
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Hargaysa: Old Siilaanyo warns Somaliland on the brink of destruction
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^They have not had any major issues, dictator Riyaale and his thuggary have never been challanged till now. How mature they are will be seen in the coming time period. Last time there was issue of who would lead we had a terrible clan warfare. -
Nairobi: Faroole walks out on Sharif Hotel, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
ThankfulSP: The interest of Puntland is more paramount than what Faroole might have said or done in the past to Cade & Yusuf. Sharif Hotel does not control anything, and thus why should Puntlands progress be beholden to this man and his gang? I agree with Faroole, he was wrong in the past, but today Puntland needs to move on and know its place and power. -
Siilaanyo:- Maamulka Somali-land waxa uu halis ugu jiraa in uu bur-buro (Calanka.com ) 13-November-09 Madaxa Xizbiga mucaraadka Kulmiye ee Somaliland Axmed Maxamud Siilaanyo ayaa xaqiijiyay in maamulka Somaliland uu halis ugu jiro in uu bur buro haddii mar afaraad dib loo dhigo doorashooyinka lagu balansan yahay . Mr.Siilaanyo ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo dib u dhigada waqtiga lagu madlan yahay qabashada doorashada, iyadoo walaacaan ay la qabaan qaar ka mid ah beesha caalamka. Waxa uu carabka ku adkeeyay Siilanayo mar uu waramayay taleefishinka Aljazeera in beesha caalamka hortaal kaliya in Somaliland ula tacaamulaan sida maamul fashilmay haddii lagu guuleysan qabashada doorashooyinka xiliga lagu balansan yahay . Madaxa gudiga doorashada Somaliland Ciise Yusuf ayaa dhankiisa muujiyay walaaaca uu ka qabo in ay dhacaan qul qulatooyin iyo rabshado hadaan la qaban doorashada xiliga lagu balansan yahay . "Waxaan ku rajo weyn nahay in gudiga doorashada qabto waqtigeeda , inakstoo ay tahay mas`uuliyad weyn", ayuu sii raaciyay . Somaliland ayaa septembertii eynu soo dhaafnay waxaa ka dhacay rabshado dadi ku dhinteen, qaarna ku dhaawacmeen taasi oo ka dhalatay dib u dhigidda doorashada . Waxa xusid mudan in sharci ahaan xilka daahir Riyaale kaahin uu dhamaadaty bishii May ee sanadkii 2008-da, iyadoo waqtiga kororsaday . Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in madaxweynaha iminka Daahir Riyaale Kaahin uu wado dadaalo qasab ah oo uu ku doonayo in xilka loo kordhiyo muddo dheer, iyadoo taasina uu ku bixinayo iminka laaluush iyo musuqmaasuq. Maryama(Umu Shureem) seymuun@yahoo.com
-
Nairobi: Faroole walks out on Sharif Hotel, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer I think Mr Hotel is in the wrong, he is contradicting his own PM, what an ego for a man who controls less than 2KM of Somalia. -
Nairobi: Faroole walks out on Sharif Hotel, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Jacaylbaro: He meets Sharmaarke but can't meet Shariifka ,,,,,,, Hmmm ,,, I can smell the sheer of the clanism here ,,, You are not making sense adeer, they met and there was a clear confrontation, its not about meeting anyone its about what results came out. Also what on earth is a "the sheer of the clanism here" -
