaliya sida uu hadalka u dhigsay. Eedeyntaani oo noqoneysa middii ugu horeysay oo ka soo yeerta Nuur Cadde tan iyo markii uu qabtay xilkaasi ayaa ku booriyay xukuumada Asmara in ay ka waan toowdo joogteynta falalka ay ku dooneyso in ay ku dhiciseyso dadaalada nabad ku soo dabalida Soomaaliya. Wareysi uu siiyay wargeys ka soo baxa dalka Itoobiya ayuu ku yri?kaalinta Erateriya ee mantiqada in muddo waxa uu ahaa mid mantiqada dib u celinayay. Nuur Cadde ayaa ku adkeeyay madaxweynaha Asmara in fra galinta aan mar marsiyada laheyn ee Soomaaliya uu ku hayo uu joojiyo sida uu u yiri Mr.Cadde. Waxa uuna amaanay wasiirka koowaad ee golaha wasiirada dowlada KMG dadaalada nabad soo celinta Soomaaliya ee ay wadaan dalalka Itoobiya iyo Uganda oo ciidamo ay leeyhiin hataan joogan Soomaaliya . Mr Cadde ayaa carabka ku adkeeyay in dowlada KMG ah ay ku guuleysatay in nabad dalka lagu soo dabaalo iyadoo o kaashaneysa cidamada Itoobiya iyo kuwa Uganda. Ma jiraan wax war ah oo illaa iyo haatan ka soo baxay dhanka Asmara oo ku aadan eedeeynta Nuur Cadde . Xigasho: http://www.alkhaleej.co.ae/ Maryama Xuseen Axmed seymuun@hotmail.com Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda
  13. Maanta, maanta maanta waa maalin weyn maanta! Sideebaa looga ciiday Somaliya? Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 19-Desember-2007 Maanta oo ey tahay maalin ciid ah ayaa waxaa laga dareemayaa guud ahaan dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho iyo nawaaxigeeda farxad ciideed oo aad u weyn taasoo aad ka dheehan karto wajiyada caruurta, haweenka iyo goobaha cibaadada sida masaajidda iwm. Masaajidda Muqdisho ayaa maanta mar laga wada dukaday, waxaana buux dhaafay inta badan masaajidda iyadoo dadka qaar ey ku dukanayeen banaanada masaajidda iyo hareeraha wadooyinka. Jawiga caasimadda ayaa ka badalan maanta sida caadiga, waxaana wadooyinka ku arkeysaa dadka intiisa badan oo xiran dhar qur-qurxoon iyadoo ey caruurtana ku ciyaarayaan buufino iyo waxyaalaha kale ee ey ciida caruurtu ku ciyaaraan. Waxaa sidoo kale dagan maanta xaafadaha ey iska-hor imaadyadu ka dhacaan inta badan halkaasoo ey ku hareen dad tiro yar. Dalka intiisa kale sida degmooyinka Afgooye, Marka, Baraawe, Jilib iyo magaalada Kismaayo ayaa iyana looga ciiday si weyn. Dhanka kale maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa iyana waxaa maanta laga dareemayay jawi farxadeed oo ku aadan maalinta ciidul Adxa, waxaa ey magaalooyinka maamulada ey sidoo kale buux dhaafiyeen masaajidda dadkii ku dukanayay. Waxaan idii soo gudbin doonaa sawiro kale oo ku aadan dabaaldagga ciida ee magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Bosaso iyo Hergeysa sida ugu dhaqsiyaha badan ee aanu u helno.
