General Duke

Nomads
  • Content Count

    37,626
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by General Duke

  1. ^^^do you know how expense that stuff is? It was a gift to kings.
  2. An Ameican Senator walking around Bosaso is a big enough coup. It's a moment that changes perceptionsz
  3. An American in Bosaso <img src=" http://mxcdn.horseedmedia.net/wp-content/uploads/2011/05/IMG_5337.jpg" alt="" />
  4. Puntland State of Somalia PRESS RELEASE April 30, 2011 U.S. Senator Kirk Visits Somalia’s Stable State of Puntland A U.S. delegation led by Senator Mark Kirk elected from the U.S. State of Illinois has visited Puntland, a self-governing stable state in northern Somalia. Senator Kirk’s visit to Puntland on Saturday marks the first high-profile visit by an American leader to Somalia since 1992, when former U.S. President George H. W. Bush arrived in Mogadishu to support the American-led humanitarian relief effort in Somalia. The Senator and his delegation were welcomed at the Bossaso International Airport by senior officials of the Puntland Government, including Chief of Staff Ali (Barre) Jama, Education Minister Abdi Farah (Juha) and Environment Minister Abdigani Yusuf Adde. Senator Kirk who accepted the President’s official invitation to visit Puntland received a warm welcome at the State House in Bossaso by the President of Puntland State of Somalia, H.E. Abdirahman Mohamed Mohamud (Farole). Discussions between the Senator’s delegation and Puntland officials covered a range of topics, including the current drought situation; security, anti-piracy and counterterrorism efforts; democratization process; humanitarian aid; international cooperation and development; and U.S. support for stable regions in Somalia. Senator Kirk and his delegation went on a tour of Bossaso afterwards. The delegation visited and were briefed by officials at the Port of Bossaso; Ministry of Finance; Ministry of Maritime Transport and Ports; Puntland Central Bank’s Bossaso branch; Bossaso General Hospital; Puntland Marine Force (PMF) compound in the outskirts of Bossaso; the Bossaso Animal Holding Ground (animal quarantine); and the tour concluded with a stopover at the city’s main prison, where over 240 pirates are jailed. Senator Kirk and his delegation flew back to Djibouti after expressing his delight with visiting Puntland and praising the State for its stability. It is the first time that a senior U.S. official has visited Puntland since the state was established as Somalia’s first federal state in 1998. Communications Office The Puntland Presidency Puntland State of Somalia E-mail: info@puntland-gov.net Web: www.puntland-gov.net
  5. Saturday, April 30th, 2011 at 01:32 pm Wafdi Mareykan ah oo uu Hogaaminayo Senator Caan ah oo Maanta Gaaray Boosaaso Boosaaso (RBC) Wafdi ka socda dawlada Mareykanka ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso iyagoo kulan la qaatay madaxweyne C/raxmaan Faroole. Wafdigan oo ka yimid magaalada Nairobi ayaa waxaa hogaaminaya senator Mark Kirk oo ka tirsan aqalka senate-ka Mareykanka, kana tirsan guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka. Wafdiga ayaa markii ay gaareen Boosaaso waxay kulan xarunta madaxtooyada kula qaateen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ee Puntland. Warar hiordhac ah oo RBC Radio ka heley kulanka dhexmarey Puntland iyo wafdiga Mareykanka ayaa looga hadlay arimaha siyaasada Soomaaliya, xiriirka DKMG iyo Puntland iyo watiga kala guurka ee DKMG ee muranka badani ku jiro. Sida ilo wareedyada an heleyno sheegayaan madaxweyne Faroole ayaa xubnaha wafdiga uga waramay xaalada Soomaaliya iyo mawqifka Puntland ee ku wajahan arimaha DKMG. Socdaalka Wafdiga uu hogaaminayo senator Mark Kirk ayaa qeyb ka ah socdaal beryahan wafdigaasi ku soo bixiyeen wadamo badan oo ka tirsan Bariga Afrika sida Ethiopia, Kenya iyo Djibouti oo ay horey u soo mareen. RBC Radio
  6. Madaxweynaha Puntland iyo wafdi Maraykan ah oo ku shiraya madaxtooyada Bosaso April 30, 2011 **//** Warar Somaali Madaxweynaha dawlada Puntland Dr C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxa uu haatan aqalaka madaxtooyada Bosaso* kulan albaabadu u xiran yihiin kula leeyahay wafdi Maraykan ah oo maanta soo gaaray magaalada Bosaso Wafdigan ayaa waxa la sheegay inuu horkacayo Senator Mark Kirk oo isagu xubin ka ah guddiga dhaqaalaha Maraykanka Magaalada Bosaso ayaa si weyn maanta loo adkeeyay amaankeeda iyada oo ciidamada amaanku ay ku sugnaayeen wadooyinka inteeda badan. Wixii warar ah ee soo kordha Isha ku hay Puntlandnews24.com
  7. ^^^ lol@ Highjacking your own thread. Adeer it's all good, this news won't be good fir those who wanted to destroy the State. In fact Al Shabaab are losing ground everywhere and Sharif is running out of time. Thr secessionist are in the bondage of their own making and that's that.