Nayrobi: “ Dawladda Dhexe waxa ay ka biyo diidsan Dibu heshiisiinta iyo Horumarka Puntland” Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya. 13. november 2009 Nayrobi(AllPuntland)- Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday waxyaabihii ay isku maan-dhaafeen Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna Madaxweynaha Puntland sheegay in ay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya dooneyso in aysan horumar gaarin gobalada Puntland. Madaxweynah oo hada shir jaraa’id ku haya Hotelka uu ka dagan yahay Magaalada Nayroobi, ayaa sheegay in aysan dawladda KMG ah usoo jeesan in ay wax ka qabato xaaladaha dalka Soomaaliya, wuxuuna xaqiijiyey in aysan sidoo kale diyar uaheyn in ay waxqabad ka samayso gudaha dalka. Mr, C/rixmaan wuxuu caalamka ugu baaqay in gargaarada iyo horumarinta Puntland aan lasoo marsiin waxa ugu yeeray kooxo ka soo horjeeda horumarka Puntland, wuxuuna sidoo kale cadeeyey in aysan marnaba Puntland ka mid ahaan doonin, dawlad uu ku sheegay mid ka shaqeynaysa horumar la’aanta dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey dawladda KMG ah in aysan dooneyn nabad ka dhacda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay ka biyo diideen madaxdeedu in iskaashi amaan lasameeya, si wadanka Soomaaliya looga dhaliyo nabadgalyo baahsan oo ay layskaga kaashado arrimahaasi, isla markaasna ay sidoo kale diidan tahay guud ahaan wada xaajoodyada nabadgalyada. Saacado ka hor Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ka baxay wada hadal uu xarunta Safaarada Soomaalida ee Nayrobi, kula lahaa Madaxweynaha dawladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed oo dawladdiisu hada ka taliso oo kaliya 2 KM oo ah Waqooyiga caasumada Soomaaliya. Wariyaha APL ee jooga Madasha shir jaraa’id ku hayo Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in uu Madaxweynaha dawladda Puntland xaqiijiyey in ay isku maan-dhaafeen arrimaha Iskaashiga amaanka, dibu heshiisiinta, deeqaha Waxbarashada & horumarinta kale barnaamijyada ku saleysan. Madaxweynaha Puntland ayaa usheegay APL in aysan marnaba dawladdiisu ka tanaasuli doonin qodobadii ay ku saxiixday magaalada Gaalkacyo, isagoo cadeeyey in ay lagama maarmaan tahay in lafuliyo heshiiskii lugu saxiixay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ay sidoo kale dawladdiisu aysan hada dhaafi doonin waxyaabo badan oo ay horay uga tanaasushay. F. C. Maxamed AllPuntland
-
Nairobi: Faroole walks out on Sharif Hotel, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Sheikh Shariif iyo Faroole oo iskhilaafay Puntland ayaa waxaa maanta khilaaf adag soo kala dhexgalay iyagoo kulan ku qaadanaayay magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya halkaas oo ay ku kulansanaayeen. Kulan maanta ka dhacay Xarunta Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi oo u dhaxeeyey labadaas masuul ayaa ku soo dhamaaday khilaaf iyo buuq ka dib marki ay isku afgaran waayeen qodobada ay ka wada hadlaayeen. Daqiiqado ka hor Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa u isaga baxay xarunta Saxaafada iyadoo wejigiisa ka muuqday caro aad u xoogan,waxaana Saxaafada oo ku sugnayd banaanka hore ee Safaarada uu sheegay in ay ku timaado hotelka uka deganyahay Magaalada Nairobi. Warar hordhac ay Saxaafada heshay ayaa muujinaayay in labadaas Madaxweyne ee isku khilaafeen in qodobo hordhac lagu daro heshiis dhowaan ay DFKM ah ee Soomaaliya iyo Dowlada Puntland ay ku gaareen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug,halkaas oo 3-bilood ka hor ay ku kulmeen Madaxweynaha Faroole iyo weliba Ra’isulwasaaraha DFKM ah Cumar C/rashid Cali Sharma’arke. Ma cadaa sababta keentay in labadaas masuul ay iskhilaafaan,iyadoo kulanka maanta u ahaa midi ugu horeeyey ay wada qaatan tan iyo marki ay la wareegeen xilalka ay iminka hayaan. Mana jirto ila iyo iminka dadaalo ku aadan sidii mar kale la isku keeni lahaa labadaas Madaxweyne,waxaana aan la ogeyn halka u khilaafkooda ku dambeyn doono.Madaxweynaha DFKM ah ee Soomaaliya ayaa isagu iminka weli ku sugan Xarunta Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Nairobi. -
Nairobi: Faroole walks out on Sharif Hotel, why?
