General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Magaalada Bandar Siyaada oo ay ka socoto dhireyn & Qurxin (Sawiro) Monday, February 2nd, 2009 at 10:58 am Magaalada Bandarsiyaada ee caankana ku ah magaca QAW ayaa ah meel aad ugu haboon dalxiiska iyo tamashlaha, inkasta oo QAW burbur lixaadleh uu gaarey xilayadii danbe isla markaasna ay isaga hayaameen dadkii ku noolaa, ayaa waxaa lagu sameeyay dib u habayn muddooyinkii danbe, waxaa halkaas laga hirgeliyey mashruuc ah sidii dib loogu habayn lahaa Bandarsiyaada (QAW), isla markaasna waxaa laga dhisey dhismayaal aad u faro badan, waxaa dib ugu laabtey dadkii deganaan jirey deegaanka. Waxaa maalmihii la soo dhaafey ka socotey Magaalada QAW dhireyn iyo qurxin ay wadeen dhalinyaro u heelan adeega bulshada kuwaas oo soo nooleysiiyey rajadii bulshada, waxaad arki dhalinyaro raxan raxan u socota kuwaas oo qaarna ay wadaan geedo halka qaarka kalena ay waraabinayaan dhirta bilicsan ee ishu ku doogsanayso ee deegaanka QAW. Magaalada Bandar siyaada ee caanka ku ah Magaca QAW ayaa Magaalada Bosaso u jirta 15KM waxa ay kaabiga ku haysa Xeebta Badda Cas waa meel aad u bilicsan Waxaana aad maqleysaa guuxa badda
  2. Welcome to the Duke’s future holiday home insha Allah. The ancient city of Bandar Siyaada or QAW is being rebuilt. Its locals have decided to build a brand new city and the work has already started. Its close to Bossaso, on the Red Sea and has a wonderful landscape. It would be a premier holiday destination for the Diaspora in the near future and I for one would like to build my first villa in the Bari region of Puntland in the wonderful Bander Siyada. Enjoy the pics.
  3. Horn does not know much about what he speaks about. The "truth" comes from Hiiraale in his world. Anyhow Jini-Boqor I am not bothered about.
  4. Masha Allah the future supporting the present. It warms the heart.
  5. ^^^LOOL. Maybe you should get the port of Abudwa aq up and running, since you lost Kismayu, you have been in a right envious moode.
  6. Emperor I think he needs to take his King Jin self some where else. But as a Puntlander he is welcome to have his vacation in the motherlan.
  7. This man Faroole does not have popular support, and Bossaso does not have people What a picture..
  8. ^^^Fish is good for you. beautiful pic of Hafuun.
  9. ^^^The problem is, if you do not have Kismayu, Marka, Baidoa what do you have in the south? Al Shabaab are rash but they have made their move.
  10. ^^^I agree he needs to go, maybe the cabinet need to go to the capital, but what if the MPS's get killed how would the perception change. A man who can not protect his MP's is going to change what? Thus moving the Parliment to a safer location while the cabinet moves to the capital to secure it.
  11. ^^^Maybe they can not secure 550MP's in Mogadishu at this time. Puntland would be better than Djibouti as it is part of the country you claim to govern. Baidoa, Marka & Kismayu are no go areas and Mogadishu is unstable for now. audio
  12. Marka, Feb 03 - Mudaaharaad looga soo horjeedo dawlada cusub ee M/weyne Sh. Shariif, laguna taageeray ururka Al-Shabaab oo ka dhacay Marka, Sh. Hoose. Dadweyne aad u fara badan oo ka soo horjeeda dawlada cusub ee uu madaxda ka yahay M/weyne Shariif ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Marka ee gobolka Sh. Hoose. Mudaaharaadka ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobolka ee Islaamiga ah, waxaana ka hadlay madaxda gobolka Sh. Hoose iyo kuwa magaalada Marka. M/weyne Shariif ayaa lagu eedeeyey in uu yahay calooshiisa u shaqayste u adeegaya cadowga Somaliya, ahna fure loo adeegsanayo sidii loo wiiqi lahaa awooda Islaamiyiinta. Magaalada Marka ayaa waxaa ka arimiya xoogaga Al-Shabaab oo gacanta ku haya badi gobollada Koonfureed ee Somaliya. Mudaharaad kan la mid ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, oo uu ka arrimiyo urur diineedka Al-Shabaab. Tani waxaa ay adkaynaysaa fursada uu M/weyne Shariif ku xallili karo mashaqada gaamuray ee Koonfurta Somaliya. Hoggaanka M/weyne Shariif ayaa taageero ka helay wadamada caalamka, Somalida qurbejoogta ah, balse aan weli kasban shucuubka gobollada Somaliya ee ay tahay in uu hogaamiyo. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  13. ^^^lool. The problem here is not someone speaking to this person, Yusuf is a retired elder and thus needs not to speak to anyone. As for the topic, who is against peace, who is an obsticle, Xasan dahir or Yusuf? As for the Sharif the man will face the truth early. Again good luck Mr President.
