General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^Many people advised Aydeed and if he had listened, things might have been different. I liked his speech in terms of the anti corruption stance...
  2. ^^^The Speaker is doing a phenomenal job.
  3. ^^^^Like he stated he was a long term Civil Servant, has a good educational background and is a thinker. He has extensive knowledge about Somalia's past government as he served from the mid 60's to the early 1980's. A tough no nonsense individual. I have met him many times in London as a child and adult and always found him to be a good man, well versed in looking at the Somali dilema, and has respect from his community...
  4. Jacpher;865573 wrote: Who is the guys speaking now? Omar Salaad Cilmii, a vetran civil servant who worked for many government and once adviced Aydeed..
  5. Cumar Salaad Cilmi, is not a good speaker but is making some sense and asking brave questions... "Where did this money these candidates have come from?" As he attacked the Siyad Barre regime for corruption and clan nepotisam the camera switched to Farmaajo. That was quite unfortunate..
  6. 9- Salaad Cali Jeele, ayaa hada la wareegay khudbadiisa iyo soo bandhigida Barnaamijkiisa Siyaasadeed: Salaad Cali Jeele oo ka qoslisiiyey Xildhibaanada ayaa sheegay in uu xilkan isu soo taagay kadib markii uu arkay MADAXDII Dowlada oo iska daawaneysa musuq maasuqa iyo maamul xumada, ayagoo doonaya in marwalba la iska doorto. Musharax Salaad Cali Jeele ayaa isku tilmaamay inuu yahay isbedal doon ah. Wuxuuna yiri Hogaamiyaasha hada jooga waxay Doonayaan in Shacabka iyo Dalka ” Ay dhaafsiiyaan Aduunka oo ay Aakhiro u diraan ” balse uu asagu doonayo inuu u gargaaro shacabka asagoo soo qaatay AYADO QURAANKA kariimka ah. Wuxuuna xusay inaan loo dulqaadan karin hogaamiyaasha maamul xumada wada taasina ku khasabtay inuu isa soo sharaxo. ” Waxaa nafta nagu dhibay kuwa aan Samatobixin karin Qaranka… Laakiin aniga waan Samatobixin karaa ” ayuu yiri Salaad Cali Jeele oo codsaday in asaga la doorto. ” Ogaada hadii soo doorataan Hogaamiyaasha hada jooga oo heshiisyo ay dibada la soo galeen ay gateen wadankii inaydan dib usoo dooran waad Og tihiin in ay dhaceen 130 milyan oo dollar, ee aniga i doorta si aan hawsha si fiican u qabto…” ayuu yiri Salaad Cali Jeele oo sheegay inuu yahay hogaamiyaha xiligan loo baahan yahay. Salaad Cali Jeele ayaa yiri inuu horey usoo ahaan jiray Wasiir kuxigeenkii hore ee Warfaafinta, asagan uu qeyb ka qaatay dib usoo nooleynta Warfaafinta Qaranka, asagoo sidoo kale sheegay inuu ahaa Wasiir dawlihii Gaashaandhiga isla markaana uu wax badan u ololeeyey in ciidamada Midowga Afrika ay yimaadaan, maadaama ayuu yiri Maleeshiyo beeleedkii iyo Argagaxisada ay diidayeen in ciidan Qaran la dhiso kadibna, uu asagu keenay ciidamada AMISOM, kuna soo dhaweeyey Airporka Muqdisho cutubkii ugu horeeyey ee AMISOM ee yimaada. Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in musharaxiinta kale ku faanayaan waxa uu asagu kasoo shaqeeyey asagoo usoo qaatay Maah maah Soomaaliyeed. ” Aniga waxaan ahay nin aan dalka waligiis ka bixin, dhibaatada Danyarta aniga waan garanayaa, laakiin kuwaan kale (Musharaxiinta) waa kuwo iska socdo… asagoo yiri in ay jiraan Musharaxiin dhaqaalaha uga fiican, balse asagoo la dar daarmaya Xildhibaanada ayuu yiri [ LACAG WAA QAADASHO LAAKIIN CODKA ANIGA I SIIYA] Wuxuu sheegay Salaad Cali Jeele oo qoraalkiisa sii akhrinaya inuu amniga wax ka qaban doono, garsoorka, arrimaha Fayo dhawrka asagoo sheegay Biyo Nadiif ah in la cabi doono, Somaliland ayuu ugu baaqay Midnimo asagoo sheegay Mr.Jeele inuu kamid ahaan jiray jabhadii SNM uuna wadahadalka Soomaaliland ka miro dhalin karo, wuxuu sidoo kale sheegay asagoo Luuqada Ingiriiska ku hadlaya inuu Soomaaliya u sameyn doono [strategic Friends]. Wuxuu sheegay inuu cirib tiri doono Argagaxisada oo uu sheegay inuu si fudud kusoo afjarayo.