  8. ^^ just reminding you not to make up stories about Puntland and not to repeat old ladies gossip that you hear. Ngoonge is a born again secessionist he knows not what he is talking about.
  9. Not sure what Che is talking about, but it ain't tense in Garsoor tonight. This is a good development.
  10. Wafti ka socda Dalka Mareykanka oo Booqasho ku yimid Bosaso, uuna hor kacayo Senator Mark Kirk Posted by mohamud AA on April 30th, 2011 Bosaso(Puntlandi.com) Wafti Mareykan ah oo uu horkacayo Senator Mark Kirk ayaa maanta Booqasho rasmi ah ku yimid Puntland,*Madaxweynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliya Mudane Cabdirahmaan faroole ayaa waftigaan ku qaabiley Xarunta Madaxtooyada ee ku taal Magaalada Bosaso. Waftiga uu horkacaya Senator Mark Kirk oo xubin buuxda ka ah Gudiga Dhaqaalaha Mareykanka* ayaa shir albaabadu u xiran yihiin kula jira hada masuuliyiinta ugu sareysa Dowlada Puntland oo uu hormuudka ka yahey madaxweyne faroole. Waftigaan ayaa maalmahaan booqasho ku marayey dhowr wadan oo Afrikaan ah, ujeedada safarkoosana ilaa hada lama shaacin.
  11. Boosaaso(AllPuntland)- Waxaa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi ka socda dowlada Maraykanka, halkaasi oo kulan ay kula qaateen Madaxweynaha DGPL C/raxmaan Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda. Wafdigan oo uu hoggaaminaayo Senator Mark Kirk oo ka tirsan Senatarada Maraykanka ayaa waxaa ay ka wada hadleen Labada dhinac arimo ku saabsan arrimaha amaan ee Puntland, xaaladda Soomaaliya, xiriirka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya Dowladda KMG iyo Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa burcad badeeda Soomaalida. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka codsaday masuu'liyiinta Maraykanka in ay garab istaagaan Puntland isla markaana ka taageeraan dhinacyada amaanka, la dagaalanka burcad badeeda iyo qodobo kale. Safarka wafdigan Mareykanka ee uu hoggaaminaayo Senator Mark Kirk ayaa waxa uu qeyb ka yahay socdaalo ay ku marayaan dalalka bariga Afriga, iyagoo horay u soo maray wadamada Jabuuti, Kenya iyo Ethiopia, waxaana laga yaabaa in ay safaro kale u tagaan gobolada kale ee Soomaaliya.