  14. ^^^That was funny considering Puntland is bigger than the triangle.. lol
  15. Qaar ka mid ah Kooxaha ka dagaalama dalka oo Dowlada cusub ee Uu Sheekh Shariif Hogaamiyo. Muqdisho,(WNT):-Qaar ka mid ah Kooxaha ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya ayaa Maanta si cad shaaca uga qaaday in ay ka soo horjeedaan dowlada cusub ee uu Hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Kooxahaan oo kala ah raaskambooni,Caanoole,Maxkamadaha islaamiga Garabka Dr.Cumar Iimaan ayaa maanta bayaan ay soo saareen ku sheegay in dowladaasi cusub ka soo horjeedaan isla markaana sii wadi doonaan dagaalka ay dalka ka wadaan. Bayaanka ayay ku sheegeen in dowladaan cusub waxba aysan ka duwaneyn sida ay hadalka u dhigeen dowladii uu Hogaaminayay C/llaahi Yuusuf Axmed. "dowladaan waxaan u aragnaa kursi shaqsi laga qaaday laguna wareejiyay shaqsi kale balse aan waxba iska badalin waxyaabihii aanu markii hore uga soo horjeednay"ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Kooxahaan. Sidoo kalena Bayaanka ayaa lagu sheegay in aysan marnaba joojin doonin dagaalka ay ka wadaan gudaha dalka ilaa iyo inta dalka looga hirgalinayo ku dhaqanka shareecada Islaamka. Hadalka ka soo baxay Kooxahaan ayaa imaanaya xili shalay shir jaraa'id oo ay Muqdisho ku qabteen Golaha Maxkamadaha islaamiga ayay ku sheegeen in ay taageersan yihiin dowlada shariifka isla markaana sheegay in ay la shaqeyn doonaan.
  16. Muqdisho: Mucaaradyada ka soo horjeeda Dawladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo bilaabay in ay is Uruursadaan. 3. februar 2009 Muqdisho(AllPuntland)- Ururada Mucaaradka ah ee diidan dawladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa bilaabay in ay wada hadalo hoose yeeshaan, si ay uga hor yimaadaan dawladdaasi. Wada hadaladan oo sabtidii ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa lugu waramayaa in lasoo xiri doono maalinta beri ah, sida ay ku waramayaan Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya. Ururada Midowbaya ee la dagaalamaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa kala ah Ururka Al- Shabaab, Ururka Dibu xoreynta Garabkii Cumar Iimaan, Kooxda Raskambooni iyo Caanoole, waxa ayna dhawaan Saxaafada usoo bandhigayaan magac ay ku midoobi doonaan. Xubin ka tirsan Kooxda Al- Shabaab ayaa usheegay AllPuntland in ay ka soo horjeedaan dawladda uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed oo ay ku sifeeyeen nin aan waxba balan ah laheyn, isla markaasna aan la aamini karin oo ka been sheegay diinta Islaamka, waa sida ay hadalka udhigeene. Al- Shabaab ayaa cudud muuqata ku leh imika gudaha dalka Soomaaliya, waxa ayna ka arimineysaa inta gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya, waxaana ka soo horjeesatkeeda dawladda Soomaaliya uu dhib weyn ku keenayaa in ay Xukuumada Sheekh Shariif Sheekh Axmed horumar sameyso. Kulamada kooxahan uga socda Magaalada Muqdisho ayaa lugu waramayaa in ay yihiin kuwa xasaasi ah, waxaana Saxaafada loo diiday in ay Warbixino ka ogaato, ayadoo hadana dhinacyada qaarkood ay Saxaafada si hoose ugu sheegeen in ay sameynayaan Urur la dagaalama dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Siyaasiinta ka faalooda arimaha dalka Soomaaliya ayaa ku sheegay Siyaasada Soomaaliya mid aan sannadyadan miro dhaleyn, waxa ayna sheegeen in Midowga cusub ee ay wadaan dhinacyada ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya ay keenayso in aysan Xukuumad Sheekh Shariif Sheekh Axmed aysanba ka caga dhigan Magaalada Muqdisho. F. C. Geylan AllPuntland