  7. Salad Ali Jeele recieved a great ovation at the end... Wonderful stuff.
  8. This is a great day. Masha Allah...
  9. Shinbir Majabe;865557 wrote: Interesting, Farmaajo: "6 dii bil ee aan Xilka hayay, mushaaraadka Xildhibaanada, Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowladda toos ayaan u bixinay, wixi iga danbeeyay mushaar lama bixin".. "Intii aan xilka hayay 2 safar kaliya ayaan u baxay, waxaan ballan qaadayaa inaan ku dhumin lacag safarro iyo hoteelo qaali ah ayadoo ay baahi qabaan caruurta Soomaaliyeed".. The last line was a direct attack on Sharif Ahmed..
  10. Cabdiweli ayaa sheegay inuu sidoo kale xoojin doono xiriirka Dowladaha gobalada Soomaaliya iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah, asagoo sidoo kale sheegay inuu hadii la doorto uu xooga saari doono in la sameeyo tirakoob, Aftida Shacabka iyo Doorasho xor ah, asagoona sheegay in awood qeybsiga Soomaaliya uu salka u noqon doono Cadaalad. National census, referendum and national one person one vote election... The man who ended the transition can with Allah SWT Grace complete these most important of tasks in four years...
  11. Salaad Ali Jeele is preaching.. and getting some good reaction. He is a good speaker.
  12. ^^^Thanks I got a good line at midnimo.com
  13. ^^^^So today is hard for me, yesterday it was easy for Galayr? Get a grip lad. It was you who was complaining about her being a poodle, and we were telling you she was not. Its good if Edoo Saado is now on the right track on your opinion. I still have nothing but respect for her and hope she gets better insha Allah..
  14. http://www.midnimo.com/2012/03/25/live-sntv-radiomuqdisho-live-u-dhageyso/
  15. Salad Ali Jeele is getting some claps, right now.
  16. 8- Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa hada khudbada la wareegay, ayadoo uu madasha hada isaga baxay Madaxweynihii xilka ka dhamaaday Shiikh Shariif oo codsaday in la fasaxo, Musharax Farmaajo ayaa ka codsaday Baarlamaanka in si haboon loo dhageysto. Farmaajo ayaa u mahadnaqay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka iyo Golaha. Musharax Farmaajo ayaa codsaday in la xasuusto dhamaan dadkii lagu dilay dalka Soomaaliya xiligii la waday dib usoo celinta dowlada. Musharax Farmaajo ayaa sheegay in markii labaad ay u tahay oo uu soo hor istaagayo inuu kalsoonidooda weydiisto asagoo sidoo kale sheegay in Xukuumadiisii ay ku guuleystay dhamaan qodobadii ay horey u balan qaadeen oo ay kamid ahaayeen, Maamul Wanaaga iyo Amniga oo la xoojiyo. Musharax Farmaajo oo ka hadlay waxqabadkii dowladiisa ayaa sheegay inay wax badan ka qabteen xoojinta iyo bixinta Mushaharaadka ciidamada Dowlada Soomaaliya, taasi oo dhiiri gelisay inay waajibaadkooda gutaan ayuu yiri Musharax Farmaajo oo intaasi ku daray in tilaabadaasi ay bilow u ahayd xoreynta magaalada Muqdisho. Farmaajo ayaa sheegay in xukuumadiisa ay si joogto ah u bixin jirtay mushaharaadka ciidamada iyo Xildhibaanada, asagoo sheegay in maamul wanaaga dowladiisa