General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Peace in our time... An eye for an eye makes the whole world blind. • The Somali race must turn its back on the culture of violence that has plagued it since time immemorial. Its time to learn the art of compromise and of settling disputed through dialogue than by arms. All forms of violence especially those political in nature must be repudiated. In all the lands means not just the old Republic but even in our new homes, gang violence, extremist violence, the glorification of violence must seize and fought against. Our children must be taught there is a better way. Most Somali's I have come across view themselves rightly as being cultured individuals with good manners. However we have allowed a few to lead us stray and to pervert our culture and faith and hence created this false image of the Somali Vandal.
  2. ^^^I agree with you, I dont think Somali's are harder headed or more ignorant. they just lack leadership... That will change, but we must think of other ways of getting out of this dilema.. Lets not restrict our options.
  3. ^^^lol your mentality is what has failed us so badly all these years. Think outside the box lad.
  4. Mr Somalia I don’t think we differ much in terms of outlook. Mogadishu is the capital and all Somalis must work towards restoring, no cross that out making it even better than what it once was. However moving the capital is an avoidable step, every single attempt at governance was foiled because of the instance that this city be the house of government without taking into account the vast armed militia, mad foreign Jihad’s and sheet size of the city and the weakness of the new government forces trying to control it. Garowe, like Ankara of 1919 is a small city in a central location whose populations are ready and yearn to be governed. It already cotrols Puntland and would give the new government space, valuable real-estate to carry out its work. The reason why Mortars wont start in Garowe is the same reason they don’t rain today, because of its location, people and security. All that is required is maybe 20% of what is wasted in Mogadishu Villa Somalia today to bring wonderous change to the image of Somali governance itself. Federal law akers, cabinet ministers and the executive could meet their constituents in Somali soil instead of running to Nairobi every day a bomb explodes. The NGO’s and others would be forced to move there is the government relocated. You could keep a strong presence in Mogadishu to maintain the port and airport, open a front in the south to capture Baidoa and Kismayu and move south from Mudug. To not even consider this option is to disregard the truth and keep us stuck in a dark mindset on the brink of losing our nation.
  5. ^^^I agree with you in normal times, the fact that the community is quite indicates there is an agreement with this move. Also I dont belive they are being charged with any crime, just being pressured to do their job as leaders and bring an end to this madness that has cost lives..
  6. ^^^Adeer moving the capital to Garowe were it can work free of Mortar shells and suicide bombings. Will transform the prospects of peace. Moving the capital to a safe place will ensure that all the agencies, UN, embassies and those interested in Somalia will have a location inside the country to work from instead of Nairobi which is not a Somali city. Moving the capital, training a new army, navy in Puntland will ensure the capture of Mogadishu and others places by a unified Somali army. Keep things as they are and we will waste more time.
  7. Originally posted by Amistad: Well the fact remains that nobody is giving up on the TFG just yet. Yeah in this difficult times of recession here at home the US government is dumbing money into this project without any success. There out to be some accountability, not a single road has been built and not a single district taken back from Al Shabaab. In fact TFG/Sharif has lost more ground than gained including most of the capital. Fact remains there needs to be a new strategy.
  8. ^^^I think this is sending a message, its a way to bring both these groups together. Maybe by putting all these influantial men in one jail cell they might talk and figure things out. Also these are the men who signed two peace accords before and did nothing... Consider also that the Mayor Bosaso & Governor are both involved and taking a lead it means they belive it might be a solution.
