
General Duke
Nomads-
Content Count
37,626 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by General Duke
-
Puntland Administration's Betrayal of the SSC People
General Duke replied to Taleexi's topic in Politics
^^^Thank you dear Khadar for making it clear. Xabsade is not to blame, for he is an individual from your clan. However the people of Punt land and the admin of Puntland is to blame for what’s happening in SSC. Xabsade is fine Kayse is fine, Puntland admin is bad. Adeer you are an honest persona and I respect that. However the world will take this part project SSC seriously when you deal with those who are occupaying your people on behalf of others. Xabsade, the SNM appointed governor of SOOL, Mayor of LA, and all these militias are from your clan, until you deal with them you will never get anywehere. Thus lets see those editorials, and Ali Khalif of Minnesota, Xaglatosiyo of Ohio and Garad Jama of Kenya will be just what they are clowns and laughing stocks with no land and no power. Keep it up, there is nothing you can do to Puntland or Faroole or anyone from that clan you seem to blame for all your weaknesses. Is that a big picture enough for ya? -
The President of Uganda’s mindless comment jeopardizes any resolution to the Somali dilemma. Sharif Ahmed over the past two years and 7 months has proven to be an utter failure. He lost all the gains of the previous admin and is now celebrating capturing old run down villas in Mogadishu. What will another 1 year achieve for his government? Farmaajo has been claiming that he was winning the war since January and its been six months and he has yet to capture the whole city with the support of over 10,000 AMISOM troops. Puntland State should walk away from this TFG and seek bringing the Somali’s together in its own terms and as custodians of Somalia.
-
Puntland Administration's Betrayal of the SSC People
General Duke replied to Taleexi's topic in Politics
^^^Khadar adeer, this whole story is becoming ludicrous and quite weak on your part. The whole coded attack on a clan “Puntland admin” is tiresome to say the least. Adeer, no one is claiming your regions, no one is wasting their valuable time dividing your clan. Its you who is running away from the truth at every turn. Can we have the editorials against Xabsade forwarded here kindly? Can we have on the record Ali Khalif, Xaglatosiye, Garad Jama attacking Xabsade for his treasonous actions against your clan. Your Garad insulted the people of Puntland and called them names. Can we have an audio of his taking his cousin Xabsade to task? -
Maamul Galmudug Oo ka Hadashay xilliga La Furaayo Dakada Hobyo
General Duke replied to OdaySomali's topic in Politics
Hobyo, what a beautiful place. this project is long overdue. -
A New Scramble for Africa -- land and water acquisitions by foreigners
General Duke replied to Baashi's topic in General
The West has lost their prime position in Africa and hence all the foul cries. Stuff and nonsense.. -
Puntland Administration's Betrayal of the SSC People
General Duke replied to Taleexi's topic in Politics
Bloody Puntland and its foolish Faroole should leave the valiant and poor SSC folks alone. Xaglatosiye is leading the struggle from Ohio. Xabsade is defending from Hargaysa. Garad Jama is supporting from Nairobi and Ali Kahlif is funding from Minnesota. There is no issue for the people of SSC other than Puntland. Puntland is occupying LA, Puntland is trying to create a new nation build on the beloved colonial British experience. Puntland is sending well fed militias to the countryside of Cayn. I just wish that Puntland would stop dividing this clan, then everything would be rosy. -
Gaalkacyo:Gudiga Amaanka & hormarinta gobolka Mudug oo Hormar dhinacyada Nadaafada, Amaanka & maamulka ah sameeyey Kadib Bil ay magacownaayeen. 1. juni 2011 APL Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka cusub ee amaanka & hormarinta gobolka Mudug oo ay maanta bishii koowaad ee xiligii lasoo magacaabay ayaa ay maanta soo gudbiyeen qeybo kamid ah waxqabadkoodii mudadii bisha ahayd ee ay jiraan taasoo lagu soo bandhigay xaflad balaaran oo ka dhacday xarunta dawlada Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay ka qeybgaleen maamulka cusub ee gobolka Mudug & boqolaal kamid ah shaqaalaha Puntland ee gobolka Mudug. Hadaba halkaan ka akhri waxqabadka Maamulka ee dhinacyada Arimaha Bulshada, Amaanka & kobcinta maamulka ee mudadii uu jiray.