  14. Doxa: Qadar oo sheegtay in ay wada hadal siineyso Kooxaha DFKMGS ka soo horjeeda iyo dowlada Faderaalka ee Soomaaliya. 19. december 2007 Doxa(AllPuntland)- War laga baahiyay Tv-ga dowlada Qadar ayaa lugu sheegay in ay Xukuumada wadankaasi ay qabaneyso Shirweyne ay ku heshiisiineyso qeybaha isku haya Siyaasada dalka Soomaaliya ,ayagoo si gaar ah uwada hadalsiinaya dowlada Faderaalka ee Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda ee dagaalamaya Magaalada Muqdisho. Wasiirka arimaha dibada ee dowlada Qadar ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay Kooxaha Soomaalidu isku yimaadaan isdalkoodu ugaaro Horumar ,ilsa markaana Gargaar deg deg ah loo gaarsiiyo Kumanaan Soomaali ah oo doonaya in ay helaan hoy iyo Hayaatin intaba. Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxda dowlada Qadar ay talaabadan go'aansadeen ,ka dib markii ay arkeen xaalada qalafsan ee dalka Soomaaliya iyo sida ay dowladaha Caalamku uga seexdeen wax ka qabashada dagaalada iyo Dhibaatooyina dhacaya Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Bayaanka ayaa sidoo kale lugu sheegay in ay dowladu Qadar dooneyso ,isla markaana ay raadineyso Soomaali oo ah Mid iyo Dowlada Midnimada qaran ee hada dhisan oo howlaheeda is cadaalad ah lugu guto ,ayadoo taasna lasheegay in lugu gaaro Wada jir iyo wada shaqeyn dhexmarta Hay'adaha dowliga ah ee ka jira dalka Soomaaliya. Sidoo kale isla hadalkan waxaa sheegay Ergayga dowlada Qadar uqaabilsan Arimaha Soomaaliya ,isagoo ugu mahadceliyey dowlada Itoobiya iyo UN-ka dadaalkooda ku wajahan wax ka qabashada dagaalada iyo Rabshadaha ka jira Magaalada Muqdisho. Warkan ka soo baxay dowlada Qadar ayaa ku soo beegmaya xili ay Qaraxyada iyo rabshadaha ka dhacaya magaalada Muqdisho ay yaraanayaan ,isla markaana ay kooxaha dowlada Soomaaliya ka soo horjeeda awoodii hoos loo dhigey sida ay sheegtay dowlada Soomaaliya. Faarax C/qaadir Geylan AllPuntland
  15. Madaxweynaha Puntland oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasabadii ciidul Adxa Last Updated::2007-12-19 16:16:34 Madaxweynaha dawlad gobaleedka Puntland Maxamud Muse Xirsi "Gen Cade " oo maanta markii u horaysay bulshada gobolka Karkaar kala qayb galay tukashada salaadii ciida Al -adxa ee maanta si weyn u ga dhacay degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa ka hor inta aan la tukan saladii --- ayaa khudbad uu madaxweyne Cade halkaas uga soo jeediyay kumanaal kii qof ee ka qayb qaadanaysay tukashada salaada waxaa uu kaga hadlay dhinacyo badan . Waxaa madaxweynuhu ugu horaytnii sheegay in qorshaha safarkiisu uu la xiriiro uu kuur galida xaalada amaanka ee gobolada iyo sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada ,waxana uu ku booriyay shacabka gobolka Karkaar in ay maamulka kala shaqeeyaan dadaalka uu ugu jira adkaynta nabad gelyada isla markana meel looga soo wada jeen sado cidkasta oo wada falal ka dhan ah xasiloonida Puntland Madaxweynahaha waxaa uu sheegay inuu dhowaan dib uhayn ku sameeyay golaha wasiirada ayna jiray tagri fal la sameeyay ,madaxweynuhu wax faah faan ah kama bixin cida uu ku eedaynayo in ay sameeysay tagri falkan ,waxana uu rajeeyay in dib uhabayntani ay la iman doonto natiijo wanaagsan Mar madaxweynuhu uu ka hadlayay suxufigii faransiiska ee afduubka loogu haysto Puntland waxaa uu sheegay in suxufigani uu dambiile ka yahay Puntland isla markana uu ku lug leeyahay arrimaha tahriibta ee ka jirta Puntland uuna xiriir la leeyahay kooxaha wax tahriibiya balse ay iyagu markii dame isku rogeen oo qafaasheen . waxana uu sheegay in dadka qafaashay suxufigan danta ay ka leeyihiin ay tahay in Puntland lagu tilmaamo meel dadka lagu qafaasho . Madaxweynaha waxa uu ka hadlay gobolka Sool isaga oo carrabka ku adkeeyay in Puntland ay si dhaqso ah ula wareegi doonto gobolkas ,waxana uu