  9. Muqdisho:Dowladda KMG oo Idaacad ku taageertay Wasaaradda Warfaafinta Puntland..(Warsaxaafadeed). 22. september 2010 APL Muqdisho:(Allpuntland)-Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG ah, Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) waxa uu wada-xaajood faahfaahsan wasaaradda kula yeeshay Wasiirka Warfaafinta Puntland, Mudane C/xakiim Axmed Guuleed, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo muhiim u ah horumarinta warbaahinta Soomaaliya. Afar maalin oo wada-xaajood ah, waxaa laysku raacay qodobadan: 1Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda KMG ah waxay qalab idaacad FM ah oo dhameystiran ugu deeqday Wasaaradda Warfaafinta Puntland si Puntland ay u dhisato awooddeeda warbaahineed. Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada Xukuumadda KMG ah ay ku caawineyso dowlad-goboleedyada inay dhistaan awooddooda warbaahineed si ay u wacyigeliyaan bulshada. 2. Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda KMG ah waxay taageereysaa dhismaha Machadka Saxaafadda ee laga furayo Garoowe, iyadoo lala kaashanayo Jaamacadda Puntland State University oo machadka siin doonta deegaan iyo bareyaashii wax ka dhigi lahaa. Machadku wuxuu dhisi doonaa awoodda saxafiyiinta Soomaaliyeed si ay waajibkooda ugu gutaan si mas’uuliyad leh. 3. Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay xiriir iyo wadashaqeyn joogto ah la lahaan doontaa Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Dhinacyada ay xiriirka ka yeelan doonaan waxaa ka mid ah sidii loo sameyn lahaa hannaan rukhsadda shaqada lagu siiyo warbaahinta, in la wadaago barnaamijyada, iyo sidoo kale in la qabanqaabiyo isdhaafsiga suxufiyiinta. 4. Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay gacan ka geysan doontaa dib-u-soo-nooleynta Wakaaladdii Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, iyadoo fududeyn doonta sidii Wakaaladdu xarumo ugu yeelan lahayd Puntland. Wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta Federaalka gacanta ay wasaaraddiisa siiyeen iyo isfahamka ay wada gaareen. Heshiiska noocan oo kale ah wuxuu calaamad u yahay baahida loo qabo inay wadashaqeyn wanaagsan dhexmarto wasaaradaha heerka federal iyo kuwa heerka goboleed si dalka looga samata-bixiyo dhibaatada, ummaddana wax loogu qabto. Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiin Axmed Guleed oo ka hadlay munaasabada uu kula wareejinayay Idaacadaasi ayaa u mahadceliayay Wasaarada Warfaafinta isagoo intaa ku daray in Idaacadan ay ku hadli doonto magaca bulshada Puntland laguna rakibi doono Magaalada Garowe, waxa uuna ku celceliyay in arintani ay qeyb ka tahay wadashaqeynta wanaagsan ee u dhaxeeysa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland. Wasaarada Warfaafinta ee Soomaaliya Muqdisho
  10. Odayaal Lagu Xiray Boosaaso iyo Mamulka Oo ka Hadlay. Posted by Ali on September 22nd, 2010 Boosaaso(Puntlandi.com);- Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelo ku dagaalamay Gobolka Bari. Odayaasha la xiray ayaa gaaraya 20 oday waxaana ay kamid ahaayeen odayaal ku ka qaybqaadanayay xalinta beelo ku dagaalamay deego hoosyimaada gobolka bari. Mamulka gobolka ayaa sheegay in amarka odayaasha lagu xiray ka soo baxay dawlada puntland waxaana lagu eedeeyay in aysan dhaxdhaxaad ka ahayn dhamaynta colaada. Duqa magaalada boosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa sheegay in odayaashan lagu eedeeyay in aysan daacad ka ahayn dhamaynta colaada labada beelood ka dhaxaysa. Maxamuud Faarax Beeldaaje ayaa intaa ku daray in dawlada qaadatay go’aankaa in odayaasha laxiro . Jamaal Faarax Nuur Puntlandi.com Boosaaso.