-
Ciidamada Puntland iyo Raas Caseyr oo Caluula isku hor fadhiya
General Duke replied to OdaySomali's topic in Politics
Caluula, what a beautiful place. -
Qorshaha Waxqabadka Degmada bilaha soo socda Dayactirka saldhigyada degmada gaalkacyo. Dhamaystirka wadada airporka iyo stadiumka gaalkacyo Dayactirka dhamaan Gawaarida,Cagafyada iyo agabka kala duwan ee D/hoose ee aan shaqaynayn Dhisida suuqyo laga adeegto gudaha xero dayah iyo waliba meelo ka mid ah xaafadaha magaalada gaalkacyo. rarida kastamka halaboqad iyo dibu dajinta meel munaasib ku ah. sii dhamaystirka ololaha nadaafada iyo saro u qaadida bilicda magaalada furitaanka xerada gawraca xoolaha furitaanka wadooyin cusub iyo dayactirka kuwii horay u jiray. sii wadida dibu dajinta qaxootiyaasha iyo u samaynta guryo ku meel gaar ah sida xerooyinka halaboqad iyo tawakal. ka qayb qaadashada iyo taakulaynta amniga dhisida aargooyin ay leedahay magaalada gaalkacyo bilaabida xarun dawladda hoose ay leedahay oo u noqon doona xafiisyo kaas oo uu hirgalin doono barnaamijka horumarinta degmooyinka ee loo yaqaano JPLG. tababarida shaqaalaha dawlada hoose iyo madaxda waaxyaha barnaamijyada kala ah Maamulka, kormeerka iyo baarista, habka loo sameeyo qorsha shaqeedka iyo habka report celinta, xisaabaadka IWM. Kuwaasoo dhamaan dhisiya aqoonta shaqaalaha dawladda hoose waxaana barnaamijkaas hirgalin doona barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG. Tayaynta maamulka xaafadaha, tuulooyinka iyo deegaamada hoos yimaada degmada gaalkacyo. Iskaashiga iyo wada shaqaynta hay’adaha UNka iyo kuwa caalamiga ah wixii qorshayaal iyo horumarin ah oo ay ka hirgalinayaan degmada gaalkacyo. Waxaa noosoo gudbiyey. Mohamed Abdulkadir Dirir
-
Horumarinta Maamulka Waxay degmadu samaysay guddi qiimayn ku samaynaya shaqada, baahida iyo waxqabadka waaxyaha dawlada hoose ee degmada gaalkacyo kaasoo la rajaynayo inuu hawshiisa soo afmeero maalmaha fooda inaku soo haya. Waxay Degmadu samaysay darays u qaas ah collectorska canshuuraha ku waajibtay shacabka reer Gaalkacyo iyo waliba ID Cards lagu aqoonsado. Waxay Degmadu koronto galisay xabsiga magaalada gaalkacyo una soo gaday matoor koronto, xabsigaas oo markii hore aan lahayn koronto galin iyo matoor midna. Waxay Degmadu u dhistay maamul si xor ah lagu doortay xerada qaxootiga ee Tawakal taas oo ay in badan ka jirtay muran aan dhamaan. Degmadu waxay kor u qaaday wada shaqaynta laamaha dawladda dhexe ee heer degmo iyo heer gobolba ah ayadoo ku salaynaysa iskaashiga iyo wada shaqayntu inay tahay waxa kaliya ee looga miro dhalin karo xaalada degmadu ku jirto hadda. Qaadashe shaqaale cusub kuwaasoo loosoo marayo habka qaadashada shaqaalaha ee caalamiga sida shaqo dhajin,imtixaan loo siman yahay oo cadaalad ku dhaca.
