General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Xisbiga UCID oo Qoraal uu ku dalbanayo in guddi loo saaro baadhista Musuqmaasuqa Hantida Qaranka iyo Heshiisyada Xukuumaddu gashay u gudbiyay Guddoomiyaha Wakiilada May 26th, 2009 Hargeisa (Somaliland.org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Golaha Wakiilada ka codsaday in guddi loo saaro baadhista Hantida Qaranka oo uu sheegay in Xukuumadda talada haysaa ay lunsatay, isla markaana uu jiro Musuq-maasuq baahsani. Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo qoraal u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ka dalbaday Golaha Wakiilada in la magacaabo guddi soo baadha habka loo maamulo Hantida Qaranka iyo Heshiisyada qarsoodiga ah ee Xukuumaddu gashay. Isla markaana natiijada baadhitaanka loo soo bandhigo Shacabka Somaliland. “Dekedda Berbera oo ahayd halbawlaha dhaqaalaha wax-soo-saarkeena hoos ayuu u dhacay, waxaana sababay iyada oo lagu wareejiyay Xoolihii Noolaa ee dekedda ka dhoofi jiray Dekedo kale..Maraakiib Kalluumaysi ayaa baddeena xaalufiyay, waxaananu qabnaa Maraakiibtaas lagu fasaxay Baddaheena inay xaalufiyeen Khayraadka Badaha JSL, dhaqaalihii lagaga kireeyayna aan la aqoon meel ay ku baxaan iyo meel ay Miisaaniyadda Qaranka kaga jiraan.” Weedhahaas ayaa ka mid ahaa Qoraalka guddoomiyaha Xisbiga UCID u gudbiyay Guddomiyaha Golaha Wakiilada. Waxaanu qoraalkiisaa ku yidhi oo kale, “Waa in la caddeeya qaabka uu yahay Heshiiska TOTAL, dunida maanta qiimaha Shidaalku hoos buu u dhacay, Shirkadda TOTAL-na weli halkii hore ayay taagan tahay oo waa qaali Shidaalkeedu. Markaa waa in la caddeeya waxa ku qoran heshiiskaas.” Eng. Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu qoraalkaas kaga hadlay Guryaha Dawladdu iibisay ee Hindiya-Laynka Hargeysa. “Guryihii Shaqaalaha Dawladda ee la iibiyay weli lagama hayo wax ku saabsan qaabka iyo sida ay u iibisay, iyadoo aan wax tartan (tender) ah gelinin. Lacagtii lagu iibiyayna meesha ay martay Xukuumaddu wax caddayn ah kamay bixin iyo halka ay Miisaaniyadda Qaranka ka gelayso.” Ayuu qoraalkaas ku yidhi Faysal Cali Waraabe. Waxaanu intaa ku daray oo uu gebogebadii ku yidhi qoraalkaas, “Xisbiga UCID wuxuu Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL ka codsanayaa in guddi Golaha Wakiilada ah u saaro, daba-gal iyo baadhis-na ku sameeyo qoddobada kor ku xusan ee sababay dhaqaale-xumida baahday ee dalkan cuskada iyo arrimaha ku-tagri-falka hantida Qaranka ee ma-guurtada ah iyo heshiisyada Qarsoodiga ah ee Xukuumaddu la gashay Shirkadaha Shidaalka.” Somaliland. Org
  2. Wasaarada Qorshaynta Puntland oo tababar aqooneed u furtay Agaasimayaasha wasaaradaha & hay'adaha dawliga ah. Garowe, May 27 | Tababar aqooneed oo socon doona 2 maalmood ayaa maanta u furmay Agaasimayaasha wasaaradaha iyo hay'adaha dawliga ah ee dawlada Puntland. Tababarka aqooneed oo looga gol-leeyahay tayaynta iyo sare u qaadida xirfadeed iyo aqooneed ee Agaasimayaasha ayaa ka duulaya ahmiyada ay leedahay in xirfada iyo farsamada aqooneed ee Agaasmayaashu ay tahay mid tayo leh, sidaa darteedna laga kaalmeeyo Agaasimayaasha wasaaradaha sidii ay u gudan lahaayeen xilalkooda, una hirgalin lahaayeen qorshaha dawladeed ee wasaarad kasta iyo hay'ada kasta. Wasiir ku xigeenka wasaarada Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland Mawro Saynab Ugaaso Yaasiin oo furitaankii tababarka la hadashay Agaasimayaasha ayaa xustay baahida wasaaradaha iyo hay'adaha dawliga ahi ay u qabaan in sare loo qaado tayada, kartida, xirfada iyo aqoonta Agaasimayaasha. Marwo Saybab Ugaas waxaa ay xustay in badi wasiirada dawladu aaany ahayn kuwa xirfad iyo aqoon dheer u leh wasaaradaha ay madaxda ka yihiin, sidaa darteedna ay lama huraan tahay in Agaasimayaashu ay kaabaan baahida muuqata, lana yimaadaan dadaal dheeraad ah. Marwo Saybab Ugaas waxaa ay kula dardaarantay Agaasimayaashu in ay ka faa'iidaystaan tababarka, ugana faa'iideeyaan ummadda aqoonta iyo xirfada ay fursada u heleen, muujiyaana karti iyo dadaal shakhsiyadeed ee sare u qaadida xirfadooda iyo aqoontooda la xiriirta shaqada ay ummada u hayaan. Tababarka ayaa waxaa iska kaashaday wasaarada Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, iyo hay'ada UNDP ee QM u qaabilsan qorshaynta & hirgalinta mashaariicda horumarineed. Diiwaanka Wararka, Idaacada Daljir.