  11. Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ayaa Maalmahan Waxaa ka Bilawday Hawgalo Amniga ku salaysan oo ay Wadan Ciidamada Amniga, kuwaas oo Dawladu ay ku bartilmaamaydsanayso Dadka lala Xiririnayo Amni Darada. Tan iyo Markii Magaalada Gaalkacyo lagu Xiray Sh, Ismaaciil oo ka Mid ah Culimada Gacanta ku haysa Masaajidka Salaaxu Diin ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Waxaa Magaalada soo Buux dhaafiyay Ciidamo Aad u farabadan oo Wata Gawaarida Dagaalka kuwaas oo Dawlada Puntland ay u Qorshaysay in ay Amaanka Magaalada Wax ka Badelaan. Magaalada Waxaa Sidoo kale ku sugan Saraakiil sar sare oo ka Tirsan Kuwa Ciidamada Puntland, Waxaana la Xaqiijiyay Magaalada in ay u Joogaan Hawgalo Baaxad leh oo Dawladu ay la Damacday in ay ka samayso Magaalada Gaalkacyo oo Noqotay Meel Qaybaha Bulshadu ay Shegaan Dawladu in ay u aqoon satay Deegaan ka baxsan Meelaha ay Dawlada Puntland ka Arrimiso. Magaalada Waxaa si Hoose uga socda Kulamo u dhexeeya Waxgaraadka, Maamulka Gobalka, Kan Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Gobalka iyo Degmada Gaalkacyo iyo Dhinaca kale oo ah Saraakiisha Ciidamada Puntland, Waxaayna Wararku sheegayaan in laga wada hadlayo Hawgalo Dawladu ay Damacday in ay ka samayso Magaalada. Goobaha lagu Qaxweeyo ee Magaalada ayaa Waxaa Looga sheekaysanayaan Hawgaladan Waxay Noqon Doonaan, Iyadoo Dadka Qaarna ay Tilmaamayaan Hawgaladu in ay Yihiin kuwo la mid ah Midkii lagu soo Qabtay Sh Ismaaciil oo ka mid ahaa Wadaada Gacanta ku ahaya Masaajidka Salaaxu Diin ee Magaalada Gaalkacyo. Hadaba Waxaa Isweydiin Mudan Hawgaladaasi Maxay Xaalada Magaalada ku soo Kordhin karaan, Mase Noqon Doonaan Kuwo sidii la rabay uga Higala Magaalada? Waxaa iyana ka mid ah Su,aalaha Taagan Hawgaladani Ma Noqon Doonaan Kuwo Magaalada ka sii Socon Doona oo ay kala Mid Noqon Doonto Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe oo Xilli Walba Hawgalada Dhinaca Amniga ah ay ka socdaan. - kala Soco Warbaahinta Allidamaale Warar Xaqiiqada ku salaysan oo dhinacyo badan laga eegay. Cumar Afguduud Allidamaale.com
  12. Originally posted by The Zack: Nobody gives a **** if u supported yey, the fact that you were OK with the Ethiopian invasion yesterday and that fact that you are trying to accuse others being OK with the current AU or Ethio invasion is pathetic. Now don’t get angry adeer. Also stop highlighting your ignorance. I was supporting a Somali national government led by a man who had a clear strategy to bring peace to the country. Now Ethiopia did not invade Somalia, nor is there any indication it wants to or it can legally get away with it, as I told you before. It along with IGAD, AU and the international community were supporting the national government against Eritrea & rogue networks supporting the opposition. The problem here is that given a chance Somalia would have been in a much better position today, however the likes of yourselves and other reactionary groups wanted to fight, fight and fight and ruined the chance we had. Also I am not even against AMISOM sending more troops and taking over the country. Ugandans, Ethiopians and Burundians don’t put road side bombs on the street and blow themselves up in graduation ceremonies… The problem is Sharif Ahmed is just acting out his role and getting paid, he has no strategy. Now what was your argument again?
  13. To sum up the news, the Puntland admin carried out the mass arrests of elders and businessmen of two feuding clans as a way of putting pressure on the two communities to bring an end to the vendeta. The arrests were made to highlight their failure to bring a resolution to the clashes which started in the rural parts of Bari but have now come into the city whish these two clans both reside together in. The population of Puntland and the admin are fed up with the blood letting and meaningless violence and this was a new ay of dealing with this.