  12. * Senator Kirk oo ka dhoofay Boosaaso; xarumaha dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo uu soo kormeeray. Sat, 30 Apr 2011 11:28:04 -0400 am -04:00 -14400** Boosaaso, April 30 - Senator Mark Kirk oo ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay maddaarka Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso, kadib safar qaatay maalin oo uu ku joogay magaalada Boosaaso. Senator Mark Kirk ayaa intii uu joogay magaalada Boosaaso waxa uu shirar kala duwan la qaatay madaxwaynaha dawladda Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada. Odaygu waxa kale oo uu booqday goobaha muhiimka ah ee ku yaal magaalada Boosaaso, sida dekedda, wasaaradda maaliyadda, bankiga dhexe, maxjarka xoolaha iyo waliba xabsiga wayn ee magaalada Boosaaso. Shirarka iyo dhaq-dhaqaaqa wafdiga ee magaalada Boosaaso ayaa labadaba waxa laga mamnuucay saxaafadda, haseyeeshee ilo ku dhow madaxtooyada oo ay Daljir la hadashay ayaa noo sheegay in booqashada oday Mark Kirk nuxurkeedu ahaa laba qodob oo muhiim ah. Waa kan horee, in uu u dhabbo-galo xaaladda burcad-badeedda Puntland iyo sida ay dawladda Puntland uga go'antahay, guulana uga gaadhayla dagaalankeeda. Wafdiga ayaa loo sheegay in Puntland ay tahay meesha ugu badan adduunka ee ay ku xiran yihiin burcad-badeedda kuwaas oo kor u dhaafaya 300 oo maxbuus. Maxaabiistaa ayaa intooda badan waxa ay ku xiran yihiin xabsiga Boosaaso halkaa oo ka mid ahayd meelihii uu booqday Sanator Kirk. Ahamiyad labaad ee safarka Kirk ayaa ahayd sidii uu ugu kuur-gali lahaa daganaanshaha iyo horumarka ka jira Puntland isla markaana ay Puntland uga faa'idaysan lahays siyaasadda xukuumadda madaxwayne Barack Obama ee ku aaddan Soomaaliya ee loo yaqaano siyaasadda labo-itijjaaha ah ama "Dual Track policy". Wafdiga Senator Kirk oo Boosaaso soo gaaray saaka (Sabti) 7:30-kii subaxnimo ayaa shir-quraaceed ay ku qaateen aqalka madaxtooyada, goob-joogna ay ka ahaayeen madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada waxa si diirran loogu soo dhaweeyay Puntland, waxana halkaas loogu sharxay taariikhda Puntland, sababihii keenay asaaskeeda 1998-kii iyo waliba isbaddaladii dimuqraadiyadeed ee ay dhinaca maamulka ka soo martay tan iyo wixii ka dambeeyay muddadaas. Madaxwayne Faroole ayaa u sheegay wafdiga Senator Kirk in ay Puntland horumar la taaban karo ka gaartay barnaamijkeeda dimuqraadiyadaynta, waxana uu hoosta ka xariiqay in ay Puntland ka go'antahay, culayskasta oo jira, in ay hirgaliso nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka casriga ah. Senator Kirk ayaa isna dhiniciisa sheegay sida uu ula dhacsanyahay horumarka iyo ammaanka ka jira Puntland, waxana uu qiray in Puntland tahay mandiqad istaahisha in gacan laga siiyo arimaha horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha. Waxa uu sidoo kale ammaanay habka uu shaqeeyo maamulka madaniga ah ee dhinacyada maaliyadda, canshuuraha iyo xisaabaaka. Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay, inkasta oo aan wax isbaddal ah laga dareemin hannaan-socoka nolol-maalm-meedka caadiga ah, iyada oo uu wafdiga Kirk si habsami leh uga kala-dhex-gooshayay daafaha magaalada intii uu ku guda jiray indha-indhaynta xarumaha maamulka dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland. Waxa xusid mudan in Senator Mark Kirk uu yahay mas'uul la doorto oo Maraykan ah kii labaad ee ugu darajada sareeyay ee abid booqda Soomaaliya, marka laga soo tago booqashadii madaxwayne Goerge Bush-kii aabaha ahaa uu ku tagay magaalada Baydhabo sannadkii 1994-kii. Sanator Mark Kirk waa oday ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxana uu soo galay aqalka odayaasha Maraykanka bishii November ee sannadkii tagay ee 2010-kii. Waxa laga