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Their very first meeting and this is the result, Dr Faroole stormed out and will hold a press conference later in the day. So much for the gullible folk who reside in cloud cuckoo-land, and who kept parroting the line that Puntland was comfortable with this weakling named Mr Motel, I mean Hotel. -
Kulan u dhexeeyey DFKMG & Puntland oo bur-burey 13 Nov 13, 2009 - 3:58:38 AM Kulan u dhexeeyey wufuud ay kala hogaaminayeen Madaxweynaha Puntland & Madaxweynaha dowladda Federaalka Sheekh Shariif ayaa bur-burey kadib markii qo**** horey looga sii ambaqaadi lahaa heshiiskii magaalada Galkacayo. Kulankan ayaa yimid kadib markii xaley labada Madaxweyne iyo wufuudooda wadaxajood hordhac ah ku yeesheen Hotel Penari oo ku yaala bartamaha magaalada Nairobi. Waftiga labada dhinac ayaa saaka isugu yimid xarunta safaarada Somalia ku leedahay wadanka Kenya halkaasoo isugu yimaadeen labada dhinac. Qodobo muhiim ah ayaa la isku khilaafey kuwaasoo Garowe online soo gudbin doono saacadaha soo socda. GAROWE ONLINE
-
Nairobi: President Faroole meets with Mr Payne other US officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Somaliland exists its only NW Somalia to us. However your anger at this thread highlights the need to continue giving you strong dose of the truth. -
Nairobi: President Faroole meets with Mr Payne other US officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Not hatefull at all lad, the secessionist enclave is falling behind, and highlighting this simple fact should not annoy you so. -
Nayrobi: “ Ciidan badan ayaan udirnay gobalada Puntland oo dhan oo qeyb ka qaata sidii wax looga qaban lahaa Burburiyaasha Puntland” Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya. 12. november 2009 APL Tool Nayrobi(AllPuntland) – Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa shaaca ka qaaday in uu maamulkiisu qaadi doono talaabooyin buuxa oo ku aadan dhanka amaanka, wuxuuna shaaciyey in ay hayaan cadaymo muujinaya cidii ka dambeysa falal badan oo amaan daro, kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyey ka dhacayay deegaanada Puntland. Madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in ay si ay uga hortagaan falalkan ay hada bilaabeen in ay ugaarsi ku sameeyaan dadka dhibaatada wada oo uu sheegay in uu hada qaarkood ku socdo dabagal xoog leh, isagoo uga digay Shacabka Puntland in ay gacan siiyaan dadka ka dambeeya arrimahaasi. Madaxweynaha Puntland wuxuu xaqiijiyey in ay jiraan dad badan oo cadow ku ah Puntland, wuxuuna tilmaamay in ay hada ciidamadooda Sirdoonka iyo kuwa amaanku wadaan howlgalo xoog leh oo ku aadan sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxahaas oo uu ku sifeeyey kuwa ka soo horjeeda horumarka Puntland. “ Falalka ka dhacaya Puntland, masuuliyadiisa waxaa qaadi doona cid kasta oo ka shaqeysa amaan la’aanta Puntland, waxa ay ka soo horjeedaan amaanka & horumarka Puntland, waxa ay doonayaan in ay ka dhigaan sida ay dagaaladu uga socdaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, taasi cidna kama yeeli doono, waxaanu qaadaynaa talaabooyin culus, Shacabka iyo ciidamadana waxaan ugu baaqayaa Iskaashi adag oo muuqda” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo booqasho ku jooga dalka Kenya. Mr, C/rixmaan wuxuu cadeeyey in uu ujoogo dalka Kenya barnaamijyo ku aadan horumarinta caalamiga ah ee Puntland, isagoo sheegay in ay socdaan mashaariic badan oo ay dalalka Caalamku taageero wanaagsan kusiinayaan Puntland, isagoo sheegay in ay jiraan dad badan oo dhinac walba cadow uga ah Puntland, wuxuuna carabka ku adkeeyey jiritaanka dad ka soo horjeeda mashaariicda horumarineed eeladoonayo in laga hirgaliyo Puntland. Madaxweynaha Puntland wuxuu kula dardaarmay ciidamada Puntland iyo Saraakiisha amaanka in ay qaadaan talaabo kasta oo wax looga qaban karo kooxaha doonaya in ay nabadgalyo daro ka fuliyaan gudaha Puntland, isagoo sheegay in ay hada ciidan badan oo si gaar ah utababaran uqeybiyeen guud ahaan gobalada Puntland, isagoo sheegay in ay ciidamadaasi ubaahan yihiin taageerada Shacabka dadka rayidka ah, wuxuuna ugu yeeray Shacabka Puntland in ay raacaan amarada uga imaanaya Madaxda Puntland ee joogta gobalada iyo degmooyinka Puntland. Hadalka Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa ku soo beegmaya xili manta gudaha gobalada Puntland, ee Mudug, Bari & Nugaal ay ka dhaceen kulamo looga hadlayay amaanka, oo isla socday ama isku wax looga hadlayay, waxaana laysku raacay in ciidamada jooga magaalooyinkaas lagaliyo gudaha magaalada, kuwaas oo talaabooyin ka qaadi doono cid kasta oo lugu tuhmayo amaan la’aantii ugu dambeysay ee ka dhacay gobaladaasi. F. C. Maxamed AllPuntland
-
Nairobi: President Faroole meets with Mr Payne other US officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Killings happen everywhere adeer, but life goes on, now with regards to this topic where was Shankaroon in these meetings? Or are they isolated as the congressman stated? -
Hawlgallo amni adkayn ah oo ka socda Bossaso iyo Garowe & dilka Garyaqaan Awaare oo dad loo qabtay. Bosaso, Nov 12 - Hawlgallo ammaanka lagu adkaynayo ayaa xalay si rasmi ah uga bilowday magaalooyinka waa weyn ee Puntland gaar ahaanna magaaloyinka Boosaaso iyo Garoowe. Hawlgalladaan ayaa ka danbeeyey kadib markii habeenimadii xalay ahayd labadaasi magaalaba lagu dilay labo mas’uul oo ka tirsan dawladda Puntland, kuwaasi oo kala ahaa guddoomiyihii maxkamadda sare ee gobolka Bari Max’ed Cabdi Aware, iyo xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Puntland oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Cilmi Gaab kaasi oo lagu dilay maqaaxi shaaha laga cabbo oo ku taalla magaalada Garoowe. Ciidanka ammaanku intii ay illaa xalay hawlgalladaan ku guda jireen, waxay qabteen dhawr qof oo lagu tuhunsan yahay ku lug lahaansha falal danbiyeedyadii xalay dhacay ee lala beegsaday mas’uuliyiinta dawladda. Saddex qof oo deegaan ahaan ka soo jeeda gobolka Bari ayaa ciidanku u qabteen dhacdadii dilka ahayd