ay keentay in markii uu xilka ka tageyey uu khasnada Dowlada uga tegy in ka badan 7 Milyan oo dollar. Wuxuun sidoo kale inuu si weyn u tashiilay kharashaadka dowlada sida diyaaradaha la qaato iyo hotelada, asagoo intaa raaciyey in safaro kooban uu dalka dibadiisa ku tagay. Dhaqaalihii soo galay ayuu sheegay Farmaajo in lagu bixiyey daryeelka ciidamada, caruurtooda, dhalinyarada Al Shabaab kasoo gashay iwm. Waxqabadka uu Farmaajo ka hadlay ayaa waxaa kamid ah dhaqaalaha Booliiska Muqdisho lasiiyey, bilicda magaalada Muqdisho, xiriirka dowlada iyo shacabka, dib u hirgelinta TV-ga Qaranka, asagoona sheegay in Dib u heshiisiintana ay xooga saareen oo ay wafuud badan u dirtay xukuumadiisa gobalada dalka Soomaaliya. Farmaajo oo balan qaaday inuu raaco: Shuruucda Alle iyo tan Qaranka, inuu la shaqeeya Garsoorka, Baarlamaanka iyo Culumaa u diinka, inuu bixin doono Mushaharaadka Xildhibaanada,
  17. 7- Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbadiisa bilaabay, in ay tahay maalin taariikhi ah oo Baarlamaanka Soomaaliyeed ee xorta ah u fadhiyo doorasho Madaxweyne muddo 22 sano kadib ah, ayadoona maanta musharaxiintan badan u taagan yihiin doorasho, asagoo sheegay in guushaasi ay horseeday Xukuumadii Bad Baado Qaran. Musharax Cabdiweli ayaa sheegay in balanqaadkiisii ahaa inuu meel marin doono 5tii qodob ee qorshihiisa in lagu guuleysto, shantaasi qodob oo kala ah: 1- Xoojinta Amniga, 2-Dastuurka cusub, 3-Dib u heshiisinta, 4-Dowlada wanaaga iyo 5-Isku xirka dalka Soomaaliya. Asagoona sheegay in dhamaan qodobadaasi lagu guuleystay asagoo qodobada hal hal u fasiray guulihii xukuumadiisa ay ka gaartay. Wuxuu Cabdiweli ka hadlay xiriirka caalamiga ay xoojiyeen iyo heshiisyadii ay la galeen Dowladaha Caalamka, asagoo tusaale usoo qaatay xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, Somaliya iyo Midowga Yurub. Musharax Cabdiweli oo ka hadlaya sababta uu isu soo sharaxay ayaa sheegay in kadib markii uu arkay howshii uu soo qabtay xiligii 1ka sano ahaa ee uu Raysalwasaaraha ahaa, asagoona ogsoon howsha weyn ee Dowlada Soomaaliya sugeysa, sidaa daraadeedna ay xukuumadiisa iyo asagaba ay dajiyeen qorshihii dalka looga saari lahaa burburka iyo amni xumada. Cabdiweli Gaas ayaa balan qaaday in uu dhowri doono Dastuurka, xoojin doono tayada Xukuumada, inuu awooda Baarlamaanka xaqiijin doono, inuu codka danyarta Soomaaliyeed uu xoojin doono, in dhaqaalaha iyo Caadimaad iyo Waxbarashada ay kamid yihiin waxa uu wax ka qaban doono. Shaqo abuurista iyo ka hortaga shaqo la;aanta ay laf dhabar u noqon doonto dhaqaalaha dalka, wuxuuna balan qaaday inuu Maamul wanaag iyo la dagaalanka Musuq maasuqa uu xooga saari doono. Cabdiweli ayaa sheegay inuu sidoo kale xoojin doono xiriirka Dowladaha gobalada Soomaaliya iyo Dowlada Dhexe ee Federaalka ah, asagoo sidoo kale sheegay inuu hadii la doorto uu xooga saari doono in la sameeyo tirakoob, Aftida Shacabka iyo Doorasho xor ah, asagoona sheegay in awood qeybsiga Soomaaliya uu salka u noqon doono Cadaalad.