  14. Maamulka degmada Bosaaso ayaa ka hadlay warar soo baxaayey maalmihii u danbeysey oo sheegaaya in odeyaal dhaqameed lagu xiray magaalada Bosaso kuwaas oo ka tirsan labo Beelood oo hadda kahor ku dagaalamay deegaanka Igdheys ee gobolka Bari . Tirada odoyaasha la xiray ayaa garaysa 20 oday, waxaana xabsiga loo taxaabey maalintii shalay (Talaado). Duqa degmada Bosaaso Maxamuud Faarax Beeldaaje oo wareysi siinayay warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in odeyaashaas ay ka qayb qaadan waayeen dedaalo nabadeed oo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisad ka dhex aloosnayd labada beelood, taas oo dib u soo cusboonaatey. Wuxuu intaas ku daray in maamulka xaq u leeyahay in talaabo ka qaado cidii ay u aragto in ay caqabad ku tahay amaanka. Duqa degmada ayaa sheegay in Dawladda ay ka quusatay dedaalo nabadeed ay doonaysay in ay dhex dhigto labada beelood. Maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bosaaso ayaa sheegay in ay isku dayayaan si kasta oo ay ku qaboojin karaan xiisadda labada beelood dhextaaladan. Horseed Media
  15. Booliska Bossaso oo xabsiga u taxaabey Odayaal 21 Sep 21, 2010 - 7:25:37 AM Ciidamada amniga magaalada Bosaso ayaa xabsiga maanta 21.09.2010 u taxaabey 19 Odey oo ka kala tirsan labada beelood ee walaalaha kuwaasoo dirir horey ugu dhexmartey degaamada ay wada-dagaan. Dowlada Puntland ayaa amartey xariga odayaashaan kuwasoo isugu jira ganacsato caan ah iyo odey dhaqameedyo kadib markii dilal aaneysi qabiil ah maalmahaan dib u bilowden kuwasoo intooda badan ka dhacey xarunta ganacsiga Puntland ee Bosaso. Magaalada Bosaso ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa lagu diley sadex qof oo ka tirsan labadaan beelod tasoo sababtey in odayaashaan xabsiga loo wada taxaabo kadib markii dowlada digniin ka soo saartey xakameynta coladaan. Sarkal diidey magaciisa ayaa warsidahaan u sheegey in sababta loo xirey odayashan tahay kadib markii ay baneyeen kaalintii looga baahnaa islamaraana ku guldareysten iney xakameyeen coladaan oo in muddo ah u dhexeysay labadan belood. Horey ayaa dowladda Puntland go'aan uga soo saartey in la joojiyo coladaan iyadoo uga digtey dhinacayada ay ka dhexeyso in aan dib loo soo celin. Dhinaca kale waxaa odayaasha labadan belood ku guuldareysteen kala qaadashada magahii loo kala xakumey iyadoo wararku sheegayaan in Beesha Cali Saleebaan ka caga jiitey bixinteeda madaama laga sugayey inta badan ee magdhowga dagaladii dhacey. Odayaashaan ayaa iminka ku jira xabsiga dhexe ee magaalada Bosaso iyagoo warar aan ka helyno gudaha xasbiga sheegayaan in lagu hayo goob munaasab ah oo aan la dhex galin dadka dambiilayssha ah. Liiska magacyada dadka la xirey oo u suurtagshey Garowe Online iney hesho waxaa kamid ah: Odayaashe 1- Libaan Yusuf Maxamad 2-Muse Farax Yusuf 3-Maxamad Xasan maxamad 4-Cumar Muse Maxamad 5-Salaad Siciid Maxamad 6-Axmad Siciid Badow 7-Gaacshe Jamac Cali 8-Cismaan Farax Yusuf 9-Abshir Yaasiin Dalmar 10-Xasan Jamac Maxamad 11-Maxamad Jamac Maxamad Odayaasha 1-Shire Siciid Maxamad 2-Muse Farax Maxamad 3-Cali Cumar Guure 4-Farax Siciid Cuud 5-Siciid Shire Faahiye 6-Maxamad Farax Maxamad 7-Abdulahi Aadan Yusuf 8-Maxamad Yusuf Maxamad Warsaxafadeed galabta ay qabteen gudoomiyaha degmada Bosaso Maxamud Farax Beeldaaje iyo Wasiir kuxigeenka amniga Puntland Cabdi Jamaal ayey ku sheegeen in dowlad mas'uuliyad ka saaran tahay xasilinta amniga islamarkaana u dulqaadan doonin cid walba oo khalkhal galin karta. Labadan mas'ul ayaa sheegey in dadkii gaystey falalkii dambi ee ugu dambeyey kuwasoo ka dhacay Bosaso Bolisku ku daba jiro islamarkaana la qaban doono. Saraakisha ciidamada amniga iyo xubno ka tirsan xukuumada oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa shirar aan kala go laheyn ee la xiriira amniga uga socdaa xarunta Madaxtooyada Bosaso. GAROWE ONLINE