ee loo gaystay guddoomiyihii maxkamadda ee sare ee gobolka Bari alle ha u naxariistee garyaqaan Max’ed Cabdi Awaare. Saraakiisha ammaaanka ee gobolka Bari oo ay idaacadda Daljir wax ka weydiisay ragga la qabqabtay iyo waxa loo haysto, ayaa ka gaabsaday in ay bixinyaan faahfaahin dheeraad hase yeeshee waxaa ay sheegay in ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo danbiyada lagu tuhunsan yahay raggaasi. Dhanka kalana ciidanka ammaanka ee magaalada Garoowe ee xarunta dawladda Puntland, ayaa hawlgal ammaan oo ay sameeyeen iyana ku xir-xiray dhawr qof oo looga shakiyey in ay wax ka ogaayeen dilka xildhibaan Ibraahim Cilmi Gaab oo xalay fiidkii lagu dilay gudaha magaalada Garoowe. Saraakiisha ciidanka bileyska ee magaalada Garoowe oo ay saaxaafaddu weydiisay dadka la xir-xiray ayaa sheegay in uu jiray tuhun ku saabsan in ay faraha kula jireen falal ammaan darro hase ahaatee saraakiisha bileyska waxay xaqiijiyeen in dadkaasi baaritaan kadib la sii dayn doono. Mas’uuliyiintii dawladda Puntland ee xalay lagu dilay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe, ayaa saakay aas qaran oo aad u ballaaran loo sameeyey waxaana aasitaankooda oo ka dhacay labadaas magaalo ka soo qaybgay madax ka tirsan dawladda Puntland oo isku jira golayaasha kala duwan ee dawladda iyo shacab aad u tiro badan. Dhawrkii todobaad ee ugu danbeeyey deegaannada Puntland waxaa ku soo kordhay falal ammaan xumo oo si is daba joog ah uga dhacayey magaalooyinka waa weyn ee Puntland, waxaana mas’uuliyiinta dawladda ee xagga amnigu ay ballan ku qaadeen in ay ku dhaqaaqi doonaan qorshayaal ammaanka Puntland lagu xaqiijinayo. C/fitaax Cumar Geeddi, Idaacadda Daljir.
-
Breaking News: Puntland State under attack.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Xogaha ay helayso AllPuntland AllPuntland ayaa heshay in ay Madaxda sare ee Puntland ay utoog –hayaan falal badan oo amaan daro in ay ka dhici karaan deegaanada Puntland, markii ay qeym weyn ku sameeyeen talaabooyinkii ay qaadeen qaar ka mid ah kooxaha diidan Siyaasada dawladda Puntland iyo hanjabaado todobaadyadii ugu dambeeyey loo jeedinayay dawladda Puntland. Sirdoonka Puntland oo aad loo howlgaliyay mudooyinkii ugu dambeeyey ayaa xaqiijiyey jiritaanka dad badan oo dhib kuhaya amaanka gobalka, isla markaasna hada jooga gobalka, halka qaarna lasheegay in ay maleegayaan weeraro waa weyn oo ka culus, kuwii xalay ka dhacay Sadexda magaalo ee ugu waa weyn Puntland, waxa ayna qireen in laga maarmaan ay tahay in ciidamada Puntland ee ku xaraysa Xeryaha ciidamada lugu daad-gureeyo gudaha magaalooyinka, taasoo lugu bilaabay caasumada ganacsiga Puntland. Damaca ah in gawaari miineysan lugu qarxiyo ama laga fuliyo Puntland ayaa kordhay sadexdii maalmood ee ugu dambeysay, waxaana la xaqiijiyey in ay jiri karaan Baabuur miinaysan lala beegsado xarumaha Puntland ee Caasumada Puntland kuyaala, taasoo ay aad ugu toog-hayaan ciidamada amaanka iyo Laamaha sirta oo sheegay in ay hada hayaan kooxo ay sheegeen in ay la soconayaan dhaqdhaqaaqyadooda ay ka wadaan Puntland. AllPuntland, News Desk -