soo doortaa magaalada Chicago, ee gobolka Illinois, kursiga uu hadda fadhiyana waxa horay u lahaan jiray madaxwaynaha Maraykanka Barack Obama. Waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee aqalka odayaasha, waxana uu sidoo kale xubin ka yahay gole-hoosaadyada maaliyadda iyo ammaanka aqalka odayaasha Maraykanka. Ka hor, laga soo bilaabo sannadkii 2001-dii, waxa uu ahaa mudane ka tirsan aqalka wakiillada. Galabta 4:30 xilliga Afrikada bari ayuu Senator Mark Kirk iyo wafdigiisii oo ka koobnaa lix xubnood waxa ay dib ugu noqdeen magaalada Jabuuti, halkaas oo ay markii horeba kaga soo arooreen magaalada Boosaaso. Diiwaanka Wararka, Daljir Boosaaso: Senator Kirk oo booqanaya Puntland; shir haatan ka socda xarunta madaxtooyada. Boosaaso, April 30 - Waxa maanta magaalada Boosaaso soo gaaray wafdi heer saro ah oo ka socda dalka Maraykanka. Wafdigan ayaa waxa hogaaminaya Senator Mark Kirk, waxana ay haatan shir albaabadu u xiran yahay ay la leeyihiin madaxwaynaha dawladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole. Wafdigan ayaa tobaadkii la soo dhaafay waxa uu booqanayay waddamo ku yaal gobolka Bariga Dhexe. Sanator Kirk oo laga soo doorto gobolka caanka ah ee Illinois waxa uu ka tirsan yahay guddiga dhaqaalaha ee Senate-ka Maraykanka. Wixii faahfaahin ah ee ka soo baxa shirka haatan ka socda madaxtooyada Puntland ee Boosaaso dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa. Diiwaanka Wararka, Daljir,
  13. Warbixin Guud:-Waa sidee Xaalada Gaalkacyo maanta ilaa caawa Posted by mohamud AA on April 29th, 2011 Gaalkacyo(Puntlandi.com) Magaalada Gaalkacyo ka dib rabshadihii arbacada ka dhacey ayaa hada caadigeedii kusoo laabatey, Shacabka magaalada guud ahaan ayaa dareemaya iney magaaladu sideedii hore kusoo laabatey iyagoo kalsooni buuxda ku qaba ciidanka Amaanka, Gudiga amanka Magaalada oo iyagu xilka Maamaulka magaalkada gacanta ku haya iyo Odayaal dhaqameedyada, kuwasoo wada jir ugu guntadey in la xaliyo rabshadihii dhexmarey Arbacadii labo beelood oo walaalo. dhinaca kale labada beelood ayaa isku afgartey in arinta si deg deg ah loo xaliyo si aysan tani oo kale u dhicin markale. Shacabka Magaalada ayaa guud ahaanba isku raacsan in shilkii dhacey arbacada uu ahaa mid qalad ku dhacey xiligaana aan loo baahneyn in waxyaabahaan oo kale ka dhexdhacaan shacabka Magaalada. Odayaasha beelaha magaalada ayaa dhamaantood u guntadey iney xaliyaan khilaafka kala dhexgaley qaar kamid ah beelaha Magaalada, waxeyna u muuqataa iney xal fiican ka gaareen. Dhinaca kale Gudoomiyaha Cusub ee Magaalada iyo Gudigiisa Amaanka ayaa dhinacood ku amrey ciidanka amaanka iney indhohooda furaan maalin iyo habeyn ba, Warar kale oo aad ugu dhow gudiga magalada ayaa noo xaqiijiyey in Ciidamo hor leh magaalada la keeney, ciidankaan wuxuu u badan yahey Ciidanka Dharcadka ah (PIS). Shacabka Magaalada waxaa hada ka muuqda wajigooda in ay mar hore dareemeen shaqada ay qabteen Gudiga Maamulka magaalada ee cusub. Goobaha lagu qaxweeyo ayaa sheekada ugu badan ee lagu hayo waxaa kamid ah amaanka magaalada oo isbadal laga dareemey, Rabshadihii arbacada dhacey oo ahaa kuwo dhexmarey labo beelood oo magaalada dega ayaa ahaa kuwo aan qarsooneyn, balse waxaa horey shacabka magaalada khalkhal ku galiyey dhibaatooyinka dilka ee ay geysanayaan Dad aan lagaraneyn, waxeyna hada dareemayaan shacabku kalsooni buuxda oo ay ku qabaan Ciidanka iyo Maamulka Cusub. Hadal heynta kale ee Suuqyada magaalada taaley maanta waxaa kamid ahaa, Goormuu imaanayaa Madaxweyne faroole Gaalkacyo,taasna waxey shacabku u arkaan in ay kalsoonida amaanka magaalada aad usii xoojineyso. Dadka Qaar waxey aaminsaniyihiin in ay habooneyd inuu madaxweynuhu si deg dega Gaalkacyo u yimaado halka