
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Garowe: Puntland admin candidates sign agreement: a great day
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
This is what it is all about, setting together and making a common breakthrough, now we can have our race and then eat our cake.. Puntland is moving forewrad... -
Garowe: Caasho Geelle Diiriye oo ku guuleysatay Heshiis la dhex dhigo Maamulka Puntland iyo Musharaxiinta. 20. december 2008 Garowe(AllPuntland)- Wasiirka Wasaarada Arimaha haweenka iyo horumarinta Qoyska Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa maanta markii ugu horeysay iska hor keentay Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo iyo Madaxweynaha waqtigan ee Maamulka Puntland, waxa ayna heshiis rasmi ah dhex dhigtay labada dhinac. Caasho Geelle ayaa uga mahadcelisay dawladda Puntland iyo Musharaxiinta sidii wanaagsaneyd ee ay uga soo qeybgaleen kulamadii mudada gaaban socday, loogana hadlayay aayaha deegaanada Puntland. Wasiiradu waxa ay sheegtay in ay heshiis rasmi ah maanta wada gaareen Madaxweynaha Puntland iyo Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweyne-nimo ee deegaanada Puntland. Qodobadii ugu muhiimsanaa ee maanta lugu heshiiyey waxaa ka mid ahaa. 1. In dhamaanba daaqada laga saaray wixii khilaaf ahaa ee udhaxeeyey Musharaxiinta iyo dawladda Puntland, kuna aadanaa doorashada Puntland ee sannadka 2009 2. In la magacaabo Gudi Isimo ah oo tiradoodu tahay 8 Isin luguna yaqaano cadaalad iyo sinaan, kana imaanaya todobada gobal ee deegaanada Puntland. 3. In Nabadgalyada iyo sugida amaanka mudada laga gaarayo waqtiga doorashada ay masuul ka tahay dawladda Puntland, wixii kormeer ahna ay leeyihiin Isimada la magacaabay ee ka imaanaya gobalada kala duwan. 4. In wixii khilaaf ka yimaada xubin baarlamaanino oo ay wax ka qaban waayaan Gudiga xalinta iyo Ansixinta Khilaafaadka baarlamaanka ay go'aan ka gaarayaan Isimada Puntland ee laysku afgartay. 5. In Musharaxii la yimaada Burburinta dawlad gobaleedka Puntland ay dawladda iyo Musharaxiintu meel uga soo wada jeestaan. Madaxweynaha waqtigan ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi (Gen. Cadde Muuse) iyo Gudoomiyaha Musharaxiinta Puntland C/rixmaan Maxamed Faroole ayaa halkaasi ka hadlay, waxa ayna mahad celin balaaran ujeediyeen Marwo Caasho Geelle Diiriye. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan qodobadii maanta la gaaray, wuxuuna shaaca ka qaaday in ay laga bilaabo maanta ay heshiis rasmi ah ay gaareen Musharaxiinta iyo dawlad ahaan. C/rixmaan Maxamed Faroole oo isna ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in ay laga bilaabo maanta heshiis rasmi ah ay gaareen, laga bilaabo maantana ay heshiis rasmi ah gaareen. Heshiiskan maanta la gaaray ayaa noqonaya mid ay si wadajir ah usoo dhaweeyeen Musharaxiinta iyo dawladda Puntland, ayna ku sheegeen mid taariikhi ah. F. C. Geylan AllPuntland
-
Nairobi, Dec 20 - M/weyne Yusuf & wafti uu hogaaminayo oo gaaray Nairobi, kulama la yeelanaya madaxda dalka Kenya & Maraykanka. M/weyne Yusuf iyo waftigiisa ayaa waxaa ku qaabilay madaarka wasiiro ka tirsan xukuumada iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaaanka dalka Kenya. M/weyne Yusuf oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golayaasha dawlada Somaliya ayaa lagu wadaa in uu wadahadalo la yeelan doono dhigiisa Kenya oo uu martiqaad ka helay, iyo saraakiisha wasaarada arrimaha dibedda ee Marayakanka. Afhayeenka madaxtooyada oo ka hadlay safarka M/weyne Yusuf ayaa ku sheegay in uu la kulmi doono Jendayi Frazer, ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika. Waxaa uu beeniyey cunaqabatayn la sheegay in dawlada Kenya ay ku soo rogtay M/weyne Yusuf iyo caa'iladiisa, uuna sheegay in ay ahayd mid ku kooban uun shakhsi, balse aanay ahayn siyaasadda dawlada Kenya. M/weyne Yusuf ayaa la sheegay in dhawrka maalmood ee soo socota uu ku sugnaan doono Kenya. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
-