Breaking News: Puntland State under attack.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Fariimihii Madaxda Puntland ay jeediyeen marar badan ma rumoobeen?.. Marka laga tago dhacdooyinkii xalay ka dhacay Puntland, hadana mudooyinkii ugu dambeeyey Madaxda ugu sareysa Puntland ayaa sheegaya in ay og yihiin qaraxyo iyo dhib badan oo ladoonayo in dhib loogu geysto gobalada Puntland, waxaana Madaxweynaha Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed, Wasiirka Amniga ee Puntland Jeneraal C/laahi Siciid Samatar iyo Madax kale oo ka hadlaysay mudooyinkii ugu dambeeyey amaanka ayaa qirayay jiritaanka warar badan oo xaqiijinaya in ay jiraan dad badan oo ka soo horjeeda amaanka Puntland. Madaxweyne Faroole oo ka hadlayay furitaankii kalfadhigii baarlamaanka Puntland 31-Octobar-009, ayaa usheegay Baarlamaanka in ay jiraan warar badan oo ay helayaan ciidamada sirta, kuwaas oo ku aadan in ay jiraan dad badan oo doonaya in ay fuliyaan falal lid ku ah amaanka Puntland, wuxuuna ugu baaqay Mudanayaasha baarlamaanka in ay la socdaan arrimahaasi. “ Bosaso waa xudunta ganacsiga, cidna ka yeeli mayno in la dumiyo, dad badan oo duminaya aya ku sugan, waxa ay dadkaasi tababaro ku soo qaataan Asmara iyo meelo kale, waxa ay ujeedadoodu tahay in ay la dagaalamaan horumarka Puntland, waxa ay ku jiraan dagaal adag, dadka Barakacayasha ah waxaan usheegaynaa in aan lugu soo dhex-dhuuman, dad badan oo dhib wada ayaa ku dhex qarsoon, waxa ay dadkaasi doonayaan in ay fuliyaan falal badan oo aan ognahay, qaar ka mid ah abaabulayaashii gacanta ayaa lugu hayaa, qarna Sirdoonka ayaa ku daba jira” Hadalkani wuxuu ka mid ahaa hadal uu jeediyey Madaxweynaha Puntland, mar uu ka hadlayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso, oo ay dad badan oo ku dhaqan Puntland ku baraarugeen hadalka Madaxweyne Faroole, una arkayeen mid aan muhiimad badan laheyn, hadana manta dad badan ayaa xasuustay fariintii maalintaasi ka soo baxday hogaanka sarre ee Puntland in ay ahayd mid toos ah oo ay ogaayeen cid wada abaabulo kala gedisan. -
Breaking News: Puntland State under attack.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Duqa dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Xasan oo la hadlay APL ayaa shaaca ka qaaday in ay ahayaan mid ka mid ah dadkii ka dambeeyey tuurida qaraxaasi, wuxuuna sheegay in ay hada gacanta ku hayaan oo ay baarayaan laamaha amaanku, oo uu sheegay in ay heegan culus ku jiraan. C/rixmaan wuxuu cadeeyey in uu jiro dagaal adag oo lugu soo qaaday dadka Puntland, isagoo sheegay in xiriiro ahaayeen falalkii ka dhacay magaalooyinka Bosaso, Garowe iyo Galkacyo, isagoo ugu baaqay dadka Puntland in ay udiyaar garoobaan waxa ugu yeray dagaal adag oo lagala hortagayo dadka uu sheegay in ay ka soo horjeedaan amaanka iyo daganaanshaha Puntland. -
^^^This is just initial news, we need to wait and see what steps the security forces take in the coming days all should be clear.
