General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. Addis-Ababa:Madaxweynayaasha Puntland & TFG oo kulan qaatay. 30. september 2010 APL Addis-Ababa:(Allpuntland)-Wararka laga helayo Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia ayaa kusoo waramaya in halkaas ay kulan muhiim ah ku qaateen Madaxweynaha Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud & Madaxweynaha Dawlada Kumeel gaarka ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed kahor intii uusan Saaka aroor hore kasoo baqoolin magaalada Addis Ababa Ethiopia. Kulanka labada Madaxweyne ayey wararku sheegayaan in looga hadlay Arimo badan oo Quseeya Xaalka Soomaaliya gaar ahaana Xiriirka Puntland & Dawlada Dhexe,waxaana sidoo kale kulanka oo Saacado badan socday lagu falanqeeyey Dagaalada Muqdisho kasocda & Magacaabista Ra’iisul Wasaare Cusub oo ay Dawlada Kumeel gaarka ahi yeelato. Safiirka Soomaaliya ee dalka Ethiopia AMP,Siciid Yuusuf Nuur (Geesdheer) oo kamid ahaa Saraakiishii kulankan ka qeybgashay Ayaa Warbaahinta u sheegey in kulanka sidoo kale lagu soo qaaday Dagaalada aan dhamadka lahayn ee kasocda Magaalada Muqdisho & kuwa ay Dawlada Puntland kula jirto Kooxda Alshabaab ee ka dagaalama Buuraha Gobolka Bari gaar ahaan agagaarka Deegaanka Galgala. Safiirku wuxuu sheegey in kulankan oo Waqti dheer socday Guud ahaantiisba la’isku afgartay islamarkaasna ay labada Madaxweyne iskuraaceen in lasii labajibaaro Xiriirka labada dhinac islamarkaasna ay Wadashaqeyntu ka badato inta ay hada joogto,Waxaase jira Waxyaabo kale oo la qariyey oo Kulankan looga hadlay. Warar Hoose oo ay APL ka helayso Kulanka Labada Madaxweyne ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiraxmaan Faroole uu Madaxweynaha Dawlada Kumeel gaarka ah ka codsaday in ay Dawladu badiso Awoodeeda shaqo islamarkaasna Ra'iisul Wasaaraha uu dhawaan magacaabayo uu noqdo mid faa'iido leh,waxayna Wararku hoosta ka xariiqayaan in ay Suurtagal tahay in madaxweynaha Puntland uu codsaday taageero dawladiisa laga siiyo Dagaalka ay kula jirto kooxda Galgala. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  2. President of Somali Puntland State in Yemen [01/October/2010] SANA'A, Oct. 01 (Saba) – The President of the Puntland State of Somalia Abdul-Rahman Mohammed Mahmoud along with his accompanying delegation arrived in Sana'a on Friday on a several-day visit to Yemen. Speaking to Saba, the Somali official said that his talks with Yemeni officials will address bilateral relations between the two brotherly countries and ways of strengthening them, particularly commercial field. "Talks will also deal with issues related to security and stability in the Horn of Africa and the fight against piracy", Mahmoud said. YA Saba
  3. Madaxwayne C/raxmaan Faroole oo kulan looga hadlayo burcad-adeeda uga qaybgalaya dalka Yemen Jimce, 01 Oktoobar 2010, (HOL)- Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Maxamed Faroolle iyo wafdi la socda ayaa la sheegay in ay gaareen maanta magaalada Sanca ee caasimada wadanka Yemen ,waxaana soo dhawayn balaaran u sameeyay masuuliyin ka tirsan wadankaasi. Safarka uu madaxwaynaha ku tagay Sanaca waxaa ku weheliya xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ,waxaana ay ka soo duuleen magaalada Adis Ababa ee caasimada Ethobpia oo ay ku sugnaayeen muddo maalmo ah. Madaxwaynaha ayaa lagu wadaa in uu kaga qayb galo Sanca shirar muhiim ah oo looga hadlayo burcad badeeda xeebaha Somaliya oo si aad ah u soo kordhay labadii sano ee u danbaysay. Waxaa kaloo madaxwaynaha uu ka codsan doonaa madaxda uu la kulmi doono in Puntland laga taageero dhinaca dhaqaalaha iyo amaanka si looga hortago dhibaatoyinka hada jira. Wasiirka arimaha gudaha Puntland C/laahi Jaamac oo ay la xiriritay warbaahinta ayaa sheegay in marka ay kullamada soo dhamaadaan ay dib uga soo laaban doonaan gudaha Puntland, si ay uga warbixiyaan safaradoodi. Ugu danbayntii madaxwaynaha Puntland ayaa intii uu ku sugnaa Adiss Ababa waxa ay wada kulmeen masuuliyin ka tirsan dowladaasi si looga taageero dhinacyo badan. Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online boston@hiiraan.com Boosaaso,Soomaaliya
  4. ^^^Indeed a media outlet that belongs to the state, utallising the States home grown talent as well as its ever growing Diaspora... A good move.