R/Wasare Gacmadheere oo ka hadlay Maalinta Police-soomaaliya & Arimokale Ayadoo maanta ay ku astaansatahay sanadguuradii 65naad oo ku began maalintii la aasaasay ciidamada Police-ka soomaaliyeed ayaa shi jaraaid uu ku qabtay magaalada Baydhabo Xarunta Gobolka Baay Raiisul wasarada dhowaantan madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed Soomagacaabay Max’ed Max’ud Guuleed Gacmadheere ayaa waxa uu ku faah faahiyay waxqabadkii Ciidamada Police-ka. Waxaanba uu qiray in ciidamada Police-ka ay yihin kuwo u heelan shacabka Soomaaliyeed hase ahaatee aysan helin kaalintii ay ka ga aadanaayeen DFKMG ah ee Soomaaliya una dulqaatay waqtiga adag ee Dalka ku jiro waxaana uu rajo kla muujiyay maadaama uu xilka Haatan Madaxweyne Yuusuf uu u magacaabay mudada uu hayo inuu isbedel la imandoono taa oo lagu hormarin doono ciidamada Police-ka . Magaalada Baydhabo oo ka mid ah Meelaha ay DFKMG ah ay Gacantaku hayso ayaan laga xusin maalintaasi taasi oo aan la ogeyn sababaha ka dambeysa ka sokow hadalada ay jeedinayaan madaxda sar sare ee Dowlada, Shirkiisa jaraaid Mr Gacmadheere waxa uu kaga hadlay waxyaabo faramadan oo ay ka mid aheyd dagaalada Magaalada Muqdisho ka soconaya eek u dandareysan Deegaanada Balcad Ceelasha Biyaha iyo Qeybo badan oo dalka Ka midaha Asagoo rajoka muujiyay in asaga fikirkiisa amagaar ahaan xukuumada uu soo magacabi doono ay kaalin xoogan ka qaadandoonto sidii dib loogu celin lahaa dadkaasi Guryahoodii ay ka soo carareen. Ugu dambeyntii Raiisul wasasaare Gacmadheere Waxa uusoo hadalqaaday qilaafaadka ka dhex aloosan baarlamanka DFKMG ah ee Soomaaliya asagoo sheegay in mudada ugu dhow uu baarlamanku hor keeni doono xukuumada laga filayo in 3maalin ee Fooda nagu haysa in uu soo magacaabo. Max’ed Xaaji Xasan Abuukar SBCInternational- Baydhabo
-
Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed 20. December 2008 Muqdisho(AllPuntland)-Waxaa maanta magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya laga xusay sanad guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ciidamada Booliska, waxaana xaflado lagu xusayo maalintaasi ay ka dhacday Baydhabo iyo Muqdisho. Ra'iisul Wasaaraha cusub ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ayaa hambalyo ku aadan munaasabada maalinta xuska Booliska Soomaaliyeed, isagoo ugu hambalyeeyay Saraakiisha, Saraakiil Xigeenada iyo qoysaska ciidamada Booliska sanad guurada 65-aad ee Booliska isagoo u rajeeyay in ay munaasabadan mideeda kale ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo. Md. Gacma Dheere wuxuu kaloo uu sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay yihiin lafdhabarka ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana la'aantood aysan Dowladda KMG waxba u suurageli karin, wuxuuna ku bogaadiyay howlgalada nabadda ay ku sugayaan ee magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo degmooyinka kale ee dalka Soomaaliya. Xaflad weyn oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta Iskuul Bolisiya ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu soo bandhigay gaarti ka ciyaar ay sameynayeen ciidamada Booliska iyo awoodooda, waxaana khudbado ka jeediyay saraakiisha sar-sare ee ciidamada Booliska iyo mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ah kuwo 18-kii sano ee la soo dhaafay jiray, isla markaana aan burburin oo Saldhigyada Booliska mudadii burburka ka shaqeynayey, waxaana lagu tiriyaa ciidamada Booliska in aysan ka qeyb qaadan dagaaladii jahliga ahaa ee dalka ka dhacay burburkii kadib. AllPuntland, Baydhabo
-
Nairobi: President Kebaki apologises to President of Somalia
General Duke posted a topic in Politics