  3. Ahmed Diiriye and other looters need to go, they created this havoc. Also Mogadishu traditional elders are not fleeing, its this political group created to destroy governance. How the worm has turned.
  4. ^^^States the man from the holly Muslim city of Sheffield.
  5. ^^^Insha Allah they shall prevail brother. Galkacyu and its people will be defended regardless of what you think or say.
  6. Qax ka bilowday Muqdisho 27 May 27, 2009 - 6:58:51 AM In ka badan 20,000 qof ayaa tan iyo shalay gurayhooda uga barokacaan cabsi ku aadan dagaalo ka dhex dilaaca Muqdisho iyo madaafiic lala beegsanayo Madaxtooyada oo ku dhaca xaafado ku dhow. Degmooyinka Wardhiigley iyo Dharkeynle ayay dadkan barokacaya ku noolaayeen, waxayna u kala jahaysteen dhinacyada waqooyiga iyo koonfurta ee Muqdisho, si ay uga nabadgalaan rasaasta iyo madaafiicda la isdhaafsanayo. "Muddo yar ka hor ayaan kasoo laabtay gurigeyga, waxaan ku fikirayay inaan si nabad ah ugu noolaado, balse duqeyn cusub iyo dagaalo ayaa igu qasbay mar kale inaan qaxo" ayay tiri Sahro Cumar oo sii qaxaysay. "Waxaan u cararayaa goob nabdoon oo aan ku noolaan karno aniga iyo caruurteyda" ayay hadalkeeda **** dhigtay Sahro, iyadoo sheegtay inay iyada iyo saygeedu u xamaali jireen caruurtooda. Ugu yaraan 11-qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan ciidanka dowlada ayaa ku dhintay madaafiic lala damacsanaa Madaxtooyada, taasoo ku dhacday guryo ku dhow Villa Somalia, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 20-qof oo kale. Dhanka kale, degmada Dharkeyley oo dhanka galbeed ee Muqdisho ku taala ayay dadku bilaabeen inay iyadana isaga barokacaan, markii ciidamo ka tirsan dowlada iyo mucaaradka lagu daadgureeyay. "Ciidamada dowlada ee la geeyay Dharkeyley waxay sugayaan amaanka, waxayna ka hortagayaan kooxaha mucaaradka ah oo halkaas kasoo gana madaafiic dadka lagu laayo" ayuu yiri afhayeenka Milateriga Somalia Col. Farxan Mahdi Carsanyo. Shacabka degmada Dharkeyley iyo kuwa Madiina ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada labada dhinac isku jiraan masaafo aad u gaaban, ayna dhici karto inay si fudud isugu dhacaan. Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in tiro ka badan 100,000-qof ay guryahooda ka carareen tan iyo markii ay bilowdeen dagaalada u dhexeeya dowlada iyo mucaaradka damacsan inay talada ka tuuraan, kuwaasoo socday tan iyo horaantii bishan. GAROWE ONLINE
  7. Sh. Shariif oo eedeeyay Eritrea 27 May 27, 2009 - 10:22:06 AM Madaxweyne Sh. Shariif ayaa mar kale ku eedeeyay Eritrea inay hubaynayso kooxha mucaaradka ah ee ka horjeeda xukuumadiisa, kuwaasoo qorsheynaya inay inqilaabaan. "Waxaan si dhab ah u ognahay in hubka ay haystaan mucaaradka uu si toos ah uga yimid dalka Eritrea" ayuu yiri Madaxweyne Sh. Shariif oo xafiiskiisa Muqdisho kula hadlay wariyeyaal shisheeye ah. "Eritrea faragelin weyn ayay ku haysaa Somalia... Waan ognahay in saraakiil Eritrean ah ay halkan [Muqdisho] yimaadeen lacagna siiyeen mucaaradka" ayuu hadalkiisa ****dhigay Madaxweynuhu. Sh. Shariif