  5. ^^^I would not say that. He went to Nairobi, Addis Abba, Djibouti and landed in Sanca. All these capitals are of importance to Somalia and highlights how serious Puntland Admin are in having greater engagement with all those nation that have sway in the Somali affairs. Building simultanous good relations with all these nations secures Puntland and Somalia's interest. His trip to Washington DC a year ago was thought to be not a big deal, untill this week's announcement.
  6. Wargeys(Joornaal) cusub oo kusoo biirey saxaafada Puntland Posted by admin on October 1st, 2010 Garoowe:Waxaa Maanta Cadadkii u horeeyey soo daabacay islamarkaasna gobolada kaladuwan ee Puntland la gaarsiiyey Joornaal loogu magacdaray “Puntland” kaas oo noqonaya mid todobaadleh ah islamarkaasna kasoo baxaya Caasimada dawlada Puntland,Waxaana Joornaalkani uu yahay mid ku hadli doona Codka shacabka reer Puntland. Warsidahan ayaa ay Madaxdada Maamulaysa ay sheegeen inuu yahay mid kasoo baxaya Garoowe,islamarkaasna ku hadli doona Codka shacabka Puntland aanana wax shaqo ah kulahayn Siyaasadaha kajira Koonfurta Soomaaliya,Waxaana Joornaalka taageeraysa Wasaarada Warfaafinta,Isgaarsiinta,Hidaha & Dhaqanka ee dawlada Puntland. “Warsidaha Puntland waaa warside soo bixi doona Usbuucii hal mar, kuna hadli doona codka Shacabka Puntland, siina doona cod kuwa aan codka lahayn. Waxaana sal u ah qaab qoraaleedkiisa, Xaqiiqo, dhexdhexaadnimo, iyo Masuuliyad. Luuqadaha Soomaliga iyo Ingiriiska ayuuna ku soo baxayaa”Ayaa lagu sheegey Cadadka u horeeyey ee Joornaalkan oo lagu faahfaahinayey Muhiimada Joornaalkan & Qaab shaqeedkiisa. Warsidaha cusub ee imika bilowday ayaa noqonaya Talaabooyin hor’umarinta dhanka Warbaahinta ah oo ay wado Wasaarada Warfaafinta ee dawlada Puntland,gaar ahaan Wasiirka Warfafinta oo imika ku mashquulsan samaynta Qalab Warbaahineed oo gudaha dalka ka shaqeeya,Waxaana uu Dhawaan Wasiirku wadanka keenay Idaacad FM ah oo laga dhagaysan doono Gobolada kaladuwan ee Puntland taas oo ay ugu deeqday Dawlada dhexe ee Soomaaliya. Deegaanada Puntland Waxaa imika aad ugu yar amaba ku kooban Joornaalada kasoo baxa gudaha dalka kuwaas oo aanan wada gaarin gobolada kaladuwan ee Puntland,waxaana Joornaalkan siweyn usoo dhaweeyey qeybaha kaladuwan ee Shucuubta Puntland oo aaminsan in tani ay tahay Tilaabo horey loo qaaday.
  7. Wasiirka warfaafinta Puntland oo aan ka waraysanay kulliyad saxaafadeed oo laga yagleeli doono Puntland & idaacada ku hadasha afka dawlada Puntland oo la furi doono.
  8. -------------------------------------------------------------------------------- Wasiirka warfaafinta Puntland oo aan ka waraysanay kulliyad saxaafadeed oo laga yagleeli doono Puntland & idaacada ku hadasha afka dawlada Puntland oo la furi doono.
  9. Somalia: Puntland President Arrives Yemen for Talks 1 Oct 1, 2010 - 1:34:04 PM Puntland President Dr Abdirahman Mohamed Farole include some Puntland’s delegate Friday morning arrived Yemen for talks, Garowe Radio Reports. President Farole and his delegates include interior Minister, Abdulahi Ahmad Jama also know as Gen. Ilkajiir was received by Yemen government officials in the airport. A report says that president Farole will meet with Yemenis president later on to discuss about Asylums, security and commerce between the both parties. Puntland State, a stable self-governing region in northeastern Somalia has been relatively stable since declaring autonomy in 1998. The region considers itself part of a future federal Somalia and maintains its own government, security forces and holds elections as mandated by the constitution. GAROWEONLINE
  10. A fine press release full detail and accuracy. Now anyone for Attams pic?
  11. AUN, and may his family find courage at this difficult of times.
  12. Garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaa saakay ka dhoofay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Puntland C/raxmaan Xaaji Maxamed Faroole, iyadoo muddo ka yar saacadna ka degay magaalada Cadan ee dalka Yeman, kaddib markii Dowladda dalkaasi ay u fidisay martiqaad muddo saddex maalmood ah ay ku joogayaan dalkaasi. Wararka ku saabsan socdaalka Madaxweyne Faroole uu ku tegay dalka Yeman ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro kulamo uu halkaasi kula yeelanayo Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax iyo madax ka tirsan Dowladda Yeman, waxaana kulankaasi oo ah midkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Faroole uu la yeesho madaxda dalka Yeman ay uga wadahadlayaan xiriirka labada dal, arrimaha burcad badeeda iyo iskaashi dhex maraya Puntland iyo Dowladda Yeman. Wafdiga Madaxweyne Faroole ayaa la filayaa mudada uu joogo dalka Yeman inuu kulamo kale la yeesho jaaliyadda Soomaalida ee degan Yeman, isagoona madaxda iyo maamulka jaaliyadda Soomaalida Yeman kala hadli doono arrimaha tahriibka iyo xaaladda guud ee Soomaalida halkaasi degan. Dhinaca kale ujeedada ugu weyn ee Madaxweyne Faroole ayaa la shegayaa inay la xiriirto casuumadda uu ka helay Dowladda Yeman oo iyana dooneysa in maamulada Soomaalida ay kala hadasho arrimaha tahriibayaasha ku dhammaanaya xeebaha u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo hakin lahaa. XafiiskaWarqabadka Allidamaale
  13. There is no argument here, aside from the supporters of the man who is afraid to show his face in Public, this article does not have traction. Puntland will not be affected by an unbalanced article. Lets move on, but the thread has proven beyond a shadow of a doubt that a a man who hides his face and his diaspora supporters can not be taken seriously.
  14. With the aware and educated leaders like Faroole & Ilkajiir Puntland is not going to succumb to a weak article from a discriminatory author who does not know what’s taking place on the ground.
  15. I think people need to stop believing their own lies. The truth is simple, Puntland exists and we can provide documentation, pictures, audios and vide o its existence. The US admin has named it with Somaliland as two key regional states that will get support from now on. How clan rivalry complicates terror threat[/b is neither here nor there. I don’t see the US changing its mind, and Attam showing his face any time soon. SSC is a real entity, with recognizable leadership and Diaspora support. They have a valid reason and quest. Also who’s idea was it to refer to SSC regions as “conflict regions” and how does this new label help the development of these regions? Many questions and few answers, but the fact remains this article only assists those who are looking for a route out from a debacle they helped create.
  16. Congrats Juxa, well done sister and all the best inshaAllah...
  17. ^^^Indeed thay are just encouraging bad behavior which is not required at the moment.
  18. Madaxwaynaha Dawlada Puntland Oo Gaaray Yemen. Posted by Ali on October 1st, 2010 Sanca(Puntlandi.com);- Madaxwaynaha Dawlada Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa ka dagay magaalada Sanca ee casimada dalka Yemen. Madaxwayne Faroole ayaa ka soo kicitimay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay dalka yemen. Masuuliyiin ka agdhaw madaxwaynaha ayaa sheegay in uu whliyo wasiirka arimaha gudaha dawlada Puntland Gen Ilka Jiir iyo masuuliyiin katirsan dawladiisa. Wafdiga madaxwaynaha ayaa waxaa garonka ka soo galbiyay madax katirsan dawlada Yemen waxaana ladajiyay halkii loogu talagalay. Madaxwaynaha dawlada Puntland ayaa wararka qaar sheegayaan in dhigiisa yaman kala hadli doono arimo ay kamiduhiin ladagaalanka Burcad badeeda joojinta tahriibka iyo xoojinta xiriirka labada dal. Ali Ahmed Abdi
  19. Madaxweynaha Puntland oo ka dagey dalka Yamen 1 Oct 1, 2010 - 3:05:36 AM Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamad Farole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka galinkii hore 1 Oct,2010 ka dagey dalka Yamen. Waftiga Madaxweynaha Puntland uu hogaamniyo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha gudaha Gen.Ilkajiir iyo xubno kale kuwaasoo gagida diyaaradaha kusoo dhoweyeen saraakiil ka tirsan dowlada Yamen. Waftiga Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu casumaad rasmi ah ka haystaan Madaxweynaha dalka Yamen iyadoo la filayo iney kulmaan dhowaan. Dhinaca kale waftiga Madaxweynaha ayaa kasoo duuley magaalada Addis Ababa halkaas oo ay booqasho ku joogeen maalmihii alsoo dhaafey. Booqashada dalka Yamen ayaa la filayaa in Madaxweyne Faroole kala hadlo madaxdooda arrimaha Tahriibta, amniga iyo ganacsiga madaama Puntland xuduud dhow la leedahay dalkaas. GAROWEONLINE