  17. Sanca: Madaxweynaha Yeman iyo Cabdullaahi Yuusuf oo kulan dhex maray (Sheekh Shariif oo ay taageero u muujiyeen) 2. Februar 2009 Sanca(AllPuntland)- Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Sanca ee dalka Yeman kulan kula yeeshay Cali Cabdalla Saalax oo ah Madaxweynaha dalka Yeman. Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayaa waxaa uu kala hadlay Cabdullaahi Yuusuf arrimaha dalka Soomaaliya iyo doorashadii dhawaan ka dhacday dalka Jibouti ee lagu doortay Sheekh Shariif Sheekh axmed, wuxuuna sheegay Cabdullaahi Yuuusuf Axmed in Madaxweynaha cusub uu u hambalyeynayo isla markaana ay horyaalaan howlo fara badan oo u baahan wax ka qabasho. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka codsaday beesha caalamka in ay taageero siiso xukuumadda cusub ee Soomaaliya si howlaheeda u guda gasho una dhameystirto dhismaha hey’addaha dowliga ah.wuxuu kaloo uu sheegay Cabdullaahi Yuusuf in dowladda cusub ay sugeyso in dalka ay ku soo dabaasho amni iyo kala danbeyn. Waxaa isna dhankiisa ka taageeray Madaxweynaha cusub ee Yeman Cali Cabdalla Saalax oo sheegay in Dowladdiisa ay soo dhoweyneyso isla markaana ay xoojineyso taageerada doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Waxaa uu u rajeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya inuu dalka ku soo celiyo nidaam iyo maamul wanaagsan oo shacabka ka horumariya dhinac walba. Md. Cabdullaahi Yuusuf ayaa horay u sheegay in Madaxweynaha cusub ee lagu doortay Jabiouti dowladda uu hoggaaminayo aysan wax macno ah soo kordhineyn. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland.
  18. Al Shabaab declare war on Somalia's new president 2 Feb 2, 2009 - 7:49:30 PM KISMAYO, Somalia Feb 2 (Garowe Online) - Islamist militants who spearheaded a bloody insurgency in Somalia have declared war on the Horn of Africa country's new president, even as a global council of Islamic scholars issued a document supporting him, Radio Garowe reports. Sheikh Hassan Yakub, spokesman for the Al Shabaab rulers in the port of Kismayo, 500km south of the capital Mogadishu, said the war will continue until Islamic law is restored across Somalia. Sheikh Hassan Yakub, Al Shabaab spokesman in Kismayo "Sheikh Sharif declared jihad in 2006 and now he chose America over Islam," Sheikh Yakub said. He accused Sheikh Sharif of choosing the Transitional Federal Government (TFG) constitution instead of the Qur'an, the source of Islamic teachings and jurisprudence. "Ethiopia invaded our country [somalia] with support from the international community, but we removed them [Ethiopian army] by force and war," he added. Sheikh Yakub said foreign governments are interfering in Somalia's political affairs, while suggesting that Sheikh Sharif's election victory was "organized by the enemies of Islam." Sheikh Sharif, new Somali president Al Shabaab fighters control the key towns of Kismayo, Marka and Baidoa in the southern regions. The Islamist faction broke off from the Islamic Courts Union (ICU), which was led by Sheikh Sharif in 2006.