Nayroobi: Madaxweynaha Kenya oo raaligalin ka bixiyay hadalkii Wasiirka arimaha dibada Kenya. 20. december 2008 Nayroobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dalka Kenya Mwia Kibeki oo ay saaxiibo dhow yihiin Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa raali galin buuxda ka bixiyey warkii ka soo yeeray Wasiirkiisa arimaha dibada, ee ku aadanaa in ay Kenya xanibaad dhaqaale iyo Cunaqabateyn Socdaal ku soo rogtay Masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in uusan wasiirkan aheyn nin la socda Siyaasada arimaha dibada ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay uu ahaa hadalkaasi sidoo kale mid lugu dagdagay oo aan laga fiirsan, isagoo sheegay in ay raali galin buuxda udirayaan Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxweynaha Soomaaliya. Kibeki ayaa hadalkan ka jeediyey kulan gaaban oo salaan ah oo uu ugu tagay Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed, wuxuuna shaaca ka qaaday Madaxweynaha Kenya in aysan dawladda Soomaaliya iyo dawladda Kenya kala go'ikarin ayna yihiin dalal jaar ah oo saaxiibo ah. Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa si rasmi ah wada hadalo qaadan doono waqti dheer uyeelan doona saacadaha nagu soo aadan, sida ay sheegayaan Wararka laga helayo Safaarada Soomaalida ee Magaalada Nayroobi. F. C. Geylan AllPuntland -
Madaxweyne Yuusuf oo iyo wafdigiisii oo si Nabad ah uga Degay Garoonka Nairobi Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa Gaaray magaalada Nairobi Xarunta Dalka Kenya kadib markii uu barqadii manta ka soo kicitimay magaalada Baydhabo Xarunta Baarlamanka Soomaaliya . Wafdiga madaxweynaha Oo iminka ku sugan hotelka ka mid ah hotelada magaalada Nairobi ayaa waxa ay kulamoi gooni gooni ah ka soconayaan ayadoo la filayo in madaxweynaha uu kulan la qato kaaliyaha arimaha dibada Wadanka Mareykanka Jindayi Freiser oo iyadu la filayo in ay soo gaarto magaalada Nairobi . Wafdiga madaxweynaha ayaa waxa sidookale la filaya in uu la kulmo Qaar ka mid ah Xubnaha ka socda uru goboleedka IGAD iyo sidookale midowga Africa, waxana Arimaha ugu Muhiimsan ee lagala Hadlidoono ay tahay Madaxweynaha DFKMG Qilaafka u dhaxeeya asada Iyo Rasiisul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Nuur Cade . In kastoo aan la ogeyn xaalada dhabta ah oo markaasi la filayo in ay kala hadlaan balse wararka intooda badan waxay tilmaamayaan in markaasi madaxweynaha iyo Raiisul wasaraha la isugu keeni doono meel markaasi ay fikirkoda la isdhihi karo waa ay ku wada shaqeyn karaan marka loo eego Qilaafka u dhaxeeya . Sidookale wafdigan uu hogaaminayo madaxweynaha Ayaan jirin wax caqabad ah oo ay kala kulmeen Dowlada Dalka Kenya ka dib Markii hadal dhowaan ka soo yeeray wasaarada Arimaha gudaha Dalka Kenya ay sheegtay in la xanimi doono dhaqdhaqaaqa madaxweyne yuusuf iyo weliba Qoyskiisa . Sikastaba ha ahaatee Waxa la filayaa in madaxweynaha uu shirjaraaid ku qabto hotelka ka uu ka degenyahay magaalada Nairobi kaasi oo uu uga hadli dono Sarafkiisa Nairobi iyo kulamada Beesha caalamka. Bashiir Salaad Nuur SBCInternational- Nairobi
-
Where are the clowns who have been opening their mouths these past few days? What happened to the isolation and the sanctions on the President of Somalia. Who can isolate a man who has the largest state as his base and the biggest army, most of the parliment, the judiciary, the police on his side. Yet another day and another obsticle in Yusuf has passed, and eggs on the faces of the easily excitable clan media and their silly toothless warlords
-
Baydhab: Madaxweynaha Soomaaliya oo udhoofay Magaalada Nayroobi. 20. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ka dhoofay Magaalada Baydhabo, wuxuuna ku sii jeedaa Magaalada Nayroobi sida ay ku waramayaan warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Baydhabo. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa casumaad ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya, wuxuuna ka hadli doonaa xiriirka labada wadan iyo war dhawaan ka soo baxay Wasiirka arimaha dibada ee dalka Kenya, kaasoo ku aadanaa in ay Kenya madaxweynaha Soomaaliya ku soo rogtay cunaqabateyn Socdaalka iyo xanibida dhaqaalaha ah. Madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayaa sidoo kale kula kulmi doona Magaalada Nayroobi masuuliyiinta Beesha Caalamka, oo uu kala hadlayo xaaladaha amaanka iyo Siyaasada dalka Soomaaliya, waxaana lasheegayaa in ay Nayroobi booqasho ku imaan doonaan Madax ka tirsan dawladda Mareykanka. Maamulka Bush ayaa dhawaan sheegay in aysan dhinac ka aheyn Siyaasada Soomaaliya, waxaana lafilayaa in ay Madaxweyne Yuusuf magaalada Nayroobi kula kulmaan Saraakiil ay ka mid yihiin Xoghayaha arimaha dibada Mareykanka ee arimaha Africa iyo Masuuliyiin ay hogaamineyso oo booqasho ku imaan doono Magaalada Nayroobi. Socdaalka uu Madaxweyne Yuusuf ku aaday Nayroobi ayaa daaqada ka saaraya jiritaanka warkii uu todobaadkii hore ku dhawaaqay Wasiirka arimaha dibada Kenya, ee uu ku sheegay in ay Cunaqabateyn Kenya ku soo rogtay Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed. F. C. Geylan AllPuntland
-
Fear of Islamist war grips central Somalia town 18 Dec 18, 2008 - 8:09:27 AM BELETWEIN, Somalia Dec 18 (Garowe Online) - Residents in a major town in central Somalia are increasingly worried about the outbreak out all-out war among Islamist groups in the region, Radio Garowe reported Thursday. Heavily-armed militias loyal to three separate groups have captured important buildings in Beletwein, the capital of Hiran region, a day after a senior commander was shot and killed. The Alliance for the Re-liberation of Liberation (ARS), an Islamist-led opposition group with two camps based in Eritrea and Djibouti, sent rival militia to capture the regional headquarters office and the district headquarters office, Radio Garowe's Beletwein correspondent reported. Al Shabaab, an Islamist group with no association to the ARS, is reported to have captured the central police station and a strategic bridge. A security commander for the Islamic Courts Union (ICU) and a driver associated with ARS-Djibouti were killed yesterday by unidentified gunmen. On Thursday, unknown fighters attacked the main office of Sheikh Abdirahman Ibrahim Ma'ow, the ICU's Hiran regional chief. Sheikh Ma'ow later told a press conference in Beletwein that he did not know who the attackers were, but rejected speculation that the attack was linked to the Djibouti Agreement. He admitted that he is "not satisfied" with the Djibouti Agreement, a controversial power-sharing deal between the Somali government and the ARS-Djibouti faction. Businesses remained closed Thursday, with locals anxious about the possibility of violence among Islamist rival groups. Local reports indicated that Sheikh Ma'ow, who returned today from Bulo Burte district, and a group of traditional elders are actively engaged in attempts to diffuse the volatile situation.
-
-
Suldaan Siciid Iyo Jeneral Ilko Jiir oo wefti hoggaaminaya ayaa u kicitamay Garoowe.+Sawiro. Badhan : Saaka subaxnimadii ayaa wefti ay hoggaaminayaan Suldaan Siciid iyo Jeneral C/laahi Axmed Jaamac ( Ilko jiir ) ay u kicitimeen dhanka magaalada Garoowe ee caasimadda PL. Weftida oo wata kolanyo baabuur ah ayaa ka koobnaa odayaal dhallinyaro iyo ciidammo, waxayna sii marayaan magaalada Boosaaso , oo iyadana si weyn loogu diyaar yahay. Halkaasna waxa kasii raaci doona xubno kale oo ganacsato iyo Cuqaal ah . Dadweyne fara badan ayaa hor tubnaa hotel-ka Badda Cas ee weftigu ka anbabaxayeen , kuwaas oo sagootinayey weftiga. Jeneraal Ilko Jiir oo ka mid ah musharraxiinta ugu horreeya ee u taagan doorashada jagada madaxnimada ee PL. wuxu si rasmi ah u bilaabay ololihiisa doorashada , waxana uu bulshada u sharraxayaa aragtidiisa isbedelka ee uu rabo inuu ku hoggaamin doono Puntland haddii la doorto. Daawo sawirada;
-
An earlier comment by the new PM.. "Waxaa soo dhisayaa dowlada tayo sare leh oo aan ka beyreeyn dhabaha Wanaagsan taasi oo aan kala tashanayo Xildhibaanada maanta Ii doortay Ra'isul wasaaraha"ayuu si degan u yirin Gacma Dheere Ra'isul Wasaaraha Cusub Sidoo kale waxaa uu sheegay Gacma Dheere in uu Hadal badan xiligan dhihi Karin maadama sida uu sheegay uu cusub yahay isla markana uu kulamada danbe hadalo uu ugu tala galay warbaahinta iyo xildhibaanada doortay u jeedin doono.