wuxuu ****olka ka qaaday in Eritrea ay doonayso inay Muqdisho ka sameysato saldhigyo ay ku tababarto kooxo dagaal hubeysan la gala Ethiopia iyadoo xooga saaraysa saldhigyadii ay ciidamadii Ethiopia baneeyeen. "Eritrea waxay doonaysaa inay ka dhigato Somalia goobo ay ciidamo jabhadeed ku tababarato... ayna ka duusho [uga Caga-jugleyso] dowlada Ethiopia" ayuu si cad u yiri Madaxweyne Sh. Shariif. Madaxweynaha Somalia Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa dhawaan shir jaraa'id ku sheegay in caalamka uu ka dalbanayo in xukuumadiisa laga taageero dagaal ay kula jirto ajnabi weerar ku ah xukuumadiisa sidii ay u ridi lahaayeen. In ka badan 10,000-askari oo Ethiopian ah ayaa isaga baxay Muqdisho bilowgii sanadkan, kadib markii ay ku sugnaayeen gudaha Somalia laba sano, waxayna xiligasa dagaalo adag kula jireen Islaamiyiinta Somalia ee maanta kala jaban. Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa dhawaan ka dhawaajiyay inay kaalmooyin ciidan iyo mid Milateri ka helaan Eritrea, iyadoo afhayeenka Asmara uu cadeeyay inay kaalmeeyaan mucaaradka, waxaana IGAD ay codsatay in cunoqabteyn la saaro. Madaxweynaha Somalia ayaa xiligii uu mucaaradka ahaa eedeymo noocaan ah u soo jeedin jirey dowlada Ethiopia oo xiligaas taageeri jirtey dowladii Cabdulahi Yusuf Madaxda ka ahaa. GAROWE ONLINE
  8. ^^^Adeer wipe out the fake tears the PIS is not going anyhwere and if people have issues with Melez Zanawi they know where he lives. You cant come and bomb Galkacyu and get away with it. You will be huned down, and dealt with.
  9. Kashafa while I disagree with you on many points, I trully dont dislike you.
  10. ^^^Abdullahi Yusuf is in the Muslim land of his ancestors and a guest of its leaders not a refugee, thats what they call those who hide out in Asmara holtels with Coptic Aferwarki when it gets tough.
  11. Indeed. Their lies, hypocracy and envy has led to this. Shame on you Sharf Ahmed, Xasan Dahir does not know what shame is.
  12. Kashafa adeer: We have different priorities, mine is to defend the peace of Puntland as a whole. I dont care what they call themselves, Clan militias, or fake religious groups or even inter clan fighting, the peace of the state is paramount.
  13. Clean them indeed, we dont need any issues as faced by our poor people in the south.
  14. Kashafa: adeer the PIS has not done enough, and more will be done already 24 suspects have been rounded up. The new admin ahs teeth and the people of Puntland have long ago dealt with the fake "Shiekhs" who are no more than crazed warlords. Adeer be tough enough to deal with it, more people will be arrested, prosecuted and those found guilty executed. No room for playing games my dear lad. You cant kill our elders, suicide bomb our cities.
  15. ^^^I think the lives and peace of Galkacyu, Mudug and Puntland is worth any mistake. Now stop the crocodile tears, these networks and their supporters will be targeted regardles. We are at war folks, to those who have issues, go elsewhere.