-
Dowlada Puntland Puntland State Soomaaliyed of Somalia Maamulka Magaalada Gaalkacyo Galkio Administration City ( Xafiiska Duqa Magaaladda Gaalkacyo) REf.XDM/DG/ /2011 01-June-2011 2010 Subject: Soo gudbin wax qabad iyo qorshe hawleed dhamaadka sanada 2011. Waxaa sharaf wayn noo ah inaan halkaan ku soo gudbino waxqabadkii intii la magacaabay guddiga horumarinta iyo amniga gobolka Mudug. Waxqabadkii Maamulka Amniga Qaboojinta iyo xal u raadinta dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo xilwareejintii kadib dhamaadkii bishii April-2011 taasoo dhex martay beelaha walaalaha ah ee wada daga gaalkacyo,ayadoo uu maamulku gogol u fidiyey beelahaas wada hadalsiiyayna mudo badan si nabad iyo wada hadal loogu dhameeyo dhacdadaas. Degmadu waxay ka qayb qaaday isku xirka saldhigyada ku yaala magaalada gaalkacyo kuwaasoo wadaagaya warbixin maalmeedka sidoo kale waxay qayb ka ahayd hawlgallada habeenkii ay fuliyaan ciidanka roondooyinka ah ee suga amniga magaalada gaalkacyo. Degmadu waxay ciidan iyo qalab ku biirisay ciidanka habeenkii ka hawl gala magaalada si ay u sugaan nabad galyada magaalada. Nadaafada 1. Degmadu waxay qortay 30 qof oo shaqaale cusub oo nadaafadeed ah kuwaas oo loogu tala galay inay ka qayb qaataan nadaafada magaalada gaalkacyo iyo qashin uruurinta baraha kala duwan ee qashinku yaalo. 2. Degmadu waxay u samaysay shaqaalahaas laga keenay xerooyinka qaxootiyaasha darays u qaas ah kuwaas oo ay kaga soocan yihiin shaqaalaha kale ee dawladda hoose. 3. Degmadu waxay ka qayb qaadatay maaraynta booli biyoodyada magaalada gaalkacyo waqtiga roobabku da’ayeen. 4. Waxay gaadiidka dawlada hoose ku soo kordhisay gaari iska rogo ah, halkii ay markii hore ka shaqayn jirtay hal iska rogo oo kaliya.
-
-
5 saldhig bilays oo Galkacyo ku yaalla oo maanta dayactir iyo dib-u-habayn lagu bilaabay. Thu, 02 Jun 2011 12:38:06 -0400 pm -04:00 -14400 -------------------------------------------------------------------------------- Galkacyo, May 31 - Dayactir iyo dib u habayn baaxad leh ayaa maanta lagu bilaabay dhammaan xarumaha ciidamada bilayska ee magaalada Galkacyo taasoo ay ku-hawlan yihiin guddi-maamuleedkii dhawaan gobolka loo magacaabay. Xarumaha ciidan ee sida siman maanta looga wada bilaabay qorshaha dayactirid ayaa waxaa ay kala yihiin qaybta ciidanka bilayska gobolka Mudug, saldhigga dhexe ee Galkacyo, saldhigyada Warshad-gallay, Miir iyo Jeelka weyn ee maxaabiista. Qorshahaan lagu dayac-tirayo dhismayaasha xarumaha bilayska ee magaalada Galkacyo ayaa iskugu jira ku-kordhin-dhismayaal cusub, baddalid alaabbabada iyo daaqadaha duugoobay, rijiyeeyn iyo sidoo kale qorxin iyo qaabayn xafiiseed. Xaflada lagu daah-furayey qorshaha dib loogu hagaajinayo xarumaha bilayska Galkacyo ayaa maanta lagu qabtay qaybta ciidanka bilayska ee magaalada Galkacyo waxaana xafladdaasi ka soo qayb-galay xubnaha guddi-awoodlaha maamula gobolka iyo degmada, taliyayaasha bilayska laamigiisa kala duwan ee gobolka Mudug iyo sidoo kale wax-ku-ool bulsho oo lagu martiqaaday kulanka. Guddoomiyaha guddiga maamulka ahna guddoonka gobolka iyo degmada Cabdiraxmaan Maxamuud Cuuke oo hadal-kooban ka jeediyey kulanka lagu daah-furayey qorsha dib loogu habaynayo saldhigyada ayaa sheegay tallaabadaani in ay qayb ka tahay qorshayaal maamulkiisa u degan loogana shaqaynayo amniga iyo hormarka gobolka. Sidoo kale xarumo dawladeed oo badan ayna ka mid tahay xarunta guddoonka waxbarashada ee gobolka Mudug ayaa iyana ka mid ah meelaha lagu talo jiro in dib u habayn noocaan oo kale ah lagu sameeyo. Saldhigyadaan bilayska ee maanta dib-u-habayntooda la bilaabay ayaan muddo dheer helin wax daryeel iyo dayactir muuqda ah marka laga reebo rinjiyeeyn xilliyo kala duwan lagu sameeyey, waxaana ay tani hordhac u tahay tallaabooyin maamulka cusub oo dhawaan sheegay in uu u qaadi-doono xagga nabad-galyada iyo hormarka. C/fitaax C Geeddi, Radio Daljir.