-
Jawaab: Umada Somaliyed waxaan farayaa Baydhabo waxaa ka socda saan saan siyaasaded, is-garaacis iyo is-dil xabad midna kama socdaan, saan saanta Baydhabo ka socotana adduunka oo dhan ayaa ka jira, waa khilaaf Dastuuri ah, meel walbana wuu ka jiraa ama dowlad ha la isku heysto ama sharci, ugu danbeyna waa laga heshiinayaa. A sesoned politician..
-
Ra'isal wasaare Gacmodheere oo wareysi siiyey RG 19 Dec 19, 2008 - 6:10:26 AM Ra'isal wasaaraha Gacmadheere Waxaa inoo suragashay in aan khadka isgaarsiinta ku Wareysano Ra'iisul Wasaaraha uu dhawaan Madaxweynaha DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed uu ku badalay Nuur Cadde, wareysigan oo ka hadlaya dhinacyo badan ayaa waxaa uu u dhacay sidan: Su'aal: Md. Ra'iisul Wasaare waxaad nooga warantaa xaalada guud ee Baydhabo ku sugan tahay? Jawaab: Waa mahadsan tahay, khilaafka aad maqleyseen baa ka dhex taagan, aakhirkiina waxaan rajeynayaa iney degi doonto, hada waxaa moodaa in Barlamaanku qeybsamay, misena hada wada hadal inuu socdo ayey u egtahay. Su'aal: Markii uu Madaxweynaha ku magacabay, hadalkii ugu horeeyay ee Saxafada siisay wuxuu ahaa in adigu aad dhex dhexaadin doonto Baarlamaanka, muxuu yahay khilaafka Baarlamaanka ee aad dhex dhexaadineyso? Jawaab: Khilaafka Baarlamaanka dhexyaala waxaa weeye khilaaf uu sababeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka booday Dastuurkii, Baarlamaanka meeshii uu ka hoggaamin lahaana, wuxuu isku raacana uu go'aamin lahaa ayaa waxaa dhacday in isaga wuxuu doonayey uu go'aamiyay isagoon aan Baarlamaanka la tashan, taasna waxay keentay in kooxi ay ku raacdo,kooxna ay diido oo tiraahdo Maya, laakiin iyaga wax shaqsiyan u dhexmaray ma jiraan, go'aankaasi aan sharciga ku saleyneyn ee ninkaasi odayga ah gaaray mooyee. Su'aal: Md.Ra'iisul Wasare waxa jira jaha wareer fara badan oo bulshada Somaliyed , gaar ahan kuwa reer Puntland ay ka qabaan arrimaha Baarlmaanka dhex yeela, saxaafad fara badan oo caalami ah ayaa dhex fadhiday, sidee u suuragashay arintan aad hada sheegeysaa in ay tahay mid sax ah maadaama codka Saxaafadda ay horay u gashay in 143 Xildhibaan ay u codeeyeen xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde? Jawaab: maba codeyn, anagana Baarlamaanka waan joognay,codna lama qaadin, Masawirada iyo talefishinada oo dhan ayeyna ka muuqataa, Baarlamaankana waa joogyey, dad badana wey joogeen, habayaraatee wax cod ah oo la qaadayna ma jiro,mida labaad cod in loo qaado maba ahan xukuumdda waqtigeeda dhamaaday in cod loo qaadana maba ku jirto meesha. Su'aal: R/Wasaare xiligii codka kalsoonida loo qaadayey xukuumadda ma aysan gaarin, islamarkaana xiligii Madaxweynaha xil ka qaadista ku sameynayey Madaxweynaha ma aysan gaarin xiligii kalsooni ay weydiisan laheyd Baarlamaanka, ka qaadistii uu Cabdullaahi Yuusuf uu u cuskaday sharci la isku khilaafsan yahay, taasi ayaa sababtay in Nuur Cadde Xukuumaddiisa geeyo Baarlamaanka loona codeeyo, taasi maxaa ka leedihiin? Jawaab: Dastuurku wuxuu qorayaa in xukuumadda Nuur Cadde 12 bilood kaliya shaqeyneyso, hadii 12-kaas biloodna ay hirgeliso qorshaheeda kalsooni ayaaa la siinayaa, hadii ay hirgelin wey iska tageysaa, sidaas