Qaar aaminsanyihiin ineysan jirin sabab uu u yimaado Madaxweynuhu mar haduu xaalada magaalada la socdo saacad walba meeshuu doono ha joogee. Amarka ugu sareeya ee ay gaaryaan Gudiga amaanka Gaalkacyo oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha gobolka ee Cusb waxaa bixin kara Madaxweyne Cabdirahmaan Faroole, sida ku cadeyd Wareegtadii gudigaan lagusoo magacaabey. Xasan Farax Jamac oo kamid ah shacabka magaalada ayaa yiri” Gaalkacyo waxey hada u muuqataa iney ku taagantahey wado wanaagsan dhinaca Amaanka guud ahaanba, hadii dhacdadii dhacdey arbacadii degdeg loo xaliyana, waxaa magaalada laga dareemi doonaa Amaan aad u sareeya,dhacdadaas ayaa hada hakad yar galisey,lakiin waxaan ku rajo waynahey in gudiga cusub uu qorshe wanaagsan la yimid magaalada, Shacabkana waxaa ka muuqda iney garab taaganyihiin” Puntlandi.com
  14. Bandowgii Galkacyo oo xalay dhaqan-galay; ciidamada ammaanka oo qabtay hub iyo gaadiid sharci-darro ah. Fri, 29 Apr 2011 19:24:42 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo, April 29 - Ciidamada amniga Puntland ayaa hawl-galladoodii ugu horreeyey xalay ka bilaabay magaalada Galkacyo, kaddib markii dhawaan dawladdu ay maamul cusub u magacawday gobolka iyo degmada, shaacisayna wax-ka-qabashada ammaanka gobolka gaar ahaanna midka magaalada Galkacyo. Hawl-galladaas oo socday intii badnayd xalay illaa waabarkii ayaa sida uu daljir u sheegay madaxa ciidamada howl-gallada G/lle sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan waxa lagu qab-qabtay hub iyo gaadiid badan. In ka badan 40 gaadiid ah oo iskuga jira kuwa xarragada iyo kuwa xammuulka ayay ciidamadu hawl-galladoodii xalay ku qabteen. Gaadiidkan ayaa isugu jiray kuwo lagu qabtay bacaha muraayadaha lagu dhaajiyo iyo kuwo aan canshuurnayn, waxaana saakaya badankooda la dul-dhigay ganaaxyo lacageed iyadoo beersoolkiina laga fiiqay. Ciidamada amniga ayaa xalay jid-gooyooyin kala duwan dhigtay inta badan waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada Galkacyo, iyagoo baaritaanno dheeraad ah ku samaynayey dadka iyo gaadiidkaba. Ciidamada ammaanka ayaa si gaar ahna u bar-tilmaameedsanayey baarbuurta aan lahayn taagooyinka, kuwa aan canshuurnayn iyo kuwa leh bacaha madmadaw ee lagu dhajiyo muraayadaha baabuurta. Magaalada ayaa xalay xilli horaba waxa laga dareemayay in ay yaraadeen isku-socodka dadka iyo gaadiidka bandawga aawadiis. Hawl-galkaan ayaa lagu micneeyey mid golleeyahay xaqiijinta nabad-galyada magaalada Galkacyo oo in muddo ah daris la noqotay dilal qorshaysan iyo dabac xagga maamulka ah. Dhinaca kale, ciidamada nabad-galyadu waxay xalay wadeen qorshe lagu taabbo-galinayo bandawgii maamulku uu ku soo rogay magaalada Galkacyo kaasoo labo habeen-jirsaday. Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidkaba ku war-galinaya in ay u hoggaansamaan amarrada bandawga la xiriira si loo hubiyo in la sugo ammaanka magaalada. Magaalada Galkacyo saaka waxaa lagu arkayey baabuur makarfoonno ku xiran yihiin, kuwaasi oo laga naadinayey xilliga bandawga magaalada. Waxa nuse-saace lagu kordhiyay xilliga uu bilaabanayo dhaqan-galka bandowga iyada oo laga dhigay 5:30-ka. Hawl-galladaan ay wadaan ciidamada amnigu ayaa yimdi xilli muddooyinkii ugu danbeeyey si weyn looga walwalsanaa xaaladda ammaan ee magaalada Galkacyo, kaddib markii ay magaaladu isku-baddashay meel lagu ugaarsado wax-ku-oolka qaybaha kala duwan ee bulshada. C/fitaax Cu Geeddi, Daljir, Galkacyo.
  15. ^^^he has a way of missing the point at times. Galkacyu's security and that of the State is his responsability. If there are enemies within, deal with them, hunt them down and give the right ammount of resources to the project. Complaining to the media wont do anything...