  16. Gaalkacyo oo ay ka socdaan Hawlgalo Amni sugid ah (Dhageyso) Tuesday, May 26th, 2009 at 8:13 pm Cali Ahmed Horseed Media Gaalkacyo, Puntland Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa dhaq dhaqaaq xoogleh oo amniga lagu sugayo, ayadoo ciidamada amniga ay si gaar ah u baarayaan gaadiidka. Taliyaha Saldhiga Gaalkacyo Col. Maxamuud Cabdulqaadir Xassan Cadde (Sumeysane) oo Horseed Media uga waramay ayaa sheegay in hawlgalada amaanka lagu sugayo looga gol leeyahay sidii loo xoojin lahaa amaanka magaalada, asagoo sheegay inay baaritaan ku wadaan gaadiidka aan taarikada lahayn iyo kuwa kale ee muraayadaha madow ee badanaa lagu fuliyey falalka amniga ka dhanka ah. Taliyaha ayaa sheegay in guulo ay ka gaareen hawlgaladooda oo ay si fiican u socdaan. Taliyaha Saldhiga ayaa sheegay inay jiraan kooxo isku xirin oo shabakad ah oo u yimid inay khal khal geliyaan amaanka magaalada Gaalkacyo. Taliye Maxamuud ayaa sheegay inay qabteen qaar kamid ah dadka ka yimid koonfurta Soomaaliya asagoo si gaar ah usoo hadal qaaday magaalooyinka Beledweyne iyo Kismaayo. Wuxuuna sheegay Taliyaha inay qaar baxsadeen. Taliyaha Booliiska ayaa sheegay in sii wadi doonaan kana feejignaan doonaan kooxaha doonaya inay khal khal ku abuuraan magaalada Gaalkacyo oo ah xadka uu maamulka Puntland la leeyahay koonfurta Soomaaliya ahna magaalada labaad ee ugu weyn gobolada Puntland. Source: Horseed Media
  17. ^^^Kashafa adeer stop making threats and come to Puntland, you will be dealt with. Those who sent suicide bombers to our cities and target elders have no leg to stand on.
  18. Tragic news indeed. Since 2004 Sharif Ahmed & Xasan Dahir have been displacing the people of Mogadishu with their never ending excuses and "liberations". When will the people be liberated from these two clan clowns?
  19. ^^^Nothing other than fear is to explain it. In the old days when he had a big beard, he used to mention and attack the warlords of Mogadishu. Now he seems to stutter. Must be the beard like Samson of old his power was in the facial hair.
  20. The Sharif is at war with Eritrea. But he cant even mention Xasan Dahir by name out of fear..
  21. Muqdisho: " Waxa ila dagaalamayaa waa Asmara mahan Xasan Daahir iyo Al- Shabaab" Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
  22. Muqdisho: " Waxa ila dagaalamayaa waa Asmara mahan Xasan Daahir iyo Al- Shabaab" Madaxweynaha dowladda Soomaaliya. 27. maj 2009 Muqdisho(AllPuntland )- Madaxweynaha dowladda Faderaalka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeyn balaaran wuxuu dusha uga tuuray Dowladda Eritrea oo ay waqti dheer saaxiibo ahaayeen Madaxdeeda markii uu ka soo horjeeday dowladdii Madaxweyne Yuusuf, wuxuuna sheegay in ay hada waqtigan Asmara taageerayso buu yiri Mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda dowladiisa. Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo ka hadlayay aqalka Madaxtooyada mar ay madaafiic ku soo dhacday gudaha aqalkaasi ayuu sheegay madaafiicdaasi laga keenay dalka dibadiisa, gaar ahaana magaalada Asmara oo uu sheegay in laga soo abaabulayo dagaalada lugu qaadayo dowladiisa. " Xukuumada Eritrea ayaa nala dagaalamaysa, waxaan heynaa cadaymo muujinaya Saraakiil ka socota magaalada Asmara oo yimid gudaha Soomaaliya, waxa ayna la kulmeen kooxaha ka soo horjeeda dowladdeyda ayagoo kala xaajooday xaaladaha ka taagan dalka iyo dagaal laygu soo qaado" Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Soomaaliya. Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyey sidoo kale mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda in ay ushaqeynayaan dowlado shisheeye, isagoo beeniyey in uu codsaday in ciidan shisheeye oo hor leh la keeno dalka Soomaaliya, balse wuxuu dhinaca kale sheegay in ay lama huraan tahay in dawladiisu ay dalbato kaalmo caalami ah oo leh nooc walba oo ay kula dagaalamayaan mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda. Shariifka ayaa sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowlado kale oo uusan sheegin in ay qeyb ka qaadanayaan amaan la'aanta dalka oo uu sheegay in ay dan ugu jirto, balse wuxuu ka gaabsaday in uu shaaciyo dalalkaasi, wuxuuna warkan usheegay Wariyaal ka socday wargeyso & Tv-yo oo uu maanta kula hadlay aqalka Madaxtooyada markii ay ka soo duuleen magaalada Nayroobi. F. C. Geylan AllPuntland