bey aheyd, 23-kii Novembar 2007 ayeyna aheyd xiligii ay ku ekeyd jiritaanka xukuumadda. Su'aal: Adiga hadalkaagii ahaa Baarlamaanka ayaan dhex dhexaadinayaa waxaa ka soo soka-maray in Madaxweynaha adiga ku magacaabay ay Baarlamaanku sheegeen in ay kalsoonida kala noqonayaan Madaxweynaha, sidee ayey xaaladahaan isu qabanayan, hadii dhabta loo soo dhaadhaco sidey xaaladuhu yihiin? Jawaab: Madaxweynuhu kaloonida laga-lama laaban karo, sheekadaasna waxaa ka danbeeya ninkan odayga ah ee Baarlamaanka Guddoominayey , wax uu ka qaadi kara oo sharciga ogolyahay ma jirto, Madaxweynaha waa laga qaadi karaa xilka laakiin waxaa loo soo maraa wado sharci ah, waa in marka hore Maxkamad soo ogolaato oo la soo maro, waa in dadka ka dacwoonaya ay soo caddeeyaan dambiga iskana soo xaadiriyaan Maxkamadda, xeer ilaaliyahana uu tiriyaa, waxaana la rabaa in warqada ay qorto 13-qof, si kastaba ha noqotee waxay soo qoreen run ha noqoto ama been ha noqotee waxaa loo baahan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu Maxkamadda u yeero, oo yiraahdo Madaxweynaha waxaas ayaa loo heystaa, eeda iney run tahay iyo been in la soo hubiyo, Maxkamadana wax walba wey soo baareysaa, hadii ay cadaan waaya-nah, waxay leeyihiin Baarlamaanka lama horgeyn karo, hadii ay cadaadatana Baarlamaanka ayaa la horkeenayaa, markaas ayey dacwada bilaabaneysaa, Baarlamaamkuna wuxuu leeyahay Madaxweyne danbiga wuu kugu soo cadaaday ee is daafac ama halagu cafiyo, sida dunida ka dhici jirtay, marka wareeg dheer ayey arintaasi u baahan tahay, sidii waxay isaga hadlayaan niman aan waxba kala ogeyn. Su'aal: Beesha caalamka oo dhan waxay taageertay xukuumadda Nuur Cadde, adiga magacaabistaadana waxaa Madaxweynaha kaga yimid eedeymo iyo cunaqabateyn ay dowladda Kenya ku soo rogtay oo loo aqoonsaday nin nabada ka soo horjeeda, hadii aad sidaan u hadleysaan, caalamkuna uu sidaas yahay sidee xaalku yahay oo dadka Soomaaliyeed ee ku dhageysana wax u fahmi karan? Jawaab: Taageerada aad maqleyso, caalamka oo dhan ma ahan ee waa labo shaqsi oo hadashay, Dowladda Kenya Wasiirkeeda ayaa hadlay, markii uu warkaasi yirina Safaaraddeena ayaa ku qabsatay oo tiri sidee ayaad warkaasi ku tiri, Dowladda Kenya, weyna inkireen oo waxay yirahdeen anagu warkeena ma ahan, wasiirkii yirina guddi ayaa loo saaray oo dowladda ayaa heysata, in shaqada laga saaro iyo in cudur daar uu ka dhiibo ayaa looga fadhiyaa oo guddi baa daba socda, waxaana filayaa in Madaxweynaha raali gelin loo soo diri doono, dadka u hadlay Mareykankana waxaa ay ka hadleen sharciga, inagana waxaan u dirnay sharciga waan u fasirnay, mar dhowna wax baa ka soo bixi doona. Su'aal: Maxaad Kalsooni ah oo aad heysataa hadii lagu horgeeyo Baarlamaanka DFKMG ah? Jawaab: Shakiba kama qabo in aan waayayo codka kalsoonida. Su'aal: Baarlamaanku wuxuu ansixiyay heshiiskii Jabuuti sidee u aragtaa? Jawaab: Baarlamaanku wuxuu ansixiyay ma lahan, Guddoomiyaha iyo koox yar ayaa waxaas ka hadlay, Baarlamaana lama hor geyn. Su'aal: Labo Xukuumad dadka ma wada anfacayaan, labo ra'iisul Wasaare ma wada shaqeyn karan, waxayna u muuqataa in Madaxweyne kale iyo Guddoomiye Barlaman oo kale ay sameysmaan marka la