  18. Shariif Axmed ayaa ku bilaabay in uu ku faraxsan yahay inuu Baarlamaanka horyimaado oo kalsoonidooda weydiisto, asagoo sheegay 42 sano kadib Madaxweyne lagu doorto Muqdisho ay tahay tilaabo taariikhi ah. Shariif Axmed ayaa hadalkiisa ku bilaabay in dowladiisa ay ku guuleystay waxyaabo badan ayagoo ka gudbay culeysyo badan asagoo tusaale usoo qaatay Amaanka magaalada Muqdisho. Shariif Axmed ayaa sheegay in Sadexdii xukuumadood ee wakhtigiisa lasoo dhisay ay wax badan soo qabteen, asagoo tusaale usoo qaatay dhismaha ciidamada, hay’adaha maamulka, garsoorka iyo Roadmapka oo uu sheegay in looga gudbay kumeel gaarnimadii Soomaaliya ku jirtay. Shariif ayaa sheegay inuu xooga saari doono hadii fursad cusub lasiiyo inuu dhiso: Ciidamadii Qalabka sida muddo 2 sano gudahood ah, Garsoorka iyo Maxkamadaha, Dib usoo celinta Adeega bulshada, Waxsoosaarka iyo Is dhexgalka Bulshada, Xoojinta Xiriirka Arrimaha Dibada, Dib usoo celinta Dhaqaalaha dalka, Maamul Wanaaga, Dhameystirka Wadahadalka Somaliland iyo Dowlada Somaliya. Balanqaadka Musharaxa Sharif ayaa ah: Xiriir wanaagsan ee dhexmara Xukuumada iyo Baarlamankaa, Maamulka gaaro gobalada dalka oo dhana, Inuu ka fogaan doono is kooxeysiga iyo Qabiilka, Sare loo qaado aqoonta dhalinta soo koreysa.
  19. 5- Maxamed Cabdullaahi Ow-maar oo ka hadlaya barnaamijkiisa siyaasiyeed, ayaa xusay oo hadalkiisa ku bilaabay in la xasuusto Wasiiradii iyo Xildhibaanadii Soomaaliyeed ee lagu dilay Muqdisho sanadihii lasoo dhaafay, iyo naftii loo hurey nabada iyo dib u dhiska Dowlad Soomaaliyeed. Wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay faataxo u maraan dadkaasi u dhintay Qaranimada Soomaaliyeed. Maxamed ayaa sheegay inuu hiigsanayo Kartidii, Awoodii iyo Sumcadii hore ee Dowladii Soomaaliya lahaan jirtay, asagoona sheegay inuu doonayo inuu geeyo Soomaaliya horumar u dhigma ama ka sareeya kuwa Wadamada Afrika ugu horumarsan.
  20. 4- Cabdullahi Axmed Caddow ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono dowlada uu hogaanka u hayo hadii la doorto in dowladaasi ay noqon doonto mid dhowrta dastuurka dalka isla markaana ka fogaata is qabqabsiga Mas’uuliyiinta dowlada ayadoo awooda uu siin doono Baarlamaanka oo ah hay’ada ugu sareysa dalka. Cadow ayaa sheegay inuu xooga saari doono sidii dib loogu celin lahaa Karaamadii dalka Soomaaliya, asagoona sheegay inay dersi wanaag ay kula dhaqmi doonaan dalalka Jaarka la ah Soomaaliya, balse uu ayagana ka codsan doono inaysan faraha lasoo gelin arrimaha wadanka Soomaaliya u gaarka ah.
  21. 3- Maxamed Axmed Saalax ayaa asugana hadlay asagoo noqday Musharaxii ugu horeeyey oo maddasha ka sheega cida uu u magacaabi doono Raysalwasaaraha hadii xilka loo doorto asagoona sheegay inuu Raysalwasaaraha u magacaabi doono Xildhibaan Cabdi Abshir Rooble oo uu sheegay inay ka wada shaqeyn doonaan mideynta dalka Soomaaliya iyo in mustaqbal cusub loo bilaabo dalka kaasi oo sheegay in muddo kooban lagu arki doono hadii asaga iyo saxiibkiisa la doorto.
  22. 2- Xuseen Khaliif Jaamac oo sheegay inuu asagu Barnaamijkiisa siyaasadeed ay taaban doonto meelo badan oo ah amniga, caafimaadka, dhaqaalaha iyo waxbarashada. Wuxuu Musharaxa sheegay in maalgelin iyo kobcinta dhaqaalaha dalka Soomaaliya oo uu xoog weyn saari doono.
  23. 1.- Axmed Ismaaciil Samatar oo khudbadiisa ku sheegay inuu xooga kusaari doono inuu dhiso dowlad tayeysan oo ka shaqeysa dib u dhiska dalka Soomaaliya. Mushaharka uu qaadan doono uu ugu deeqi doono dadka Waxbarashada doonaya, asagoo sameyn doona danduukh lacagtaas loogu keediyo. Wuxuu sheegay inuu sameyn doono Hay’ad gaar ah oo Diimeed oo culuma’udiinka Soomaaliyeed, wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey hay’ad cilmi baaris inuu sameyn doono.