  16. Duqa Bosaso oo ka hadley xariga odayaasha Barri 21 Sep 21, 2010 - 12:05:26 PM Duqa magaalada Bosaso Maxamud Faarax Beel-daaje oo u waramayey Radio Garowe ayaa ka hadley xariga 19 qof oo isugu jirra odey dhaqmeed & Ganac-sato kawaasoo kasoo jeeda labo beelood oo xurguf aano qabiil ka dhaxeysay muddo labo sano ah. Waxaa uu sheegey duqa in talaabadan tahay mid uu maamulku ku dhaqaaqey si xal loogu hello xalinta labada beelood oo doorkoodii kaga aadanaa Odoyaasha la xirey ay ka gaabiyeen kadib markii dowladu ka weydey dadaalo ku wajahan coladaa jirta. Duqa Bosaso Maxamud Beel-daaje ayaa intaa ku darey in haatan wixii ka danbeeya dowladu labadan beelood sharciga ku kala saareyso islamarkaana ciddii isku deyda in ay ka hor timaado talaabo cad laga qaadayo. AKHRI: Magagacyada dadka la xirey saakey Dhageyso Wareysiga Duqa Bosaso Wariye Abshir Cabdulaahi Radio Garowe uu la
  17. ^^^lol Muppet is a term of endearment in the UK. It was to highlight that you did not get the jist of what NGOONGE was saying, but just jumped in with the fake laugh, pretending to undertsand what was going on. Now as for me, I supported the President and state of Puntland throught my time in SOL, the strategy and tactics of President Yusuf then have been vindicated now. The question is what has changed, aside from the clan of the President? The problem is those who were demonstrating yesterday about "Xabashi" invasion and calling for Jihad. Are now demonstrating about Al Shabaab and calling for Ethiopian support. I am just reporting the news as I always have..
  18. Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ugu baaqay saxafiyiinta Puntland in ay midoobaan. Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo hidaha iyo dhaqanka Puntland C/xakiim Axmed Guuleed ayaa waxaa uu baaq u diray dhamaan Saxafiiyiinta ku dhaqan gudaha deegaanada Puntland,iyadoona baaqiisa uu ahaa mid ku salaysan qaabkii ay saxafiyiintu u midoobi lahaayeen. C/xakiim waxaa uu sheegay dhowaan in ay dowlada Puntland furidoonto Machad saxaafadeed oo saxafiyiinta ka caawinaya sidii ay aqoontooda saxaafadeed kor ugu soo qaadi lahaayeen. Qaar kamid ah Jamaacadaha Puntland ayuu sheegay in sanada soo socota lagu dari doono Kuliyad saxaafad oo inta badan ka caawindonta dhalinyarada saxaafada xiisaynaysa in ay aqoon heer jamaacadeed ah ay helaan. Talada dhinaca midowga ah ayaa Wasiirku waxaa uu sheegay in loo baahan yahay mar uu ka hadlayay yeelashada saxafiyiinta Dalad ay ku midaysan yihiin. Gobolka Bari ayuu sheegay marka hore in iyaga dhalinyarada saxafiyiinta ah ee Jooga looga baahanyahay in ay midoobaan,ayna samaystaan Dalada suxufiyiinta Gobolka Bari ay ku midaysan yihiin. Dalada Suxufiyiinta Puntland ee MAP ayaa wasiirku sheegay in loo baahan yahay in iyada oo aan magaca laga badalin la xoojiyo,iyadoona sida uu sheegay saxafiyiinta ka caawindoonto in ay helaan cid u dooda lagalana xisaabtamo. Xuseen Xuska SBC International Monitoring.