-
Nairobi: President Faroole meets with Mr Payne other US officials
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
Somalia: Puntland president held meetings with US officials in Nairobi 11 Nov 11, 2009 - 1:22:53 PM The president of Somalia's Puntland State government has held meetings with US foreign Affairs officials led by US Ambassador to Kenya Michael Ranneberger. The meeting, which was held in US Ambassador’s residence in Nairobi on Monday, was focused on cooperation between Puntland and US in social welfare, fight against piracy and insecurity in Puntland state. Several US foreign affairs officials are in Nairobi to assess the security situation in the Horn of African nation and American assistance to the fragile UN-backed Somali government. Puntland President Abdirahman Mohammed Farole and his delegation have also held talks with US Congressman Donald M. Payne who is the Chairman of the House Sub-Committee on Africa and Global Health under the aegis of the House Committee on Foreign Affairs. Situation in Somalia particularly Puntland was the focal point of the meeting, which was held in Nairobi’s Intercontinental. Payne praised Puntalnd state for its efforts to fight the piracy menace in the region and passing the budget, which he termed as important step for realisation of development in the region. The meeting between Payne and Puntalnd president is a follow up to the Farole’s recent visit to US, which allowed the international community to directly cooperate with Puntland. President Farole is scheduled to meet with Somali government officials, Diaspora Puntland and Somali Diaspora. GAROWE ONLINE -
Somalia: Three suspects nabbed over the death of Bossasso judge 11 Nov 11, 2009 - 11:37:50 PM Security forces in Bossasso, the commercial capital of Puntland state have arrested three suspects in connection with the murder of Sheikh Mohamed Abdi Aware, the chief judge of Bossasso 1st magistrate court. The three men were nabbed in operations mounted by the forces shortly after the murder of the judge on Wednesday night. Sheikh Aware was brutally murdered by armed hooded men shortly after leaving a mosque in the town. His death comes days after he sentenced to jail terms, four people affiliated with Somali hard line insurgent group Al-Shabaab. Police are questioning the suspects who are currently held in Bossasso. However, sources within the police say one of them is suspected to be the real slayer. Authorities in Puntland are suspecting the insecurity in some of its territories is caused by the infiltration of some militant ruminants that are fighting the fragile UN-backed Somali government in central and southern Somalia. GAROWE ONLINE
-
Sadex Nin oo loo qabtey dilkii Gudomiyaha Maxkamada 12 Nov 12, 2009 - 12:39:03 AM Ciidamada amaanka Puntland oo gacanta ku dhigey sadex Nin kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney gaysteen dilkii shaley makhribkii loo gaystey Gudoomiyahii Maxakamada darajada Kowaad ee Bosaso Marxum Maxamad Cabdi Awaare. Sadexdaan oo lagu qabtey iyaga oo magaalada Bosaso kaga sii baxaya gaari ayaa waxaa gacanta ku dhigey ciidamada amnina Puntland. Ciidamada amniga ayaa marka dilkaan dhacey ku guuleystey iney gabi ahaanba xiraan wadooyinka waaweyn ee ka baxa ama soo gala magaalada Bosaso iyaga oo dhinaca kale gabi ahaanba joojiyey gadiidka. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska Puntland gaar ahaan qaybta Bosaso ayaa sheegey iney aad uga faraxsanyihiin qabashada nimankaan kuwaasoo uu ku sheegey iney gaysteen dilkaan. Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa sidoo kale waxaa ka socda howlgalo culus kuwaasoo lagu baarayo guryaha, xeryaha qaxootiga oo ay daga yihiin dad badan oo kasoo qaxey Koonfurta Somalia. Magaalooyinka Garowe iyo Bosaso ayaa saakey waxaa ka dhacey aaska labadii Marxuum oo maalintii shaley dad hubeysan dileen. Shirar albaabadu u xiran yihiin ayaa waxaa maanta ilaa xaley u socdeen madaxda hay'adaha amniga ee Puntland kuwaasoo go'aansadey in howlgalo lagu baadi goobayo dakaan gaysanaya fal dambiyeedyadaan aan horey looga aqoon degaanadaas. Garowe Online ayaa tacsi u direysa dhamaan qoysaskii iyo ehaldii ay ka geeryoodeen mas'uuliyiintaan.
-
Breaking News: Puntland State under attack.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^Adeer, with all due respect Puntland will deal with this as it always has overcome such madness in the past. Faroole has a good team around him and the PIS are skilled operatives who should be unleashed, no more restraint. Yusuf age is the past, this is today and we have to deal with it as we may. -
Breaking News: Puntland State under attack.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^In every situation there is an opportunity, the state must respond and Faroole like I have said earlier will be judged by what he does hence forth. -
Breaking News: Puntland State under attack.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^It could be, but its the states responsibility to defend its workers, a judge and an MP can not be killed without consequence, as for those who made these moves, who ever they are the states organs must react and take action. Faroole is being watched his honeymoon is over. -
Breaking News: Puntland State under attack.
General Duke replied to General Duke's topic in Politics
^^^No an attack is underway, it does not have to be from the outside.