-
Madaxwaynaha Puntland oo ka qaybgalaya shirka ka furmaya Uganda(Sawiro) 5 hours ago | 6 comments Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kambla ee xarunta dalka Uganda,halkaasi oo ay kaga qayb galayaan kulanka Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Somaliya oo lagu wado inuu maanta ka furmo dalka Uganda. Madaxwaynaha Puntland iyo wafdigiisa oo diyaarad ka soo raacay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa waxaa ku soo dhoweeyay magaalada Kambala masuuliyiin ay ka mid yihiin safiirka Somaliya ee dalka Uganda Amb.Sayid Axmed,xildhibaan Cabdixakiin Dhoobadaareed iyo jaaliyadda Puntland ee dalka Uganda oo ka kooban hogaamiye dhaqameed,arday iyo ganacsato. Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wafdigiisa ayaa kaga qeyb gali doona dalka Uganda shir lixdii bilood mar la qabto oo ay soo qabanqaabiyeen Uururka ay ku midoobeen dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo International Contact Group. Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeyb galaaya Madaxda DFKG Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DFKG Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan,iyadoo dhanka kale la sheegayo in ay ka soo qayb gali doonaan madax ka tirsan maamulka Somaliland. Waxaana lagu wadaa in looga hadlo dhaqaale ay dowladahaan ku midoobay ururka Contact Group ay lixdii biloodba mar ay kala hadlaan xubnaha sarsare ee DFKG Soomaaliya iyo maamulada ka kajira dalka Soomaaliya, kaasi oo la doonayo in lagu taageero ciidamada Midwoga Afrika iyo ciidamada DFKMG Soomaliyeed oo dagaalo kula jira xoogaga ka soo horjeeda ee Al-Shabaab. Ururka ayaa dhinaca kale lagu wadaa inta uu shirkooda socdo inay kaga hadlaan sidii loo xalin lahaa khilaafka ba’an ee ka dhextaagan masuuliyiinta Dowladda Faderaalka ee Somaliya,waxaana la sheegay in khilaafka masuuliyiinta dowladda inuu hoos u dhigay taageeradii maaliyadeed ee beesha caalamka ay siinaysay DKMG Somaliya. Waxaana shirkan oo ka furmi doono Hotelka Miyonyo Beach ee magaalada Kambala la’ogayn qodobada ka soo bixi kara,xilli shirkii Golaha Amaanka QM ee ka dhacay magaalada Nairobi ay ka soo horjeesteen qaar ka mid ah qodabadii ka soo baxay oo ay ka mid tahay in shirka uu ka dhaco magaalada Muqdisho,taasi oo ay masuuliyiinta maamuladii ka qaybgalay ay sheegeen inaysan suurta gala ahayn in xiligaan shirkaasi uu ka dhaco magaalada Muqdisho sababo ay ku sheegeen amni daro. Si kastaba kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee looga hadlo arimaha Somaliya kaasi oo ay si wadajir ah uga qaybgalaan madaxaynaha Puntland iyo madaxwaynaha Dowladda Faderaalka Somaliya,tan iyo intii uu soo shaac baxay khilaafka u dhaxeeya labada masuul. Horseed Media East Africa, Uganda, Kampala
-
Hadalada madaxdii shirka ka qeybgashay kadib waxaa shirka lagu go'aamiyey in maamulka cusub loo muujiyo wadashaqeyn rasmi ah iyadoo islagoobtana dadka shirka ka qeybgalay ay ku saxiixeen bixinta Kumanaan kun oo doolar oo uu Shantii Kun ee ugu horaysay ku deeqay Suldaan Cabdisalaan iyadoo ay jiraan ganacsato ku deeqday labajibaarka lacagtaas, Waxaana sidoo kale goobta haweenkii ka qeybgalay qaarkood ay ku bixiyeen "Dahabookoodoo"!, iyadoo dhanka kalena goobta lagu sameeyey balanqaadyo bixinta kharashaad intaas ka badan,Waxaana uu maamulka goobta ku helay taageero shacab oo u eg mid khasab ah maadaama aysan jirin meel kale oo la aado & Bixinta lacago badan oo ay dadku hormarkooda ku bixinayaan iyagoonan Dawlada & Hay'ad midna wax ka sugayn waana markii ugu horaysay oo ay Reer Gaalkacyo sameeyaan isku tashi intaas le'eg. Do it yourself is the way out. Well done reer Galkacyo, today you made me proud.