  19. Puntland iyo DKMG oo qorshaynaya in ay adkeeyaan Xiriirkooda. Dowlada Puntland ayaa sheegtay in ay adkaynayaan xiriirka ay la leeyihiin DKMG,iyadoona labada dhinac ay siweydaarsanayaan waxyaabaha ay isku dhaamaan khibrad ahaan. Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed oo socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ayaa xili uu u waramayay SBC waxaa uu sheegay in uu kula kulmay Magaaladaasi masuuliyiinta ugu sarsareysa DKMG,iyadoona si gaar gaar ah uu ula kulmay iyagana masuuliyiin kale oo si aad ah u xiisaynaya tagitaankooda Puntland iyagoona doonaya in ay khibrada isdhaafsadaan masuuliyiinta kale ee dhigooda ah eek u sugan Puntland. Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiim Axmed Guuleed waxaa uu muqdisho ku tagay casumaad uu ka helay dhigiisa DKMG Injineer C/raxmaan Yariisow. Wasiirka waxaa ay dhigiisa ka wada hadleen arimo inta badan diirada saarayay saxaafada Soomaaliya,iyadoona dhinaca DKMG ay sheegeen in ay dib usoo celinayaan Wakaaladii warar Soomaaliya ee Sonna,iyadoona dhinaca Puntland loo samaynayo Idaacad codka dowlada ku hadasha. Heshiisyada iyo xiriirada uu Wasiirka Warfaafinta Puntland sheegay in ay la sameeyeen DKMG ayaa ahaa kuwo dhacay kahor iscasilitaankii Raysal Wasaaraha KMG Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke. Lama oga sida ay ku hirgali doonaan heshiisyada labada dhinac Puntland iyo DKMG ay dhinaca saxaafada ka wada galeen,xili DKMG dhowaan la filayo in loo magacaabo Raysal Wasaare Cusub. Xuseen Xuska SBC International Monitoring
  20. Garowe oo laga xusey maalinta Nabadda 21 Sep 21, 2010 - 8:17:13 AM Munaasabad maanta ka dhacday hool-ka ha'aydda PDRC magaalada Garowe ee casimada dowlada Puntland ayaa lagu maamuusayey maalinta Nabada Adduunka waxaana ka qeyb-galey masuuliyiin kala duwan. Hal ku dhiga sanadkan ee maalinta Nabadda Addunka ayaa loogu magac darey sanadka dhalin-yarada & doorka xasiloonida looga baahan yahay. Maalinta oo Quruumaha Midoobey isku raaceen in la xuso 1981 ayaa markii ugu horeysay loo dabaal dagey sanadkii 1982 iyadoo fadhigii guud ee qaramada midoobay ee sanadkii 2002-dii la go'aan saday in 21 September sanad kasta ay noqoto maalinta Nabada Aduunka. Hadaba munaasabadda maanta lagu qabtey hoolka Hey'adda PDRC ayaa waxaa ka hadlay madax katirsan Puntland, Culimo,Odoyaasha dhaqanka, dhaqaatiir, Haweenka, Ururada Bulshada Puntland iyo abwaaniin iyo fanaaniin kuwaasoo soo bandhigay uugaan ka tarjumeya malintaan qiimaha leh. Cabdiraxmaan Cabdalle Shuuke oo ah madax hey'ada PDRC ee Puntland oo ugu horeyn furay munaasabadda ayaa ka hadlay doorka nabadu leedahay isagoo xusay in tan fursadd kuu siin karta inaad waxbarato,noolaato, horumarto la jaanqaado caalamka sidaa aawadeed loo baahan yahay in shaqsi kasta ilaaliyo jiritaanka Nabadda. Sidoo kale Cabdi Casiis Maxamuud Maxamad oo isna ku hadalayay magaca xafiiska siyaasada UN ka ee Puntland ayaa munaasabadda ka akhriyey fariin ku saabsan Nabadda. Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska Marwa Caasha Geelle Diiriye ayaa munaasabadda ka akhridey warbixin ay ugu talagashay maalinta Nabadda Aduunka Gabagabadii waxaa soo xiray wasiiru Dowlaha maamul Wanaaga iyo madaxtooyada Puntland Maxamad Faarax Ciise Gaashaan oo dhamaan kasoo qeyb galayasha xaflada ku booriyay iney xil iska saaraan nabad gelyada islamarkaana ilgaara is kaga eegaan cidkasta oo carqalad ku ah jiritaankooda. Si kastaba sanadkii hore 200 oo wadan iyo ku dhowaad 30 million oo qof ayaa ka qeyb qaatay maalinta nabadda aduunka, Puntland oo kamida dhulka nabdoon ee Soomalia ayaa sanadkan 2010 markii ugu horeysay gobolada ay ka koobantahay mar qura si wadajira looga maamuusay maalinta nabadda caalamka 21 Sebtember Xuseen Yusuf Axmad Shiine Garoweonline.com
  21. Muqdisho:Dawlada Puntland oo Saxaafada Soomaaliyeed ugu baaqday Midow & Wadaninimo. 22. september 2010 APL Muqdisho:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Cabdixakiim Axmed Guuleed oo weli kusugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa kulan weyn la qaatay Qeybaha kaladuwan ee Saxaafada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka howlgasha kuwaas oo uu ugu baaqay inay nabada & Hor’umarka dalka isbarbartaagaan. Cabdixakiim Axmed Guuleed wuxuu sheegey in Saxafiyiinta Soomaaliyeed ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay siweyn uga hadlayeen Colaadaha kajira Gudaha Jamhuuriyada Soomaaliya,waxaana uu sheegey in imika loo baaanyahay in ay taas badalaan oo ay isbarbartaagaan Nabada Soomaaliya islamarkaasna ay aayaha dadkooda ka fakaraan. Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Puntland wuxuu sheegey in Saxafiyiinta Soomaaliyeed looga fadhiyo inay Midoobaan islamarkaasna ay aayahooda shaqo ka fakaraan,waxaana uu sheegey in loo baahanayahay in la balaariyo awooda & Talada maamul ee ururada saxaafada ee waaweyn taas oo uu sheegey in ay imika koobanyihiin. Cabdiqani Xayir
  22. ^^^Indeed the fact that Sharif Ahmed has failed can no longer ignored and we shall see in the coming months how the game unfolds. The people of Somalia need an alternative to the Mogadishu sink or swimm play. Its time to focus on the states and on what works. Puntland works and is the only viable model for Somalia today...
  23. Dowladda KMG oo Maamulka Puntland gudoonsiiyay qalab warbaahineed. Muqdisho: (Sh. M. Network) Wasaarada Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta qalab Idaacadeed oo aad u xoog badan waxaa ay gudoonsiisay Wasaarada Warfaafinta Maamul goboleedka Puntland kadib munaasaabad ka dhacday Muqdisho. Iyadoo maalmihii u dambeeyay Magaalada Muqdisho uu ku sugnaa Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta Puntland C/xakiin Axmed Guuleed ayaa munaasabada maanta ka dhacday Xarunta Wasaarada Warfaafinta ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu wareejiyay qalab warbaahineed oo uu ka mid yahay FM Awoodiisa lagu sheegay 3500 oo waat. Munaasabadana qalabkaasi lagu gudoonsiiyay Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay Siihayaha Xilka wasiirka Warfaafinta ee dowladda KMG Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo sheegay in FM-kaan lagu wareejiyay maamulka Puntland lagu sameyn doono warbaahin ku hadasha Afka Maamulka Puntland. Wasiirkii hore ee Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya, waxaa uu sheegay in dib u habeyn ay ku sameyn doonaan wakaaladii wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Sidoo kale munaasbadaasi waxaa ka hadlay oo qalabkaasi warbaahineed gudoomay wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland C/xakiin Axmed Guuleed, isagoo si diiran ugu mahad celiyay wasaarada Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in qalabkaani lagu wareejiyay wax weyn uu ku soo kordhin doono warbaahinta Puntland. Waxaa uu sheegay wasiirka Warfaafinta Puntland inay gacan ka geysan doonaan dib u soo nooleynta Wakaaladii wararka Soomaaliyeed ee SONNA iyagoo fududeyn doona sii wakaaladaasi xarumo ay ugu yeelan laheyd Maamulka Puntland. Ugu dambeyn wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay talaabadii todobaadkaan gudihiisa Al Shabaab iyo Xisbul Islaam ay kula wareegeen qalabkii Idaacadaha Horn Afrik iyo GBC, isagoo ugu baaqay dhinacyadaasi in qalabkaasi si deg deg ah ay u soo celiyaan maadaama loogu shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.