sheegay in duulanka lagu qaaday Sool lagu doonayay in lagu kala dhan taalo dadaalada ay Puntland ugu jirto sidii ay dhaqan gelin lahayd heshiisyadii horumarineed ee la gashay shirkadaha ajnabegi ah .waxana uu sheegay in heshiiyadii ay sidoodi u taagan yihiin aysan waxba iska bedelin . Waxa madaxweynaha Puntland uu sheegay in la dhaqan gelin doono furitaanka axsaabta siyaasadee isaga oo carrabka ku adkeeyay in xilliga ay dhamaato mudada doorashada madaxtinimadiisa aan maalin lagu dari doonin balse uu 8-Jan (2009) markalena u tartami doono murshaxnimada madaxtinimada Puntland ,isaga oo sheegay in hadii doorashada uusan ku guulaysan uu qanaaco wanaagsan muujinayo Faysal wakaalad wakaalad@hotmail.com
  16. Saddexda mas'uul ee ugu saraysa DFS oo hambalyo u dirtay ummadda Soomaaliyeed Mas'uuliyiinta ugu sarsarraysa Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa salaan hambalyo ah u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyagoo u rajeeyey ciid wanaagsan iyo mustaqbal ifaya. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen iyo guddoomiyaha baarlamanka, Sheekh Aadan Madoobe ayaa meelo kala duwan si isku mid ah dadka Soomaaliyeed u rajeeyey nabad iyo nolol wanaagsan. Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo haatan safar ku jooga magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey bash-bash iyo barwaaqo in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan, waxana uu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay haystaan fursad ay wakhtigooda kaga faa'iideysan karayaan. Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Baarlamanka oo salaaddii Ciidda dadweynaha kula tukadey magaalada Baydhabo ayaa shacbiga Soomaaliyeed u rajeeyey in ay nabad ku waaraan waxana uu xusay in dad badan iyo meelo badan oo Soomaaliya kamid ah ay dhibaatooyin ka jiraan. Sidoo kale, ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Nuur Xasan Xuseen, (Nuur Cadde) ayaa munaasabadda ciidda awgeed dadweynaha Soomaaliyeed habalyo oo ku soo beegay Ciidda Adxa u diray. Maxamuud Faarax Bile
  17. Dalka Soomaaliya oo maanta si weyn looga ciiday Last Updated::2007-12-19 12:00:54 Boosaaso(HRNet):-Magaalooyinka waaweyn ee dalka Soomaaliya ayaa maanta si weyn looga dareemayey damaashaadka ciidul adxa. Maanta oo Arbaco ah 19ka bisha December ayaa waxaa magaalooyinka dalka Soomaaliya lagu arkayey wadooyinka shacabka oo u dareeraya salaadii ciida. Magaalooyinka waaweyn ee gobalada Puntland ayaa ayagu si heersare ah looga ciiday ayadoo kumanaan dad ah ay isugu soo baxeen fagaarayaasha waaweyn ee magaalooyinka si ay halkaasi si wadajir ah ugu tukadaan salaada ciida. Dhamaan bahda HorseedNet ay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba idin leeyihiin Kulu caam wa antum bi khayr. Ciid Mubaarak. HorseedNet.com
  18. Munaasibadaha Ciida Ayaa Maanta si wayn looga iidey gobolada Puntland iyo Guud ahaan gobolada dalka Somaliya Daawo sidii looga iidey Bosaso Magaalada Bosaaso ayaa Waxaa looga iiday Maanta si aad u wanaagsan Waxaana Dadwaynha Gobolka bari ay ku kala Tukadeen Maanta Saldii ciidka Meelo badan oo ka mida Magaalada Bosaso sida Masaajidka ibraahin ,kutuba wayne Iyadoo ay bulshada ugu Badan ee gobolka Bari ay Maanata si Heersare ah ugu cideen Garoonka Kubada Carta ee Magaalada Bosaso Haba waxaa Saldaasi Gegida Ciyaaraha Maanat ka soo Qayb galay isla mar ahaantaasina Qudbado ka soo jeediyey Culimada iyo Masuuliyiinta maamulka Puntland iyadoo uu geba gebadii Salaada Ciidka Jaale Cade Muuse Khadka telefoonka kaga Qudbadayey Halkii ay maanta ku tukanyeen dad wayanah Reer Bosaso, Waxaa khudbado kala Gedisan ka so jeediyey bacdal salaad halkaasi Wasiirka Ganacsiga Maamul Goboleedka Puntland Wasiirka Wershadaha iyo Ganacsiga Duq degmada Bosaso iyo Mashaayiikhada Waawayn ee Degmada Bosaso. Dhahar.com