fiiriyo sida aad wax u wadaan, maxaa xal ah ayaad is leedahay Gacma Dheerow? Jawaab: Mar dhow ayaa la gaarayaa xal sida aan is leeyahay, in hada aan arimahena dhameysano inta adduunka na soo gaarin aan xaqiiqada isku raacno, waa la heshiinayaa hal xukuumad ayaana soo hareysa, hadii aan heshiin weyno adduunka ayaa inoo imaanaya isagaa awalba na soo dhisay, Baarlamaanka ayey imaanayaan meesha uu raaco ayeyna xukuumadu ahaaneysaa. Su'aal: Baarlamaanka fadhigiisa dambe ma idiin qorsheysan tahay maadaama uu jiro jahawareer, in hortegidaada ay joogaan goob joogayal caalami ah. Jawaab: Waxaan rajeynayaa in ay joogi doonaan guddi farsamo oo Baarlamaanka ah hadii aan heshiis dhicina waa khasab in guddi caalami ah uu kala saari doono. Su'aal: Ugu danbeyntii maxaa fareysaa Shacabka Somaliyed oo aad uga shegeysaa xaqiiqda waxyaabaha ka socda Baydhabo ka shakhsi ahaan? Jawaab: Umada Somaliyed waxaan farayaa Baydhabo waxaa ka socda saan saan siyaasaded, is-garaacis iyo is-dil xabad midna kama socdaan, saan saanta Baydhabo ka socotana adduunka oo dhan ayaa ka jira, waa khilaaf Dastuuri ah, meel walbana wuu ka jiraa ama dowlad ha la isku heysto ama sharci, ugu danbeyna waa laga heshiinayaa.
-
For all the talk of the last few days, lets be frank people no one can isolate President Yusuf home or away and there will be no TFG without the old man
-
Baidoa: PM Gacma-Dheere seeks Arab world support for Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia oo kacodsatay dalaalka carabta inay kaalin kaqataan xalu helida Somalia Maxed Maxamuud Gacmadheere oo uu madaxweyne Yuusuf dhawaan u magcaabay ra’iisal wasaare ayaa u diray dalalka carabta baaq ku aadan in ay ka qeyb qaataan sidii ay Somalia gacaheeda isu taagi lahayd. Gacmadheere waxa uu ugu baaqay madaxda dalalka carabta gaar ahaan dalalka Sucuudiga iyo Masar in ay garab istaagaan walaalahood Somalia ee 18 sano dhibaatada kujira. Gacmadheere waxa uu sheegay in Somalia ay tahay dal carbeed oo aan marna ka maarmin dalalka carabta, istiraatiiji ahaan iyo dhalashoba loogana baahan yahay dalalka carabta in ay isgarab taagaan Somalia sida ay uga gudbi lahayd marxaladda ay kujirto. Gacmodheere oo ah nin si weyn looga yaqaan dalalka carabta kaas oo horey wax ugu soo bartay dalka ciraaq ayaa ka codsaday dalalka carabta in ay oofiyaan balan qaadkoodii ku aadanaa ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka Somalia iyo hay’adiisa. Gacmodheere waxa uu carabaabay in uu jecelyahay in uu dhowaan arko dalalka carabta oo safiiro u soo dira Somalia. Mar uu kahadlayey in xukuumaddiisa ay wax wadahal lagalaeyso hogaamiyaasha isbahaysiga mucaaradka waxa uu tilmaamay in uu sii wadi doono wadahadaladii horey u socday islamarkaana uu wadahadal la geli doono cidkasata oo diyaar u ah in ay ka qeyb qaadato Somalia ay dib ugu soo noqoto saaxada caalamak waa suu hadalka u dhigayee. Ustaad C/xakiim Maxed Cumar SBCInternational Cairo -
Baidoa: PM Gacma-Dheere seeks Arab world support for Somalia
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Unlike most Somali leaders the new PM is a man who grew up and studied in the Arab world, went to universities in Damascus & Baghdad and speaks the language better than anyone and knows the culture very well. He has deep contacts in the Arab world which should assist him a great deal. -