  19. ^^^Adeer you dont know the big hearts of the people of Puntland we will welcome them if they come, we will help it if it helps Somalia. Who else has the land, the infrustructure, security and resources of Puntland today and support unity of the Somali's? As for the comment about Piracy, what a clanist remark to make, but the resistence was only against a certain clan huh?
  20. Madaxweynaha Puntland Oo Maantay Soo Gaaray Magaalada Bosaso. Wafdi Ballaaran Oo Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Maamul Goboledka Puntland C/raxmaan Max’uud Faroole Ayaa Maantay Soo Gaaray Magaalada Bosaso Ee Xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland Waxaana Uu madaxweynuhu Safaro Kala Duwan Ku Soo Kala Bixiyaya Inta U Dhaxaysa Bosaso Iyo Garoowe Isaga Mudo Laba Haben Ah KuSoo Hakaday Magaalada qardho Ee Xarunta Gobolka karkaar . Madaxweyne Faroole oo u Gacan Haatinaya Dadweynihii Soo dhaweeyay Ka dib Imaatinkiisa . Madaxweynaah ayaa waxaa Safarkiisan KuWeheliyaya Tiro Ka Mid Ah Golihiisa Wasiirada Oo Uu Ka mid Yahay Wasiirka Dowladaha Hoose Iyo Horumarinta Gobolada C/Laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ,Wasiirka Maaliyadda ,Iyo Wasiirka Amniga C/Laahi Siciid Samatar Iyo Wasiiro Kale . madaxweynaha iyo Wafdi uu hogaaminaya oo isgarab socotay. Madaxweynaah Ayaa markii Uu Soo gaaray Magaalada Bosaso Waxaa Uu u sii Gudbay Aqalka Madaxtooyada Maamulka Puntland Waxaana Uu halkaasi Kula hadlay Saxaafadad Isaga Oo Ka Waramay Safaradi Uu Ku Soo Degmooyinka U Dhexeeya Garoowe Iyo Bosaso, una mahad Celiyay Dadweynaha Soomaaliyeed ee Maanta Sida Weyn ugu soo dhaweeyay gudaha magaala ganacsiga Puntland.(Dhageyso) Madaxweyne C/raxmaan Faroole oo la hadlaya Saxaafada . Isku Soo Wada Duuboo Safarka Uu madaxweynuhu Maantay Ku yimid Magaaladatan Bosaso ayaa waxaa uu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo uu ku yimaado magaalada Bosaso tan iyo wixii ka danbeeyey ka gadaal markii loo doortay madaxweynaha puntland doorashadii ka dhacday magaalad garoowe oo ahayd doorasho si caddaalad ah u dhacday. ayadoo madaxweynuhu tagitaankiisa uu tagay aqalka madaxtooyada puntland ee magaalada bosaso ay noqonaysaa markii ugu horaysay oo u ufariisrto amaba gudaha u galo aqalka madaxtooada bosaso tan iyo marki lo doortay madaxweynaha puntland . Madaxweyne C/Raxmaan Maxamed Faroole iyo Wafdigii uu Hogaaminayay iyo kolanyadii Gelbinaysay oo ku soo fool leh Boosaaso sida sawirka ka muuqata Dadweyne, Masuuliyiin maamul, Iyo Odayaal u taagan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Madaxweyanaha PUntland. kolanyadii gelbinayay Madaxweyanaha Puntland oo u soo dhow kontrolka Boosaaso Dadweynihii Iyo Ardaydii Magaalada oo Safay Hareeraha Wadada Dheer ee laamida islamarakana soo dhaweynaya Madaxweyne Faroole Madaxweynaha iyo kolanyadii Gelbineysay oo dhex jibaaxaya Bartamaha Boosaaso. Madaxweynaha oo markii ugu horeysay Tan iyo Doorashadiisii lugta dhigay Boosaso. Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir.