General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. To fight jointly against any group or individual terrorist coming towards jurisdictions under Puntland and Galmudug control. In any terrorist act committed inside Puntland and Galmudug, the two parties will have cooperation in terms political, intelligence and other support. To extradite all criminals who commit killings and property robbery and escape from one administration to another. To fight jointly and eradicate piracy from regions administered by Puntland and Galmudug. Establishing two Committees: Its clear from the above article and the way its worded that this does not mean clan groups or admins, but the devil of Al Shabaab.
  2. Puntlad leader spoke well. Liibaan stop your crap adeer..Your "SSC" freedome fighters are holding parties in Minneapolis while there is massacre. The leadership has been patient, it has not been provocative and did its best to being reason to the table. The secessionist as the President stated have been provoking Puntland for a long time, with LA, Galgala and now Cayn, there is a time when one has to defend himself, they were warned on many an occasion. Now they have our attention the whole state will fight and be reasy for it.
  3. "Madax duubte dooni mayno, daryeel & difaac baan doonaynaa, dulmigana waanu diidan nahay" Banaanbax maalintii 2-aad ka dhacay Galkacyo. Galkacyo, Feb 20 - Banaanbax balaaran ayaa maalintii 2-aad ka dhacay magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug. Banaanbaxa oo ujeedadiisu ay ka duwan tahay kii shalay, ayna isugu soo baxeen dad aad uga badan kuwii shalay mudaaharaaday, ayaa lagu wajahaya amniga Galkacyo iyo colaada ka aloosan gobollada Sool & Cayn. Amniga Galkacyo Dadka mudaaharaaday ayaa ka cabanayey amni xumada ka jirta magaalada Galkacyo oo ay sheegeen in uu gaaray heerkii ugu xumaa, waxna aan laga qaban. "Waxaa la dilay wasiiro, xeer ilaaliyayaal maxkamadeed, garyaqaano, nabadoono, ganacsato, iyo wax garad, cid loo qabtay miyaad garanaysaan?" ayaa uu yiri banaanbaxe ka hadlay ammaan darida ka jirta magaalada Galkacyo. Gobollada Sool & Cayn Banaanbaxayaasha ayaa sidoo kale ka hadlay gulufka colaadeed ee ka aloosan gobollada Sool & Cayn oo banaanbaxayaashu ay sheegeen in dawlada Puntland ay gabtay kaalintii kaga aadanayd. Dawlada Puntland ayay ku eedeeyeen in ay albaabada ka xiratay gobollada Sool & Cayn, ayna siyaasad ahaan ay raali ka tahay in gobolladaasi ay u gacan galaan Somaliland. Mudaaharaadka maanta ka dhacay Galkacyo ayaa la jaanqaadaya mudaaharaad kale oo ka dhacay maanta Garowe oo lagu dhaliilay kaalinta dawlada Puntland ee colaada gobolka Cayn. Gelinkii hore ee maanta ayaa dagaal khasaare lixaad leh gaystay uu ku dhex maray meelo ka mid ha gobolka Cayn ciidamo beeleedka gobolka Cayn iyo ciidamada Somaliland ee fariisimada ka samaystay gobolka Cayn. Mudaaharaadkii shalay ayaa lagu diiday heshiiska dawlada Puntland ay la gashay Galmudug oo lagu macneeyey mid aan laga tala-gelin shacabka gobolka Mudug, danna aan ugu jirin. Cumar Afguduud, Daljir, Galkacyo.
  4. "Waxaan ka mudaaharaadaynaa dadkayaga lagu laynayo Buuhoodle illa Kalshaale" mudaaharaad ka dhacay Garowe. Garowe, Feb 20 - Mudaaharaad looga soo horjeedo colaada ka aloosan gobollada Sool & Cayn, laguna dhaliilay kaalinta dawlada Puntland ayaa maanta ka dhacay caasimada Puntland ee Garowe. Banaanbaxayaasha ayaa si caro leh uga hadlay dagaalka joogtada ah ee ka socda balliga Kalshaale iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka Cayn. Banaanbaxyaasha ayaa isugu soo baxay barxada weyn ee magaalada Garowe oo ay hadalo ka jeediyeen qaar ka mid ah dadka banaanbaxayey. Waxaa ay ku eedeeyeen Somaliland in ay colaad hurinayso, ayna wadato qorshe dhulbalaarsi. Waxaa ay eedayn u soo jeediyeen dawlada Puntland oo ay sheegeen in ay aanay kana hadal, waxna ka qaban dagaalka Kalshaale. "Waxaanu ka mudaaharaadaynaa dadkayagu lagu laynayo Buuhoodle illaa Kalshaale ...maatida ay ku soo duushay Somalidiidka uu u taliyo Siilaanyo" ayaa ay tiri mid ka mid ah dadkii ka hadlay barxada Garowe. "Haddii dawlada Puntland ay keeni weydo garab iyo gaashaan, shacabka ayaa dhaqaaqaya, rag iyo dumar." ayaa ay tiri mid ka mid ah dadka mudaaharaaday. "Annagu dawlada Puntland weli cid kama hayno ...Siilaanyo waxaa uu rabaa in uu dalkayaga iyo dadkayaga afduub ku qabsado, mana aanaan ogolin" ayaa ka mid ahaa erayada ay tiri mid ka mid ah dadka mudaaharaaday. "Waxaan u arkaa dagaalka Kalshaale in uu yahay beel beel ku soo duushay, oo beeshaasina ay adeegsanayso hab dawladeed" ayuu yiri banaanbaxe kale.
  5. The attacks against Sharif Xasan has already begun.. Sharif Hassan; Speaker or Spoiler by Abdullahi Kulane http://www.gedoweb.com/index/modules.php?name=News&file=article&sid=6191
  6. I wonder what those who have been against any move to address this issue by holding an all inclusive nation coneference inside Somalia will say now? They hoped that Sharif and Farmaajo will be given an illegal extension to keep doing what they do best and watse time. Now what will they say as they meet their new master?
  7. CAMBARAYN XARIGA MAXAMED DHEERE http://www.radiofreesomalia.com/maqaal_faadumo_qorweyne_feb20.html
  8. ^^^Not sure why you are confusing yourself adeer. I did not make Mohamd Dheere a clan icon, he did that all by himself and I am not sure how I am clan related to the man or inciting hatred by stating the obvious. If you read any of the sites of this particular community or their forums you would not be speaking as you are now. Farmaajo and Sharif have just made the man more important than he ever was....
  9. Baarlamaakna DKG ee Soomaaliya oo gacantaag ku ansixiyey in ay ku darsadaan muddo seddex sanno ah Baarlamaanka DFKG oo Isku Raacay Waqtiga La Dooranaayo Madaxweynaha Soomaaliya 11 hours ago | 2 comments Share 00 Kulan ay maalintii shalay isugu yimaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayey uga doodeen qodobo muhim ah kuwaas oo khuseeya Axdiga kumeelgaarka ah, iyo waqtiga la dooran doono Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya. Fadhigii Baarlamaanka oo uu shirguddoominaayey Shairiif Xassan Shiikh Adam ayaa waxaa ka soo qaybgalay xildhibaano gaaraya 380 xildhibaan. Ugu horeynti waxaa ay ka doodeen in Axdiga kumeelgaarka ah meelo kamid ah wax laga baddalo waxaana kamid ahaa meelaha wax laga baddalay. Qaabka loo ansixinaayo Raysalwasaaraha iyo xukuumaddiisa taas oo xildhibaanadu isku raaceen in ay noqoto qaabka qarsoodiga ah, si looga dheeraado muran danbe oo arintaas ka dhasha. Sidoo kale waxa ay wax ka baddaleen muddada Madaxweynaha cusub ee imaandoona halkii ay ka ahayd 5 sano ayaa laga dhigey 3 sano oo keliya. Xildhibaanada ayaa sidoo kale isku raacay in Madaxweynaha cusub maalinta la dooran doono ay noqoto dhamaadka bisha July ee sanadkan 2011, Xildhibaanada ayaa sidoo kale go’aamiyey in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo magacaabo guddigii fulin lahaa hawlaha waqtiga kala guurka ah. Go’aamada ay gaareen xildhibaanadu ayaa dhamaantood lagu meelmariyey cod aqlabiyad ah. Horseed Media
  10. AMISOM oo qiratay in dagaallada Muqdisho looga dilay askar, iyaguna ay dileen dagaalayahanno shisheeye ah Axad, 20 Feberaayo, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xarunta AMISOM ee Muqdisho ayay ku sheegtay in dagaalladii shalay looga dilay laba askari, tiro kalena looga dhaawacay, ayna dhankooda dileen lix dagaalyahan oo shisheeye ah, kuwaasoo ka barbar dagaallamayay xoogagga Xarrakatul Shabaab. “AMISOM waxay dagaalladii Muqdisho ku wayday laba skari, dhowr kalena waa nalooga dhaawacay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Saraakiisha AMISOM waxay sheegeen in labada askari looga dilay weerarro gaadmo ah oo lagu soo qaaday mid ka mid ah saldhigyadooda, sidoo kalena saldhiggaas laga qaatay hub. Waxayna sidoo kale sheegeen in xoogagga Xarrakatul Shabaab ay isticmaaleen farsamooyin casri ah oo ay ka dhaxleen dagaalyahannada shisheeyaha ah ee ka barbar dagaalama. Dhanka kale, AMISOM waxay waraxaafadeedkeeda ku sheegtay inay dagaaladii ka dhacay Muqdisho ku dileen lix dagaalyahan oo u dagaalamayay Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ay sheegeen in badankood ay kasoo jeedaan dalalka Aasiya. Magacyada dagaallmayahanada ay sheegtay AMISOM inay dileen ayaa waxay kala yihiin: Majid Al-Yaxya Abu-Yaman (Xuuti, Yemen), Sahan Cabdow Barqish (lama yaqaan dalka uu kasoo jeedo), C/rabbi Mansuur (Pakistani), Amol Joorkay (Hindi), Saman Bito (Kenyan) iyo Cadbi Magid Asad (Syria). Dagaallada ay ku dileen dagaalyahanadan ayay sheegeen inay shalay ka dhaceen xaafada Siigaale ee degmada Hodan iyo xaafada Ceel-Hindi ee degmada Howlwadaag, kuwaasoo 500 mitir koonfur kaga beegan suuqa weyn ee Bakaaraha. Waxayna sidoo kale AMISOM sheegtay in Xarrakatul Shabaab ay dhowr jeer isku dayday inay maydadkaas si xoog ah ku qaadato balse ay u suurogeli wayday. Xarrakatul Shabaab oo iyaguna maanta soo bandhigay maydadka laba askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu dilay dagaalada ka socda Muqdisho ayaan ka jawaabin hadalka ku saabsan in dagaaladii shalay looga dilay dagaalyahano shisheeye ah oo u dagaallamayay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Zack adeer, the demo's in Galkacyu have nothing to do with the Galmudug agreement signed in the capital Garowe. The main main issues are CAYN, security and delivery of basic services, the people of Galkacyu and now Growe are demontrating for these things...People power is always a good thing.
  12. Waxaa xusid mudan in meydadka la keenay magaalada Buuhoodle ay ahaayeen kuwo lagu sameeyey ruuxtog ama silicdilyeyn, waxaana ka muuqata in la qabtey iyaga oo dhaawac ah laakiin la jiirsiiyey gawaarida dagaalka. Maamulka Puntland ayaa wali wax war kasoo saarin dagaalka ka dhacay deegaanadaasi,xilli mudaaharaadyo looga soo horjeedoo dagaalkaasi uu maanta ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe. Mudaaharaadyo lagu taageeraayo shacabka Gobolka Cayn ayaa maanta ka dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, shacabkii mudaaharaadaayey ayaa muujiyey sida ay uga xun yihiin doorka dagaalka ee xukuumadda Puntland, waxaana ay ku tilmaameen in xukuumaddu ay gacmaha iyo afkaba ka laabatay shacabka Gobolka Cayn. Si kastaba ha ahaatee Maamulka Somailand oo muddo caalamka u sheegayey in ay nabad iyo dimoqraadiyey ku taamayaan, ayaa hadda dhexdabaalanaya dagaallo ay ku qaadeen shacabka gobolka Cayn oo iyagu aan dooneyn Maamulka Somaliland, waxaana la isweydiinayaa halka uu ku danbeyn doono dagaalada gobolka Cayn iyo waxa beesha caalamku ka yeeli doonaan. Horseed Media
  13. Waxaa maanta isugu soo baxay dariiqyada waaweyn ee magaalada Garoowe shacab mudaaharaadaayey kuwaas oo ka cabanaayey sida xukuumadda Puntland ay afka iyo gacantaba uga xiratey colaada Somaliland ka wado gobolka Cayn. Dadka mudaaharaadaayey oo u badnaa haween, dhalinyaro iyo caruur ayaa socod ku maray jidka ee laamiga ah, ma jirin cidkatirsan xukuumadda iyo baarlamaanka Puntland oo la hadashey, Shacaba mudaaharaadka ka dhigaayey caasimadda Puntland ayaa ugu baaqey maamulka Somaliland in ay joojoyaan dagaalada gardarada ah ee ay ka wadaan gobolka Cayn, waxaana mudaaharaadku ku soo dhamaadey si nabadgelyo ah. Gaalkacyo Dhanka kale Mudaharaad ka balaaran kii shalay ayaa markale ka dhacay xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo, Mudaaharaadka ayaa waxaa soo abaabuley urarada dhalinyarada ee gobolka Mudug, waxaana ka soo qaybgalay siyaasiyiin uu kamid ayhaya Faarax Cabdi Doorshe oo horey u ahaan jirey wasiiru dawlaha amniga Puntland iyo Wasiirkii hore ee Caafdimaadka Dr.Bashiir Cali Biixi. Shacabka mudaaharaadka dhigaayey ayaa ku dhaliilay xukuumadda Dr.Faroole in ay ka gaabisey balanqaadkii bulshada iyo hankii loo qabey, waxa ay canbaareyn dusha uga tuureen in xukuumaddu aysan waxba ka soo qaadin colaadda iyo dagaalada Somaliland u tafaxaydatey ee ay ka waddo Gobolka Cayn. Mudaaharaadayaasha ayaa sidoo kale ka cabanaaya in xukuumaddu ay kor u qaadey canshuuraadka dalka laga qaado iyada oo aan waxba kaga qaban arimaha amaanka gaar ahaan gobolka Mudug oo ay adagtahay in Gaalkacyo si nabadgelyo ah lagu seexdo. Dadka mudaaharaadaayey ayaa canbaareyn dusha uga tuurey maamulka Somaliland, waxaana ay ku tilmaameen Madaxweynaha Somaliland in uu yahay dagaal ooge kaas oo shacab badan oo u dhashey gobolka Cayn ku xasuuqey deegaanadoodi. Si kastaba ha ahaatee waa markii labaad oo magaalada Gaalakacyo uu ka dhacay Mudaaharaad, Xukuumadda Puntland ayaan iyadu weli si toos ah uga hadal mudaaharaadka iyo waxa shacabku ka cabanaayo, marka laga reebo maamulka Gobolka Mudug oo ku tilmaamey dhawr nin oo Makrafoon meel la istaage, Xaaladdu dalku ku jiro ayaa ah mid aad u qalafsan waxaana dadka hal mar ay wada kulaalayaan Abaar, biyo la’aan iyo Colaad is huwan. Horseed Media
  14. Gaaalkacyo:(Allpuntland)-Iyadoo ay saaka dagaalo culus oo dhexmaray ciidamo katirsan kuwa maamulka la magacbaxay Somaliland & dadka deegaanka islamarkaasna khasaaro kaladuwan oo dhimasho & Dhaawacba leh kuwaas oo ay kujiraan labada dhinac ee dagaalkan ka qeybgalaya ayaa waxaa isa soo taraya canbaareynta dagaalkan loo jeedinayo iyadoo shucuubta reer Puntland ee dal & dibadba ay muujiyeen inay ka xunyihiin dagaalka soo noqnoqday ee Kalshaale oo ah mid ay Somaliland ku doonayso dhulbalaarsi & qabasashada deegaanada xasiloon ee Puntland gaar ahaana kuwa kuyaala xuduudka SSC. Shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dhigay banaanbax maalintii labaad dhacaya kuwaas oo ay uga soo horjeedeen Dagaalada Kalshaale,Heshiiskii Puntland & Galmudug Iyo Wax ka qabasho la'aanta amaanka guud ee gobolka Mudug ayaa maanta banaanbaxoodii ku muujiyey sida ay uga xunyihiin dagaalada Damacdoon ee maamulka Somaliland uu markale kusoo qaaday shacabka gobolka Ceyn ee Puntland,iyagoo sidoo kalena watay boorar ay ku qornaayeen erayo lidi ku ah Maamulka Somaliland & weerarka qaawan ee uu ku waday shacabka gobolada SSC,iyagoo dawlada dhexena ugu baaqay inay u istaagto difaacista gobolka Ceyn. Banaanbixii maanta oo ay ujeedada ugu muhiimsani ahayd canbaareynta dagaalka kasoo cusboonaaday Kalshaale ayaa waxaa ka hadlay qaarkamid ah Haweenka,Odayaasha & Waxgaradka gobolka Mudug oo goobta ka jeediyey hadalo u badnaa Duco ay udirayaan shacabka reer Buuhoodle oo ay ku tilmaameen geesiyaal u babacdhigay ciidamo ka awood badan una dhigay cashar taariikhi ah markasta,waxaana ay sheegeen inay diyaar uyihiin inay kaalmo ciidan & Mid caafimaadba la gaaraan shacabka reer Ceyn ee dagaalka qaawan lagu hayo aysanna jirin dawlad imika u eg inay difaacayso. Cabdiqani Xayir Allpuntland
  15. Article 3 Multi-sided Relations To cooperate in all matters related to security, economy, politics as well as social issues. The parties issued an international appeal regarding the drought in Somalia and requested from the United Nations and the international community the delivery of emergency humanitarian aid to the regions affected by the severe drought. The parties agreed to host the IDPs who are fleeing from the regions paralyzed by continuous armed conflict.Implementation of AgreementThis Agreement will be implemented upon the signature of the two administrations. The names of Puntland and Galmudug officials Puntland Government Gen. Abdisamad Ali Shire, Vice President of Puntland Gen. Yusuf Ahmed Kheyr, Security Minister Asha Ghelle Diriye, Women and Family Affairs Minister Abdiweli Hersi Abdulle, Labor, Youth and Sports Minister Dr. Abdi Hassan Jimale, State Minister for Democratization & Federal Affairs Ali Yusuf Ali-Hosh, Internal Affairs Deputy Minister Burhan Elmi Hersi, Environment, Wildlife and Tourism Deputy Minister Namers of Galmudug Officials Abdisamad Nur Guled, Vice President of Galmudug Hassan Farah Barre, Reconciliation and Federal Affairs Minister Abdullahi Jama Dhore, Finance Minister Gen. Abdi Hassan Awale (Qeybdiid) Ali Hashi Dhore The official signature of the Agreement between Puntland and Galmudug Gen. Abdisamad Ali ShireVice President Puntland Abdisamad Nur GuledVice President Galmudug
  16. Article 2 General Security To fight jointly against any group or individual terrorist coming towards jurisdictions under Puntland and Galmudug control. In any terrorist act committed inside Puntland and Galmudug, the two parties will have cooperation in terms political, intelligence and other support. To extradite all criminals who commit killings and property robbery and escape from one administration to another. To fight jointly and eradicate piracy from regions administered by Puntland and Galmudug. Establishing two Committees: a) The High Committee for Security and Cooperation, with 10 members equally appointed by the administrations, which will hold regular meetings once every 3 months, unless there is an emergency meeting. b) The Region-level Executive Committee, with 14 members equally appointed by the administrations. This Committee can have sub-committees to ease the tasks. c) The members of the two committees will be named within 2 weeks, starting from the day this agreement is signed. The Committees shall hold regular meetings on a rotational basis between the two administrations. The duties of the High Committee for Security and Cooperation: Supervising and guiding regional-level committee tasks. Finding solution for the chronic conflicts that have paralyzed the stability and development of the people of Mudug Region. The duties of the Region-level Executive Committee Establishing working relationship in the region’s security affairs. Information-sharing and communication flow at region-level. Designing a plan for security affairs at region-level. Benefiting from water and pasture resources in a peaceful manner. Establishing a regular working relationship between the two security forces at region-level. Establishing a Joint Security Force that prevents terrorist acts and unrest when need arises. Regularly informing and consulting with the High Committee for Security and Cooperation.
  17. Article 1 Finding solution to the Somali crises As the Somali situation is currently at a dangerous point, Puntland and Galmudug have agreed: The unity of Somalia is necessary and can be achieved only through a federal government structure. The term-extension by the TFG Parliament is not in favor of the Somali people at this point intime, thereby disappointing the Somali people and the international community. We uphold that the solution to the Somali crises lies in holding a National Conference which would lay the foundation for the establishment of an all-inclusive Somali Government, and to hold such a conference at an appropriate location inside the country. The National Conference must be convened and completed during the remaining months of the TFG mandate, which ends 20 August 2011. To form an Organizing Committee for the National Conference, consisting of representatives from TFG, Puntland, Galmudug, Somaliland, Ahlu Sunna, and other local administrations and representatives from territories without an established administration. In order to achieve inclusive participation for the National Conference, the Galmudug Regional Administration has availed itself to mediate between TFG and Puntland Government.
  18. delegation from the Galmudug Administration arrived in the Puntland capital city of Garowe on 15 February 2011. The delegation engaged in a meeting with Puntland Government officials and the objective of this meeting was to discuss how Puntland and Galmudug could have neighborly cooperation and jointly prevent threats to Somalia in general, and particularly to regions under their control. Discussions regarding cooperation between the two entities were attended by higher officials from Puntland and Galmudug and the discussion centered around three key points: 1- Finding solution to the Somali crises a. How the two parties can jointly take a clear position in Somali affairs? b. Issues surrounding the term-extension of the TFG Parliament and Government. c. How a National Reconciliation Conference could be held and where? 2. Security issuesa. Cooperation on land and at sea. a. Cooperation on land and at sea. b. Reinforcing security cooperation. c. Establishing working relations between the two administrations. 3. Multi-sided cooperationa. a- Cooperation in economic and trade relations. b- Cooperation in social affairs (education, sports and health). c- Cooperation in managing IDPs and drought response. After officials from the two sides discussed point-by-point the above-mentioned agenda, they have reached the following agreement:
  19. Dagaalada Muqdisho oo galay maalinti labaad Dagaalada Magaalada Muqdisho shalay ka bilowday ayaa galay maalinti labaad, kadib marki saakay uu dib uga bilwday deegaanadi shalay shalay lagu diririay. Dagaalada ayaa waxa xoogooda ay ka socdaan degmada Hodan halkaasi oo labada dhinac mudo isku hor fadhiyeen, waxaana si xoog ah ay isu weeydaarsanayaan madaafiic. Madaafiic ayaa waxaa xoogooda ay ku socoyaa xaafada KPP sidoo kale Suuqa Bakaaraha ayaa isaguna si aad ah loo duqeynayaa iyadoo wararku ay sheegayaan in ganacsiga uu saakay ku bilowday si gaabis ah. Inkastoo dagaalka saakay bilowday ka yaryahay kii shalay ayaa hadana waxa dhici karto inuu xoogeysto. Dagaaladi shalay ayaa waxaa ku dhintay 13 ruux oo u badnaa dhinacyadi dagaalamay, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay in ka badan 30 ruux oo rayid ah kuwaasi oo la dhigay cisbitaalada Magaalada Muqdisho. *
  20. Dagaalo culus oo ka dhacey Muqdisho 19 Feb 19, 2011 - 12:02:46 PM Ugu yaraan 21-qof oo shacab iyo askartii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaalo culus oo maanta ka dhacay Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 40-qof oo dhamaantood ahaa shacab ay madaafiicda iyo rasaastu ugu tagtay deegaano ku dhow iyo kuwo ka fog kuwa lagu dagaalamayay. Sarkaal u hadlay DF ayaa sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen, ayna qabsadeen fariisimo ay kooxda Al-shabaab kaga sugnaayeen degmada Hodan oo kulaasha Villa Somalia, waxaana dagaalka oo soo gaaray galinkii dambe ee maanta qayb ka ahaa ciidamada AMISOM. Isbitaalada Muqdisho ayaa waxaa la geeyay dhaawac fara badan, iyadoo qaarkood ay ku dhinteen isbitaalada ka hor intii aan loo sameyn gargaar caafimaad, iyadoo dhaqaatiirta isbitaaladu ay dhimashadooda ku sheegeen inay ku timid dhaawacyada ay qabeen oo ahaa kuwo culus. Taliyaha ilaalada Villa Somalia Col. C/llaahi Cali Caanood oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dagaalka looga dilay sarkaal iyo askari ka tirsan ciidankooda ayna kaga dhaawcmeen 6-askari oo kale. "Ciidamadeenu waxay ku sugan yihiin meel ku dhow degmada Howlwadaag, sababta aan dagaalka u qaadnayna waxay ahayd inaan iska fogeyno ciidamada Al-shabaab oo rasaas kusoo rida Madaxtooyada" ayuu yiri Col. Caanood. Sarkaalkan ayaa sheegay inay arkeen maydadka laba ka mid ah dagaalayahanada kooxda Shabaab ayna filayaan inay jiraan kuwo kale oo ay jiiteen intii uu dagaalku socday. Afhayeenka Al-shabaab Sh. C/casiis Abu-Muscab oo isaguna ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay guulo ka gaareen, ayna ku dileen 5-askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo 7-askari oo ciidamada DF ka mid ah, isagoo sheegay inay kaga furteen hub. Sh. Abu-Muscab ma uusan sheegin khasaaraha kasoo gaartay dagaalka, wuxuuse xusay in dagaalku uu ahaa mid lagu soo qaaday ciidankooda ayna iska difaaceen, isagoo sheegay in ciidamadoodu ay ku sugan yihiin dhufeysyadii ay horay u joogeen. Dagaalada ayaa waxay saameyn ku yeesheen degmooyinka Hodan iyo Wardhiigley oo daris la ah degmada Howlwadaag, waxaana ilo wareedyo madaxbanaan ay u sheegeen Garowe Online in ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay ku durkeen goobaha ay Al-shabaab ku sugan tahay. Madaafiicda ka dhacayay saldhiyada AMISOM iyo kuwa DF ee Muqdisho ayaa ku dhacayay degmooyin Yaaqshiid iyo Huriwaa, halkaasoo ay ka geysteen khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac. Maj. Barigye Behuko oo ah afhayeenka AMISOM ayaa shalay sheegay inay weeraro qaadayaan, waxaana isagoo maanta ka hadlayay dagaalka dhacay uu sheegay in qorshahoodu uusan ahayn inay deegaan qabsadaan balse ay tahay inay nabada gaarsiiyaan Muqdisho. Afhayeenka AMISOM wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha dagaalka kasoo gaaray, isagoo diiday inuu beeniyo iyo inuu rumeeyo hadalka Al-shabaab ay ku sheegtay inay ku dileen dagaalkii maanta 5-askari oo u dhashay dalka Uganda. GAROWEONLINE
  21. Well said Paragon I hope all is well with you in the UK.