Baidoa: PM Gacma-Dheere seeks Arab world support for Somalia
General Duke posted a topic in Politics
Rai'sulwasaare Maxamed Maxamuud Gacma-dheere oo ka Codsadey Wadamada Carbeed Taageero. Ra'iisul Wasaaraha sharciga ah Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) ee uu magacaabay Madaxweyne Yuusuf ayaa ugu baaqay dalalka carbeed inay kaalin ka qaataan xal u helida mushaakilka ragaadiyey dalka Soomaaliya. Isagoo la hadlayay Wargeys Carbeed ayaa Ra'isulwasaare Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma Dheere uu sheegay in Dalalka Carbeed ay bilaabaan nidaam suurta gelinaya sidii ay usoo nooleyn lahaayeen saaxibtinimada Soomaaliya, isla markaana gacan ka geystaan sidii Soomaaliya cagaheeda isugu taagi laheyd. Ra'isulwasaare Gacma Dheere oo ah nin aqoonyahan aadna u yaqaan Afka Carabiga, isla markaana si weyn looga yaqaan Dalalka Carabta, oo uu horay ugu soo waxbaratay Dalka Ciraaq ayaa rajo ka muujiyay wada shaqeyn dhab ah oo dhex marta Xukuumadiisa iyo Dowladaha Carbeed. Ra'isulwasaare Maxamed Maxamuud Gacma Dheere waxa uu sheegay in Somalia ay tahay dal carbeed oo aan marna ka maarmin dalalka carabta, istiraatiiji ahaan iyo dhalashoba loogana baahan yahay dalalka carabta in ay is garab taagaan Somalia sida ay uga gudbi lahayd marxaladda ay ku jirto. Waxaa uu ka codsaday Dowladaha Sacuudiga iyo kuwa kale inay u istaagaan sidii ay ugu oofin lahaayeen balanqaadkoodii ahaa ka qeyb qaadashada Dib u dhiska Soomaaliya iyo Hey'adaha Dowladda KMG ah. -
Baydhabo: Tv-yada Soomaalida iyo Kuwa Caalamiga ah oo bilaabay Baahinta Cajal laga duubay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya 15-kii December. 19. december 2008 Baydhabo(AllPuntland)- Saxaafada Caalamka iyo tan gudaha Soomaaliya ayaa bilaabay baahinta Cajal muuqaal ah oo muujinaya waxyaabihii ka dhacay Xarunta baarlamaanka Soomaaliya 15-kii Bishan December, waxa ayna muujisay cajalkan in ay cod-deyn qaldan dhacday. Cajalkan ayaa muujinaya Xildhibaano wajiyadooda la garanayo markaasna taagay labo gacmood, loona tirayay in ay labo jeer codkoodii dhiibteen, muuqaalkaan wuxuu taageerayaa hadalo ay todobaadkan jeedinayeen Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ahaa in aysan dhicin wax codeyn la yiraahdo. Muuqaalkan ayaa muujinaya buuq iyo sawaxan si weyn uhareeyey maalintaasi xarunta baarlamaanka Soomaaliya, waxaana muuqaneysa in aysan dhicin codeyn la xisaabin karo. Xildhibaano uu ka mid yahay Salaad Cali Jeelle ayaa ka dhex muuqda Mudanayaal kor utaagaya labadiisa, gacmood loona xisaabiyey labo cod halkii gacanba, waxaana taasi dhaliilay Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Baahinta muuqaalkan ayaa soo baxay markii habeenkii xalay lugu soo bandhigay Aqalka Madaxtooyada Baydhabo, cajalkan oo ay dad badan xalay halkaasi ku daawadeen. Tv-ga Al-Jazeera iyo Tv-yo laga leeyahay Soomaaliya ayaa goor horeba hawada galiyey, waxaana looga fadhiyaa Aaden Madoobe sababaha keenay in uu ku dhaqaaqo talaabada noocaasi ah, F. C. Geylan AllPuntland