-
Shirkii ugu balaarnaa ee Aayaha Gaalkacyo looga talinayey oo Maanta dhacay & Maamulka Cusub oo Taageero Lacageed & mid shacaba helay maanta. 27. maj 2011 APL Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa maanta hoolka shirarka dugsiga sare ee Cumar Samatar (OSSS) ka dhacay shirweyne Balaaran oo ay kasoo qeybgaleen boqolaal qof oo reer Gaalkacyo ah kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Waxgaradka & duubabka dhaqanka ee gobolka Mudug islamarkaasna loogu magacdaray "Aaya katalinta Gaalkacyo" kaas oo lagu taageerayey gudiga cusub ee hormarinta & Amaanka gobolka Mudug islamarkaasna looga dhagaysanayey qorshahooda cusub ee ay wataan & sida ay shacabku baahida ugu qabaan in xaalada Gaalkacyo oo meel cakiran marayso wax laga qabto. Shirkan waxaa ka qeybgalay maamulka cusub ee gobolka Mudug, qeybo kamid ah isimada gobolka, Saraakiisha ciidamada, haween aad u farabadan, Dhalinyaro, ganacsatada ugu waaweyn gobolka Mudug, Takhaatiirta ugu caansan gobolka Mudug, xildhibaano ka mid ah golaha wakiilada ee Puntland,xubno kamid ah qeybaha kaladuwan ee bulshada Gaalkacyo & siyaasiyiin badan oo ay kamid yihiin Wasiiradii hore ee caafimaadka & maaliyada ee dawlada Puntland, kuwaasoo saacado badan joogay hoolaka cumar Samatar islamarkaasna looga dooday xaalada ay imika Gaalkacyo marayso. Kulanka waxaa mid-mid loogu soo qaaday dhibaatooyinka aanan la qarin karin ee Gaalkacyo haystay labadii sano ee danbaysay, taaso lagu laayey tobonaan kamid ah Indhihii Gaalkacyo, iyadoo sidoo kalena lagu soo qaaday dhibaatooyinkii ay Gaalkacyo ku reebeen waxqabad & tayo xumidii maamuladii Gaalkacyo isaga danbeeyey tan & markii dawlada dhexe ee Puntland la sameeyey, iyadoo dhanka kalena lagu soo qaaday dilalka joogtada ah ee Gaalkacyo ka dhaca & difaacista malayshiyo beeleedyadu ay difaacaan dadka dhibaatooyinka geysta, Waxaana sidoo kale shirka lagu soo qaaday maamulka cusub oo u eg iftiin usoo baxay Mudug & sidii loo taageeri lahaa iyadoo shacabka & Maamulku uu yeelanayo xiriir toos ah. Suldaan Cabdisalaan Suldaan oo kamid ah Isimada gobolka Mudug kana mid ahaa qabanqaabiyeyaashii shirkan ayaa Mid-Mid & kooxkooxba usoo qaatay dadkii Gaalkacyo lagu dilay oo aanan xataa weli lahayn cid loo raacdo, Wuxuuna dhanka kale Suldaanku shacabka ka codsaday inay ka shaqeeyaan sidii Gaalkacyo looga saari lahaa xaaladan islamarkaasna loo gudbi lahaa waqti kala guur ah oo laga guurayo Fool xumada & amnixumadi loona guurayo Hormar & iskaashi ay reer Gaalkacyo ka yeeshaan dhibaatooyinka aysan la qabin bulshada reer Puntland ee la degen, Wuxuuna suldaanku jeediyey khudbad dhaqaajisay dhiiga Boqolaalkii qof ee ka qeybgashay iyadoo ay dadku muujiyeen sida ay uga tiiraanyeysanyihiin dhibaatooyinka haysta oo Ilaahay laga baryey inuu bulshada reer Gaalkacyo ka qaado Musiibada ku habsatay. Madaxweyne kuxigeenkii hore ee dawlada Puntland soona qabtay xilka Wasiirka Maaliyada ee Puntland Dr.Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo kamid ahaa siyaasiyiintii ka hadashay shirkii Maanta ayaa si aan gabaad lahayn u sheegey in mudadii ay Puntland jirtay Gaalkacyo ay ahayd mid xasiloonidu ku hoosayso islamarkaasna aysanba ka muuqan wax raad dowladeed ah, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay iyagu aayahooda ka tashadaan ayna isku tashadaan islamarkaasna aysan cid danbe wax ka sugin, isagoo goobta ka balanqaaday inuu samaynayo taageero waxkasta oo uu awoodo ah oo uu maamulka cusub kula shaqaynayo. Gudoomiyaha gudiga hormarinta & Amaanka gobolka Mudug Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke ayaa goobta ka jeediyey khudbad ku saabsan qorshaha maamulkiisa, wuxuuna qiray in aysan jirin raadad dowladeed oo ay Gaalkacyo leedahay, Isagoo sheegey in ay diyaar u yihiin waxka qabashada arimaha Amaanka oo ay imika faraha kula jiraan waxbadana ka badaleen oo ay ku mashquulsanyihiin laba jibaaristooda, isagoo intaasd kudaray inay ka xunyihiin in dadka reer Gaalkacyo ay gabaldhaca xaroodaan sababo amaan dartiis, isagoo sheegey in qorshihiisa ay ku jirto in amaan dartiis waqtiyo danbe la caweyn doono, Wuxuuna codsaday in shacabku ay taageeraan islamarkaasna ay waxqabadka uu rajeynayo qeyb ka qaataan taasoo ay soo dhaweeyeen dadkii shirka ka qeybgalay. Hadalada madaxdii shirka ka qeybgashay kadib waxaa shirka lagu go'aamiyey in maamulka cusub loo muujiyo wadashaqeyn rasmi ah iyadoo islagoobtana dadka shirka ka qeybgalay ay ku saxiixeen bixinta Kumanaan kun oo doolar oo uu Shantii Kun ee ugu horaysay ku deeqay Suldaan Cabdisalaan iyadoo ay jiraan ganacsato ku deeqday labajibaarka lacagtaas, Waxaana sidoo kale goobta haweenkii ka qeybgalay qaarkood ay ku bixiyeen "Dahabookoodoo"!, iyadoo dhanka kalena goobta lagu sameeyey balanqaadyo bixinta kharashaad intaas ka badan,Waxaana uu maamulka goobta ku helay taageero shacab oo u eg mid khasab ah maadaama aysan jirin meel kale oo la aado & Bixinta lacago badan oo ay dadku hormarkooda ku bixinayaan iyagoonan Dawlada & Hay'ad midna wax ka sugayn waana markii ugu horaysay oo ay Reer Gaalkacyo sameeyaan isku tashi intaas le'eg. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
-
-
Kenyan PM arrives in Eatleigh Nairobi
-
Eastleigh, Nairobi
-
-
^^^Funny, how Salah forgets that in the TFG you have Somalilanders, and Al Shabaab is led by Somalilanders. And in Geneva you have a Somalia delegation that contained a Minister from the Somaliland region. Also in Nairobi we had a delegation of Somaliland Ministers in a meeting with other fellow Somali's from Somalia. However Somaliland President was not invited to the Swearing in ceremony of the Presidents of Djibouti, Uganda and anywhere else. Know your place people.